Toggaherer’s Weblog

Archive for March 2009

DAAWADA POLYPILL OO LA SHEEGAY IN AY WAX WEYN KA TARAYSO CUDURADA WADNAHA IYO FAALIGA

DAAWADA POLYPILL OO LA SHEEGAY IN AY WAX WEYN KA TARAYSO CUDURADA WADNAHA IYO FAALIGA

Daawo ka kooban shan daawo oo laga dhigay hal
kaabsol loona yaqaano Polypill ayaa la sheegay kadib baadhitaan la
sameyey iney wax ka tari karto cudurada wadnaha iyo Faaliga(stroke).

Baadhitaankan oo ey sameeyeen dhakhaatiir u dhashay dalka India ayaa
lagu ogaaday in qaadashada daawadani ey yareysay cudurada loogu
talagalay 80%(sideetan boqolkiiba) waxaana sidoo kale la ogaaday in la
isla qaadan karo iyadoo horey looga baqayey in dhibaato ey la yimaadaan
dhowrkan daawo oo lagu mideeyey hal kaabsol.

Haddaba PolyPillku muxuu ka kooban yahay?

PollyPillku waxaa uu ka kooban yahay dhowr daawo oo loogu tala galay
dhammaantood cudurada wadnaha waxaana loogu tala galay Raga ka badan 50
sano Dumarkan 60 sano Jir oo iyagu halis u ah cudurkan. Waxaa kamid ah
daawada Aasbariin(Asprin) oo dhiiga khafiif ka dhigta, daawo loo yaqaan
Station oo ka yareysa subaga dhiiga (cholesterol), iyo sedex daawo oo
lagu daaweeyo Dhiig karka(blood pressure) oo kala ah ACE inhibitor, a
beta-blocker and a diuretic.

Waxaa sidoo kale kamid ah sida lagu sheegay maqaalka maadada loo yaqaan
folic acid oo la ogaaday inuu yareeyo falgalaha loo yaqaan Homocysteine
oo dhiiga laga helo kaasoo isna sababa cudurka wadnaha.

Si kastaba ha ahaate, dhakhaatiirta sameeyey baadhitaanka ayaa ogaaday
in dhowrkan daawo la isugu geyn karo hal kaabsol iyagoo sheegay inuu
wax weyn ka tari karo ka hortaga cudurka iyo Wadanaha iyo faaliga.

Laakiin dhakhaatiir kale oo ka horyimid fikrada PolyPill ka ah ayaa
waxa ey ku andacoonayaan ineysan habooneyn in qaab-nololeed (life
style) laga dhigto daawo iyagoo sheegay in cuduradan la soo sheegay uu
yareyn karo jimicsigu iyo in la cuno cunto nafaqo leh oo subagu ku yar
yahay waxeyna sheegeen in khatar loo yahay in dadku in fadhiistaan
iyaga oo aan sameyn wax dhaq dhaqaaqa ama jimicsi ah.

Si kastaba, fikradan ah PollyPill ayaa la isku raacay iney wax weyn ka
tari doonto caafimaadka guud ee dalka iyadoo sidoo kale ka kooban
daawooyin rakhiis ah ama jaban oo horey loo isticmaaali jiray iyadoo
haatana la ogaaday in la isla wada qaadan karo dawada.

Diyaariye: Sir Mubarik

DOWLADA INGRIISKA OO KA AARSANAYSA DAWLADA MARAYKAN :MUXUU KU SAABSAN YAHAY AARSIGU?

War lagu daabacay BBC world service ayaa sheegay in arin u eg aarsi uu ka soconeyso wadanka Ingiriiska oo dhowaan ey ku kulmi doonaan wadamada horey u maray ee loo yaqaan G20.

Arrinan aarsiga ah ayaa waxaa lagu amray suxufyiinta la socda madaxweynaha Mareykanka iney soo bandhigaan baasabooradooda (passports) iyadoo aan sidaasi hore u dhici jirin.

Justin Web oo arrinan wax ka qorayey ayaa yidhi “arrintan ma aha mid caadi ah badanaana suxufiyiinta la socda madaxweynayaasha mareykanka waxba lama weydiin jirin”

Wariyaha ayaa intaasi ku daray iney u eg tahay arintaan mid Ingiriisku uga aarsanayaan dowlada mareykanka kadib markii ey dhib kala kulmeen suxufiyiintii la socotay R/Wasaarah Ingiriiska Gordon Brown iney gudaha u galaan Aqalka Cad mar uu madaxweynaha mareykanka kula kulmayey aqalka cad.

Mubarik Y Muse (Sir Mubarik)

MUDDO KORDHINTA GUURTIDU WAA MID BAAL MARSAN SHARCIGA IYO DISTUURKA XISBIGA KULMIYE

Xisbiga KULMIYE ayaa maanta si rasmi ah warsaxaafadeed ka soo saaray Go’aankii muddo kordhinta Madaxwayne Riyeele ee golaha guurtidu uu yahay mid baal-marsan sharciga iyo distoorka daka, isla markaana aanay jirin duruuf muddada xilka loogu kordhiyo xukuumadda wakhtigeedii gabaabsiga yahay.
Warsaxaafadeedka kulmiye oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warqabdka ToggaHerer ayaa u qornaa sidatan:-

“Go’aankii Golaha Guurtida ee muddo-kordhinta MADAXWEYNAHA waxba kama beddelin mowqifkii hore Xisbiga KULMIYE ee ahaa inaan Xisbiga KULMIYE sinaba u aqbali Karin muddo-kordhin aan sharciga iyo distoorka dalka waafaqsanayn.

Xisbiga KULMIYE wuxu u arkaa Go’aankii Guurtida ee 28ka March 2009 ee loogu kordhiyey MADAXWEYNAHA muddada lixda bilood ah mid baalmarsan sharciga iyo distoorka dalka, iyada oo aanay oollin duruufaha ku xusan qodobka 83aad farq.5aad, ee loo cuskaday go’aankaas isaga ah, kaas oo dhigaya sidan:- “Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada MADAXWEYNAHA iyo ku-xigeenka MADAXWEYNAHA marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan MADAXWEYNAHA iyo Ku-xigeenka MADAXWEYNAHA , ……”.

Waxa kale oo Xisbiga KULMIYE u arkaa inaan Guurtidu xaq u lahayn sharci ahaan inay cayinto wakhtiga doorashadu qabsoomayso, Sida ku tilmaaman xeerka doorashooyinka Lr.20. 2001 qodobkiisa 8aad oo dhigaya sidan: “Komishanka ayaa cayimaya taariikhda la qabanayo doorashooyinka , si waafaqsan distoorka…”

Dhinaca kale waxaan la tixgelin go’aankii Golaha wakiillada la soo doortay ee ku baaqayey in haddii doorashadu ku qabsoomi weydo muddadaas sannadka ah ee loo kordhiyey Mdaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, in labada Gole ee sharci-dijintu (Baarlamanku) ay isugu yimaadaan fadhi wada jir ah, si ay uga wada go’aan qaataan xaaladda abuurantay.

Waxa xaqiiqo ah in shantii sannadood ee MADAXWEYNAHA iyo ku-xigeenkiisa la doortay ay ku dhammaatay 15 May 2008, iyada oo sababta loogu kordhiyey sannadka dheeraadka ah ay ahayd inuu ku qabto sannadkaa gudihiisa doorashadii Madaxtooyada, taas oo uu ku fashilmay. Haddii mar kasta oo uu Madaxweynuhu qaban waayo doorasho suurtagal noqon mayso in mar walba loogu abaal gudo muddo kordhin cusub.

Sababahaas kor ku xusan awgeed, wuxu xisbiga KULMIYE go’aansaday Qodobadan hoos ku qoran:

a. In wixii ka dambeeya 6da April 2009 aanu Xisbiga KULMIYE u aqoonsanayn Daahir Riyaale iyo ku-xigeenkiisa kuwo sharci ku fadhiya.

b. Xisbiga KULMIYE wuxuu diyaar u yahay inuu ka qeybgalo doorasho xor ah oo xalaala, taasoo micnaheedu yahay :-

(i) inaan hantida ummadda (gaadiidka, xafiisyada dawladda, dhulka danta guud, khayraadka badda iyo maaliyadda dawladda) loo adeegsan dano xisbi u gaara.

(ii) in seddexda xisbi u sinnaadaan adeegsiga warbaahinta dawliga ah ( Raadiyow Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo Wargeyska Maandeeq), loona magacaabo guddi madax bannaan oo maamusha.

(iii) in ciidamada nabadgelyada (Booliska iyo sirdoonka) aan loo adeegsan dano xisbi u gaara, sidoo kalena inaan ciidanka qaranka loo adeegsanin ujeedooyin ka baxsan waajibaadkiisa Distooriga ah ee difaaca qaranka.

(iv) In la helo garsoor dhexdhexaada oo madax bannaan
Xisbiga KULMIYE wuxuu mar walba u diyaar u yahay in khilaafaadka lagu dhammeeyo wadatashi.

Xisbiga KULMIYE wuxuu soo jeedinayaa in la helo Dawlad wada tashi ku timaada oo lagu wada kalsoon yahay, waajibaadkeeduna ku kooban yahay inay dalka gaadhsiiso Doorasho xor ah oo xalaal ah.”

WA BILAAHI TAWFIIQ

KEYSE XASAN CIGE

XOGHAYAHA GUUD EE XISBIGA

CIIDANKA AMNIGA BORAMA OO KU HUNGOOBAY GOOB GEERI K DHACDAY OO AY U QAATEEN MUDAHARAAD..

Ciidanka amniga Boorama ayaa Sabtidii ku hungoobay
goob ay ka dhacday geeri, kadib markii ay goobtaas u qaateen in laga
soo abaabulayo mudaaharaad ka dhan ah muddo kordhinta guurtidu ugu
kordhisay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Dad goobjoog ahaa ayaa Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, u sheegay in cutubyo ka tirsan ciidanka amniga Boorama ay
hareereeyeen guryo ku yaal Bariga Boorama, una dhaw geerash ka hadhay
marxuum Xasan Xaddi, gurigaas oo ay si lama filaan ah ugu geeriyootay
gabadh, isla markaana dadkii ka agdhawaa goobtaasi ay ku soo urureen
maydkeeda, balse goor dambe ay ciidankaasi ogaadeen in meesha ay ka
dhacday geeri oo aan laga soo abaabulayn wax mudaaharaad ah oo ka dhan
xukuumadda Rayaale.

Sida ay sheegeen dadkii wakhtigaa joogay oo ahayd sabtidii abbaare
11-kii barqanimo ayaa waxa halkaasi yimid cutubyo ka tirsan ciidanka
amniga, kadibna qoryaha cabbaystayn markii ay halkaasi soo gaadheen,
hase yeeshee aanay wax rasaas ah ridin tan iyo intii ay ogaanayeen waxa
lagu soo ururay kadibna ay dib iskaga laabteen iyagoo ka xun sida wax u
dhaceen.

Bariga magaalada Boorama oo ay xukuumaddu aamisantahay inay ku
badanyihiin taageerayaasha xisbiga Kulmiye ayaa indhawaaleba ciidanku
isha ku hayeen dhaqdhaqaaqa ka socday, balse ilaa imika aanay cidna wax
ka samaynin.

HAATUF

KOOX BUDHCAD BADEED AH OO LA QABTAY KADIB ISKU DAY AY KU WEERAREEN MARKAB JARMAL AH

Berlin 31 March 2009 (THN)
Koox shufto badeed Soomaali ah oo isku dayday inay qafaalato markab laga leeyahay dalka Deutschland ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada caalamiga ah ee la dagaalanka kooxaha budhcad badeeda Soomaalida.

Markabka ay weerareen kooxaha burcad badeeda ayaa waxaa iska leh ciidamada Jarmalka, isagoo ah markab sahayda u qaada ciidamada ama Maraakiibta dagaalka ee ciidamada Jarmalka.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada badda ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in burcad badeedu ay rasaas ooda uga qaadeen markabkaasi ay leeyihiin ciidamada Jarmalka, waxaana markiiba markabka u soo gurmaday maraakiib kale oo ay leeyihiin ciidamada dalalka Spain, Giriiga iyo Holand.

Ciidamada Jarmalka ee saarnaa markabka la weeraray ayaa la sheegay inay ka jawaabeen rasaas uga timid burcad badeeda, iyadoo sidoo kale dalbadey caawimaad ay ka helaan maraakiibta dagaalka.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in burcad badeedaasi oo tiradoodu gaarayso 7 nin ay qabteen ciidamada xulufada, sidaasi waxaa xaqiijiyey afhayeenka guutada ciidamada 5-aad ee Mareykanka Lt. Nate Christensen.

Ciidamada Giriiga ayaa la xaqiijiyey inay qabteen burcad badeedaasi, doonidii ay wateen, iyo waliba hubkoodii oo ay ka mid yihiin qoryaha darandooriga u dhaca iyo garnaylada laga tuuro garbaha.

Christian Dienst oo ah afhayeen u hadley dawlada Duetschland ayaa tibaaxay in kooxahaasi shuftada badeeda Soomaalida ee la qabtey maalinimadii Isniinta ay ciidamada Giriiga ku wareejiyeen markabka dagaal ee ciidamada Jarmalka leeyihiin oo lagu magacaabo Rheinland-Pfalz, waxaana hada laga fakarayaa halka lagu wareejin doono burcad badeedaasi si sharciga loogu qaado.

Hasan Khaliif
Berlin
Duetschland

WAKIILADDA OO SIDEEDII KU SII DAAYAY MIISANIYADA QARANKA EE HORTAALAY FASAXNA GALAY

Har 30 Mar 2009 THN
Fadhigii Golaha Wakiilladda ee maanta oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Wakiiladda JSL Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayay ku ansixiyeen Xildhibaanada Wakiiladu Miisnayada Qaranka ee sanada 2009.

Fadhiga Wakiilada oo ay fadhiyeen 47Mudane ayaa waxa u codeeyey Miisaniyada 40 Mudane halka ay ka diideen 2 Mudane 4 kalena ka aamuseen Gudoomiyuhuna muu codayn.

Golaha Wakiilada ayaa Ku ansixyay Miisanayada Sidii ay ku soo gudbiyeen Wasaarada Maaliyadu iyaga oo aan wax ka bedel ku samayn marka laga reebo 3 Billion oo ay u raaciyeen Doorashooyinka maadama oo ay sheegeen in ay yar tahay lacagta loo qoondeeyey doorashooyinka Ka qabsoomaya Dalka .

Lacagtan loogu daray Doorashooyinka ayaa ka dhigaysa lacagta loogu tala galay Doorashada lacag gaadhaysa 10 Billion oo SL SH ah.

Fadhigan maanta ayaa soo gebogebeeyey Fadhi aan caadi ahayn oo u socday Golaha Wakiilada labadii bilood ee u danbeeyey Iyaga oo galaya Fasaxoodii caadiga ahaa.

Warqabadka ToggaHerer
Casimadda Jamhuuriyadda Somaliland Hargeysa

GUURTIDU WAXAY TALO MAROORSI KU SAMEEYEEN GUDIDII DOORASHADA QARANKA IYO GUUD AHAAN SHURUUCDII DALKA
Presss Release 30/03/09 –
Somaliland Democracy Watch Organisation(SDWO.COM) Asaaskii iyo nabadaynta dalka gollaha guurtidu waxaa uu ka ahaa hormood waana mida uu ku mutay jiritaanka aqalka odeyaasha ee maanta dhisan. Mudadii uu aqalkani dhisnaa waxa uu soo maray marxalado badan oo uu kaga qayb galay xasiloonida dalka, waana mid ay dadka reer Somaliland mudo ugu hanweynayeen caalamkana ka mutaystay ku dayasho iyo ixtiraam marka la barbabrdhigo dhigooda qaraada afrika

Hadaba waxaan u aragnaa Golaha Guurtida Somaliland labada arimood ee ay ku talaabsadeen mid xaq bay u leeyahiin hadii sidii ay ahayd loo fulin lahaa taasi oo ah mudo kordhinta ay u sameeyeen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waana awood dastuuriya oo ay leeyahiin inkastoo hadii hadana si sharciyan ah loo eego uu dastuurku xadidayo sida qudha ee Golaha Guurtidu uu mudo kordhin u samayn karo oo ah iyadoo xaalad dagaal ama nabadgelyo daro ahi ka jirto dalka.

Hadaba qodobka muhiimka ah ee haboon in laga hadlo waa wakhti u qabashada ay golaha guurtidu u mudeeyeen in ay doorashadu ku dhacdo. Guurtidu wax ay si cad u baal martay iskana indhotireen dastuurka dalka markii ay iyagu maroorsadeen awoodahii uu dastuurka iyo xeerka dooroshooyinkuba siiyey gudida dooroshooyinku inay ku dhawaaqaan maalinta doorashadu dhacayso.

Sida sharcigu dhigayo ee ay ku dhaqmeen Gudida dooroshooyinku waxay ku dhawaaqeen in dooroshooyinku dhacaan 31ka May 2009, isla markaasna ay sidaas Madaxweynaha ay ugu gudbiyeen si uu digreeto madaxweyne ugu gudbiyo golaha guurtida kagana codsado inay ansaxiyaan. Madaxweynahu sidii dastuuriga ahayd ayuu ugu gudbiyey golaha guurtidu inay sidaasi ku ansaxiyaan maalinta ay soo mudeeyeen gudida dooroshooyinka qaranku.

Waxa mid aad loola yaabo ah sababta warqadaas ka timid madaxweynaha iyo gudida dooroshooyinka ee lagu mudeeyay dooroshooyinku inay dhacayaan 31ka May 2009 isla markaasna golaha loo akhriyey arbacadii loona mudeeyay inay go,aan kaga gaadhan maalinta sabtida ah daaqada looga saaray ee aan lagaba doodin markii la isku soo noqday ee loo codeeyay mooshin mudo cusub doorashada u qabanaya oo aan ahayn kii ay soo mudeeyeen gudida dooroshooyinku laakiin ka yimid jeebka golaha guurtida.

Awooda Golaha Guurtida ee xiliga ay doorashadu dhacayso waxay tahay oo keliya in hadii maalinta ay gudida dooroshooyinku soo gudbiyeen ay diidanyahiin inay dib ugu celiyaan gudida oo ay yidhaadaan maalintani suurtogal kuma noqonayso sababahaas awgood ee maalin kale soo mudeeya.

Somaliland Democracy Watch Organisation ahaan waxaanu u aragnaa Golaha Guurtidu inay yahiin hay’adda ugu saraysa dastuurka dalka sidaas darteed in iyagii halkii ay ka difaacilahayeen dasturuka ay ku xadgubaan waa nasiibdaro u soo hoyatay Somaliland iyo guud ahaan tubtii dimoqraadiyada ee aynu higsanayney. Marka khlifaa iyaamado waxaa mudnaanta leh oo ay tahay inay arinka dhankooda ka gallaan golayaasha sharci danjinta gaar ahaan gollaha gurtida oo laga sugayo inuu si dhexdhaaxdimo ah dastuurkana waafaqasana u xaliyo arimaha xaasaasiga ah lakiin nasiib daro golluhu waxaa uu hada u muqdaa inuu arinkiisu noqday baadroolka iigu shub ana aan dabka ku qabtee.

Waxaanuna soo jeedinaynaa in gudida dooroshooyinka iyo sedexda xisbi qaran isaga yimaadaan sidii looga dhabayn lahaa himiladii la higsanayey ee ahayd in dorashadu dhacdo maalintii dib loogu riixay ee 31ka May 2009. Maadama mudadan cusub ee guurtidu ay qabtay baal marsanatahay distoorka dalka iyo haananka dimoqraadiyada ee ay Somaliland qaadatayba.

Dhinaca kale waxaan aad u dhalacaynaynaa xadhiga iyo garaacida lagula kacay weriye dhuxul oo lagu garaacay xarunta guurtida horteed iyadoo weliba uu goobjoog ka ahaa garaacidiisa taliyaha booliska Mudane saqadhi. Waxa kale oo iyaguna si sharcidaro ah xabsiga ugu jira oo la qabtay 3 weriye oo kale oo dhamaantood aan wax maxkamada oo xadhigooga soo amartay aanay jirin. Waxaan u aragnaa inay ka mid tahay cabudhinta saxaafada ay xukuumada Somaliland ku haysay, waxaanuna ku baaqaynaa in si dhakhso ah xoriyadoodii lagu xadgudbay loogu soo celiyo.

Long Live Somaliland

Guuleed Cabdi Sheekhaash – Gudoomiyaha SDWO

Axmed Maxamed Yusuf – Gudoomiye ku xigeenka SDWO

Shiine Cilmi Kaahin – Xoghayaha Guud ee SDWO