Toggaherer’s Weblog

Archive for June 2009

WAFTI KA TIRSAN MADAXDA UCID OO SHALAY KA AMABABAXAY UK

Waxa shalayto gudoomiyaha xisbiga UCID uk Ibrahim Rashiid sii sagootiyey laba masuul oo ka tirsan xisbiga Ucid oo ay ka mid ahayeen Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Ucid Abdinaasir oo mudooyinkii ugu danbeeysay ku sugnaa dalka uk iyo gudoomiyaha yurub ee xisbiga Ucid md,Siciid Cumar Axmed oo u ambabaxay Somaliland.
Image and video hosting by TinyPic
Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Ucid Abdinaasir oo beryahanba hawlo shaqo ah ku joogay dalka Egriiska ayaa ku laabtay dalkii isaga oo ay waheliyaan Gudoomiyaha yurub ee xisbiga Ucid Saeed Omar Ahmed.

UCID MEDIA
Image and video hosting by TinyPic

Advertisements

DAAWO XAFLADII LAGU LAGU XUSAYAY 26 JUUN EE KA DHACDAY QASRIGA MADAXTOOYADA

Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic

Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sawirada Xafladii lagu xusayay maalintii aynu Xornimada ka qaadanay Maxmiyadii Ingiriiska, xafladaasi oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada.

Image and video hosting by TinyPic

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro, Xildhibaano Wakiilada iyo Guurtida ah, Safiirka Itoobiya ee Somaliland , Masuuliyiinta sare ee Xisbiga UDUB iyo marti sharaf kale.

Image and video hosting by TinyPic
Xafladan oo lagu soo bandhigay Riwaayad si heer sare ah loo soo diyaariyay, waxa xaflada heeso Macaan oo Somaliland ah ka qaaday Fanaanada weyn ee Maryan Mursal oo iyadu heesta Somaliland ka qaaday iyo Fanaaniinta kale ee Cabdi Nuur Alaale, Nimco Yaasiin iyo Fanaaniin kale.

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic

XUKUUMADA OO MAANTA SOO SAARTAY BAAQ QAYLO DHAAN ABAAREED UNA DIRTAYNA CAALAMKA ROOBDOONA AMARTAY…

Hargaysa28 june 2009 (THN)
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Axmed Yusuf Yaasin ayaa shaaciyey in xukuumadu beesha caalamka la soo gaado gurmad dadweynaha reer Somaliland ee abaaraha laxaaska lihi ku habsaden kuna jira xaalad aad u adag .
Image and video hosting by TinyPic
Madaxweyne ku xigenku sidaas waxa uu maanta ka sheegay shir jaraid oo uu ku qabtay xurunta ka hor taga aafada dabiiciga ah taas oo sidoo kale uu ku baaqay in masaajida laga bilaabo ducooyin roob doon ah dhamaan dalka Somaliland oo dhan .

Xafladan waxaa goob ka ahaa Wasiiradda Qorshaynta Cali Ibrahim, wasiirka Caafimaadka Cabdi Haybe , Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sh. Maxamuud Suufi ,Wasiirka Beeraha Aadan dhoolayare , wasiiirka Macdanta iyo Biyaha Qasim Qodox , Wasiirul dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Xasan Axmed Ducaale, Maayar Ku xigeenka Hargaysa Maxamed Uurcade iyo masuuliyiin ka tirsan Haayada ka hortaga abaaraha iyo aafooyinka dabiiciga ah.

Image and video hosting by TUURIYA
Waxaan maanta halkan isugu nimid arimo dhawr ah oo ay mid tahay abaartaa xun ee soo waajahday dalkii oo gugii iyo dayrtii la sugayay 2007 ilaa sanadkan oo ah 2009-ka oo yaraaday, ayaa waxa ay keentay biyo iyo baad yaraan la soo gudboonaada dadka. Waxaana Abaartan loo bixiyey {SIMA}, oo gobolada Somaliland oo dhan ayay sintay, Sidaa awgeed ayaanu baaqan u soo saarnay. Waxaana aanu samaynay qiimayn aanu ku ogaano heerka abaartu gaadhsiisan tahay, waxaana iska kaashaday Guddida Abaaraha iyo Hay’adaha caalamiga ah, oo wadanka oodhan ayaa la soo maray. Dabadeedna qiimayntii la sameeyey waxaa soo baxday in heerka abaartu tahay 40%. Waxaana Abaartu aad ugu sii darantahay Gobolada Bariga.” ‘
Image and video hosting by TUURIYA
“Mujtamaca reer Somaliland waxa lagu qiyaasa 3,500,000, ilaa 1 400,000 ay u baahan yihiin quudin iyo wax-siin, arrintaasina waxa uu wada saameeyey Gobolada dhamaantood markaa ka dawlad ahaan waxaanu diyaarinayna wixii laga ga hor tagi lahaa hadii aan laga hor tagina waxaa dhici karta in arimo ka khatar badani ina soo waajahaan”
Madaxweynuhu isaga oo yidhi waxan maanta halka ka diraya laba baaq oo kala ah mid aanu ilaahu u dirayo iyo mid aan caalamka u diraayo waxaan uu yidhi “Baaqayagani waa labada qaybood, midi waa Alle barri oo ilaahay ayaanu u baaqaynaa, midka kale waxaanu ugu baaqaynaa caalamka.
Image and video hosting by TUURIYA
Markaa hadaan ku horeeyo ta ugu muhiimsani waa taa alle barriga ah ee ilaahay la baryayo. Waxaanu doonaynaa in Somaliland dhamaanteed wixii berito oo Isniin ah oo taarikhdu tahay 29-ka June in laga bilaabo ducadii Qunuudda ahayd ee ilaahay roobka lagu waydiisanayey oo socon doonta sagaal cisho, taas oo ku eeg 7 Julay ee bisha fooda inagu soo haysa, marka ay sagaalkaa cisho dhamaadaan waxaa la geli doonaa saddex cisho oo soon ah, oo ilaahay loo toobad-celinayo lagana dembi-dhaaf dalbayo
.Marka ay bishu tahay 11 Julay Gobolada oo dhan waxaa la isugu soo bixi doonaa Goobaha waa weyn ee dadku isugu yimaadaan, si Istiqfaar ilaahay loo waydiisto oo sallaadii Roob-doonta ahaydna loo tukado, sidaasina waa sida ugu muhiimsan oo dabcan dee gacanta ilaahay ayaa ka wayb wax kasta, oo dhibaatadanina waxa ay ku timi dembi innagau aynu samaynay. Baaqa labaad ee aanu soo jeedinayna waxa ay weeye mid aanu caalamka u gudbinayo, si dadkan abaaruhu halakeeyeen wax loola soo gaadho.” Sidaasi waxaan yidhi Ahmed Yusuf yaasiin madaxweyne kuxigeenka Somalinad.

Warqabadka togaherer
Haragaysa

GUDOOMIYAHA WAKIILADA S/L OO MAANTA KA SOO GAADHAY MAGALA OSLO LAGUNA SOO DHAWEEYEY.

Oslo 28 june 2009 (THN)

Waxaa maanta magaalada Oslo ee dalka Norway socdaal booqasho ah ku yimid gudomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Ciro) taas oo in dhawaalahanba uu safaro is daba joog ah ku maraayey wadamo ka mid ah qaarada la isku yidhaa Yurub.

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Ugu horayntii waxa uu safarkiisa ka soo bilaabay gudoomiyuhu dalka United Kingdom gaar ahaan magaalo madaxdiisa London taas oo ayaamo uu ku sugnaa kadibna uu uga soo socdaalay dalka Sweden oo iyana uu ku nagaa maalmihii ugu dambeeyey kadibna uu maanta uga soo ambabaxay magalada Oslo ee dalka Norway.
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Gudoomiyaha oo ilaa abaaro 4:30 galabnimo ka soo degay garoonka wayn(Gardermoen Air port) ee Oslo ayaa waxaa ka hor tagay gudoomiyaha jaaliyada Somaliland Mudane Hussen , gudoomiyah xisbiga Ucid ee Norway Egn Cabdi xakiim , xubno kale oo ka mid ah shacabka Somaliland ee dhaqan dalkaasi Norway.
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Mar gudoomiyha suaal aan ka waydiinay safarkiisa iyo waxa uu khuseeyo waxa uu sheegay in safarkisani yahay mid la xidhidha arimaha doorashada taas oo uu ku sheegay in uu wacyi galin u socdo ah sidii dadku doorashada qayb laxaad leh uga qadan lahaayeen waxana hadaladiisii ka mid ahaa
”Waxaad ka war qabtaan in Somalilan hada loo hadhuub qaatay in doorashooyinkii madaxtooyada ee jamhuriyada Somaliland la qabto sidaa darteed waxa uu safarkaygani ka qayb yahay in dadka la wacyi galiyo sida doorashooyinku u dhacayaan, waxa laga rabo muwaadiniinta reer Somaliland iyo in ay ka qayb qaataan doorashooyinkaas siday u dhici lahaayeen si nabad galyo ah iyo si xasilooni ah u dhici lahaayeen” .

Mar uu ka waramaayey in doorashadu ay qabsoomayso waxa uu sheegay gudoomiyuhu mar hadii xukuumadii ay bixisay intii dhaqaalaha kaga soo hagaagay way dhacaysaa oo rajo aad u badan ayaa laga qaybaa, sidoo kale qodobo badan waa lagu heshiiyey oo ay ka mid tahay in doorashadu ay qabsoonto iyo arintii serverka, sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in ruxii dhawr jeer is diiwaan galiyey mar uun laga soo reebo oo inta kalena la masaxo, haa sharciyan in la xidho ayey ahayd xubinta waxaas ku kacda se hadeerto taas diyaar looma aha maadam ay arintaniba inagu cusubtahay, sidoo kale waxa uu sheegay in 98000 oo qof farahoodii uu soo saari waayey Serverku taasna laga wada tashan doono sida la odhanaayo.

Mar suaal kale la waydiiyey oo ahayd safrkiisani in uu ku egyahay Oslo iyo in kale iyo xiliguu noqonaayo waxa uu sheegay in uu iminka dhawr casho ka dib uu ku labanaayo London oo hawli uga qabyo ahayd ayaamo ka dibna u sii dhaafaayo dhinacaas iyo dalkii ”Waxaa iguu dambaysa Ingriiska dabeed wadankii ayaan ku labanayaa ayaamo ka bacdi” Sida waxaa hadalkiisii ku soo gunaanaday gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland mudane Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi.

Warqabadka Togaherer
Oslo
Norway

RAYAALE DOORASHO MA OGOLA HADDII AY DHACDANA WAXA UU KU TALAGALAY IN UU KU SHUBTO MD AXMED WEYNE

Md:Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Wayne) oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada ee laga soo doortay gobolka Hargeysa ayaa madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inaanu ogolayn in doorashada madaxtooyadu dalka ka qabsoonto 27 September,2009, taas oo uu ku tilmaamay inuu damacsan yahay in haddii doorasho dhacdo uu ku shubto, isagoo intaa ku daray in shuruudaha deeq bixiyeyaasha iyo heshiisyada doorashada ay ka gaadheen axsaabta siyaasada iyo komishanku ay xukuumadiisu uga war wareegayso si aanay doorasho xor ah oo xalaal ahi dalka uga dhicin. Axmed Weyne waxa uu dhinaca kalena madaxweyne Rayaale eedo uga soo jeediyey aamuska uu afka ka xidhay shaqaaqadii ceelbardaale ka dhacday horaantii bishii March oo ay ku nafwaayeen dad tiradoodu gaadhayso lix qof, kuna dhaawacmeen sagaal qof, taas oo guddi dhexdheexaadin ah oo golaha Guurtidu u saarayna ay 7 bishii June,2009 ay ka soo saareen go’aamo xukuna oo ay u qabteen fulintooda 7 July,2009, taas oo uu ku eedeeyey in xukuumadiisu aanay daacad ka ahayn fulinta go’aanadaasi oo uu tilmaamay inaanu wax qorshe ah ilaa hadda madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisu aanay ka samaynin sidii loo soo afjari lahaa muranka dhul ee ka taagan Ceel Bardaale. Md:Axmed Wayne waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu wargeyska Haatuf shalay uu kula yeeshay caasimada, kaas oo uu kaga hadlayey arrimo ku saabsan labadii xubnood ee komishanka doorashooyinka ee golahoodu dib ugu celiyey madaxtooyada iyo xafladaha lagu taageerayo madaxweynaha Djibuuti ee lagu qabto dalka gudihiisa iyo sidoo kale arrimo ku saabsan safarkii uu Rayaale kaga soo laabtay dalka Kuwait oo uu ku tilmaamay mid shakhsi oo aan ka turjumayn geeddi socodka Somaliland iyo horumarinteeda, waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaana waxa uu u dhacay sidan: S:sideed u aragtaa go’aamadii ay golaha Guurtidu ka soo saareen shaqaaqadii dhimashada iyo dhaawaca keentay ee ka dhacday deegaanka ceel bardaale ee galbeedka Gabiley oo mudadii fulinta go’aanadaasi ay muddo kooban ka hadhsan tahay? J: Horta waxa nasiib daro ah madaxweyne Rayaale dhibtii halkaa ka dhacay Ceelbardaale wax baaq nabadeeda oo uu kasoo saaray iska hor imaadkii deegaankaa ku dhexmaray labada beelood ee walaalaha ah haba yaraatee ma jirto, waxa kale oo ka sii daran tabaabusha la’aanta xukuumada ilaa hada ka muuqata iyadoo mudadii fulinta go’aanada loo qabtayna ay kaabiga ina soo saartay,kuna eeg tahay 7-da bisha July ee fooda inagu soo haysa, kaas oo mandate keeduna ka bilaabmayey 7-dii June oo ahayd maalintii ay go’aamdu ka soo baxeen Tuulada kala Baydh, sidaa darteed marka arrimahaasi la eego waa mid looga shakiyi karo inaanu Rayaale raali ka ahayn soo afjarida shaqaaqadaa,amase qayba ka yahay haseyeeshe fulinta go’aamadaasi waa kuwo xukuumadiisa iyo isaga gaar ahaantiisa ugu yaalla, waxayna wakhtigan xaadirka ah bulshada reer Somaliland ay si gaar ah indhaha ugu hayaan sida uu Rayaale uga hawlgali doono fulinta go’aamadaasi iyo qadiyada ka taagan deegaanada Ceelbardaale, taas oo ay ku naf waayeen dad tiradoodu gaadhayso lix qof, kuna dhaawacmeen sagaal qof, iyagoo labada beelood ee walaalaha ah ee deeganadaasi ku dirirayna ay yihiin dhal iyo dhasheed, isla markaana ah labadii goboL Rayaale si weyn xil uga saarnaa, nasiib darase wax macqul ah uma arko inuu Rayaale sidii gorayada uu madaxa ciida galiyo, kana warwareego maaraynta muranka ka taagan beelaha walaalaha ah . S:waxa jira xaflado lagu taageerayo madaxweynaha Djabouti oo lagu kala qabtay Boorama,Gabiley iyo Hargeysa sideed u aragtaa xafladahaas oo walba ay doorweyn ku lahayd xukuumada Somaliland? J:Runtii baryahan dambe waxay Xukuumada Rayaale dalka ka waday xaflado lagu taageerayo hogaanka Jabuuti,waxaanad moodaa in arrimahaasi ay ka qoto dheer yihiin xidhiidho Somaliland iyo Jabuuti, balse ay ku qotonto kaambayn uu Rayaale ku doonayo sidii uu kursiga ugu sii waari lahaa, taasina waxa daahfuray, xukuumada Somaliland oo munaasibadii 26 june oo ay ahayd in la qabto habeenkii jimcihii ku beegtay xuskii xornimada Jabuuti. madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle jaarnimo wanaagsan inay inaga dhexayso waa waajiab laakiin anigu waxaan garan la’yahay waxa gaarka ah ee Rayaale kaga xidhan Jabuuti, ta kale waxa arrimahaasi inoo daah furay, hadalkii kasoo yeedhay wasiirka duulista hawada Cali Warancade oo aan u arko wasirada fara ku tiriska ah ee hawl karka ah ee xukumadan oo aan u arko masuul aan si fudud hadaladu uga dhicin, balse waxaan u arkaa in wasiir waran cade uu dadka reer Somaliland u sarbeebayey si dadbana ugu sheegayey sida Rayaale uga go’aan tahay inuu cimri dherer ku helo kursiga. S:labadii xubnood ee komishanka doorashooyinka ee madaxtooyadu idiin ku soo gudbisay eedii xil ka xayuubinta ee ay u soo jeediyeen komishanka ee dhawaan dib ugu celiseen madaxtooyada si eedahooda sharciga loo soo waafajiiyo eedahaa lagu soo oogay labadaa xubnood ee Maxamed Yuusuf iyo Axmed X. Bidaar sideed u aragtaa? J:Horta labadaa xubnood ee komishanka doorashooyinka dib ayaanu gole ahaan ugu celinay madaxtooyada guddida arimaha gudaha oo golaha ugu xilsaaran hawshaasi ayaana soo jeedisay in shuruudaha xeerka lasoo waafajiyo eedahooga, waxaa loo baahan yahay marka ay komishanku is qabtaan in guddi baadhisa loo saaro waxyaalaha ay isku eedaynayaan, ta kale xubinta ay ku eedeenayaan caafimaad darada, iyagu ma dhakhaatiir caafimaad bay isku bedeleen waxay ahayd in qoraal baadhisa oo doctor soo cadeeyey caafimaadkiisa ay soo raaciyaan waxayse u muuqataa in eedaha xubnahaasi aanay komishanka ka iman balse ay ahaayeen arrimo marmarsiiyo lagu doonayey oo ujeedooyin iyo dano gaara lagu fushanayey, waxaana anigu usoo jeedinayaa in golaha wakiiladu ay guddi baadhisa oo khaasa u saaraan mushkiladaha iyo khilaafka dhexyaala komishanka oo si qoto dheer loo baadho waxyaalaha keenay khilaafyada komishanka doorashooyinka Ragaadiyey, laba xubnood oo la bedelo kuwo cusubna la soo magacaabo xal u noqon mayso komishanka,balse waxa muhiim ah in komishanku ay si midaysan u wada shaqeeyaan. S:muddadii doorashada madaxtooyada loo cayimay inay qabsoonto 27 ka September oo muddo kooban oo 90 maalmood ahi ka hadhsan tahay lagana dayrinayo inay ku qabsoonto mudadaas marka la eego duruufaha iyo qaybyada ku xeeran hawlihii doorashada haddii ay qabsoomi waydo, maxaad xal u aragtaa ? J:Horta madaxweyne Rayaale ma ogola in doorasho xora oo xalaal ahi ay dalka ka dhacdo, waxaana taasi u sababa sida uu u diidan yahay, shuruudihii looga baahnaa doorasho xalaal ah iyo shuruudihii ay dawlada deeqbixiyeyaashu ku xidheen doorashada waxaanay ujeedada Rayaale uu damacsan yahay laba masalo inaanay doorasho dalka ka dhicin oo wuxuu ogyahay haddii ay doorasho dhacdo inaanu ku guulaysanayn, ta kale waxa uu ku tala galay haddii ay doorasho dhacdana inay qabsoonto doorasho aan xor iyo xalaal ahayni si ay ugu suura gasho doorasho uu ku shubto haseyeeshee haddii ay doorasho dib u dhacdo, waxaa go’aan wada jira ka gaadhi dona golayaasha baarlamaanka oo cidii danbiga dib u dhaca doorashada yeelatana waa inay talaabo sharciga oo adag ku abaal mariyaan cidi dambiga yeelatana. Dibna usocon mayso cimri dherer sharci daro oo kursiga lagu sii nagaado, hadday Rayaale dhab ka tahay in doorasho xor oo xalaal ah dalka ka hirgaliyana waa inaanu dhaqaalaha iyo warbaahinta qaranka u adeegsan kaambaynka xisbiga UDUB,isla markaana uu u hogaansamaa fulinta shuruudah doorasho xor ahi ku qabsoomi karto. S:socdaalkii uu madaxweyne Rayaale dhawaan kaga soo laabtay dalka Kuwait sideed u aragtaa? J:Horta safarkan uu ku tagay dalka Kuwait kama duwana safaradii hore ee uu dibadaha ku tagi jiray ee aanu qaranka waxba uga soo kordhin jirin, waxaanse u arkaa in socdaalka Kuwait uu ku tagay, ku salaysnaa mid sakhsiya oo aanu ka badnayn xod xodasho danihiisa shakhsi ee gaar ahaaneed, maxaa yeelay maalintii uu dhoofayey waxa uu si qaatay hal shandad oo kaliya maalintii uu soo laabtayna waxa uu la yimid laba gaadhi oo buuxa oo shandado iyo agab kale isugu jira sidaa darteed arin qaran oo caama uma tagin Kuwait

HAYADA CARE INTERNATIONAL OO GADIID GUDOONSIISAY WASARADA WAXBARASHADA S/L

Waxa maanta deeq kala duwan la gudoonsiiyey wasaarada waxbarashada Somaliland deeqdaa oo ay gudoonsay hayada Care Internationl deeqadaas oo ka koobnayd laba gaadhi iyo laba motorcycle waxaa ka gudoomay oo ka socday dhinaca wasarada waxbarashada agaasiimaha guude ee wasaaradaasi mudane Cabdi Cali Odowaa iyo gudomiyaha manaahiiijta Somalind munde Cabdilaahi yaasiin iyo madax kale oo ka tirsan wasaradaasi iyo madax Care International qaybta Somaliland mudane Ibrahim M. Macaleesh iyo sidoo kale sarakiil kale oo ka socota iyna hayadaasi.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Mudane Maacaleesh oo ah madaxa Care horkacyeyna dhinaca Care waxaanuu sheegay in ay maanta halka u yeemaadeen sidii ay tageero uga gaysan lahaayeen kobcinta wax barashada taas oo aanu maanta aan ku caawinay wasaarada laba Landcrusel iyo laba Motocycle markaanu aragnay in ay transportationka yahay daruuri dhica horumarinta adeegayada aasaasiga ah ee bulshada ayaanu garayn in aanu idiinku deeqno deeqadan gaadiid.

Sidoo kale waxaa halkaas kaga godoomay Agaasimaha guud ee wasarada waxbarashada Somaliland Mudane Cabdi Cali Odowaa waxaanuu aad ugu mahadnaqay madaxda hayada Care deeqan ay ugu deeqeen gaadiidkan iyo waliba Kayse Cabdi Shaybe oo ahaa wiilka macaradka lahaa ee qandaraaska lagu siiyey keenida gaadiidkan , waxa uu sheegay agaasimuhu in ay meel wayn u buuxin dooto waxna ka tari doonto geesta socdaalka dheer iyo ka gaaban ba taas oo uu sheegay in ay gawaadhiga Landcruisel lagu ay u fududayn doonto in ay safaro fog fog ugu baxaan kana kaabi doonto safarada gobolada.

Ugu dambayntii waxaa la kala gudoomay gaadiidkii sidaasna ay furayaasha kula kala wareegeen labadii dhican.

Warqabadka togaherer
Hargaysa
Image and video hosting by TinyPic

SHIRKII URURKA TAF JUNE OO KA DHACAY MAGAALDA LIVERPOOL LACAG KU DEEQAY DHIMIRKA

Shirkii Ururka TAF ee bisha lixaad oo ka dhacay magaalada Liverpool deeq lacageed oo dhan $22000 ugu deeqay dhamaystirka cisbitaalka maandhaye
Image and video hosting by TinyPic

Maalintii sabtidii ee taariikhdu ahayd 27 June 09 waxaa magaalada Liverpool ka dhacay shirweynihii ururka Togdheer Abroad Foundation ( TAF) shirkaas oo aysoo qabanqaabiyeen dhalinyarada ururka TAF ayaa si heer sare ah waxaa uga soo qayb galay shacbiweyne aad u fara badan oo reer Liverpool ah iyo xubnaha ururka oo kala yimi magaalooyin kale duwan.

Shirkaas ayaa waxa uu bilaabmay wakhtigii loogu talo yadoo ay ka soo qayb galeen dad kala duwan oo isugu jira dhamaanba qaybaha bulshada oo ka kala yimi magaalooyin badan oo wadanka ingriiska ayaa sidii caadadu ahayd xidhidhiyaha shirkaas C/laahi cawed kusoo dhaweeyey Sh Maxamed Haybe oo ku furay aayado quraan ka kariinka ah.

waxaa lagusoo dhaweeyey Gudoomiyaha magaalada Liverpool Mustafe Yaasiin, waxana uu kusoo dhaweeyey dhamaanba marti sharaftii kakala timi meelaha kala duwan madasha iyo magaaladaba isagoo kana warbixiyay ururka TAF iyo magaaladiisa.

Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha ururka TAF Yaasiin Faarax Jees Gudoomiya hadalkiisii oo aad udheeraa taabanayayna dhinacyoo badan oo la xidhiidha ururka TAF, cisbitaalka Ururkoodu dhisayo ee Maandhaye , kuna dhawaaqay lacag dhan $22,000 iyo isku xidhka dhalinyarada qurbaha joogta.

Gudoomiyihu waxa uu ka warbixiyay ururka TAF isagoo sheegay inay tahay arin runtii lagu farxo dhalinyaradiinii oo ay isu keentay waxqabad iyo inay ka qaybqaataan horu marinta wadankoodii hooyo.

Gudoomiyuhu waxa kaloo uu sheegay in cusbitaalkii ay wadeen ee Maandhaye uu gabogabo ku dhawyahay ay furi doonaan wiigagan fooda inagu soo haya lacagtan $22.000 ahina ay dhamaystiri doonto dhismihii cusbitalka

Waxa uu ku daray in qalabkii lagu furilahaa oo laba koontiinar ah uu gaadhi doona bisha August ee fooda inagu soo haysa cisbitaalkiina sidaa lagu furi doono hadii ilaahay idmo,

Waxaa kaloo lagu soo dhaweeyey khasnajiga ururka TAF Cabdi Siciid oo ka warbixiyay ururka TAF iyo qaabka ay u maamulaan dhaqaalaha soo gala isagoo sheegay in dhamaanba dhalinyarada ururku meelkastoo ay joogaan ay ku shaqeeyaan si mutadawacnimo ah isagoo sheegay inaanay xitaa nooliga ka siticmaalin marka hawlaha ururka ay wadaan ee ay jeebkooda bid ugu noqdaan.

Waxa kaloo khasnajigu sheegay in ay wada shaqayn leeyihiin gudiga hour marinta Togdheer oo ah odayaal lagu kalsoon yahay horena usoo qabtay waxyaabo lataaban karo waxa kaloo uu umahad celiyay shirkada Dahabshiil isagoo sheegay inay ka taageerto qabsoomida shirarka ururka waxaana uu baaq usoo jeediyay shirkadaha kale inay sidaas oo kale sameeyaan.

Waxaa kaloo goobtaas ka hadalay aqoonyahano aad ufaro badan iyo weliba xildhibaano sida Xildhibaan C/qaadir Jirde oo sheegay sida uu mabsuudka uga yahay dhalinyaradan waxqanahaysa waajibna ay tahay inla taageero, waxaa kale halkaas ka hadlay saleebaan Dhaabur, Ciise Cawed oo yaguna tilaamay in ay tahay wax lagu farxo dhalinyaro ku fekeraysa waxqabad balse ay tahay inaynu dhamaanteen isku duubnaano markaas ayaa wax wada qabsigu hagaagayaa

Waxaa sina halkaas ka hadlay Faarax Xariir ooh ore ururka uga ahaan jiray Gudoomiye kuxigeen isagoo magaaladiisa ku booriyay in in dadaalka iyo taageera ay u hayaan ururka TAF ay sii laban laabaan.

Waxaa ugu danbayn lagusoo dhweeyey Maxamed Haybe oo ka mid ah aqoonyahanada degan magaalada Liverpool isagoo sheegay inay tahay in ururka TAF iska ilaaliyo wax kasta oo dhib u keeni kara sida qabyaalada, siyaasada iyo xiljeclaysiga taasoo ah waxyaabaha ummamku ku burburaan.

Shirkaas ayaa waxa uu ku dhamaaday weji farxad leh yadoo dadkii halkaas joogay aydhamaantood ka dareemaysay shucuud wadanimo oo qafkastaa xaqiijinayay inay waajibtahay in wadankii lookaco waxii looqaban karana loo qabto ururka TAF taageero buuxda lasiiyo si ay hawsha dardar cusub usii
geliyaan.

Image and video hosting by TinyPic

Maamulka Ururka TAF
Email: ururkataf@gmail.com
Web: http://www.ururkataf.com


June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930