Toggaherer’s Weblog

CUNSURUYIIN AFDUUB IYO JIDH DIL U GEYSTAY ARDAY SOOMALI AH WADANKA POLAND

Posted on: June 9, 2009

CUNSURUYIIN AFDUUB IYO JIDH DIL U GEYSTAY ARDAY SOOMALI AH WADANKA POLAND

Faysal oo ah 25 jir haysta dhalashada dalka Sweden, asal ahaana ka soo jeeda dalka Soomaaliya, waxa uu ka soo baxay gurigiisi isaga oo u socda Maktabada (Library), 15 daqiiqo kadib markii dantiisi uu soo dhamaystey, ayaa waxaa afduubtey sadex nin oo ah cunsuriyiinta (racists) dalka Poland.Waxa ay igu sameeyeen jidhdil muddo laba maalmood ah.

click to comment

Ugu danbeyntii waxaan ka codsadey in ay iska kay dilaan oo jidhdilka iga daayaan ayuu yidhi Faysal.

Afartii sano ee u danbeysey Faysal waxa uu ka baranaayey Cilmiga Caafimaadka dalka Poland isaga iyo gabadh walaashiis ah, waxa ay ku soo koreen oo deganaan jireen Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Markii ay u guureen dalka Poland si ay uga bartaan cilmiga caafimaadka waxaa loo sheegay in halkaas ay joogaan cunsuriyiin mannaxayaal ah, laakiin marna uma aysan malayn in ay saameyneyso dhibta cunsuriyiinta.

Arbacadii la soo dhaafey galabnimadeedi waxaan ku sii jeedey gurigaygi.Isla markiiba waxaan dareemay Fatoorad (gaadhi) dhinacyga istaagay, aniga oo aan jaleecada iyo eegmada dhamaysan, waxaa igu dhacdey haraati aan dhulka ku dhacay.

Faysal waxa uu ka hadley sida sadex nin oo aanu garanayn ugu tuureen gaadhigii dhinaciisa la dhigay. Wax kasta si deg deg ah ayey ku dhaceen.Hal mar ayey gaadhiga i dhexdhigeen kadibna iga xidheen gamcmaha, waxkasta oo aan siteyna iga qaateen. Kadib waxa ay igeeyeen guri aana weligay arag ayuu yidhi Faysal, waxa ay ii sheegeen in aysan dooneyn in ay ku arkaan isaga oo jooga Dalkooda, Waxa ay bilaabeen in ay i garacaan waxaa ay ila dhaceen ul culeys badan, waxa ay haraati iyo laad igala dhaceen jidhka oo idil, Kadib Faysal waa miyir doorsoomey, laakiin cunsuriyiintii (racists) waxa ay sii wateen jidhdilkii ay ku hayeen, Faysal waxa uu sheegay in dhiig bax badan ku dhacay, nafta markuu u yaabeyna uu ku qayliyey in aan dhinto ayaan rabaa.

Markii ay ku hayeen jidhdilkaas muddo laba maalmood ah ayey maalintii sadexaad soo dhigeen waddo cidla ah oo ah nooca loo yaqaan Highway, ugu danbeyntii waxaa halkaas ka helay Booliska oo ugu yeedhay gargaarka deg dega ah, waxa uu weli ku sugan yahay dhakhtarka.

Boolisku waxa ay tuhunsanyihiin in arintan ay ka danbeeyeen Kooxaha Cunsuriyiinta ah ee dalka Poland, ma ahan Faysal oo keliya waxa arintan ay ku dhacdey ee waxaa jira ardey badan oo asal ahaan ka soo jeeda Qaarada Afrika oo sidaan loogu garaacey dalka Poland.

Faysal waxa uu sheegay in 4 sano oo waxbarasho ah kadib aanu u adkeysan karin waxa uu la kulmey sida ugu dhakhsiyaha badana uu dib ugu laabanaayo Gurigiisi Gothenburg ee Sweden.

Sheekadan waxaa maanta qorey Joornaalka loogu akhriska badan yahay dalka Sweden ee Aftonbladet.

Leave a comment