Toggaherer’s Weblog

Archive for January 2009

M/WEYNE RAYAALE OO ISTIQLAALADII KA AQBALAY WASIIRU DAWLAHA HAWLAHA GUUD

Warsaxaafadeed

Date: 31/01/2009

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta istiqaalad ka aqbalay Wasiirul dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Aadan Maxamed Diiriye oo Maanta istiqaalad u gudbiyay Madaxweynaha.

Madaxweynuhu, waxa uu aqbalaada istiqaalada ku yidhi “Waan helay istiqaaladaadii Summadeedu ahayd WHG/WD/MWJ/29/08 ee 31-01-2009, waanan fahmay nuxurkii ay xambaarsanayd.

Aad iyo aad baanan kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynay, waxaanan kula socodsiinayaa in aan kaa aqbalay codsigaagii shaqo ka tagista ahaa, waanad ku mahad san tahay”.,

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Advertisements

 

YAA LAGU WADAA IN UU NOQDO LOONA MAGACAABO RA’ISAL WASARE XUKUUMADA SHARIIF MADAXDA KA YAHAY

 

Djibouti 31 Jan 2009 ToggaHerer
Iyadoo laga dhawraayo maalmaha soo socda madaxweynaha la doortay Shariif Sheekh Axmed in uu soo magacaabo R/Wasaare Cusub ayaa la hadal hayaa in ay soconayaan wada tashiyo uu kaga dhigayo R/wasaarahaasi Maslax Max’ed Siyaad Barre oo wareeggi u danbeeyay shariifka kula loolamay tartanka ama Cali Khaliif Galaydh, isaga oo tixgelinaya hanaanka awood qaysbiga ee ku dhisan 4.5 ee dastuurka u degsan KMG 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in madaxweyne Shariif sheekh Axmed uu kulamo la leeyahay xubno kala duwan oo uu kala tashanayo hanaanka ay tahay in uu usoo magacaabo R/wasaaraha.

General Maslax Max’ed siyaad Barre ayaa ah Taliyihii Ciidanka Guutadii loo yaqaan 77 ee Rajiimkii Afweyne Barre isaga oo intii xukunka laga tuuray Aabihii aan lagu arag masrax Siyaasada Somalia sidoo kalena ah nin Danbiile ah oo Tacadiyo Badan ka Geystay una Geystay Shacbiga Somalida intii uu Abihii Haystay kuna amar ku taaglayanay Xukunka Somaliya.

Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa Ah isna Ra’isal Wasarihii Xukumadii Carta ee Saqiirtay ee C/qaasim Salaad Boy isaga oo ka yimi Wadanka Maraykanka badanka ayaa Dr Galaydh la maqlaa ama la arkaa Wakhtiyada ay jiraan Shirar Somalida loo qabto.

Xafiiska Warqabdka ToggaHerer Djibouti

ToggaHerer Staff:Saleebaan Ibraahim Iyo Maxamed Muse

SHEEKH XASAN AWEYS WAX MACNO AH KUMA FADHIDO NATIIJADDA KA SOO BAXADAY SHIRKA JIBUUTI

Asmara 31 Jan 2009 ToggaHerer
Gudoomiyaha Isbahysiga dib u xoreynta garabka Asmara Sh. Xassan Daahir Aweys ayaa wax aan micno ku dhisnayn ku tilmaamay natiijadii ka soo baxday Shirkii ka socday dalka Jabuuti oo madaxweynaha Soomaaliya loogu doortay Sh Shariif Sh Axmed .

Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoraynta garabka Asmara Sh.Xasan Daahir Aweys oo waraysi siiyey teleefishanka ku hadla afka carabiga ee Al-Jazeera ayaa waxaa uu ku sheegay in shirka Jabuuti iyo wax ka soo baxay ba aysan wax macno ah ugu fadhin isaga iyo inta la ra,yi ah madax weynaha loo doortay sh shariif iyo haddii cid kale ay ku soo bixi lahayd.

Sh. Hassan Daahir Aweys ayaa ka dhawaajiyey in doorashada madax weynanimo ee loo doortay Sheikh Shariif laga leeyahay dano gaar ah oo salka ku haya in mabaadiida diineed ee ay xanbaarsan yihiin shacabka Soomaaliyeed laga leexiyo

Sheikh Xassan Daahir Aweys iyo Sheekh Shriif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay aad u kala foogaadeen ilaa iyo intii uu Sh. Shariif Sheikh Axmed iyo qaar ka mid ah madaxdii Isbahaysiga ay wada xaajood la fureen DFKM iyagoo wada hadaladaas oo inta badan ka dhacayey dalka Jabuuti ay Isbahaysiga garabka Jabuuti ay sheegeen in ay guul ka soo hoyeen guushaas oo ah in ciidanka Itoobiya dalka si nabad gelyo ah ay uga baxeen.

Maxamed Muse

SHEEKH SHARIIF OO KU GUULEYSTAY DOORASHADA IYO MASLAX SIYAAD OO GALAY KAALINTA 2 AAD

Sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa waxaa uu ku guulaystay xilka madaxtinimada Soomaaliya kadib markii uu cod aqlabiyad leh ka helay barlamanka isku dhafka ah ee Soomaaliya ee ku shiray Djibouti.

Musharixiinta uu la tartamay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ay gaadhayeen ilaa 11-musharax iyadoo wareegii ugu horeeyay ee codeynta ay soo baxeen ilaa 6-musharax oo kala ah Cali Qaliif Galeydh oo helay cod gaadhaya 31,Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna helay cod gaadhaya 215-cod,Nuur Cadde,oo ku guulaystay 59-cod,Maslax Max’ed Siyaad Barre 60-,Max’ed Cusmaan Aadan 25,iyo C/raxmaan Guulwade oo isagana ku guuleystay 10-cod.

Wareegii labaad ee doorashada ayaa waxaa isugu soo hadhay 6-daasi musharax iyadoo ay hadheen 5-tii Kale,waxaana markii uu wareega labaada bilowday ku dhaawaqay in uu doorashada isaga hadhay Cali Khaliif oo goobta cod bixinta ka sheegay in uu ka tanaasulay doorashada madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxaa halkaasi ku dhawaaqay in u isga hadhay tartanka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo sidoo kale Max’ed Cusmaan Adan oo isna ka hadhay tartanka iyadoo uusan goobta tartanka wareegii labaad soo xaadirin C/raxmaan Guulwade taasoo keentay in gudoonka baarlkammaanku ay sheegeen in uu ka hadhay tartanka.

Gudoomiyaha barlammaanka Sheekh Adan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in wareegii labaad loo badalayo kan sedaxaad maadaama ay isugu soo hadheen Sheekh Shariif iyo Maslax Max’ed SIyaad Barre isla markaana cod dheeri lagu guulaysanayo.

Kadib markii ay in mudo ah socotay codaynta ayaa waxaa ay labada musharax kala heleen codad kala gaadhaya Maslax Max’ed Siyaad oo helay 126-cod iyo sheikh Shariif Sheekh Axmed oo isna ku guulaystay 293-cod taasi oo sababtay in ay soo afjaranto doorashadii madaxtinimada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur oo hagayay doorashadii Caawa ayaa sheegay in uu madaxweynaha Soomaaliya ku guulaystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed kadib markii uu ka cod badiyay Maslax Max’ed Siyaad Barre oo isagu kaalinta labaad ka galay doorashadii caawa ka dhacday Jabuuti.

Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo markii lagu dhawaaqay doorashadiisa halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay nabadda raadin doonaan islamarkaana ay wadamada dariska ah ay soomaaliya nabad kula noolaandoonto,isagoo tilmaamay in Soomaaliya aysan aheeyn meel caalamka looga duulo laakiin ay tahay meel ay ku noolyihiin dad masaakiin ah oo u baahan in la taageero.

Kadib markii lagu dhawaaqay doorasahada madaxtinimada Soomaaliya in uu ku guulaystay ayaa gudaha magaalada Muqdisho waxaa laga maqlay rasaas xoogan oo mar qudha is qabsatay taasi oo loogu dabaaldagayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xafladda dhaarinta madaxwaynaha ayaa la filayaa in ay maanta 9,00 subaxnimo ka dhacdo hotelka Kampisi iyadoo dhaarta kadib Sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa waxaa uu ku guulaystay xilka madaxtinimada Soomaaliya kadib markii uu cod aqlabiyad leh ka helay barlamanka isku dhafka ah ee Soomaaliya ee ku shiray Djibouti.

Musharixiinta uu la tartamay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ay gaadhayeen ilaa 11-musharax iyadoo wareegii ugu horeeyay ee codeynta ay soo baxeen ilaa 6-musharax oo kala ah Cali Khaliif Galeydh oo helay cod gaadhaya 31,Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna helay cod gaadhaya 215-cod,Nuur Cadde,oo ku guulaystay 59-cod,Maslax Max’ed Siyaad Barre 60-,Max’ed Cusmaan Aadan 25,iyo C/raxmaan Guulwade oo isagana ku guuleystay 10-cod.

Wareegii labaad ee doorashada ayaa waxaa isugu soo hadhay 6-daasi musharax iyadoo ay hadheen 5-tii Kale,waxaana markii uu wareega labaada bilowday ku dhaawaqay in uu doorashada isaga haray Cali Khaliif oo goobta cod bixinta ka sheegay in uu ka tanaasulay doorashada madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxaa halkaasi ku dhawaaqay in u isga hadhay tartanka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo sidoo kale Max’ed Cusmaan Adan oo isna ka haray tartanka iyadoo uusan goobta tartanka wareegii labaad soo xaadirin C/raxmaan Guulwade taasoo keentay in gudoonka baarlkammaanku ay sheegeen in uu ka hadhay tartanka.

Gudoomiyaha barlammaanka Sheekh Adan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in
wareegii labaad loo badalayo kan sedaxaad maadaama ay isugu soo hareen Sheekh Shariif iyo Maslax Max’ed SIyaad Barre isla markaana cod dheeri lagu guulaysanayo.

Kadib markii ay in mudo ah socotay codaynta ayaa waxaa ay labada musharax kala heleen codad kala gaaraya Maslax Max’ed Siyaad oo helay 126-cod iyo sheikh Shariif Sheekh Axmed oo isna ku guulaystay 293-cod taasi oo sababtay in ay soo afjaranto doorashadii madaxtinimada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur oo hagayay doorashadii Caawa ayaa sheegay in uu madaxweynaha Soomaaliya ku guulaystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed kadib markii uu ka cod badiyay Maslax Max’ed Siyaad Barre oo isagu kaalinta labaad ka galay doorashadii caawa ka dhacday Jabuuti.

Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo markii lagu dhawaaqay doorashadiisa halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay nabadda raadin doonaan islamarkaana ay wadamada dariska ah ay soomaaliya nabad kula noolaandoonto,isagoo tilmaamay in Soomaaliya aysan aheeyn meel caalamka looga duulo laakiin ay tahay meel ay ku noolyihiin dad masaakiin ah oo u baahan in la taageero.

Kadib markii lagu dhawaaqay doorasahada madaxtinimada Soomaaliya in uu ku guulaystay ayaa gudaha magaalada Muqdisho waxaa laga maqlay rasaas xoogan oo mar qudha is qabsatay taasi oo loogu dabaaldagayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xafladda dhaarinta madaxwaynaha ayaa la filayaa in ay maanta 9,00 nsubaxnimo ka dhacdo hotelka Kampisi iyadoo dhaarta laga sugayo madaxwaynaha Somalia in uu ka qayb galo kulanka 12aad ee dalalka Africa oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee xarunta midawga Africa.

Wariye Saleebaan Ibrahim
DJibouti

QORMADII TAXANAHA AHAYD EE MAGACEEDU AHAA OGAALKAAGA KU DARSO

QORMADII TAXANAHA AHAYD EE MAGACEEDU AHAA OGAALKAAGA KU DARSO

OGAALKAAGA KU DARSO QAYBTA 2

WAA QAYBTI LABAD EE QORMADI TAXANE AHAA EE OGAALKAAGA KU DARSO OO AY IDIIN SOO GUDBIN DOONTO SHABAKADDA TOGGAHERER.
QORMADAN AYAA AH MID AAD KALA SOCON DOONTAA WAXYAABO KALA DUWAN OO KUU SABSAN JUQRAAFIGA ADUUNKA.

1.OCEANS OF THE WORLD (by size)

Pacific(155,557,000 sq km)
Atlantic(76,762,000 sq km)
Indian(68,556,000 sq km)
Southern (20,327,000 sq km)
Arctic (14,056,000 sq km)

Note: the Southern Ocean was approved in 2000 by the International Hydrographic Organization. It is now the fourth largest ocean.

2.MAJOR RIVERS (By Length)

Nile, Africa (6,825 km)
Amazon, South America (6,437 km)
Chang Jiang (Yangtze), Asia (6,380 km)
Mississippi, North America (5,971 km)
Yenisey-Angara, Asia (5,536 km)
Huang (Yellow), Asia (5,464 km)
Ob-Irtysh, Asia (5,410 km)
Amur, Asia (4,416 km)
Lena, Asia (4,400 km)
Congo, Africa (4,370 km)
Mackenzie-Peace, North America (4,241 km)
Mekong, Asia (4,184 km)

3.MAJOR SEAS (by size)

South China (2,974,600 sq km)
Caribbean (2,515,900 sq km)
Mediterranean (2,510,000 sq km)
Bering (2,261,100 sq km)
Gulf of Mexico (1,507,600 sq km)
Arabian Sea (1,498,320 sq km)
Sea of Okhotsk (1,392,100 sq km)
Sea of Japan (East Sea)
(1,012,900 sq km)
Hudson Bay (730,100 sq km)
East China (664,600 sq km)
Andaman (564,900 sq km)
Black Sea (507,900 sq km)
Red Sea(453,000 sq km)

4.TALLEST MOUNTAINS

(On Each Continent)
Mount Everest 8850m (29035ft) Asia
Aconcagua 6959m (22831ft) S. America
Mount McKinley 6194m (20320ft) N. America
Mount Kilimanjaro 5963m (19563ft) Africa
Mount Elbrus 5633m (18481ft) Europe
Puncak Jaya 4884m (16023ft) Oceania
Vinson Massif 4897m (16066ft) Antarctica

5.LANGUAGES OF THE WORLD

Languages spoken by the most people
(Native speakers only)
Chinese Mandarin 1 billion +
English 512 million
Hindi 501 million
Spanish 399 million
Russian 285 million
Arabic 265 million
Bengali 245 million
Portuguese 196 million
Malay-Indonesian 140 million
Japanese 125 million
German 100 million
Korean 78 million
French 77 million
Chinese, Wu 77 million
Javanese 75 million
Chinese. Yue 71 million

6.LARGEST DESERTS OF THE WORLD

Sahara, North Africa 3,500,000 sq. miles
Arabian, Middle East 1,000,000 sq. miles
Great Victoria, Australia 250,000 sq. miles
Rub’al Khali, Middle East 250,000 sq. miles
Kalahari, Southern Africa 225,000 sq. miles
Syrian, Middle East 200,000 sq. miles
Chihuahuan, Mexico 175,000 sq. miles
Thar, India/Pakistan175,000 sq. miles
Great Sandy, Australia 150,000 sq. miles

7.HOTTEST,COLDEST,DRIEST,WETTEST COUNTRIES

Hottest Place Dalol, Denakil Depression, Ethiopia, annual average temperature (93.2°F, 34°C)
Coldest Place Plateau Station, Antarctica, annual average temperature (-56.7°C)
Wettest Place Mawsynram, Assam, India, annual average rainfall (11,873 mm, 467.4″)
Driest Place Atacama Desert, Chile, imperceptible rainfall on a yearly basis

Source:World Atlas

Diyaariyaha Qoramadda :Mohamed Aden Nur
ISlamabad Pakistan

DIBLOMASIYIN IYO GANACSADAYAL FARCE AH OO KA XOG WARAMAY UJEDADA SOCDAL AY KU JOOGAN HARGEYSA

Diblamaasiyiin iyo Ganacsadayaal Faransiis ah ayaa shalay Booqasho ku yimi dalka Somaliland, Islamarkaana waxa ay sheegeen in ujeedadooda socdaalkoodu la xidhiidho arrimo ganacsi iyo ka qayb-gelka bilowga Xafiis Baan BCIMA oo Faransiis ahi ka furaynayo Hargeysa.

Waftigan oo xalay wareysi gaar ah hotel Mansoor ku siiyay Wariyayaal ka socda Wargeysyada Ogaal iyo Haatuf, waxa ugu horeyn qeybaha waftigan iyo ujeedadooda faah-faahin ka bixiyay, Xoghayaha koobaad ee Safaaradda Faransiiska ee Djibouti Thierry Choinier oo horkacaya waftigan, waxana uu sheegay in wafti ahaan ay isugu jiraan Saraakiil ka kala socota wasaarada arrimaha dibada ee Faransiiska, Safaaradda dalkaasi ku leeyahay Djiboti iyo saraakiil mataleysa shirkaddo Ganacsi. Waxana uu sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay Hargeysa u yimaadeen ay tahay ka dumlamaasiyiin ahaan inay dhiiri geliyaan xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Faransiiska. “Sidoo kale, waxa Beri (Maanta) imanaya Safiirka dawlada Faransiiska u fadhiya Kenya, Waxaanu kullan la yeelanaynaa Wasiirka arrimaha dibada Somaliland, waxa kale oo aanu tageynaa Dekada Berbera beri (Maanta), Axadana waxaanu ka qayb-gelaynaa xaflad loo sameynayo Furitaanka Xafiis Baan Faransiis ahi ka furanayo Hargeysa (BCIMA). Waxaanu ku faraxsanahay inaanu xidhiidh dhaqan dhaqaale la yeelano Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi Xoghayuhu. Choinier, waxa uu sheegay oo kale inay kullamo la yeelanayaan Wasiirrada Maaliyada iyo Arrimaha Gudaha. “Tusaale ahaan, Waxa jira urur ay leeyihiin dadka reer Somaliland ee ku hadla Afka Faransiiska dadkana bara Luuqadan oo aanu taageero.” Sidaas ayuu yidhi Choinier oo aanu weydiinay ilaa hadda xidhiidhada ay la leeyihiin Somaliland iyo hadii uu jiro door ay ku leeyihiin geedi-socodka horumarinta addeegyada bulshada. waxana uu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal aanu ka weydiinay taageerada ay u geystaan Xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Faransiiska. “Dawlada Somaliland ayaa leh awooda ay kaga furatay Xafiiska Paris (Farance), sababtoo ah, waxaanu aqoonsanahay waxa Somaliland u qabsoomay.”

Thierry Choinier oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidha qaababka dawladoodu u waajahdo budhcad badeeda oo inta badan xoog ah iyo cawaaqibka ka dhalan kara, waxa uu ku dooday in taas ay u suurtagelisay awooda mulatarigoodu. “Hawl-galada aanu ku qaadney Budhcad-badeedu waxay muujineysaa Awooda Ciidankayaga.” Ayuu yidhi.

Thierry Caboche oo ah Wakiilka Wasaarada Arrimaha dibada ee Faransiiska u qaabilsan dalalka Geeska Afrika ee Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Somalia iyo Somaliland, ayaa ka waramay sidoo kale, xidhiidhka Somaliland iyo Faransiiska, “Sidaad ogtahay Faransiisku waxa uu horumarinayay xidhiidhka uu la leeyahay masuuliyiinta Somaliland, sidoo kale waxa Somaliland u jooga Paris wakiil. Anaguna sidoo kale, waxaanu xidhiidho kala soo sameynaa Somaliland safaaradayada Djibouti, waxa kale oo iyana jira hawl-galo kala duwan oo masuuliyiinta Somaliland ku yimaadeen Djibouti, si ay xidhiidho halkaa uga abuuraan. Taasina waxay ahayd 2007-dii, waxa iyaguna jiray safaro Safaaradayada Djibouti ku timi Somaliland si ay u horumariyaan xidhiidhada una bartaan hogaanka Somaliland. Islamarkaana u fahmaan arrimaha Gobol ahaan, laga soo bilaabo 2007 Faransiis ahaan waxaanu la lahayn Somaliland xidhiidho kooban, waxaanan u maleynayaa in aanu yaqiinsanay in xidhiidhadaasi ay ahaayeen kuwo muhiim ah, sababta oo ah marka ugu horeysa waxay calaamad u tahay dhiiri-gelin aanu ku siineynay si masuuliyiinta Somaliland ku sii taagnaadaan hanaankooda horumarineed iyo dimuqraadiyadeed.

Waxa kale oo xiise leh, in Faransiiska uu joogo oo uu xafiis ku leeyahay Paris, shaqsi (Fagadhe) matalaya oo wakiil u ah Somaliland, sidaa daraadeed, waxa uu fududeynayaa xidhiidhada ka dhexeeya Somaliland iyo Farance, taasina waa hawsha uu haatan ku jiro Ambassator Fagadhe.” Sidaas ayuu yidhi Thierry Caboche.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay bishii september 2008, waxa jiray wafti Madaxweyne Rayaale hogaaminayay oo booqday dalka Faransiiska, waxana la is weydiin karaa saameynta socdaalkaasi yeeshay iyo inuu wax ka badaley arragtida siyaasadeed ee dawlada Faransiiska ku cabirto Somaliland. Sidaa daraadeed, Su’aal arrintaa la xidhiidha oo aanu weydiinay, wakiilka wasarada arrimaha dibada Faransiiska u qaabilsan Geeska Afrika Thierry Caboche waxa uu ku jawaabay. “Waxaan u maleynayaa, waxba ismey badelin ee weli waxaanu ku soconaa jihadayadii siyaasadeed ee aanu ku horumarineynay xidhiidhada ka dhexeeya masuuliyiinta dalkayaga iyo masuuliyiinta Somaliland, markaa wax is bedal ahi ma jirin. Laakiin, cadaymaa jira muujinaya in Somaliland ay u qalanto ku xisaabtan, islamarkaana si dhow ayaanu ulla soconaa arrimeheeda. Marka lagu darro horumarinta dhinaca dhaqaalahana, waa sababta ugu muhiimsan ee socdaalkayagani ku saleysan yahay taasoo ah isku xidhka dhaqaalaha. Waxaan u melaynayaa inay tahay markii koobaad ee aanu Somaliland la nimi talaabooyin horumar leh, taasoo aan filayo inay tahay muhiim.”sidaas ayuu yidhi.

Thierry waxa uu ka hadlay arrimaha budhcad badeeda oo uu sheegay in Faransiisku door muhiim ah ku leeyahay dedaalada lagaga hortegayo khatarta budhcadbadeedu ku hayso Gobolka iyo dunidaba. “Waxaanu bilownay hawl-geladan November 2007, ka dib markii Madaxweynaha Faransiisku soo dhigay in la ilaaliyo Maraakiibta u raran hayada WFP ee meel kasta oo ka mid ah Somaliya u sida cuntada, kuwaasoo khatar kala kulmayay budhcad badeeda, badhkoodna la afduubay. Sidaa daraadeed, marka ugu horeysa waxaanu bilownay inaanu gelbino Maraakiibta deeqda sida. Taasoo ay nagaga deydeen wadamada Denmark, Canada iyo Holand. Intaa ka dib-na waxaanu door muhiim ah ka ciyaarney dar-der gelinta qaraarkii Marykanku soo dhigey ee ahaa 18/16, si uu noo siiyo awood aanu ku fara-gelino biyaha gudaha Xuduudka Soomaaliya.”ayuu yidhi, sidoo kale, waxa uu sheegay in Faransiiska oo ah wakhtigan Madaxweynaha midowga Yurub uu door ka qaato hawl-galo uu sheegay in lagu ilaalinayo Gacanka Cadmeed.

Isaga oo ka sii hadlaya arrimaha ka hortagista budhcad-badeeda waxa uu sheegay Wakiilku, in xidhiidh iskaashi ay kala leeyihiin Somaliland. Waxana uu intaa ku daray oo uu sheegay in dhinaca Argagixisada sidoo kale ay iska kaashadaan Somaliland iyo Faransiisku oo ay is dhaafsadaan macluumaadka. Waxana uu ku dooday in ay kaalin ka qaateen daweynta dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Hargeysa ka dhacay 29/10, kuwaasoo la geeyay Djibouti. 

Thierry Caboche mar aanu wax ka weydiinay arrigtidooda doorashooyinka soo socda ee Somaliland iyo doorka ay ku leeyihiin waxa uu sheegay inay la socdeen qaabka diiwaan-gelintu uga dhaceysay Somaliland, “Waxaana aanu si aad u dhow ulla soconeynaa doorashada, Islamarkaana waxaanu aad ugu faraxsanahay oo aanu rajeynaynaa in doorashooyinkaasi ku dhacaan hanaan cadaaladeed iyo sida ugu dhaw ee dimuquraadiyadeed…ta aqoonsiga Somaliland, Faransiis ahaan iyo ka Midowga yurub ahaanba waxa aanu aaminsanahay inay arrintaasi u taalo Somaliland, masuuliyiinta koonfurta Soomaaliya iyo midowga Afrika, islamarkaana waa arrin ay tahay in ay wadamada Afrika iyo midowga Afrikaanku ku talaabsadaan ugu horeyn, dabadeedna ay la socodsiiyaan beesha caalamka waxa la yeelayo.”

Madaxa waaxda ganacsiga ee safaarada Faransiiska Emmanuel BOROS, oo su’aalo door ah aanu ka weydiinay socdaalkooda Hargeysa, waxa uu sheegay in ay taageersan yihiin ka safaarad ahaan, hanaanka Baankan lagu furayo iyo ka shaqeyntiisuba in ay ka sii socoto Somaliland. “Sidoo kale, waxaanu halkan u nimi sidii aanu u heli lahayn macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha ganacsiga iyo xaallada Somaliland, si aanu markaa ulla socodsiino macluumaadka ay Somaliland uga baahanyihiin shirkadaha Faransiiska ah ee xiiseyn kara inay Somaliland yimaadaan si ay u maalgashadaan… Haddii markaa ay wanaagsanaadaan macluumaadka aanu helaa, waxaanu rajaynaynaa in natiijooyin wanaagsani ka soo baxayaan.”

Boros waxa uu sheegay in arrimaha la xidhiidha ganacsiga Somaliland iyo Faransiiska, ka safaarad ahaan uu bilaabey Afar bilood uun ka hor welina ay cusub yihiin balse ay rajeynayaan in Guulo laga gaadho. “Haddana waxa illa socda laba shirkadood oo waaweyn, kuwaasoo mid ka mid ahi (Baanka) bilowday ganacsigeeda.” Ayuu raaciyay hadalkiisa. 

Hugues Haubois oo ah maamulaha shirkad ka shaqeysa addeegyada Dekadaha iyo madaarada (SDV, TRANSAMI) oo waftigan ka mid ah ayaa wariyayaasha u sheegay dhiniciisa in shirkadiisu indha-indhaynayso guud ahaan hawlaha ganasiga, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha dejinta iyo rarka Gaadiidka kala duwan ee bada, hawada iyo berigaba, taasoo uu sheegay inay ay kaga shaqeeyaan shirkad ahaan 88 wadan oo ku kala yaala caalamka oo dhan. “Imika xafiis noogama furna Somaliland. Laakiin, jaanis waanu u leenaahay inaanu xafiis ka sameysano. Waana taas, sababta aanu halkan u nimi.” Sidaas ayuu yidhi Hugues,

Hugues oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay in xukuumada Somaliland ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha hawlaha shirkadoodu qabato, waxa sheegay in socdaalkiisani uu yahay markii ugu horeysay ee ay Somaliland shirkad ahaan yimaadaan, sidaa daraadeedna ay wakhti ku qaadaneyso, islamarkaana ka dib marka ay ka laabtaan safarkoodan ay eegi doonaan baahiyaadka jira Somaliland ee ay shirkad ahaan buuxin karaan.

Waftigan Faransiiska ah oo ka kooban todobada Xubnood, shalay gelinkii horena ka soo degay Hargeysa, Islamarkaana ilaa Axada bari sii joogi doona, qaar ka mid ah oo u badan Saraakiisha masuulka ka ah Baanka laanta ka furanaya Hargeysa, nooma ay suurtegelin in aanu la kullano. Hase ahaatee, dhinaca Somaliland masuuliyiinta la socota marka la eego waxa ka mid ah. Cali Ismaaciil Xassan oo ah xoghayaha koobaad ee safaarada Somaliland ee Faransiiska, sidoo kalena u qaabilsan arrimaha ganacsiga. Cali waxa uu sheegay in socdaalkii dhawaan Madaxweyne Rayaale ku tagey dalka Faransiisku muhiimad weyn lahaa, islamarkaana dedaalka ugu weyn ee ay ku jiraan Safaarad ahaan ay tahay, ka sokow arrimaha siyaasada inay Somaliland hesho maalgashi dibadeed iyo in shirkadaha caalamiga ahi u soo jeedsadaan iyagoo ka duulaya sida uu hadalka u dhigay siyaasada wasaarada arrimaha dibada ee Somaliland. Dhamaan arrimahan Baanka su’aalo dheeraad ah oo ka furaa Masuuliyiintani waa ay ka gaabsadeen.

ogaal

MUCJISO LABA CARUUR AH OO MATAANO AH OO DHASHAY IYAGA OO KALA MIDAB AH

Hooyo Florence Addo-Gerth ayaa dhashay laba mataano oo kala midba ah mid Yahay Cadaan iyo Mid Madow ah .
Aabaha ayaa u dhashay wadanka Jermalka halka xaaskiisu ka soo jeedo dalka Ghana.
Hadaba labada matano ah ee kala midabka ah ayaa muujinaya inana tusaaya Awooda Alle SWT.

Marwo Florence Addo-Gerth oo ah 35 jir ayaa mataano ah waxayna ku dhashay Cusbitaal kuu yaala dalka Jarmalka magalada Berlin Hooyada ayaa u bixisay labada matano ah Ryan and Leo.

Mar la waraystay dhakhtarkii cusbitaalka ayaa sheegay in xaladahas oo kale ay dhacaan mararka qarkood lakiinse ma badnaa.Wanaa marki ugu horeysa laba matanoo kala midaba ku dhashan dhakhtarkan.

Xafiiska Warqabadka Toggaherer

Mohamed Aden Nur


January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31