Toggaherer’s Weblog

Dab Qabsaday Warshedda Furshaanta ee Alkhayraat

Dab Qabsaday Warshedda Furshaanta ee Alkhayraat


Dab aan la garanayn waxa dhaliyey ayaa galabta ka kacay Wershadda Furshaanta Al-khayraat baabiiyeyna Qeybta Mashiinada, dabkan ayaa baabiiyey sida la sheegay 40% Guud ahaan warshedda.

Dadweyanaha degen Xaafada Maxamed Mooge ee Wershaddu Ku taal ayaa u soo gurmaday wershadda Al-khayraat, sidoo kalena dadweynaha xaafadda Maxamed Mooge waxay badbaadiyeen agab badan oo hoos yaalay wershadda, dadweynaha ayaa adeegsanyay gacmahooda iyo Booyadaha Biyaha kuna guuleystay in ay bakhtiiyaan dabkii.

Gubashadda wershada ayaa ah kii labaad iyadoo hore warsheddu u gubatay sanadkii hore Wershadda ayaa dhawaan dib loo kiciyey bilawdayna Hawlgalka ay ku soo saaraysay Furshaanta dhawaan.
Dabka ayaa wakhtigii uu qabsaday Warshedda aanay joogin Masuuliyiinta Wershadda iyo wax shaqaale ahi marka laga reebo Waashmaaniinta Wershadda ,

Waxa nasiib daro ah in aanay magaaladda Hargeysa iyo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland aan lahayn Wax dabdamis ah oo loogu gurmado, haddii masiibo noocan oo kale ahi dhacdo iyada oo ay jiraan Guryo badan oo gubtay kana dhasheen khasaare nafeed iyo hantiyadeed ugana danbeeyeen Dabkii Gubay Guri ku yaal Xaafadda Star kuna geeriyootay Ilmo yari.
Xafiiska Warqabadka TogaHerer
Germany

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

September 2017
S S M T W T F
« Jul    
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
%d bloggers like this: