Toggaherer’s Weblog

MUNAASABADA 26 JUNE IYO 1 LUULYO OO LAGU XUSAY WADAKA QATAR (SAWIRO)

Posted on: July 3, 2009

MUNAASABADA 26 JUNE IYO 1 LUULYO OO LAGU XUSAY WADAKA QATAR (SAWIRO)

Xaflad aad u heer saraysa oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyada Soomaliyeed ee wadanka Qatar oo Maanta ka dhacdayay wadanka Qatar Xafladan oo uu Gudoominayo Gudoomiyaha Jaaliyada wadanka Qatar Mudane Cali Maxamed Caskar (caliGaab) iYo Xubnaha Jaaliyada Ayaa Xafladan waxa ka Soo Qaybgalay Dadwayno iyo Marti Sharaf Aad u Badan oo uu u Horeeyo Safiirka Soomaliya u Fadhiya wadanka Qatar Mudane Ismaaciil Qaasim Naaji ,
Image and video hosting by TOGAHERER
Gudoomiyaha Jaliiyada Jabuuti Ibaraahin Xaamud , Madaxa Xafiiska Qaramada Midowbay u Qabilsan Bariga Dhexe iyo Saxafada wadankan Qatar , Xaflada oo lagu Furay Ayado Qurana , AYaa waxa ku xigtay Heesta Astaanta u Ah Calanka Soomaliya, waxa kale oo xafladaas Si xogan u Maamusayey Fanaaninta Reer Qatar oo uu Hor Kacayo Fanaanka wayn ee Soomaliyeed Alustaad Maxamed Warsame Qasaali iyo Fanaanka Dada Yar Maxamed Xuseen Dalmar iyada oo Musikadana Idiin Tumayey Fanaanka Rashiid Guleed waxa iyana Majaajilo ka Tarjumaysa Dhaqanka Soomalida soo Bandhigay Jilaaga wayn ee Reer Qatar Kayse Maxamed Guure iyo Cabdirashid Maxamed Cusmaan iyada oo u Riyaaqeen Dadkii Halkaa isugu yimid Xafladaas.
Image and video hosting by TOGAHERER
Image and video hosting by TOGAHERER
Image and video hosting by TOGAHERER
Image and video hosting by TOGAHERER
Image and video hosting by TOGAHERER
Image and video hosting by TOGAHERER
Waxa isna hadal Qiimo leh ka soo Jediyey Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Cali Maxamed Caskar iyo Safiirka Soomaliya u Fadhiya Qatar Mudane Ismaaciil Qaasim Naaji iyo Xildhibaan Cabdala Barbaar oo ah Mudane ka Tirsan baarlamanka Soomaliya , waxa kale hadal Qiimo leh ka jeediyey Xuseen Nuux oo ka Tirsan Xubnaha Jaaliyada oo ka Hadlay Taariikhdii Soo jireenka Soomaliya iyo Maxamed Yuusuf oo isna ka Hadlay Taariikhdii Jaaliyada soomalida ee wadanka Qatar Marxaladii ay soo Martay
Dadkii goobta ka hadlay ma ahan kuwa intan lagu soo xusi karo Waybadnayeen . Gabagabadii Xaflada ayaa waxa Shahado Sharaf la Gudoonsiyey Mudane Ismaciil Qaasim Naaji safiirka soomaliya iyo Gudoomiyaha Jaliyada mudadii Gaabnayd ee xilka ay hayeen isbadalka wayn ee ka muuqatay jaaliyada iyo safarada Soomaliyeed oo xidhidh wacan ka qabsoomay oo an la soo koobi Karin . Xafladan oo mid aad iyo aad u Qimo badnayd oo mudoyin badan aan lagu arag wadanka Qatar ayaa halkaa dadkii ka soo Qayb galay ay ka wada heelen.
Image and video hosting by TOGAHERER
Image and video hosting by TOGAHERER
Image and video hosting by THN
Image and video hosting by TOGAHERER
Image and video hosting by THN
Image and video hosting by THN
Image and video hosting by TOGAHERER

Nasir Mohamed ALi
naasir7171@hotmail.com

Doha Qatar

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

July 2009
S S M T W T F
« Jun    
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
%d bloggers like this: