Toggaherer’s Weblog

Archive for August 2008

GANACSADE SOOMALI AHI OO GOOR DHAWAYD LAGU DILAY SOUTH AFRICA


Port Elizabeth

Port Elizabeth 09/08/2008 (ToggaHerer):

Maxamed Xuseen Maxamuud oo ahaa ganacsadae Soomali ah ayaa goor dhawayd lagu dilay meheradiisa dhexdeeda sidaa waxa noo xaqiijiyey Ganacasade Axmed Cali oo degan magaalada Port Elizabeth .

Kooxda weerarkan geysatay ayaa ahayd budhcad soo weeraratay ganacasade Soomaaliyeed ah oo ku sugnaa goobtiisa ganacsiga kadib markii kooxdaasi ay weerar ku soo qaadeen marxuumka geeriyooday isagoo ku dhex jirra goobtiisa ganacsiga oo ku tiiley tuulada Via plus ee Port Elizabeth ee wadanka South Africa .

Kooxaha dilka geeestay ayaa tira ahaan lagu sheegay in ay ahaayeen ilaa afar ruux kuwaas oo ku hubaysnaa bastoolado ka dib markii ay budhcadu dileen Marxuumka ayaa waxa ay gudaha u galeen dukaankii waxa ayna qaateen wixii yaalay dukaanka oo lacag ahaa daqiiqado kadib waxaa goobta soo gaadhay ciidamada booliska wadanka South Africa waxa ayna sameeyeen baadhitaano laakin kuma ay guuleysan in ay ragaasi qabtaan ama la aqoonsado midnaba.

Todobaadkaan gudihiisa waa dilkii labaad ee loo geysto Dadka Somalida isla gobalkan Eastern geesta kale markii ay soo bateen dilalka arxan darada ah ee lagula kacaayo Somalidaku dhaqan South Africa ayaa qaar ka mid ah Ganacsatda Somalida ay isaga baqoolayaan South Afrika iyaga oo u baqoolaya wadamada Kenya iyo Sudan gaar ahaan magaalada Jubba ee koofurta Suudaan oo soomali fara badan ay waayahan ku sii qulqulayeen maadaama oo ganacsiga magaaladaasi uu noqday mid ka wanaagsan kan South Africa sida ay ku Sheegeen ganacsatadii halkaas degtay.

Xafiiska Warqabadka ToggaHerer

Kenya

Wariye Maxamuud Daraan

LAMAANIHII JARMALKA U DHASHAY OO LA SII DAAYAY

Laasqorey 09/08/2008 (ToggaHerer)
Wararka Naga Soo gaadhaya Degmada laasqoray Gobolka Sanaag Ayaa Sheegaaya In la siidaayay lamaanihii u dhashay dalka Jarmalka ee afduubka loogu haystay Buuraha gobolka Sanaag .

lamaanahan Jermalka ayaa haatan ku sugan magaalada Boosaaso sidaana waxa noo xaqiijiyey Wariye Axmed Cabdi oo aan khadka Telefoonka kula xidhiidhay isaga oo ku sugan Boosaaso ilaa iyo hadda lama garanaayo in laga bixiyey wax madax furasho ah iyada oo ay hore u dalbadeen madax furasho gaadhaysa ilaa laba Milyan oo Dollar kooxda budhacada ahi, geesta kale budhacad badeedkan ayaa ku wareejiyey Madax dhaqameedka Degmada Laasqorey ka dibna madax dhaqameedka ayaa u gelbiyey dhinaca magaalada Boosaaso kuna wareejiyey maamulka Puntland.

La haystayaashan ayay ka muuqatay diif iyo daal farabadani ,Lamaanahan ayaa muddo ku dhow laba bilood lagu haystay afduub buuraha Cal Madow iyada oo laga soo qafaashay xeebaha bada Cadmeed.

Xafiiska warqabadka ToggaHerer

Hargeysa

Wariye : Baashe Yare

lAASCAANOOD

Lamaanihii Jarmalka ahaa oo gaadhay dalka kenya…..


Lamaanihii Jarmalka jooga Nairobi

Munchen-Germany 09/08/2008 (ToggaHerer)
Lamaanihii u dhashay dalka Jaramal ka ee lagu haystay Buuraldayda Calmadow ee maanta lagu guulaystay sii dayntooda ayaa galabta si nabad qab ah u gaadhay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi.
Lamaanahan ayaa sida la sheegay ay ku baayacaayeen budhcad badedkii haystay lacag gaadhaysa 2 milyan oo dollarka maraykanka ah taas oo mudadii lixdanka cisho ahayd ee ay hasyteenba ay ku taamayeen hadii aan la bixin lacagtaas madax furashada ah in aanay sinaba u dhici doonin in la sii daayo.

Hadaba safiirka dalka kenya u fadhiya Dawlada Embigaati Mr Ameriko ayaa baryahaaba waday waanwaan uu dabada kaga riixaayo Madaxweynaha Puntaland Gen Cade Muuse iyo Odayo dhaqameedka deegaankaa lagu haysto lamaanaha, taas oo ugu dambayntii ay ku guulaysteen in la sii daayo iyada oo ayna suurto galin in ay helaan burcadu lacagtay ku tamayeen ee ahayd madax furashada.

Hadaba markii ay lamaanuhu ka degeen Madaarka wayn ee Jome kenyati ayaa waxaa laga dareemayey wajiyadooda cabsi ay aad u fiigsan yihiin oo ay dadka oo dhan ka didsan yihiin, waxaanay dawlada Kenya balan qaday in ay mudo gaban lagu dawayn doono Cusbatal wayn oo ku yaala Nairobi intaa ka dibna loo gudbin doono dalkoodii hooyo ee Germany.

Waxaa iyana aad looga dareemaayey eheladii iyo dhamaan gobolkuu ka dhashay lamaanahini farax aad u balaadhan iyaga oo u sii diyaar garoobaya sidii ay u soo dhawayn lahaayeen dadkoodaa la haysta muda ah 60 cisho.

Safiiska warqabadka Toggaherer
Munchen-Germany

Sidee loo kala qaybsaday Halkii milyan ee dollar ee madax furashada Lamanihii Jarmalka ahaa


Lamaanihii Jarmalka jooga Nairobi

Oslo-Norway 10/08/2008 (ToggaHerer)
Si wanaagsan ayey u dhamatay Afduubkii lamaanihii Jarmalka ahaa ee laga afduubay xeebta u dhaxaysa Yemen iyo Somaliya oo ay ku wateen Laashkoodii.
Lamaanihii Jarmalka ahaa waxay ku sugan yihiin Safaaradii Jarmalka ee Nairobi, halkaas oo aad loogu waraysanaayo xaaladooda , sidaa waxaa sheegaya afhayeen u hadlay Arimaha dibada ee Jarmalka .
Waanay iska fiican yihiin lamaanahaasi marka loo eego dhibaatada soo martay.
Lamaanaha Jarmalka ah oo laga afdubay bishii June meel u dhaw xeebta Yemen iyaga oo u sii jeeday Thailand oo ay rabeen in ay ku tagaan Dooni yar oo ay wateen.
Shuftada oo wadatay dooniyar oo dheeraysa ,markay soo qabteen lamaanahas waxaanay geeyeen Waqooyiga Somaliya halkaas oo ay ku xabiseen meel fog oo buuralay ah oo aan la gaadhi karayn wadoyina aanay u dhawayn.
Shuftadaas oo ku dhawaqaday in ay rabaan in la siiyo lacag madax furasho ah oo gadhaysa Hal Milyan oo Dollar.
Sida laga soo xigtay Maamulka Somalida ( Punland) , shuftadu waxay qaateen lacag madax furasho ah cadadkeedu dhan yahay 1,000,000$ (Hal milyan oo dollar) oo u dhiganta qiyaastii 666,500 Euro (Lix boqol iyo lixdan iyo lix iyo shanboqol oo Euro).
Sida uu yidhi dhexdhexadiyihii arintaas , waxaa lacagtaa loo malaynaya in shuftada laga siiyey 600,000$ (lix boqol oo kun oo dolar).
Baaqigiina ay qaateen Dawlad Goboleedka Puntland .
Ilaa hadana cida lacagtaa bixisay lama oga.

Sidaa waxaan ka soo xiganay website Duetschland ka soo baxa oo wax ka qoray arintan lamaanaha.

Tarjumaadii Abdi Wahaab Janagale

websitka qoray na waa webkan
http://www.bild.de/BILD/news/vermischtes/2008/08/09/deutsche-geiseln/in-somalia-wieder_20frei.html

Xafiiska warqabadka Toggaherer
Oslo-Norway


Doontii ay Shuftadu wadatay


Laashkii ay lamaaha jarmalku wateen

Gudidda Dhaqaalaha ee Wakiiladda oo u jawaabay Baanka Dhexe Somaliland

Hargeysa: 27/07/2008 (TogaHerer)
Xoghayaha Gudidda Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Somaliland, Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale ayaa Xafiiska gudidaas ee Xarunta wakiiladda ka Akhriyey War saxaafadeed ay kaga jawaabayaan Hadalkii uu dhawaan Saxaafada Siiyey Gudoomiyaha Baanka Somaliland .
Warsaxafadeedka ayaa u qornaa sidan:
Guddida Dhaqaalaha ee Golaha wakiilada J.S.L

UJEEDO: WAR-SAXAFADEED

Waxaan halkan doonaynaa inaan ku saxno warqad warbaahinta dalka uu u gudbiyey Baanka S/Laan anoo sixitaankaa u raadin doona sifo sharci ah, een ahayn yoo yootan iyo mindi mindi ku tag.

Guddida Dhaqaalaha oo wakiil uga ah Golaha wakiilada Diyaarinta xeerarka maaliyadeed intaan Golaweyna la horgeyn ayaa ka codsantey hayada SDS & Care international inay gacan ka siiyaan dib u eegista Xeer No, 26 oo ah xeerkii lagu aasaasaey Baanka S/land hadaba waxan dib loo eegayaa waa xeeer waxaana Baanku sheegtay in uu awoodiisa isagu leeyahay, hadaba tani waxaan ka saxayaa Baanka sida ku cad Distoorka Qaranka Qodobkiisa (38) Faqradiisa 1aad awood xeer dejinta J.S.L waxay gaar u tahay Baarlamanka ooo ka kooban (wakiilo iyo Guurti) xilka xeer dejina uma wareegi karo cid kale.

Qodobka 39 aad ee distoorka
Golaha Wakiilada J.S.L waa qaybta Kowaad ee sharci dejinta Dalka iyo Ansixinta Xeerarka Dalka iyo ilaalinta siyaasada Guud ee Dalka isla qodobkan 38 faqrada 4aad xarafka (b) iyo (j) xilgudashada Baaralamanka waxa ugu muhiimsan:-
Hirgelinta Xeerarka u dejisan dalka iyo xaqiijinta cadaalada oo saldhig u ah xasiloonida Guud ee dalkar iyo in J.S.L yeelato xeerarka ay u baahantey dhamaan waa xilgudashadii Baarlamaanka.

Hadaba meel kama soo galo baanku xeer dejinta xaqna uma laha in uu noqdo xarunta lagu maamulayo laguna kaydinayo hantida ummada hadana in isagu dejiyo xeerkii lagu dhiqi lahaa, aduunayda meelna kama dhacdo in labadan awoodood ( Xeer dejin & Xoolo amah hanti) cid gacata loo wada geliyo, bangi kastaa wuxu raaca shuruucda dalkiisa.

Hadaba Maxay tahay sababta keentay dib u eegista xeerkan?
1. xeerkan oo la dejiyay 1994 wuxu ku salysnaa axdii qarameedkii beelaha waxaana loo baahanayey in la waafajiyo distoorka qaranka oo ka dabeeyey madama saldhiga Shurucda Dalku yahay Distoorka.

2. baanka Somaliland waa bangigii dhexe (Centeral Bank) waxana lagama maarmaana in la hirgeliyo lana dejiyo xeerarkii ogolaan lahaa in la abuuro baanaan ganacsi oo madax banana sida ku cad qodobka 13aad ee dastuurka Qaranka, iyana (Baananka Madaxa banaanina) yihiin kuwo mudnaanta la siinayo, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah in sharciyada Baanka Dhexe dib loo saxo loona sugo si cad
3. waxaa cad si muuqata inaan xeerkan dib loo eegayo hal qodob oo ka mid ah lagu qamin haday tahay

b. Dhismaha maamulka Baanka
T. Dhawrista Hantida Baanka
J. xisaab celinta sanad laha ah
X. Abuurida Kayd Qaran iyo baanan Madax banana
markaa dhaqan gelinta xeerkii jirayba hadaanu dhicin side aad ugu doodi karta xeerbaa la ansixiyey.

Gebagebo
1. Waxaan halkan raali gelin siinayaa hayada SDS iyo Care International oo Gacan ka Geystey qabashada Aqoon is waydaarsigan (Workshop) kan lagaga hadlayo, waxanaan leeyahay waxad gacan siiseen Gole qabsanaya shaqadiisi distooriga ahayd una madaxbanaan shaqadiisa mana jirto sababa leydinku canaanto iyo haba yaraatee gef shaqo iyo xad gudub aad u geysateen cid, Raalina ahaada.

2.waxaanu u qabaney aqoon is waydaarsigan waxaanu casuumad u fidinaya cid kasta oo wax ka tari karta ama shaqo ku leh xeerkan inay ka dhiibato aragtidooda iyo taladooda, waxaanu tixgelinaynaa sidaa awgeed waxa workshopka dib loogu dhigay 2/08/—3/08/2008, si cid kasta u soo bogato taladeeda waxaan leeyahay baanku haka soo qaybgalo Aqoon is waydaarsigan (workshop) wxaanu dhegaysan doona rayigooda waxaanu tixgelindoona, oo aanu u diyaarnahay u nahay wada shaqayn wacan.

TogaHerer.com
Togaherer news Desk Hargeisa

Maxamed Dheere oo Xilkii laga xayuubiyey

Mogadisho 29/07/2008 (TogaHerer)
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Imbigati ayaa shir ay isugu yimaadeen Muqdisho waxay xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ka qaadeen Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Shirkan oo uu gudoominayay Nuur Cadde ayaa waxaa gunaanadkiisii ka soo baxday in Xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Midkii Duqa Magaalada Muqdisho laga qaaday Maxamed Dheere.

Warar laga helaayo Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sababta xilka looga qaaday Maxamed Dheere in ay tahay ka dib markii khilaaf soo jiitamayay u dhaxeeyey isaga iyo Nuur Cade iyo isaga oo aan ka amar qaadan Maamulka Imbigati ee ka sareeye sidoo kalena samayastay Ciidamo isaga u daacad ah, warar ku intaa waxay ku darayaan in ay sidoo kale jirto xil-gudasho la’aan iyo in ay ka soo eed-sheegteen Xubno kala tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sheegay in ay la shaqeyn karayn Maxamed Dheere.

Maxamed Dheere ayaa xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir loo magacaabay 26-kii April ee Sanadkii 2007, iyadoo uu magacaabay Cali Maxamed Geeddi oo uu isagu u baneeyey Kursigii Baarlamaanka si uu u noqdo Raisal Wasaare waa Cali Geedi ye.

Maxamed Dheere ayaan la garanayan halka uu ku danbayn doono masiirkiisa siyaasadeed isaga oo cadaw fara badan ku dhex leh Bulashda uu ka soo jeedo.

Xafiiska Warqabadka TogaHerer.
Mogadisho

Cade Muse oo isugu Yeedhay Saraakiishiisa Milatari Saacado yar ka dib markii Uu Dhoofay C/laahi

Garowe 29/07/2008 (TogaHerer)- Cade Muuse Xirsi ayaa isugu yeedhay Taliyaasha ciidamadiisa iyo La taliyayaashisa dhinaca Milateriga iyo waliba Saraakiisha milatari ee ku sugan Puntland hadda, Saacado yar ka dib markii Uu Dhoofay C/laahi Yusuf .

lama yaqaan waxa uu shirkaasi ku saabsanaa se Warar u dhuun daloola shirka lagana helaayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in laga wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha amaan daro ee ka jirta Deeganka Puntland iyo sidii looga hawl gali lahaa in Puntland Gacanteeda dib loogu soo celiyo wax loogu yeedhay Gobolada Maqan ee Puntland kuwaas oo loola jeedo Sool iyo Sanaag Bari.

Kulankan oo ka dhacay aqalka Cade Muse kana soo qayb galeen dhamaan Saraakisha Ciidan ayaa sheegaya in Cade Muse ka codsaday Saraakiishan in asi dhakhso ah u keenaan Habka ugu haboon ee dib loogu soo celin karo Gobalada Maqan

Kulan kan ayaa ku soo beegmay labo Cisho ka dib kulan dhexmaray isuguna yimaadeen Cade Muse iyo C/laahi Yusuf & Isimada gobalada Sool ,Sanaag & Buuhoodle lagagana wada hadlay Xaalada Goboladaas.

Warar ayaa iyana sheegaya in abaabulkan iyo arimahan hadda socda in ay ka danabysay Booqashadii uu ku yimi dhulkan C/laahi Yusuf, taas oo uu ku badbaadinayo khalkhalka ku yimi Puntland Xaga Nabadgelyada iyo Burbur soo food saaray gobolkan si loo furo furin kale oo lagu mashquuliyo laguna jeediyo dadka reer Puntland .

Baashe Yare TogaHerer
laascaanood.


August 2008
S S M T W T F
    Jan »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031