Toggaherer’s Weblog

Archive for May 2009

MADAXWEYNE RIYAALE OO MAANTA KORMEER KU TAGAY XAGAL IYO LAAS-CIID

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdigii uu hogaaminayay oo muddo dhawr maalmood ah ku negaa gobolka Saaxil, si ay u soo kormeeraan xaaladaha ay ku sugan yihiin degmooyinka kala duwan ee gobolka, waxa Maanta ay booqdeen Degmooyin ay ka mid yihiin Xagal iyo Degmada Laas-ciidle.
click to comment

click to comment

click to comment

click to comment

click to comment

click to comment

Madaxweynaha iyo Wefdigiisa waxa degmooyinkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay dadweyne aad u tiro badan oo degmooyinkaasi ku nool, kuwaasi oo isugu jira Madax dhaqameedyo, Culimo, Dhalinyaro iyo Haween, iyaga oo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad iyo rayn rayn ay si weyn ugu diirsadeen Booqashada Madaxweynuhu uu ku tegay degmooyinkooda.
Maamulada degmooyinkaasi iyo Madax dhaqameedyada oo ay ka mid yihiin Cuqaasha iyo Culimada iyo Waxgaradka degmooyinkaasba , waxa ay Madaxweynaha uga warameen xaaladaha kala duwan ee ay dadweynaha halkaasi ku nooli ku sugan yihiin iyo baahiyahooda la xidhiidha dhinacyo badan oo ay ugu weyn yihiin Waxbarashada, Caafimaadka, adeegyada Biyaha iyo Nabad gelyada.Waxana Madaxweynaha iyo wefdigiisa ay ka codsadeen intii ay awoodi karaan in baahiyahoodaasi ay sida ugu dhakhsaha badan uga caawiyaan.
Madaxweynaha oo hadal kooban u jeediyay dadweynihii isugu soo baxay fagaarayaasha lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wefdigiisa markii ay soo booqdeen degmooyinkaasi, waxa marka hore uu si weyn ugu mahad naqay soo dhawaynta fiican ee ay kala kulmeen degmooyinkaasi, iyaga oo dadweynuhu cadceeda taagnaayeen muddo badan.
Waxa kale oo Madaxweynuhu uu ka codsaday Maamulada degmooyinkaasi in baahiyaha deg dega ah ee dadweynaha halkaasi ku nool ee ku saabsan daryeelka Bulshada in ay sida ugu dhakhsaha badan ugu soo gudbiyaan Wasaaradaha ay khuseeyaan oo uu ku amray in ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl galaan.
Ugu danbayntii, waxa uu Madaxweynuhu ugu duceeyay dadweynaha degmooyinkaasi in ilaahay uu ka dul qaado abaaraha, roob khayr qabana uu siiyo.
Wefdiga Madaxweynaha ee kormeerka hawleed ku soo maray degmooyinkaasi waxa kale oo ka mid ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha, Xanaanada Xoolaha, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Qaranka iyo Madaxda Gobolka Saaxil.
Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Advertisements

ARDYADII UGU BADNAYD ABID EE U DHALATAY S/LAND OO KA QALIN JABISAY JAAMACADAHA DALKA INDIA SAWIRO

click to comment

71 Arday oo ka mid ah Ardayda reer Somaliland ee wadanka Hindiya Waxbarashada ugu baxay ayaa ka Qalin-jebiyay Jaamacadaha Wadankaasi, iyaga oo bartay Culuunta kala duwan ee ay ka mid yihiin Dhaqaalaha (Commerce), Barashada Culuunta Computerka (Computer Science), Habka Baadhitaanka Caafimaadka (Medical Laboratory), Culuunta Barashada Siyaasada (Political Scince), Injineernimada iyo Culuun kale oo tiro badan oo wadanku aad ugu baahan yahay, baahiyo badana dabooli doonta marka ay soo guryo-noqdaan.
click to comment
Tirada Ardaydan Qalin-jebisay oo noqonaysa tiradii ugu badnayd ee Arday reer Somaliland ah oo ka soo qalin-jebiya Jaamacadaha Hindiya, ayaa waxa loo qabtay Munaasibad aad u qurux badan oo Shahaadooyinka lagu gudoonsiiyay, Ardayduna ugu dabaal-dageen dhamaystirka Culuuntooda, xafladaasina waxay ka dhacday magaalada Hyderabad Hoteel ku yaala oo loo yaqaano TajBajira oo ah Hoteelka ugu wayn wadanka
Hoolka ay Munaasibadani ka Dhacday ayaa sida Sawirada ka Muuqata waxa lagu Xardhay Calanka Somaliland, iyada oo Gidaaradana la Sudhay Sawirada 3 Madaxweyne ee soo Maray Somaliland oo Laba ka mid ah Geeriyoodeen Alle ha u naxariisteen Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo waliba Madaxweynaha wali xukunka talada wadanka haya ee Daahir Rayaale Kaahin.
click to comment
Hadaba Warbixinta Xafladaas oo Somalilandpress si gaar ah u soo gaadhay ayaa waxa ka waramaya Axmed Aw Jaamac oo ka mid ah Ardayda Qalin-jebisay waxaana uu ku bilaabay warbixintiisa: “Xafladu waxay ku bilaaban tahay jawi dagan oo si heer sare loo soo agaasimay, waxaanay ka dhacaday Hotelka Taj banjira oo ah hotelada ugu sareeya dalkan India, kuna yaala magaalda Hyderabad, waxa xaflada bilaabay oo xidhiidhiyaha xaflada ahaa Mr Xasan Cabdiqadir Kaarshe, oo Micrafoonka ku soo dhaweeyey professorada ka socday jaamacadaha ay ka qalin-jabiyeen ardaydan, marka hore waxa stageka lagu soo dhaweeyey The new Vice-Chancellor of Osmania University T.Tirupati Rao. Waxa mar labaad Micrafoonka lagu soo dhaweeyey principilada cellegeyada kala duwan ee Osmania University oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.
click to comment
Hadaba sidii caadada ahayd waxa lagu bilaabay xaflada Quraanka kariimka ah oo uu akhriyay sheekh Cabdiqani Cabdilahi, ka dib waxa si sawaxan ku jirto oo xamaadaysan lagu soo dhaweeyay stageka vice chacellor of osmania oo halkaa ka soo jeediyay Khudbada aad u wada taabatay ardayda taaas oo uu kaga hadlay muhiimada ay waxbarashadu leedahay iyo siyaabaha looga faa.iidaysto, Mr T.Tirupati Rato isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay ay yihiin Ardaydani kuwo leh mustaqbal ifaaya.

waxa uu yidhi waxaad tihiin madaxwaynayaashii iyo safiiradii beri ee dalkiina Hooyo, waxa uu ardayda ku booriyay in ay waxbarashada sii wataan oo ay ka gaadhan heer sare ilaa P.H.D, isla markaa waxay ardaydii qalin jabinaysay isku dartay sacab iyo sawaxan iyagoo ay ka muuqatay ardayda runtii shucuur aad u saraysa oo ay ku faraxsanaayeen sida ay hadafkooda u gaadheen.
Hadaba Mr T.Tirupati Rato waxa uu yidhi (Marna ilaawi mayno arday kasta oo wax ka bartay jaaamacadan Osmanai liiskaygana waa noogu jiraa idinkuna hana ilaawina,
ka dib Mr Xasan waxa uu stageka ku soo dhaweeyay mar labaad Mr T.Tirupati Rato si uu ardayda u gudoonsiyo shahaadooyinka, isla markaa ardaydii ayaa mid-mid loo gudoonsiiyay shahaadooyinkii;
Iyadoo xafladu badhtanka markaysa, Khudbado badan ay soo jeediyeen principalada collegeyada ay ardaydu dhigato ka dib stageka waxa lagu soo dhaweeyay Mr Baashe Maxamud Faarax
Mr baashe waxa uu soo jeediyay Khudbadan ku saabsan Jamuuriyada Somaliland iyadoo professorada halkaa joogay inay yidhaahdaan Republic Of Somaliladn Hindidii qaarkood ay ku adkaatay markii ay khudbada soo jeedinayeen. Laakiin iyada oo ay ku adagtay ay lahaayeen, Somaliland si hagar la’aan ah, ardayduna markay maqlaan somaliland ay sacabka tumayeen
Markay saacadu ku dhawayd Tobankii Habeenimo waxa khadka Telphoneka soo galay Wasiiruhu Dawlaha Wasaaraada Waxbarashada Somaliland MD Maxamud Garaad Jaamac. Wasiirku waxa uu markii ugu horaysay ardayda ugu hanbalyeeyay xafladooda Graduationka ee ay ugu dabal dagayeen,
waxa uu wasiirku sheegay in uu dalkii u baahan yahay arday wax baratay oo leh xirfado kala duwan,
waxaanay ardaydu aad iyo aad ugu bogeen hanbalyada Wasiirka maadama uu matalayay shacbi waynaha Somaliland. Wasiirku waxa u halkaa ardayda ku siyay waano iyo dardaaran ku saabsan ardayda si ay aqoonta ay barteen ugu faa’iideeyan dalkooda hooyo.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Oday Maxamed Cumar Guuled oo halkaa ka soo jeediyay talo iyo tusaalooyin ku saabsan waxbarashada, kuna guubaabiyay ardayda inay dalkoodii hooyo ku taageeran aqoonta ay ka barteen qurbaha.
waxaa halkaa lagu soo bandhigay madashaas Riwaayad xiiso badan oo ka hadlaysa waxbarashada iyo daruufaha kala duwan ee ardayda haysata, waxayna ahayd riwaayad loo wada bogay oo xiiso badan.
click to comment
waxa halkaa lagu soo ban-dhigay khudbado ku saabsan waxbarashada iyo gabayaba oo ay soo jeediyeen ardayda wax ka barata wadanka india, isla markaa waxa stageka lagu soo dhaweeyay Mr Khaalid Abdirahaman Muhumed oo halkaa hanbalyo iyo tahniyad kala yimid xukuumada iyo labada xisbi qaran ee jamuuriyada Somaliland ardayda ujeediyay.

Ugu Dambayntii waxa Xaflada lagu soo dhaweeyay Mr khaliif Cabdi Sheekh oo ku hadlaayay magacaga
gudiga qaban qaabada xaflada. waxaana uu sheegay sida hawshan loo galay iyo sida ardayda somaliland ugu farxeen in ay gooni u qabsadaan, madaama ay ardaydu ka yimaadeen Jamuuriyad madax banaan oo la yidhaahdo Somaliland.
Mr khaliif waxa uu sheegay in halkaa laga si wado xaflada qalin jabinta oo aanay tani noqon tii ugu danbaysay uguna horaysay, waxaanu hanbalyeeyay ardaydii qalan jabisay iyo kuwii ka soo qayb galayba. isagoo ku hadlaya magaca gudida qaban qaabada.”

Xafladu waxay ku bilaaban tahay jawi dagan oo si heer sare loo soo agaasimay, waxaanay ka dhacaday Hotelka Taj banjira oo ah hotelada ugu sareeya dalkan India, kuna yaala magaalda Hyderabad, waxa xaflada bilaabay oo xidhiidhiyaha xaflada ahaa Mr Xasan Cabdiqadir Kaarshe, oo Micrafoonka ku soo dhaweeyey professorada ka socday jaamacadaha ay ka qalin-jabiyeen ardaydan, marka hore waxa stageka lagu soo dhaweeyey The new Vice-Chancellor of Osmania University T.Tirupati Rao. Waxa mar labaad Micrafoonka lagu soo dhaweeyey principilada cellegeyada kala duwan ee Osmania University oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.
Hadaba Mr T.Tirupati Rato waxa uu yidhi (Marna ilaawi mayno arday kasta oo wax ka bartay jaaamacadan Osmanai liiskaygana waa noogu jiraa idinkuna hana ilaawina,
ka dib Mr Xasan waxa uu stageka ku soo dhaweeyay mar labaad Mr T.Tirupati Rato si uu ardayda u gudoonsiyo shahaadooyinka, isla markaa ardaydii ayaa mid-mid loo gudoonsiiyay shahaadooyinkii;
Iyadoo xafladu badhtanka markaysa, Khudbado badan ay soo jeediyeen principalada collegeyada ay ardaydu dhigato ka dib stageka waxa lagu soo dhaweeyay Mr Baashe Maxamud Faarax
click to comment
Masuuliyiintii ka qayb-galay Xaflada oo u taagan Dhegaysiga Telefoonkii Wasiiru-Dawlaha Waxbarashada Somaliland Maxamuud Garaad Jaamac
Markay saacadu ku dhawayd Tobankii Habeenimo waxa khadka Telphoneka soo galay Wasiiruhu Dawlaha Wasaaraada Waxbarashada Somaliland MD Maxamud Garaad Jaamac. Wasiirku waxa uu markii ugu horaysay ardayda ugu hanbalyeeyay xafladooda Graduationka ee ay ugu dabal dagayeen,
waxa uu wasiirku sheegay in uu dalkii u baahan yahay arday wax baratay oo leh xirfado kala duwan,
waxaanay ardaydu aad iyo aad ugu bogeen hanbalyada Wasiirka maadama uu matalayay shacbi waynaha Somaliland. Wasiirku waxa u halkaa ardayda ku siyay waano iyo dardaaran ku saabsan ardayda si ay aqoonta ay barteen ugu faa’iideeyan dalkooda hooyo.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Oday Maxamed Cumar Guuled oo halkaa ka soo jeediyay talo iyo tusaalooyin ku saabsan waxbarashada, kuna guubaabiyay ardayda inay dalkoodii hooyo ku taageeran aqoonta ay ka barteen qurbaha.

waxaa halkaa lagu soo bandhigay madashaas Riwaayad xiiso badan oo ka hadlaysa waxbarashada iyo daruufaha kala duwan ee ardayda haysata, waxayna ahayd riwaayad loo wada bogay oo xiiso badan.oo uudiyaariyay abwan mustafe cadaad.
waxa halkaa lagu soo ban-dhigay khudbado ku saabsan waxbarashada iyo gabayaba oo ay soo jeediyeen ardayda wax ka barata wadanka india, isla markaa waxa stageka lagu soo dhaweeyay Mr Khaalid Abdirahaman Muhumed oo halkaa hanbalyo iyo tahniyad kala yimid xukuumada iyo labada xisbi qaran ee jamuuriyada Somaliland ardayda ujeediyay.

Ugu Dambayntii waxa Xaflada lagu soo dhaweeyay Mr khaliif Cabdi Sheekh oo ku hadlaayay magacaga
gudiga qaban qaabada xaflada. waxaana uu sheegay sida hawshan loo galay iyo sida ardayda somaliland ugu farxeen in ay gooni u qabsadaan, madaama ay ardaydu ka yimaadeen Jamuuriyad madax banaan oo la yidhaahdo Somaliland.
Mr khaliif waxa uu sheegay in halkaa laga si wado xaflada qalin jabinta oo aanay tani noqon tii ugu danbaysay uguna horaysay, waxaanu hanbalyeeyay ardaydii qalan jabisay iyo kuwii ka soo qayb galayba. isagoo ku hadlaya magaca gudida qaban qaabada.”.

Magacyadii ardaydii qalin jabisay iyo Shahaadooyinka ay Qaateen
1.Cismaan Cabdi Guure : Bachelor of commerce B.com
2.C /risaaq Daahir Khaliif : Bachelor of commerce B.com 3.Khaalid C/raxmaan Muxumed : Bachelor of commerce B com
3.Xuseen Cabdi Cigaal : Bachelor of commerce B com 4.C/risaaq Cali Cumanr : Bachelor of commerce B com 5.C/kariim Qorane Aadan : Bachelor of commerce B com
6.Ahmed Aw jaamac Cabdi : Bachelor of commerce B com
7.C/raxmaan Ahmed sheekh Cabdi : Bachelor of commerce B com
8.C/salaan Maxamed Axmed : Bachelor of commerce B com
9.Xuseen C/qaadir Kaarshe : Bachelor of computer Application BCA
10.Cali Maxamed Axmad : Bachelor of social work profession Bsw
11.Madar Cabdi Madar : Bachelor of social work profession Bsw
12.Khalif Abdi sh Maxamud : Bachelor of social work profession Bsw
13.Axmed Nuur Muuse shire : Bachelor of social work profession Bsw
14.Maxamad aadan cilmi : Bachelor of social work profession Bsw
15.Maxamuud xaaji muuse : Bachelor of commerce B com
16.C/laahi abshir axmad : BSC information technology Bsc IT
17.Yusuuf sh ibraahim sh yusuf : BSC Information technology Bsc IT
18.C/salaan c/laahi jaamac : Bachelor Medical Imaginary Technology Bsc MIT
19.Ibraaim cali ismaacill : Bachelor of Commerce B.com
20.Yusuf cabdi muuse : Bachelor Political science BA
21.Guled maxamud qaalib : Bachelor of commerce E com
22.Faysal maxamed xuseen : Bachelor of commerce B com
23.Maxamed cumer xuseen : Bachelor of commerce B com
24.Maxamad saalax cabdi : Bachelor of computer application BCA
25.Jama Dayib Ahmed : Bachelor of computer application BCA
26.Axmad maxamad cabdi : Bachelor of computer application BCA
27.Maxamad koosaar xasan : Bachelor of computer application BCA
28.C/salaan maxamad ismaacill : Bachelor of computer application BCA
29.Mukhtaar cabdi xasan : MBA finance MBA
30.C/qaadir cusmaan maxamud : Bachelor of computer application BCA
31.Xasan c/qaadir kaarshe : Bachelor of social work profession Bsw
32.C/qaadir Axmed muxumed : Bachelor of computer application BCA
33.Najax aadan diiriye : Bachelor of computer science BSC
34.C/casiis haarun biixi : Bachelor of computer application BCA
35.Siciid maxamed fagande : Bachelor of computer application BCA
36.Faysal c/raxmaan muxumad : Bachelor of computer application BCA
37.Maxamud maxamed ciise : B.Tech “ECE Engineering” Engineer
38.Aadan bashe carab : B.Tech “ECE Engineering” Engineer
39.Khaalid cali quule : Bachelor of computer science Bsc
40.C/xakiin colhaye : Bachelor of computer science Bsc
41.Bile axmed bile : PGD in phycian assistant
42.Maxamed aadan cali :
43.Cali caano dhame : BSC information technology Bsc IT
44.Yusuuf maxamed xasan Msc(IT)
45.Mustufe c/kariim cabdilahi : BSC medical laboratory technology Bsc MLT
46.Ibraahim sheekh c/wahaab : BSC medical laboratory technology Bsc MLT
47.C/rashiid maxamuud ciise : B.Tech “ECE Engineering” Engineer
48.Axmed nuur maxamed : Bachelor of geology
49.C/waxiid sh cabdi abubakar : MBA marketing MBA
50.Khaalid cali boodhle : BSC information technology Bsc IT
51.Axmed maxamuud ismaciil : Bachelor of commerce B com
52.Cusmaan maxamed axmed : MBA MBA
53.Maxamed cabdi cilmi : Bachelor of computer science Bsc
54.Cabdilahi cabdi xandule : Bachelor of computer application BCA
55.Mustafe barre xuseen : BSC information technology Bsc IT
56.Ibraahim xasan odowaa : E commerce E com
57.Maxamed siciid : MBA marketing MBA
58.Mukhtaar Gazali : BSC information technology Bsc IT
59.Zakaria cali : Bachelor of computer application BCA
60.Axmed kuwaiti :BSC information technology Bsc IT
61.Yaasir abdi Yaasir : civil Engineering Engineering
62.Hodan Abdillaahi carab : Bachelor Of Commerce B com
63.Liiban maxamed yousuf M.B.A
64.Cismaan maxamed korse M.B.A
65.Ahmed weerar raabi B.B.A(Bachelor of bussines administration)
66.Baashe maxamud faarax M.B.A
67.Ahmed ismacil adan IT(Information technology)
69.Mawliid Cali Maxamed B.B.A(Bachelor of bussines administration)
70.Cumar Cabdilah Aadan Garow B.com(Bachelor of commerce)
71.Cabdicasiis cali ahmed Microbology

MAGACYADA GUDIDA QABAN QAABADA XALFADA QALIN JABINTA
Khaliif cabdi sh.maxamuud
Khaalid sh.cabdiraxmaan muxumed
Sheekh cabdisalaan abdulaahi jaamac
Ahmed aw jaamac cabdi
Ahmed nuur muuse shire
Maxamed saalax abdi(dheere)
Guuled sh.amuud qaalib
Cabdi salaan maxamed ismaaciil
yuusuf cabdi muuse
Cabdi laahi abshir ahmed

HOGAAMIYE AHAAN IYO SIYAASI AHAANBA WALIGAY DAGAAL DADKAYGA IYO DALKAYGABA UMA QUUDHEEN SAWIRO

“Hoggaamiye Ahaan iyo Siyaasi Ahaanba Waligey Dagaal Dadkayga Iyo Dalkaygaba Uma qudheen”
click to comment
“Waxaa Jira Dawlado Afrika iyo Caalamka Ka mida Oo Iskaba Daayay Doorashooyinkii; Reer Galbeedkana La-dagaalanka Alqaacida Taageero kaga Doona”. – Axmed Siilanyo.

click to comment
Magaalada London Galbeedkeeda waxaa shir balaadhan ku qabsadey Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye, shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen garabka haweenka ee Xisbiga Kulmiye – West London. Haddaba shirkan oo ahaa shir balaadhan loona diyaariyay qaab casri ah waxa ka soo qayb galay badi tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee cariga Ingiriiska, iyagoo isaga kala yimi badi xaafadaha London iyo gobolada dalkaba.
click to comment
Waxaa shirkan ka soo qaybgalay Guddomiyaha Xisbiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), la-taliyaha Arrimaha Cafimaadka ee Xisbiga Kulmiye Dr Cumar Cilmi Dixood, Xoghayaha Arrimaha Debeda Dr Maxamed Cabdillahi Cumar, Xildhibaano, Xubno guddida fulinta, madaxda laamaha iyo dadweyne tiro badan.
click to comment
Ugu horreyn waxa shirkaa furay oo xidhiidhinaayay Jibriil Muuse oo ah afhayeenka Xisbiga ee UK. Wuxuuna ku soo dhaweeyay Guddoomiyasha laamaha, iyagoo ka hadlay arrimaha qaadhaanka ee laan waliba xisbiga kaga qayb qaadanayso. Waxaa isna halkaas ka hadlay Maxamuud Raage iyo Kayse Xiddig oo ka mid ah aqoonyahanka Xisbiga iyagoo ka hadlay arrimaha waddankii ka taagan, waxaa isna halkaas ka hadlay Xasan Cali Weyd oo ka mid ah odoyaasha magaalada Bristol, isagoo ugu baaqay qurba-jooga inay tagaan waddankii doorashada oo ololaha ka qayb qaataan. Axmed Cilmi Barre oo ka mid ah guddida fulinta ee Kulmiye, ayaa isna halkaas ka hadlay.
click to comment
Dr Cumar Cilmi Dixood oo ka mid ah asaasayaashii Ururka SNM haddana ka mid ah Madaxda Xisbiga Kulmiye, ayaa halkaas ka jeediyay khudbad dadkii ka soo qaybgalay jeclaysteen. Wuxuu sheegay in aanu maanta ahayn Cumarkii geesiga ahaa, isagoo arrinta ka hadlaya wuxuu yidhi “Maanta ma’ihi Cumar Dixoodkii geesiga ahaa waxaan taas u leeyahay 6 April wixii ka dhacay Hargaysa ‘waxaan aan caadi ahayn’ saddex jeer baan anigu ku dhacay dhulka maalintaas oo ahayd Xuskii SNM waxaa naloogu jawaabay oo aanu ku xusnay xabad nalagu furay, haddaanu Kulmiye nahay waxaanu balanqaadaynaa in aan maalin danbe xabad dadka lala dhici doonin oo dadka mudaharaadayaa ee ra’yigooda cabiraaya aanu siin doono oggolaansho, annagu ma toogan doono ardeyda iyo shacabka Somaliland”.
click to comment
Xoghaya Arrimaha Debeda ee Xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa isna halkaas ka jeediyay barmaamijka Xisbiga iyo Manafeestadii Xisbiga. Ugu danbayntii waxaa halkaas lagu soo dhaweeyay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) wuxuuna hadalkiisi ku bilaabay: “Somaliland waa wadan nabad ah oo degen, oo ku naaloonaya nabad. Adduunkoo dhan taas baynu ugu faanaa, marka na loo eego waxaa ka socda Geeska Afrika. Waxaynu nahay wadan degen oo nabad ah, Somaliland dhib iyo inay wax noqoto midna lama jeclin, maalintii qaraxyadii cadowgu dhaceen daqiiqad ka dib anniga iyo Faysal waxaanu taagnayn madaxtooyada, annagoo aan muddo arag meelu uu ku nool yahay Riyaale. Waxay taasi naga ahayd wadan jacayl iyo dal jacayl”.
click to comment
Mudane Siilanyo isagoo ka hadlaya wuxuu aaminsan yahay wuxuu yiri “hoggaamiye ahaan iyo siyaasi ahaanba weligay dagaal dadkayga iyo dalkayga uma quudheen, waan u soo halgamay dhisidiisana ka soo qaybqaatay, weligay xumaantiisa kuma fekerin, kuna fekeri maayo, taas macnaheedu ma’aha in aanu xaqa aanu u leenahay tartanka iyo doorashada uga hadhno. Maanta waxa jira Dawladdo Afrika ama Caalamkaba ka mid ah, ‘annigu odhan maayo dalkaas iyo dalkaase’ oo iska daayay doorashaba oo laabay, dabadeedna wadamada reer galbeedka tageero kaga doona “waxaanu la-dagalamaynaa Alqaacida” ee taas nagu taageera oo iska daaya doorashadaanu ilownay. Riyaale iyo Xukuumadiisu taas bay ku dayanaysaa. Taasi kama suuro-gelayso Somaliland”.

Axmed-Siilaanyo wuxuu ka hadlay hantidii laga dhacay haweenka Somaliland. Wuxuu mas’uuliyadda arrintaas dusha ka saaray Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuuna yiri “lacagtii haweenka iyo hoyooyinka Somaliland laga dhacay waxaa mas’uul ka ah Baanka Dhexe, isaga ummadda uga wakiil ah wixii hanti ah. Wuxuu noqdey mid gabay kaalintaas oo musuqmaasuq ku caanbaxay. Waxaa Hargeysa laga furay Baan ajaanib leeyahay, miyaa ganacsatadeenna laga waayey inay mid furaan, maya ee waa loo diiday, waxaana looga ogolaaday Jabbuuti iyo Yemen”. Axmed Siilaanyo wuxuu ammaan aan xad lahayn u soo jeediyay Qurba-joogga, wuxuuna sheegay inay yihiin mashiinka waddanka wareejiya, wuxuu ka codsaday inay waddanka yimaadaan oo ka qaybqaataan doorashooyinka, wuxuuna sheegay in uu safar ku tegi doono wadamo Yurub ah oo uu magacaabay Swedan.
click to comment
Shirkan oo ahaa mid ay soo agaasimeen Xisbiga Kulmiye garabka Haweenka West London waxaa ka soo qayb galay bulsho badan oo iyagu ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska, wuxuuna ahaa mid habaysan, waxaan idin soo gudbin doona warbixino kale oo ka hadlaya shirkan.

Muniir Axmed Cigaal
freelance Journalist.
E-mail muniir10@gmail.com

click to comment

DAWLADA KMGS AYAA SOO BANDHIGTAY DHALINYARO AY KU SHEEGAY IN AY AFTUUBEEN ALSHABABAAB(SAWIRO)

MOQ 30 May 2009 (THN)
Dowlada KMG Soomaaliya ayaa Maanta soo bandhigtay Dhalinyaro ay sheegeen in ay u afduubnaayeen Xarakatul shabaab Mujaahidiin .
click to comment

Sida uu saxaafada u sheegay maanta taliyaha ciidamada booliiska dowlada kmg General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid illaa 11-dhalinyaro ah oo uu sheegay in laga soo afduubay gobolka Sh/hoose gaar ahaan degmada Buulo Mareer iyo deegaanka Golweyn ayaa ciidamada dowalada waxaa ay ku qabteen Ex Contarol Afgooye.
click to comment

General Cabdi Qeybdiid ayaa ku eedeeyay in dhalinyaradani ay soo afduubeen ciidamada Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin xili guryahooda ay joogeen sida uu sheegay.

click to comment

Max’ed Cusmaan oo ka mid ah dhalinyarada maanta dowladu soo bandhigtay ayaa isna sheegay in laga soo qabtay degmada Buulo Mareer 4-maalin ka hor isla markaana maanta ciidamada dowaladu ay qabteen xili ay soo galayeen magaalada Muqdisho.

click to comment

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir C/fataax Ibraahin Shaaweye ayaa isna sheegay in sida uu tilmaamay ninkii hor kacayay dhaliyaradani ay ku dileen ciidamada Ex Contarol Afgooye sida uu hadalka u dhigay.

Ma jirto illaa iyo hada cid madax banaan oo xaqiijisay waxa ka jira dhalinyaradani ay dowlada soo bandhigatay iyadoo aysan weli ka hadlin Masuuliyiinta Xarakatul shabaab Mujaahidiin .

Wariye Jokar
Moqdisho

DAWLADA KMGS AYAA SOO BANDHIGTAY DHALINYARO AY KU SHEEGAY IN AY AFTUUBEEN ALSHABABAAB(SAWIRO)

MOQ 30 May 2009 (THN)
Dowlada KMG Soomaaliya ayaa Maanta soo bandhigtay Dhalinyaro ay sheegeen in ay u afduubnaayeen Xarakatul shabaab Mujaahidiin .
click to comment

Sida uu saxaafada u sheegay maanta taliyaha ciidamada booliiska dowlada kmg General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid illaa 11-dhalinyaro ah oo uu sheegay in laga soo afduubay gobolka Sh/hoose gaar ahaan degmada Buulo Mareer iyo deegaanka Golweyn ayaa ciidamada dowalada waxaa ay ku qabteen Ex Contarol Afgooye.
click to comment

General Cabdi Qeybdiid ayaa ku eedeeyay in dhalinyaradani ay soo afduubeen ciidamada Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin xili guryahooda ay joogeen sida uu sheegay.

click to comment

Max’ed Cusmaan oo ka mid ah dhalinyarada maanta dowladu soo bandhigtay ayaa isna sheegay in laga soo qabtay degmada Buulo Mareer 4-maalin ka hor isla markaana maanta ciidamada dowaladu ay qabteen xili ay soo galayeen magaalada Muqdisho.

click to comment

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir C/fataax Ibraahin Shaaweye ayaa isna sheegay in sida uu tilmaamay ninkii hor kacayay dhaliyaradani ay ku dileen ciidamada Ex Contarol Afgooye sida uu hadalka u dhigay.

Ma jirto illaa iyo hada cid madax banaan oo xaqiijisay waxa ka jira dhalinyaradani ay dowlada soo bandhigatay iyadoo aysan weli ka hadlin Masuuliyiinta Xarakatul shabaab Mujaahidiin .

Wariye Jokar
Moqdisho


OTHER NEWS:

HOGAAMIYE AHAAN IYO SIYAASI AHAANBA WALIGAY DAGAAL DADKAYGA IYO DALKAYGABA UMA QUUDHEEN SAWIRO
click to comment“Waxaa Jira Dawlado Afrika iyo Caalamka Ka mida Oo Iskaba Daayay Doorashooyinkii; Reer Galbeedkana La-dagaalanka Alqaacida Taageero kaga Doona”. – Axmed Siilanyo….
WARAR GOOGOOS AH OO KU SAABSAN BURCAD BADEEDA SOMALIA
MARKAB CIIDAMADA HINDIYA AY KA RIDEEN BURCAD BADEED SOO WEERARTAY , HALKA CIIDAMDA RUUSHKU AY LABADA DAL EE PAKISTAN IYO IRAAN AY KU WAREEJISAY 29 BURCAD BADEED SOMAALI AH ….
UGU YARAAN 39 TAHRIIBE AYAA KU DHINTAY XEEBAHA YEMEN HALKA TIRO KALENA WAY BADBADAY
Adan 30 May 2009 (THN)
Ugu yaraan 39 qofood oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen biyaha u dhexeeya labada dal markii ay doonidii ay la socdeen ku dejisey meel badweynta ku taal gobolka Shabwa ee dalka Yemen….
XAFLADA MAANTA LAGU XUSAAYEY GUDAGALKII SNM EE HARGAYSA OO KA DHACAY I MPERIAL HARGAYSA.(SAWIRO)
Har 30 May 2009 (THN)
click to comment
SHURUUDAHA RAQIISKA AH EE KU XIDHAN AQOONSIGA AY BEESHA CAALAMKU SIISO DIM. S/LAND
Har 30 May 2009b (THN)
Deeq bixiyayaasha somaliland ka taageera dimoqraadiyada iyo
doorashooyinka ayaa shuruudo ku xidhay deeqaha lacageed ee ay ku bixinayaan doorashada madaxtooyada somaliland kuwaas oo ay u soo jeediyeen komishanka,…
MADAXWEYNE RIYAALE OO MAANTA KORMEER KU TAGAY XAGAL IYO LAAS-CIID
Har 30 May 2009 (THN)
click to comment
ARDYADII UGU BADNAYD ABID EE U DHALATAY S/LAND OO KA QALIN JABISAY JAAMACADAHA DALKA INDIA SAWIRO
click to comment
WAR-SAXAFADEED SDWO : XADGUDUBYADA LOO GEYSTO SUXUFIYIINTA SOMALILAND
London 30/05/09 (Somaliland Democracy Watch Organisation) Astaamaha, dal in ay dimoqraadiyadi ka jirto ugu waaweyn waxaa ka kow ah, madaxbannaanida saxaafada iyo ilaalinta, dhowridda madaxbanaanidaa….
WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO SABTI AH 30 MAY 2009
Hadday Xisbiyadu is-fahmi karaan maxay walaaca ugu abuuraan Shacabka?
“Haddaanu Mucaaradka nahay cidda mar walba
xasiloonida iyo tanaasulka ka shaqeeyaa waa annaga”
Axmed-Siilaanyo…….Waraysi

SOMALIYA WAXA LAGU TIJAABINAYAA KUWII CULIMADA SHEEGANAYAYE MA WAXA SHAHIID NOQDA?….
Iimaamka Masaajidka Cali Mataan ee Magaalada Hargeysa Sheekh Maxamed Aadan, ayaa Khudbaddii shalay ee Salaadda Jimcaha kaga hadlay xaaladda ka taagan Soomaaliya iyo dhibta haysata dadka ku dhaqan deegaannadaas,
Sheekh Maxamed Aadan…
MADAXWEYNE KU XIGEENKA OO QASRIGA MADAXTOOYADA S/L KU QABILAY WAFTI KA SOCDA MIDAWGA YURUB .
Har 29 May 2009 (THN)
Waxaa maanta kulan ku dhex maray qasriga madaxtooyada wafti ka socda midawga Yurub iyo Madaxweyne kuxigeenka Somaliland mudane Ahmed Yusuf Yasin kuwaas oo ujeedada safarkoodu ahaa sidii ay wax ugala socon lahaayeen suurtal galinimada qabsoomida doorasho ka dhacda dalka.

SARKAAL SARE OO KA TIRSANAA XISBUL ISLAAM OO CAWA MOQDHISHO LAGU DILAY
Moq 29 May 09 (THN)
Sarkaal sare oo ka tirsanaa xoogaga Muqaawamo ah oo dhawaan ka soo tagay dowladda KMG ayaa Caawa lagu toogtay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.


WAFTIGII RIYAALE OO BOOQOSHO KU TAGAY BULAXAAR , ABDAAL IYO TUULOOYIN KALE (SAWIRO)
Ber 29 May 2009 (THN)
click to comment
DHACDOOYINKA ADUUNKA:ILMO YAR OO LA SOO HELAY ISAGA OO LA NOOL EY IYO BISADO DALKA RUUSHKA
Booliiska dalka RUSSIA gaar ahaan gobalka Siberia ayaa soo helay Ilmo yar INAN (GABADH)ah oo jirto 4 sano, Inantaas yar ayaa sida la rumeysan yahay waxaa soo koriyey Bisado iyo Ey….
KOOXDA K/CAGTA JAALIYADA SOOMALIYA EE QATAR OO KU GUULEYSTAY KOOBKA JAALIYADAHA WADANKAAS
Kooxda K/cagta Jaaliyadda Soomaaliyee ee wadanka Qadarclick to comment oo ku guuleystay koobka Jaaliyadaha wadankaas

RAISAL WASAARAHA SOMALIA OO MAANTA U DHOOFAY DALKA LIBIYA(SAWIRO)
click to comment
SIILAANYO OO DAWLADA INGIRIISKA KALA HADLAZ ARIMAHA SOMALILAND
click to comment

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, oo uu weheliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE,

AYAX MAANTA KU DEGAY HUNDULI QOOLCADAY IYO DHIMBIL-RIYAALE EE DEGMADA SALAXLEY
HAR 28 MAY 2009 THN
Ayax qamaamsan ayaa maanta Ku degay Jiidaha hoos Yimaadaclick to comment Hunduli Qoolcaday iyo Dhimbil-Riyaale ee Degmada Salaxlley ee Gobolka Maroodi Jeex….
HAYADA XUQUUDA AADAMIGA AMNESTY OO WARBIXIN KA SOO SAARATY HEERKA XUQUUQDA AFRIKA
click to comment
SAFAARADA AY NORWAY KU LEEDAHAY WADANKA KENYA OO HANJABAAD EMAIL AH LOO SOO DIRAY
click to comment
WARARKII U DANBEEYEY EE MADAXWEYNE RIYAALE IYO WARFTIGIISII KU SUGNAA BERBERA(DAAWO SAWIRADA )
Hargaysa 28 May 2009 (THN)
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahinclick to comment iyo Wefdigii uu hogaaminayay ee weli ku guda jira safarkii shaqo ee ay ku joogeen
Magaalada Berbera,…
HALKAN KA AKHRI WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO KHAMIIS AH 28 MAY
Af-gobaadsigii Cirro, Afeeftii Faysal iyo Garnaqsigii Muuse Biixi
“Damaanad muuqata oo ah in aanu Komishankaasi dib u dhigin arrintaas (doorashada) ma arkayo. Laakiin, maantana.….”Muuse Biixi
“Waxa muuqata inay aqoon-daro inaga haysato xagga Diiwaangelinta, sababtoo ah..” Faysal Cali Waraabe…
BARCELONA OO CIYAARTII CAAWA 2-0 KU DUBATAY MANCHESTER CIYAAR TAARIIKHI AH
click to comment
SADEXDA XISBI QARAN IYO KOMISHANKA OO MAANTA KALA SAXEEXDAY HESHIIS 8 QODOB AH
click to commentMaanta ayaa Hotel Maansoor Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Qaranku kuwada saxeexeen heshiis sideed qodob…
WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO ARBACA 27 MAY 2009
Wararkii Wargeyska Ogaal Arbaca May27, 2009.
“Adduunka oo dhan khiyaamadu way ka dhacdaa, lacag-na qofna inta gurigiisa la jabsaday lagalama bixin” Wasiirka Daakhiliga………Waraysi gaar ah.
Gabiley: Maxaabiis Sumowday oo qaarkood dhinteen…
SARAKIIL SAR-SARE OO KA TIRSAN WADANKA MEXICO OO LA XIDHAY
Dawlada Mexico ayaa sheegtay in ay xbsiga u tabaxeen Saraakil sar sare oo ka tirsan Xukumada Dalka….
WASIIRKA DAAKHILIGA C/LAAHI CIRRO OO KA JAWAABAY EEDEYNTII AY SOO JEEDIYEEN DUMARKII LA DHACAY..
“Adduunka oo dhan khiyaamadu way ka dhacdaa, lacag-na qofna inta gurigiisa la jabsaday lagalama bixin” Wasiirka Daakhiliga………Waraysi gaar ah…
SOMALILAND TUSAALE AYAY U NOQONAYSAA SOMALIYA IYO AFRICABA DAVID CAMERON
Hogaamiyaha Xisbiga Conservative oo ah Xisbiga hada guusha weyn kaso hooyay doorashadii degaanka ee waddanka Britain isla markaana hada lafilaayo click to commentinuu ku guulaysto doorashada soo socota ayaa sheegay in Somaliland tahay meel tusaale unqon karta Somaliya oo Colaado hadheyeen iyo Africaba….
MARWO CARINA HAGG OO AH MUDANE KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADDA EE SWEDEN OO S/LAND SI WEYN U AMAANTAY
Waxa maanta kulan gaar ahi dhex maray Ku xigeenka wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Hussein Mohamed Ali ( Hussein Wadadyare) iyo Marwo Carina Hägg oo ah marwo ka tirsan gollaha wakiilada ee dalkan Sweden, lagana soo doorto gobolka Jönköping ee dalka Sweden….
KORODHSO AQOONTAADA:MAGACAYADA LACAQAHA ADUUNKA IYO TARIKHDOODA
click to comment

DALKA FRANSIISKA OO KA FUURTAY SALDHIG MILATARI WADANKA UAE
Madaxweynaha Wadanka Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa waxa u manta sii rasmi ah uu furay Saldhig Milatri ay iska leeyihin Cidamadda Milateriga ee Wadanka Faraniiska oo ku tala Magalada Abu Dhabi ee Wadanka UAE.click to comment
DR CUMAR IMAAN OO IS CASILAY IYO XASAN DAAHIR OO CUMAAMATAY GUDOOMIYANAMIDA XISBIL ISLAAM
click to comment
M/WEYNE RAYAALE OO QAABILAY MADAX DHAQAMEEDKA GARXAJIS
Madaxweyne Rayaale oo Qaabiley Madax-Dhaqameedka Gar-xajis iyo Beello kale oo la Ballansan ,Ujeedada Kulamadaas iyo Nuxurka Wax yaabaha la Filayo in lagu soo qaadayo…
CABITAANKA REDBULL EE KORDHIYA FIRFIRCOONIDA IYO TAMARTA OO LAGA HELAY MAANDOORIYE
click to commentSharaabka ama Cabitaanka RedBull ayaa laga helay maado maandooriye ah (Cocaine), taas oo ah nooc kamid ah maandooriyaasha ama daroogooyinka ugu khatarsan….
XAFLADII 18 GUURADA LA SOO NOQOSHADA MADAXBANAANIDA S/LAND AUSTRALIA
click to commentAustralia oo si aan horey loo arag looga Xusay 18 May, iyadoo Ururka Dhalinyarada Reer S/Land ee SYNS, ay soo bandhigeen Caado Qurux badan oon horey looga baran Xusaskan oo kale. DAAWO…
WALAD CABDALA OO SOCDAAL QARSOODI AH KU YIMI MUQDISHO MAANTA SAACADO YARNA JOOGAY
click to commentAxmed Walad Cabdalla ayaa socdaal qarsoodi ah ku soo gaaray maanta Magaalada Muqdisho…
BARLAMAANKA UK OO DOOD XAASAASI AH KA YEESHAY SOMALIA IYO AQOONSIGA S/LAND
“Ma aaminsani in aqoonsiga dawladda Ingiriisku siiso Somaliland ay xal u noqon karto madaxbannaanideeda iyo jiritaankeedaba, laakiin waa arrin xalkeedu u yaal Afrika”

Lord Malloch-Brown…
BRITISH AIRWASY REPORTS RECORD LOSS
click to commentBritish Airways, Europe’s third biggest airline, has reported a record £595m loss in the last year, its worst result in two decades….
NORTH KOREA OO TIJAABISAY GANTAL NEUCLAR
click to commentWakaalada Wararka ee Wadanka North Korea ayaa sheegtay in xukuumadu ku guulaystayay Tijaabo aay kuu samaysay dhulka hoostiisa GantaL hubka Nuclear ka….
XUSKA MUNAASIBADA 18 MAY DOHA QATAR
click to commentXuska sanad guurada 18 aad ee 18 may oo aad looga dabaal dagay lagana xusay wadanka Qatar ayaa bulshada reer Somaliland ee kunool wadanka Qadar ay si heer sare ah u soo abaabuleen…
MACLUUMAAD LAGA DIYAARIYEY SINJIBIISHA IYO WAXTARKA AY U LEEDAY CAAFIMAADKA
click to commentWaxaa markii u horeysey si qayral caadi ah ugu fidaya isticmaalka Sinjibiisha Wadamada Reer Galbeedka, inkasta oo mudo boqolaal Sano ah si joogto ah looga isticmaali jirey Wadamada Asia…
M/WEYNAHA S/LAND OO XAFIISKIISA KU QAABILAY WAFDI SARE OO UNDP AH DAAWO SAWIRO
click to commentMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin oo xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi sare oo UDNP ah, Daawo Sawirada…
12 MARKAB OO RUQSAD LA SIIYEY AYAA KU JIRA BADDA KUWA LAASQOREY LAGU HAYSTAANA ..
click to comment“12 Markab Oo Ruqsad La Siiyay Ayaa Ku Jira Badda, Kuwa Laas-Qoray Lagu Haystaana Tuugo Ayey Ku Kalluumaysanayeen”Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha Cali Maxamed Qoorseef…
NIN WATAY GAADHI LAGA SOO BUUXIYAY WAXYAALAHA QARXA OO ISKU QARXIYAY XARUN CIIDAMADA XAMAR
Muqdisho 24 May 2009 THN
Qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay nin naftiisa halige ah ayaa isku qarxiyay xaruntii keydka shidaalka Haama Dhowr ee Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo aheyd Keydkii Shidaalka Dowladda KMG….
35 SUDDAAL AMA SIBIQ DHAQAAQ (TAHRIIBE) DHALINYARO REER BURCO HARGEYSA OO KU QARAQMAY BADDA LIBIYA
Liiska qaar ka mid ah dadka badbaaday oo la xabb isay, kuwa dhintay iyo kuwa la la’yahay

35 Tahriibe oo Dhalinyaro reer Burco iyo Hargeysa ah oo Dooni kula Qaran-qantay Badda Liibiya…
QARAX LALA BEEGSADAY SHAANEMO KU YALA MAGALADA PESHWAR DALKA PAKISTAN
Baabuur walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay Badhtmaha Suuqa Magalada Peshwar oo ku taala Waqooyi Galbeed ee Dalka Pakistan….
MADAXWEYNAHA DALKA GABON OO KUU XANUUNSADAY DALKA SPAIN
click to commentMadaxweynaha Dalka Gabon Omar Bango ayaa la sheegay in uu ku xanuun sanayo Hospital ku yala Magalada Barcelona ee Wadanka Spain….
MAHADNAQ DR. MAXAMED C/LAAHI CUMAR
Waxaan Shabakadda wararka ee LONGLIVESOMALILAND uga mahad celi nayaa shahaado sharafta ay i guddoon siiyeen iyagoo qiimaynaya hawl gallaydayada ku jahaysan dhinaca kobcinta qaddiyada Somaliland iyo horumarkeeda.Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar…
CIIDAMADA POLICE KA SOMALILAND OO HAWLGAL KU SOO QABTAY 36 RUUX
Hargaysa 22 May 2009 (THN)
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay hawlgal ay fuliyeen xalay inay ku soo qabqabteen 36-qof oo isugu jiray tuugta halista ah ee dadweynaha xiliga habeenkii ku baadha xaafadaha magaalada iyo dadka ka ganacsada mukhaadaraadka.

DIYAARAD BUUFINAYSA AYAX KA DHASHAY GOBOLO KA MID AH HAGAYSA OO SAKA HAWL GASHAY
Hargaysa 22 May 209(THN)
Subaxnimaddii hore ee saaka ayaa waxa magaaladda Hargeysa lagu war helay diyaarad weyn oo dul haadaysa saqafka sare ee guryaha oo joog hoose ku duulaysay taasoo dadka baqdin ku abuurtay.

XAFLAD LAGU TAGEERAYEY MADAXWEYNAHA JABUUTI OO XALAY LAGU QABTAY GABIILAY
Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Somaliland C/risaaq Waaberi Rooble ayaa Xalay ka Qayb galay Xaflad lagu Taageerayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele Munaasibadaasi oo lagu qabtay Huteel Askar ee Magaaladda Gabiley ee Gobolka Gabiley ….
LAMAANE LACAG KA BADAN LIX MILYAN OO DOLAR OO SI KHALAD AH UGU DHACAY ACCOUNTKOODA LA BAXSADAY
click to commentLamaane u dhashay dalka New Zealand ayaa la baadi goobayaa kadib markii ay la baxsadeen lacag dhan 6 million oo dollar oo si khaldan Bangigooda loogu soo shubay….
DAGAALKII SAAKA KA BILAABMAY MUQDISHO OO SII LABA KACLEEYEY
click to commentDagaalo saf ballaaran ayaa ka socda Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoona dagaalka uu iminka kaabiga ku haayo Suuqa Bakaaraha,…
AJAABINTA KA DIRIRAAYA DHULKAYGA WAXAY DOONAYAAN INAY SOMALIYA KU HAYAAN QALALAASAHA
click to comment
IGAD OO UN-KA UGU BAAQDAY IN SOMALIYALA SAARO CUNAQABTAYN DHINACA CIRKA IYO BADDA AH
IGAD oo UN-ka ugu baaqday in Soomaaliya la saaro cunaqabatayn dhinaca cirka iyo badda ah.

HALKAN KA DAAWO HEESTII AY MARYAN MURSAL CIISE BOOTAAN KA QAADAY XAFLADII 18 MAY LONDON

UNICEF OO CANBAAREEYSAY BILILIQADA LAGULA KACAY XAFIISKOODA JAWHAR
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hey’adda UNICEF ee Magaalada Nairobi ayaa si xoogan lagu cambaareeyay bililqadii iyo bur burintii loo geystay Xafiiskii UNICEF ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya….
FINLAND:XAFLADDA 18 GUURADDA MADAXBANAANIDA SOMALILAND( SAWIRO)
click to commentFinland: Xafladda 18 guurada Madaxbanaanida Somaliland…
KOMISHANKU MAAHA MEEL QOF XUKUMO AWOODNA UMA LAGA (GUDD) KALA DIRISTA GUDDIGA KORMEERKA
“Komishanku maaha meel qof xukumo, awoodna uma laha (Gudd.) Kala-dirista Guddiga Kormeerka”

Axmed Maxamed X. Bidaar – Xubin ka tirsan Komishanka – Waraysi gaar ah…
DALADDA MIDAWGA SUXUFIYIINTA S/LAND OO CAMBAAREEYEY FALAL LAGULA KACAY SUXUFIYIINTA MUNA IYO JANAALE
Daladda Midawga Suxufiyiinta Somaliland oo si Kulul u Cambaaraysay Falkii Foosha Xumaa ee uu Afhayeenka Madaxtooyadu ku Faro saaray Gabadh Suxufiyad ah iyo Xadhigii Weriye Janaale…
18 MAY IYO ARDAYDA REER SOMALILAND EE SUDAN ( DAAWO SAWIRADA)
Kartoum ee caasimada wadanka sudan oo ay ku sugan yihiin ardey aad u badan oo reer somaliland ah ka dhacey habeenkii 18 May xaflada aad u sareysay oo lagu xusayey sanad guurada 18Aad ee ka soo wareegtey la soo noqoshadii madaxbanaanida soomaliland…
XAFALAD AAD LOO SOO AGAASIMAY OO KA DHACADAY QASRIGA MADAXTOOYADA S/L
Hargaysa 18 May (THN)

click to comment
SIDEE LOOGA XUSAY 18 MAY GUUD AHAAN NORWAY GARA AHAN OSLO
Oslo 18 May 2009 (THN)
click to comment
CUTUBYO KA TIRSAN CIIDAMA ETIOPIA AYAA KU SOO JEEDA G/ HIIRAAN GAR AHAAN BALADWEYN
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Ethiopia ayaa ka soo tallaabay xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago ismaamulka Soomaaliya Ethiopia, iyadoona Ciidamadan oo aad u hubeysan ay soo gaareen meel u dhow Isgoyska Kala Beyrka oo qiyaastii 20KM dhinaca waqooyi ka xiga Magaalada B/weyn.

XUSKA SANADGUURADA LA SOO NOQOSHADA MADAXBANAANIDA JSL WADANKA GERMANY DAAWO SAWIRDA
GERMANY 19 May 2009 THN
click to comment
URURKA ARDAYDA S/L EE BANGLADESH IYO XUSKA MUNAASIBADA MADAXBANAANIDA 18 MAY DAAWO SAWIRO
click to commentXaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay maalinta xornimada Somaliland ee 18 MAY ayaa caawa fiidkii lagu qabtay HOTEL EFES ee caasimada dalka Bangladesh ee Dhaka….
DABAALDEGA SANADGUURADA 18 AAD EE LA SOO NOQOSHADA MADAXBANAANIDA S/LAND CANADA DAAWO SAWIRO SARE
TORONTO 19 May THN
Magalada Toronto Waxaa ka dhacdey xaflad aad u balaadhan oo loogu dabaal dagaayey sanadguuradii 18aad ee Somaliland kaga go’day Somaliya inteeda kale xafladaas oo runtii aad looga soo qaybgalay waxa kasoo qaygalay Dadweyne aad u farabadan oo ka kala yimid dalka Canada hareeraheeda oo dhan….
URURKA ARDDAYDA JSL EE DALKA YEMEN IYO DABAALDEGA 18 GUURADA SOMALILAND DAAWO SAWIRO
Ururka Ardayda JSL ee Dalka Yemen oo soo qaban qaabiyey xaflad balaaadhan oo si weyn loo soo agaasimay xafladaas oo ka dhacday magaalada Sancaclick to comment
XISBIYADA MUCAARADKA OO MAANTA SI WADA JIR AH U QABTAY SHIRJRAAID HUTEEL MAANSOOR
Hargaysa 18 MAy 2009 (THN)


HALKAN KA DHEGYSO KHUBADII MADAXWENE DAHIR RIYAALE


HOGAAMIYIHII TAMIL TIGERS OO LAGU DILAY
Telefishinka Qaranka ee Wadanka Sri Lanka ayaa waxay goor dhowayd sheegtay in Hogaamiyihi Tamil Tigers Vellupialli Prabhakaran uu geeriyooday….
HALKAN KA AKHRI KHUDBADA M/WEYNAHA SOMALILAND EE DABAALDEGA 18 MAY
click to commentMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta kala qayb galay Dadweynaha Somaliland Xafladda Dabaaldega 18 Guurada la soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland M/weynaha ayaa khudbad dheer oo dhincyo badan Taabanaysa halkaasi ka jeediyay…
DABAALDEGA 18 GUURADA MADAXBANAANIDA SOMALILAND 18 MAY DAAWO SAWIRO BEERTA XORIYADA HARGEYSA
click to commentDABAALDEGA 18 GUURADA MADAXBANAANIDA SOMALILAND 18 MAY DAAWO SAWIRO…
WAR DEG DEG AH: WARIYIHII HADHWANAAG EE S/LAND MUSTAFE JANAALE OO GOORDHAWAYD XABSIGA LOO TAXAABAY
click to commentDegdeg ah: Wariyihii Shabakadda Wararka Hadhwanaagnews Ee Somaliland Mustafe-Janaale Oo Goordhawayd Xabsiga Loo Taxaabay…
AQOONYAHANKA SOMALILAND-KOOX MADAXBANAAN WAR MUURTIYEED
click to commentAqoonyahanka Somaliland-Koox Madaxbannaan:
Fulinta Talooyikii Guddiga Dhexdhexaadinta
(16.05.2009, Hargeisa, Somaliland)…
MADAXWEYNAHA S/L MUDNE RIYAALE DHAMBAAL HAMBALYO EE 18 MAY U DIRAY SHACBIGA S/L
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa caawa dhambaal Hambalyo ah u diray guud ahaan shacbi-waynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba xuska 18aad oo ah maalinta qaranimada Somaliland.

BARACK OBAMA OO SAFIIR CUSUB U MAGACABAY WADANKA CHINA
Madaxweynaha Wadanka Maraykanka Barack Obama ayaa waxaa uu Jon Huntsman uu Magacaabay Safiirka Wadanka Maraykanka ee uu fadhiya Wadanka China….
SHIRWEYNAHA 3 AAD EE URURKA ARDAYADA JSL EE YEMEN OO DOORTAY HOGAAN CUSUB(SAWIRO)
Ururka ardayda JSL ee Dalka Yemen oo ku qabtay magaalo madaxda dalka Yemen doorashadiisii saddexaad ee lagu dooranaayay hogaanka sare ee Urukaaas kaas oo hagi doona sanad jaamacadeedka 2009/2010 doorashaas oo lagu qabtay hoolka weyn ee ( Balqiis hall ) ee magaalada Sanca…
CIIDAMADA PAKISTAN OO SHEEGAY INAY LAAYAN DAGALAYAHNO KA TIRSAN TALIBAN
Islamabad 17 May 2009 THN
Ciidamada Dawlada Pakistan ayaa sheegay in 24kii saacadood ee ugu dembayay aay ku dileen 47ka tirsan Ururka Taliban.

GUDOOMIYAHA KULMIYE OO MEEL FAGAARE AH KALA HADLAY JAALIYADA S/LAND EE INGRIISKA (SAWIRO)
Waxaa Xalay oo Sabti ah kadhacay magaalada London Galbeedkeda Shirbaladhan oo ay kasoo qaybgaleen Jaliyadda Somaliland ee kudhaqan waddankan Ingriiska, Shirkan Waxaa wadajir u qaban qaabiyay, jamciyadda kulmisa ururada Somaliland ee Yurub…
XISBIGA UCID ANIGA AYAA U AH XOGHAYA WARFAAFINTA MEEL AAN KAGA BAXAY IYO MEEL AAN KU IDHI WAAN….
Waxan leeyahay xisbiga Ucid aniga aya u ah Xoghayihii warfaafinta meel aan kaga baxay iyo meel aan ku idhi waan ka tagayna ma jirto.
A/Naasir Yousuf Osman (Qodax)
Xog-Hayaha warfaafinta ee xisbiga ucid…
WARBIXIN: 19-SANADOOD KA DIB MAXAA IS-KA BEDELAY WAAYAHA NAAFADA JAMHUURIYADDA SOMALILAND?
click to commentWaa hubaal in ay in badan oo bulshada ka mid ahi ay ila dareemi karaan gaar ahaan kuwa laga yaabo in ay ka soo jeedan Qoys uu ka tirsan yahay qof naafo ah,…
TOLOW DAAHIR RAYAALE CILMIGU MA HABEEN BUU KU SOO GUUREEYEY? MAXAMED KAAHIN
“Tolow Daahir Rayaale Cilmigu
ma habeen buu ku soo guureeyay?”
Maxamed Kaahin – Afhayeenka Xisbiga Kulmiye…
XAFLADII MINNESOTA EE XUSKA 18 MAY ( DAAWO SAWIRO)
Xafladii Minnesota aa xalay Oo Si Heer Sare Ah U Dhacday Iyo Gudoomiyihii Jaaliyada Somaliland Ee Minnisota Xasan Yonis Iyo Ururka Dhalinayarad Somaliland aa Minnesota Oo Hadalo Ka Jeediyay.
click to comment

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO MAALINTA QARANIMADAJAMHUURIYADDA SOMALILAND 18 MAY BAHDA TOGGAHERER
Dhamaan Maamulka shaqaalaha Iyo Wariyayasha Webka ToggaHerer oo kala ah,Waxaanu Hambalyo U diraynaa Shacbka Iyo Qaranka Somaliland maaalinta la soo noqoshada Xoriyadii Luntay 1960 ee Isniin 18 May 1991 Waan maalin farxad iyo quruxi ku dheehantahay, waa maalin qaali ku ah Umadda Somaliland….
INDHOCADE IYO GAADIID DAGAAL OO FARA BADAN OO UU WATO OO KU BIIRAY DHINACA SHARIIFKA
WArar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde iyo 17 ka tirsan Gadiidkiisa dagaalka ayaa ku biiray dowlada KMG ah ee Soomaliya isagoo haatan ku sugan Madaxtooyada Soomaliya ee Muqdisho….
PRESS-RELEASE JAR.
JAR has no much idea or background to mention about a recent released freelancer journalist called Hathis Mohamed Hathis who is based in the capital city of Somaliland cities (HARGEISA)…
INAN YAR OO SOOMALIYAD 8 SANO JIR AH OO CUNSURIYAD AWGEED TAREEN LOOGA TUURAY FINLAND
Amal Farah Abdi waa Inan Yar oo Sideed sano jir ah AYAA iyada oo dooneyesa in ay Tareen ka raacdo badhtamaha magaalada Espoo ee dalka Finland uu Nin Saan-Cadaale ahi Albaabka Tareenka xoog uga soo tuuray oo dhabar dhabar dhulka ugu dhacday.
click to comment

MANCHESTER OO XAQIIJIYISAY HANASHADA KOOBKII 18 EE HORYAALKA INGRIISKA
Kooxda Manchester oo maanta xaqiijisay inay ku guuleysteen koobkii 18aad ee horyaalka Ingiriiska,
click to comment

XASAN TURKI IYO BOQOLAAL KA MID AH CIIDAMDIISA OO FADHIISAN KA SAMAYSTAY XARUNTII DAYNIILE
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo Hogaamiyaha Islaamiga Sheekh Xasan Cabdalla Xirsi TURKI oo hogaamiya mid ka mid ah garabyada Islaamiyiinta,
click to comment
ALSHABAAB OO DEEGAANO HOR LEH KU WAAYAY DAGAALADII AY LA GALEEN AHLU SUNAH
Ururka Alshabaab ayaa u muuqda mid gacantooda deegaanadii ay horay ugu joogeen Gobolka G/gaduud, iyadoo intii u harsaneyd ay haatan u muuqdaan kuwo lagala wareegayo, kadib dagaalo faraha looga gubtay oo ay la galeen Urur diimeedka…
DR SHEEKH YUSUF AL-QARDAAWI DAGAALADA SOMALIYA WAA KUWA NASIIB DARO AH.
DOXA 16 MAY 2009 THN
click to comment
Madaxa hay’ada culimada islaamka ee caalaamka Sheekh Yuusuf Al Qardaawi ayaa ku tilmaamay dagaalada ka socda dalka Soomaaliya kuwo nasiib darro ah….
BARLAMANKA ITOOBIYA OO MEEL MARIYAY CODSI BEESHA SHEEKHASH INAY YESHAN MAAMUL KA MADAXBANAN KILIL 5
Adiss Ababa 16 May 2009 THN
Baarlamaanka wadanka Ethiopia ayaa ansixiyay Codsigii Beelaha Sheekhaashta iyo Duubada ee deegaanka Raaso inay ay yeeshaan Maamul ka madaxbanaan deegaannka ismaamulka Soomalida
click to comment
GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE OO SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYAY LONDON (SAWIRO)
Waxaan Lakulmi Doona Bulsha weynta Somaliland ee Qurbajooga annigoo kala hadli doona meelo fagarayaal ah: Axmed Siilanyo.

WELCOME TO SOMALILAND, THE NICER PART OF CRUMBLING COUNTRY
Experts regard the spat as temporary and expect foreign governments to keep funding Somaliland-based relief efforts and political reform projects, but Somaliland’s limbo status appears more enduring.
click to comment

WARYASI AANU LA YEELANAY GUDOOMIYAHA XISBIGA UDUB /UK MUDANE AXMED NAASIR
Hargeysa-Gudoomiyaha Xisbiga UDUB/UK Mudane Axmed Naasir, ayaa waraysi aanu la yeelanay kaga hadlay arrimo badan
click to comment

KULAN XIISO LAHAA:GUDIDDA DHAQAALAHA GOLAHA WAKIILADA IYO ARDYADA S/LAND EE WAX KABARATA UGANDA
Kulan weyn oo ah kii noociisa ugu horeeyey ayaa dhexmaray Xubnaha Gudidda Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Somaliland oo hadda yugaadha ku sugan iyo ardayda Somaliland ee dalka uganda wax ka barata habeenkii khamiistu soo galaysay ee 13ka bishani May.
click to comment

XUKUUMADA MARAYKANKA OO EED DUSHA UGA TUURTAY ERITREA KU LUG LAHAANSHO DAGAALADA XAMAR
Xukuumada Mareykanka ayaa ku eedeysey Eritrea inay ku lug leedahay colaada ka jirta magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war murtiyeed ay soo saartey wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka….
XAAWALAYDII UGU DADA WEYNAYD CAALAMKA OO GEERIYOOTAY SAKHAN DOSOVA 1879 – 2009
click to comment
XAAWALAYDII ADUUNKA UGU DA’DA WEYNAYD OO GEERIYOOTAY SAKHAN DOSOVA 1879 – 2009…
AWEYS OO SI GAAR AH UGU HANJABAY AXMED GODANE OO AH MADAXA ALSHABAAB
Xassan Dahir Aweys Oo Si Gaar Ah Ugu Hanjabay Ahmed Godane Oo Ah Madaxa Al-shabaab Iyo Dagaalkii Muqdisho Oo Wajiyo Dhawr Ah Yeeshay….
WARIYE XADIIS MAXAMED XADIIS OO XARUNTA DAMBI BAADHISTA EE CID DA LOO TAXAABAY
Tifatiraha shabakada Wararka ee Baadiyenews.com Mr. Xadiis Maxamed Xadiis, ayaa lagu xidhay xarunta dambi baadhsita ee CID-da magaalada Hargeysa.
click to comment
GOLAHA WASIIRADA OO XILKII KA QAADAY TALIYIHII CIIDAMADII MILETERIGA SOMALIYA GENRAL SICIID DHEERE
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah ka yeeshay xaalada dagaalada ka sii socda Magaalada Muqdisho, iyagoona kulan albaabada u xiran goor dhow ugu soo gaba gaboobay Xarunta Madaxtooyada….
MAXAMED DHEERE OO KA DEGAY MUQDISHO MARKIIBANA U DHAAFAY VILLA SOMALIYA
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu ka degey gudoomiyihii hore ee gobolka Banadir Maxamed Dheere, halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen masuuliyiin ka tirsan DKMG….
LABAD GUDOOMIYEY OO DALKA KA DHOOFAY XILI KHILAAF SIYAASADEED KA JIRO DALKA
Hagaysan14 May 2009(THN)
Labada hogaamiye ee xisbiyada mucaaridka ah Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe ayaa dalka debeda uga baxay iyadoo ay weli taaganyihiin duruufihii muranka siyaasadeed ee ka dhashay dib-u-dhaca doorashada madaxtooyada Somaliland.

WASIIRKA CAAFIMAADKA OO XADHIGA KA JARAY DIYAARADA CUSUB EE XORIYO
Berbera 13 May 2009 (THN)
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe ayaa shallay xadhiga ka
click to comment
WASIIRKA QORSHAYNTA S/L CALI SANYARE OO SHIR LA YEESHAY HAYADAHA CALIMAGA AH
Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Md. Cali Maxamed Ibraahin (Cali Sanyare) ayaa Somalilandpress xog-waran ka siiyay kulan balaadhan oo uu Gudoominayay,
click to comment
XAFLAD XILALKA LOOGU KALA BADALAYEY LABA XOGHAYE OO MAANTA KA DHACDAY X/G/DH EE UDUEB
Hargaysa 13 May 2009 (THN)
Waxaa manta magalaada Hargaysa ka dhacay xaflad xilka loogu kala wareejinayey xoghayihii hore gobolka ee xisbiga talada haya ee Udib mudane Axmed Cabdi Cismaan iyo xoghayaha dambe oo ay u doorteen xilkaasi mudane Axmed Maxamed Faarax(Gamaame) taas oo ka dhacday xaruntka dhexe ee xisbiga Udub,…

WARAR GOOGOOS AH OO KU SAABSAN BURCAD BADEEDA SOMALIA

Ciidamadda badda ee wadanka Hindiya ayaa waxay ka hor tageen burcad badeed weerar ku qaaday markab nooca Xamuulka qaada oo xilliga ay weeraraayeen maraayay xeebaha gacanka Cadmeed.

Markab dagaal iyo Helicopter ay leedahay wadanka Hindiya ayaa waxay fariin gurmad ah ka jawaabeen Markabka la weeraray oo fariin uu soo diray maraakiibta dagaal ku sugan xeebaha wadanka Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Waxaana ay isla markii soo aadeen goobta,waxayna Ciidamadda sheegeen in ay arkeen labo qof oo jaran jaro ku sii kori rabay markabka oogadiisa sare.

Balse waxay isaga soo laabteen ka dib marki ay arkeen Ciidamadda.

Kooxaha budhcad badeeda ee markabka weerartay ayaa waxaa la sheegay in ay wateen dooni yar ayna gaareeyeen 8-qof.waxaana ay isla markii isaga carareen oo ka baxsadeen goobta.

Markabka la weeraray ayaa waxaa uu ka diwaan gelisanyahay Wadanka Liberia,waxaana aan la ogeyn halka laga leeyahay iyo tirada iyo wadamada shaqaalaha saaran markabka.

BUDHCAD GADHAYSA 29 AYAA RUUSKU KU WAREEJIYEY IRAAN IYO PAKISTAN:-

Ciidamadda badda ee wadanka Rushka ayaa waxay kooxo burcad Badeed gaareeya 29-qof ku kala wareejiyeen wadamada Pakistan iyo Iraan.

Afhayeen uu hadlay ciidamadda badda ee wadanka Rushka waxaa uu Wakaaladda Wararka ee AFP uu sheegay in usbuuci aan soo dhaafnay ay Kooxahaas labo qayb uu kala qaybiyeen ayna ku kala wareejiyeen Xukumadaha Iraan iyo Pakistan.

Wararka waxay sheegaayan in sababta keentay in xukumada Rushku ay kooxahaas ku wareejiso ay tahay tiradooda oo aad uu badan.

Ciidamadda Badda ee Wadanka Rushka ayaa waxay Kooxahaas budhcad Badeeda soo qabqabatay Bishi aan soo dhaafnay ee April ka dib markii ay isku deyeen in ay Qafaashaan Markab ay la socdeen Shaqaale uu dhashay Wadanka Rushka.

Hore ciidamadda isbahaysiga ee ku sugan xeebaha wadanka Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed waxay heshiis la galeen wadanka Kenya kaa oo dhigeeya in ay ku soo wareejiyaan kooxaha budhcad badeeda ay soo qabtaan.

Lama yaqaano iminka sababta dhabta ah ee Keentay in Ciidamadda Rushku ay Kooxo burcad badeed ay soo qab qabatay in ay ku wareejiso Xukumad kale.

Waxaana ay sidoo kale wadankeeda iminka ku haysa Kooxo burcad badeed oo ay ka soo qabatay xeebaha wadanka Soomaaliya halkaas oo lagu Wado in ay ku maxkamadayso.

Axmed Cali Siciid
Nairobi
Kenya

UGU YARAAN 39 TAHRIIBE AYAA KU DHINTAY XEEBAHA YEMEN HALKA TIRO KALENA WAY BADBADAY

Adan 30 May 2009 (THN)
Tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku dhintey biyaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen,ugu yaraan 39 qofood oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen biyaha u dhexeeya labada dal markii ay doonidii ay la socdeen ku dejisey meel badweynta ku taal gobolka Shabwa ee dalka Yemen.

Xuseen Xaaji Axmed oo ka tirsan qunsulka Soomaaliya ee Cadan ayaa wareysi ayaa war uu shaaciyey ku sheegay in dadka la socdey doonta oo ahayd tii ugu dambesey ee gaarta Yemen ay la socdeen 43 qofood oo isugu jira rag iyo dumar, waxaana ka soo badbaadey 12 qofood oo kaliya.

Qunsulku waxa uu sheegay in tirada dadka tahriibka ah ay soo badanayaan dhowaanahan iyadoo ay taasi ugu wacan tahay xaalada colaadeed ee ka soo cusboonaatey koonfurta ee u dhexeysa dowlada iyo mucaaradka.

Tahriibayaasha soo badbaaday waxaa ku jira carruur aad u da’ yar, kuwaasi oo la soo geliyey safarka tahriibka ee halista ah.

Xuseen Xaaji Axmed waxa uu sheegay in dadka dhintey lagu dejiyey gudaha badweynta oo ay dabaalan waayeen, sidaasina ay keentey inay biyaha ku dhintaan.

Meydadka dadkaasi waxaa lagu aasey xeebta gobolka Shabwa ee dalka Yemen.
Waxaa jira dad kale oo la soo badbaadiyey iyago la ill daran xanuunka shubanka oo ka dhashey biyaha cusbada oo ay cabeen ka dib markii mudo ku dhow todobaad ay bada ku jireen.

Xuseen Xaaji Axmed waxa uu sheegay in dhakhaatiirtu ay baaritaan ku sameeyeen dadkaasi oo hadda ku jira cusbitaalka daweyna lagu hayo.

Qunsulku waxa uu sheegay in dadka tahriibka haatan ay soo badanayaan, waxaana dadkaasi dhamaantood ay ka soo tahriibaan xeebaha gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland.

Dhacdadan ayaa noqoneysa midi ugu dambeysey oo ka dhacda biyaha u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya, halkaasi oo ay sanad walba boqollaal ku geeriyoodaan safarka tahriibka ee ay galaan.

Axmed Xasan Farax (Xayfi)
Adan
Yemen

XAFLADA MAANTA LAGU XUSAAYEY GUDAGALKII SNM EE HARGAYSA OO KA DHACAY I MPERIAL HARGAYSA.(SAWIRO)

Har 30 May 2009 (THN)
Waxaa maanta Huteel Imperial ee magaalda Hargaysa lagu qaqbtay xaflad lagu xusaayey 21 guuradii maalintii SNM ay soo gashay gudaha magaalada Hargaysa oo ku beegan 31 May maalinta barito ah taas oo ay ka soo qayb galeen madax kala duwan oo ka tirsanaan jirtay ururka SNM taas oo qaar ka mid ahaa madaxdaasi ay ka mid ahaayeen saraakiishii hogaaminaysay gudalka magaladan Hargaysa in kasta oo ayn hogaamiyayaashii ciidanku aanu ku jiray oo badidoodii ay xijaabteen halka maalinti 27 may ee Burco la soo galay sarkaalkii watay uu joogo magalda London.

click to comment
click to comment

click to comment

Waxaa xaflad ka mid aha madaxdii kala duwanayd ee hadalada ka jeediyey Maxamed Xasan Jidhif kaas oo ka hadalay kaas oo sheegay in uu isagu ka mid ahaa garankii caskariga ahaa ee SNM halka uu tibaaxay in uu jiray garab kale oo siyaasi ah uuna sheegay in aaanu kuwayagaa askarta ahaa aynu dhimasho diyaar u ahayd se aanay tii alle noo iman intii aanu dagaalka ku jiray walin aanu noolnahay taas oo uu sheegay waxay ka dagaalamayeen in ay ahayd gumaysi iyo in ay aayaha dhalin yarada ay u talinayeen waxaanuu yidhi “SNM laba qeybood ayay ahayd qeyb siyaasi ah iyo qeyb, kuwayagan askarta ah ee imika soo taag-taagani Anagu waxaanu goosanay inaanu dhimanee ilaahay baa na dili waayay. Waxana laga dhintaa marka lagu yidhaahdo ma jirtid ee aad adiguna leedahay waan jiraa. Haddii aanu odhan lahayn xiligaasi waar aan iska joogno dhalinyarada imiku waxay dhalan lahayd iyagoo gun ah,waxaadse dhalinyarooy dhalateen idinkoo gob ah. Xafladahan oo kale waxay ku fiicnaan lahaayeen 21 sano ka hor, in wixii aanu khaladnay aanu saxno shaki kuma jiro in wax naga khaldameen. Haddii aan wax naga khaldamin rag badan oo halkan ka maqan ayaa maanta inala joogi lahaa. Waxaan maqlayay Mujaahid Axmed Mire oo ninkii Burco qabtay ah oo isagoo qaxoonti ah Ingiriiska Hambalyo yar ka soo dirayay.halgankani wuxuu ka shaqeeyay in jiilka maantu uu dhasho isagoo xor ah.” Sidaa waxaa yidhi mujaahid Jidhif isaga oo sheegay in ay kulan iskgu timaadu wixii ka hadhay SNM maadama ragan haystaa iminka xukunka S/L aanay waxba ka ogayn halgankii iyo SNM toona.
click to comment

click to comment

Waxaa isna ka mid ahaa ragii halkaas ka hadlay Maxamed Xaashi Cilmi taas oo uu sheegay in ninka SNM meeshuu doono ha joogo xisbiguu doono ha ku jiro in ay inaga dhaxayso talo guud taas uu sheegay in la is ogaado lana ogaadoo hawshii dheerayd ee aynu u soo marnay xormiadan hada aynu joogno taas oo dhimasho iyo dhaawac iyo maal intaba aynu u hurnay.
click to comment

click to comment

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay Maxamed kaahin oo ka mid ah madaxda Kulmiye horena u ahaan jiray Saraakiishii SNM , Jaamac Ismaacii Cige (Jaamac Shabeel) oo isna ahan jiray Saraakiishii SNm hadeerna aha madaxda Ururka Kulmiye ,Ahmed Muxumed Madar oo isna ahaa dhalinyaradii OFO hadeer ah ragii qurba jooga ahaa ee hadeer dalka dib ugu noqday, Iyo xubno kale oo badan oo intuba ahaa mujaahidintii xaq u dirirka SNM.

Maxamed Muuse
Hargaysa


May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031