Toggaherer’s Weblog

WAQAF OO QIRAY IN SIYAASADAHA GUDOOMIYAHA XISBIGOODU GUURGUURAAN WARAYSI LALA YEESHAY

Posted on: July 3, 2009

WAQAF OO QIRAY IN SIYAASADAHA GUDOOMIYAHA XISBIGOODU GUURGUURAAN WARAYSI LALA YEESHAY

Saddexda Xisbi Qaran oo Saxeexay in la Tuuro 94 Kun oo Codbixiye

Guddoomiyihiina waxa lagu tilmaamaa inuu yahay nin talada xisbigu keligii ka go’do hadduu maqan yahay iyo hadduu joogo, taasi ma jirtaa?

“Bilowgii Madaxweynuhu wuxuu ku socday waxay nala ahayd nin Somalilandnimada iyo hawsha si daacadnimo ah u gudanayey, balse hadda…”

“Deeqbixiyeyaasha qaybtoodii waxay u dabran tahay labada qodob oo kala ah; in arrinta Komishanka wax laga qabto iyo tii samaynta guddiga xeer-beegtida haddii la isku qabsado doorashada ka garsoora”

Waraysi khaas ah – Guddoomiye-ku-xigeenka UCID

Hargeysa (HWN)- Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mr. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), ayaa markii ugu horreysay qiray in guddoomiyaha xisbigooda Eng. Faysal Cali-waraabe uu marmarka qaarkood ku dhawaaqo hadallo shaqsi ah oo ka baxsan siyaasadda xisbiga, balse waxa uu sheegay in xisbigu leeyahay itijaah siyaasadeed qoran oo lagu hoggaamiyo.

Mr. Waqaf waxa uu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo Jamhuuriya shalay kula yeeshay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaasoo uu kaga jawaabay arrimo muhiim ah oo dhinacyo kala duwan taabanaya.

Inkasta oo Md. Waqaf si taxadar leh u iftiimiyey fudadaydka siyaasadeed ee lagu tilmaamo guddoomiyahooda, haddana waxa uu si adag u taageeray hoggaaminta Faysal Cali-waraabe oo uu ku tilmaamay mid salka ku haysa danta dadka iyo dalka, isagoo dhinaca kalena xusay in waxyaabaha qaarkood lagu kala aragti duwanaan karo xisbiga dhexdiisa, taasina muujinayso dimoqraadiyadda ka jirta UCID gudihiisa.

Waxa kale oo Guddoomiye-ku-xigeenka UCID shaaca ka qaaday in saddexda xisbi qaran si wadajir ah u saxeexeen heshiis ku saabsan in la tuuro 94 kun codbixiye oo mishiinka seerfarka ee kala shaandhaynaya diiwaangelintu akhriyi kari waayey faraha iyo wejiyadooda toona.

Md. Aadan Mire Waqaf waxa waraysigaas lagu weydiiyey su’aalo aad u xiiso badan oo uu kaga jawaabay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin; murugga khilaafyada ku gudban doorashada, halka ay marayso hawsha kala shaandhaynta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, aragtidiisa ku wajahan siyaasadaha guurguura ee guddoomiyaha xisbigooda, shaqsiyan tilmaamaha uu ka bixin karo hab-dhaqanka hoggaamineed ee Madaxweyne Rayaale, la-taliyeyaashiisa gaarka ah, UCID ahaan waxa uga meel yaal haddii mar afraad doorashadu dib uga dhacdo waqtigeeda iyo qodobo kale.

Su’aalihii Jamhuuriya weydiiyey ku-simaha guddoomiyaha xisbiga UCID iyo jawaabaha uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

Jamhuuriya: Guddoomiye; bal marka hore waxaad iftiimin ka bixisaa halka ay marayaan caqabadaha ku gudban gogol-xaadhka saaxadda doorashada, natiijada kulamadii aad la yeelateen deeqbixiyeyaasha iyo rajada laga qabi karo in doorashada Madaxtooyadu waqtigeeda ku qabsoonto?

Waqaf: Dalkani waxa uu soo maray khilaaf siyaasadeed oo cirka isku shareeray bilihii sannadkan ugu horreeyey; waatii guddiga dhexdhexaadintu dhex gashay, heshiiskaas gebogebadiisii oo ahayd in saddexda dhinac saxeexaan, taasoo Madaxweynuhu yidhi waan aqbalay, laakiin saxeexi maayo, arrintaas oo in badan shaki gelisay ummadda, waayo hadduu daacad yahay wuu saxeexi lahaa, inkastoo uu markii dambe digreeto ku soo saaray, iyada oo ay habboon tahay in marka wax la isla qaato la saxeexo.

Haddii aynu maanta Komishanka soo qaadano weynu wada ognahay waxyaabaha laga heshiiyey waxa ka mid ahaa shaqo Komishanka iyo xukuumaddu lahaayeen oo ahayd masuuliyadooda sidii ay dalka ugu qaban lahaayeen doorasho xor iyo xalaal ah. Komishanka hawlihiisii laba sanno oo dhow-dhow ayuu wadaa, labadaas sannadood inta ugu badan iyaga ayaa is-haysta, saddex guddoomiye ayaana isbeddelay, weliba waxaan odhan karaa saddexduba waxay ahaayeen saddexdii Madaxweynuhu soo xulay, intaana dhexdooda waxa jiray isqabqabsi iyo is-haysasho.

Diiwaangelintii aynu galnay eed badan baa ka timi, taasoo ay eeddeeda leeyihiin Komishanka iyo xukuumaddu. Seerfarkii ilaa hadda hawshiisii way socotaa, qoladii gacanta ku haysayna waxay yidhaahdeen 27-ka July ayaannu soo saaraynaa natiijadii kama dambaysta ahayd, taasna saddexda xisbi way wada ogyihiin, haddii taasi rumowdana waxa xigta in doorashada loo dareero, doorasho u dareeridiina waxa hortaagan laba shuruudood oo deeqbixiyeyaashu ku xidheen xukuumadda iyo xisbiyada.

Shuruudahaas labada xisbi mucaarad way aqbaleen, sababta aannu u aqbalnayna waxay ahayd doorashada ayey inoo qurxinaysaa, waxaanay noqonaysaa mid xor oo xalaal ah, waanna dadkii gacanta innoogu hayey 75% dhaqaalaha ku baxay doorashada, iyagaana isu xilqaamay, halka xukuumaddu 25% ka bixinayso.

Toddobaadkii hore waxaan maqlayey in xukuumaddu shubtay lacagtii hawlaha doorashooyinka ee 25%-ka ahayd oo ku shubtay halkii loogu talogalay, balse ilaa hadda caddeynteeda cidda ay khusayso ayuun baa ka jawaabi.

Deeqbixiyeyaasha qaybtoodii waxay u dabran tahay labada qodob oo kala ah; in arrinta Komishanka wax laga qabto iyo tii samaynta guddiga xeer-beegtida haddii la isku qabsado doorashada ka garsoora amma haddii khalad yimaad oo xisbigii khaldan farta ku fiiqaya.

Guddigii dhexdhexaadinta waxa ku jiray saddexda xisbi qaran oo hadday wax ku kordhinayaan iyo haddii ay dareerinayaan iyo hadday daynayaanba ahayd wax iyaga u yaallay. Labada xisbi mucaarad waxay soo jeediyeen innaga oo ku jirna waqti cidhiidhi ah in Komishanka lagu daro afar xubnood oo ka kala yimaad Golaha Guurtida iyo saddexda xisbi, mowqifkayaguna kaas ayuu ahaa. Haseyeeshee, xisbiga UDUB wax go’aan ah oo uu arrintaas ka gaadhay may jirin, waannu khuurinayaa, markaa UDUB ummadda ha u caddeeyo mowqifka ay ka taagan yihiin arrinta Komishanka.

Waxa jira dad aqoonyahanno madaxbannaan ah oo soo jeediyey in afar ka mid ah xubnaha Komishanka wax laga beddelo, deeqbixiyeyaashuna waxay dhankooda caddeeyeen oo cadaadis ku saareen, mar haddii arrintu tahay mid idinka idiin taal wixii aad ka yeeli lahaydeen yeela, taasoo macnaheedu yahay far baa idinku godan, waxaanay yidhaahdeen annaguna haddaannu deeqbixiyeyaasha nahay wixii maalgelin ah ee aannu idiinku talogalnay waxba ka soo dayn mayno inta arrimuhu sidaas yihiin haddii aan waxba laga beddelin qaabka Komishanku iminka u yaallaan, taasina waxay muujinaysaa kalsooni la’aanta jirta iyo waqtiga oo cidhiidhi ah.

Markaa hadday sidaa ku sii socoto oo aan la dhammayn labadaas qodob ee deeqbixiyeyaashu innagu xidheen, waxa imanaysa oo aan shakhi ku jirin in doorashadu haddana dib u dhacayso, taasina dadka ayey u taallaa waxay go’aan ka gaadhayaan, balse haddii caqliga saliimka ah shaqeeyo waa la dhammeyn karaa.

Jamhuuriya: Arrimaha werwerka laga qabo ee caqabadda ku ah qabsoomidda doorashada waxa ka mid ah khilaafka ka taagan Komishanka oo axsaabta mucaaradku bilaabeen, markaa miyeydaan idinku haddaad mucaaradka tihiin yeelanayn masuuliyadda walaaca soo muuqda?

Waqaf: Arrintaas wax alla wax naga khuseeyaa ma jiro mucaarad ahaan, waayo annagu mowqifkaas ayaanu iska taagnay oo isnidhi sidaas ayey wax ku hagaagayaan, ilaa maanta wax la hubo oo laga wadahadalayna ma jiro oo ummadduna ka markhaati kacday, eeddana waxa leh cidda hortaagan ee dhaqaajin la’ ee xilku ka saaran yahay.

Jamhuuriya: Waxa la leeyahay diiwaangelinta natiijadeedii way soo dhowaatay, seerfarkuna 94 kun oo cod ayuu meesha ka saaray, maxaad ka ogtihiin arrimahaas?

Waqaf: Afar iyo sagaashan kun oo dadkii isdiiwaangeliyey ah ayuu seerfarku akhri kari waayey wejiyadoodii iyo farahoodii, shuruudaha hawsha lagu galayna waxa ka mid ahaa haddii la akhri kari waayo wixii halkaa ka soo baxa waxba kama jiraan, taas ayaanay saddexda xisbi saxeexeen oo hawshaas waqti hore ayaa heshiis laga gaadhay, waxana la sugayaa natiijadii rasmiga ahayd diiwaangelinta, haddii ay suurtogeli waydana ummadda ayey u taallaa waxa laga yeelayo.

Jamhuuriya: Xisbigiina dhinaca siyaasadda waxa la yidhaahdaa wuu guurguurid badan yahay oo sal adag kuma taagnayn, arrintaas maxaad ka leedahay?

Waqaf: Horta su’aashaasi guddoomiyaha ayey ku habboonayd, laakiin xisbigu ma aha mid guurguurid badan ee waa xisbi dimoqraadi ah, mowqifkiisuna ummadda u tudhayo. Taasi wax jira maaha ee dadka ayaa iska samaystay oo waa mid malaa-awaal ah, xisbigayaguna waxa uu ku dhisan yahay talo-wadaag, waanna dimoqraadi oo kolba halkii loo tabo ayuu raacaa.

Jamhuuriya: Guddoomiyihiina waxa lagu tilmaamaa inuu yahay nin talada xisbigu keligii ka go’do hadduu maqan yahay iyo hadduu joogo, taasi ma jirtaa?

Waqaf: Annagu xisbi ahaan mabda ayaannu leenahay, laakiin mararka qaar waxa dhacda in guddoomiyuhu la yimaaddo fikir shaqsi ah, annaguna mar walba waxaannu u adeegnaa danta dadka, balse mabda xisbigu waa mid aan isbed-beddel lahayn.

Jamhuuriya: Adigu Waqaf ahaan sallaanka siyaasadda waxaad ka soo fuushay xisbiga UDUB ee talada haya, wasiirka aad ka soo ahayd, in badanna xidhiidh wanaagsan idinka dhexeeyey adiga iyo Madaxweynaha, maxaad ka xasuusataa shakhsiyadda Madaxweyne Rayaale?

Waqaf: Wallaahi, qof walba si ayey ula muuqataa. Way jirtaa inaan siyaasadda ka soo bilaabay xisbiga UDUB, oo aan wasiir ka soo noqday, wasiiru-dawle ka ahaa, muddana aan si ku-meel-gaadha u ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, wada shaqayntayadu may xumayn. Mar walba tayda waxaan ka hormarin jiray ta dadka, balse waxaan iminka arkay waxyaalo badan oo aan ii muuqan markaan xilka xukuumadda hayey.

Bilowgii Madaxweynuhu wuxuu ku socday waxay nala ahayd nin Somalilandnimada iyo hawsha si daacadnimo ah u gudanayey, waxase nasiib-darro ah in masuuliyiin ummadda u dhaartay ay dadka mariyaan waddo khalkhal ku keenaysay qarannimadooda, waxana iminka waxa ii muuqda waxyaabo aan ii muuqan markii aan gudaha ku jiray, balse hadda waxa jira shaki muujinaya in aannu Madaxweynuhu daacad ka ahayn qaddiyadda Somaliland.

Jamhuuriya: Haddii doorashadu waqtigeeda ku qabsoomi weydo maxaa idiinka meel yaal xisbi ahaan?

Waqaf: Horta Ilaahay innaguma keeno, waxaynu jecel nahay inay si wanaagsan doorashadu innoogu dhacdo waqtigeedii oo ah 27-ka September, waxaynuna doonaynaa in xukuumadda cago-jiidaysa xaqa Illaahay tuso. Haddii doorashadu dhici waydo waa arrin aan xisbiga UCID ku koobnayn oo dhammaan shacabka reer Somaliland u taal waxa ay ka yeelayaan.

Jamhuuriya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

July 2009
S S M T W T F
« Jun    
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
%d bloggers like this: