Toggaherer’s Weblog

Archive for April 2009

HAYADA CAAFIMAADKA ADUUNKA (WHO) OO SARE U QAADAY HEERKA CABIRKA CUDURADA FAAFA

HAYADA CAAFIMAADKA ADUUNKA (WHO) OO SARE U QAADAY HEERKA CABIRKA CUDURADA FAAFA

Hay’ada Caafimaad ee dunnida (World Health Oragnisation) WHO ayaa shaaca ka qaaday inay sare u qaaday heerka ay ku cabirto halista ka imaan karta cudurada faafa gaar ahaan cudurka Swine Flue ee ka dilaacay dalka Mexico.

Madaxa hay’adan ee Margeret Chan ayaa shalay shir jaraa’iid ay qabatay ku sheegtay in heerka khatarta cudurkan ay tahay mid ay ka dhigeen Level 5 oo ah cabirka ugu sareeya ee in muddo ah la gaarsiiyo cudurada khatarta ah ee fida.

Heerka lixaad ayaa ah heerka ugu danbeeya ee halista cudurada ayadoo ay muujineyso cudurkan Swine flue ee gaaray heerka shanaad halista iyo cabsida hay’ada caalamka ee caafimaadka ka qabto faafida cudurkan.

Cudurka Swine flue ayaa noqday mid si deg degleh ugu faafa wadamo badan oo caalamka ka mid ah, ayadoo wadanka Mexico ay cudurkan ugu dhinteen dad gaaraya 159, halka dalka Maraykanka uu ku dhintay cudurkan cunug yar.

Sidoo kale wadmo ka tirsan dalka Yurub ayaa laga helay cudurkan sida wadanka Jarmalka oo hada sheegay inay jiraan shaqsiyaad cudurkan uu ku dhacay.

Hay’ada WHO ayaa sheegtay in cudurkan markii hore uu ahaa mid ku faafa waxyawaanka, balse heer danbe isu bedalay inuu u gudbo dadka bini’aadamka ah, ayadoo hada uu cudurkan bilaabay inuu noqdo mid faafa oo ay dadka isu gudbiyaan.

Waxaana la sheegay in laga cabsi qabo in ay sii kororta dadka u dhimanaya cudurkan ayadoo sare usii ka ceyso tirada dadka cudurkan uu soo ridanayo. Waxaana dhici karta inuu cudurkan faafidiisa hoos ay u dhacdo, walow sidoo kale la filayo in ay sii faafi karto oo dhimashadana sii kordhi karaan.

Dalalka uu sida ba’an u saameeyey cudurkan oo uu ku jiro dalka Mexico ayaa waxaa shacabka lagu amray inay afka duubtaan xiliyada ay banaanka joogaan, isla markaana qofkii iska arka astaanta cudurkan uu si deg degleh uu u tago xarumaha caafimaadka si loo baaro.

Astaamaha cudurkan ayaa waxaa kamid ah hoos u dhaca dhiiga, madax xanuun iyo waliba qandho xoogleh.

Cudurkan ayaa sidoo kale sabab u noqday in ay wadamada caalamka bilaabaan inay kaydsadaan daawooyinka anti biyootikada ee cudurada hargabka looga hortago.

Advertisements

XAFLAD XIL WAREEJIN KA DHACDAY D/HOOSE EE LAASCAANOOD XOGAHYE CUSUB

30 APRIL 2009 THN
Xaflad xil wareejin oo ka dhacay dawlada hoose oo ay la kala wareegeen xoghayihii hore iyo mid cusub.

Waxaa saaka lagu qabtay hoolka dawlaa hoose ee magaalada laascaanood xaflad ay xilka kula kala wareegayeen labada xoghaye ee hadda isbadalay ee dawlada hoose xafladaasi oo si wayn loo soo agaasimay kana qayb galeen masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka Sool oo uu hor kacayo Taliyaha Qaybta Police-ka Gobolka Sool iyo masuuliyiin kale.

Xafladan ayaa waxaa hadalkii furay oo ka war bixiyay xaalada Dawlada hoose iyo waliba shaqada xogahaya Dawlada hoose ee hadda xilka ka tagay Abshir Aadan Maxamuud isagoo sheegay inuu Abshir uu xilkan si daacad oo hawlkarnimo ah u gutay oo xitaa uu markii meesha la furay uu ku bixiyay lacagtii uu gaarka u lahaa taas oo uu sheegay inuu ilaa hadda ku lee yahay.

Sidoo kale Taliyaha Qaybta Police-ka ee Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni ayaa waxa uu si wayn ugaga mahad celiyay munaasibada sida wayn loo soo agaasimay ee lagula kala wareegayo xil wareejinta isagoo sheegay in uu xoghayihi hore si wayn ugu amaanan yahay sida quruxda badan ee uu xilka ku wareejiyay xoghayaha cusubna ku dhiiri geliyay inay sugayso hawl culus loona baahan yahay inuu ka baxo.

Xogahayihii hore ee Dawlada hoose ayaa waxa uu halkaasi kasoo jeediyay war bixin dheer oo ku saabsan dawlada hoose iyo agabyadeeda iyo waliba shaqaalaha ka hawlgala Dawlada hoose ee Laascaanood isagoo sidoo kalena halkaasi kusoo bandhigay lacagta ku jirta khasnada Dawlada hoose ee magaalada Laascaanood.

Hadaba ugu danbantii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay xoghayaha cusub ee Dawlada hoose ee magaalada Laascaanood Maxamed Maxamuud Cali (Xaaji Jeeni Yare) isagoo sheegay in loo baahan yahay in shaqada qaranka diyaar loo ahaado uuna xilkiisa si karti leh ugadan doono isagoo intaasi ku daray in saaxiibadiisa ah masuuliyiinta Gobolka Sool oo ay qaar kamid ahi horay usoo wada shaqayn jireen ay gacan kasiin donaan.

Ahmed Abdulahi Binow
Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland ee Gobolk Sool.

KULAN AY YEESHEEN SAFIIRKA JSL EE CANADA MAXAMED CUMAR ISMAACIL & BARKHAD XAAJI CABDI MR GABOOYE

waxaa dhawaan magaalada ,ottawa,ee caasimaada dalka canada kulan aad u xiiso badan ku yeshey ,safiirka jsld u fadhiga dalka canada ,ahna gudoomiyaha xisbiga ,udub, ee canada ,mudane,maxamed omar ismaciil, & barkhad xaaji cabdi ,mrgaboye ,oo ka socdey qurba joogta beelaha gabooye ee reer somaliland, oo kunool dalka canda, kulankaas oo ay kaga wada hadleen ,arimo badan oo khuseeeya beelaha gabooye ee muwadiniinta reer somaliland ,
kulankaas oo socdey mudo ka badan sadex saacadod ,ayaa waxuu kaga hadley ,mr gaboye qodoba badan oo dhinacwalba taabanayey kuwaasoo u badan ,cabashooyiin & tix galiin la an ay tirsanayaan beelaha gabooye kana tirsanayan maamulka jsld, ee uu hada masuulka uga yahey safiirku canada ,hadaba wada hadalkas oo aan aheyn kuwo aynu halkan ku soo wada bandhigi karno ayaa waxeynu ka soo qaadaneynaa inta ugu mihiimsan , hadalka kulanka oo uu bilabey ,barkhad xaaji cabdi ,mr gaboye ,ayaa waxuu ku bilabey sidan ,

safiir, hadaanu nahey muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer soamliland ,waxaanu ka tirsaneyna dowlada jsomaliland ,xaq daro & xaquuqdayadii oo naga maqan,& tixgaliin la,aan
aan marnaba lanoo tix galiin ,mudnaantii aanu ka mudneyn ,maamulka & dowlada jsld ,waxaanu markastaba ka cabaneyna inaan marnaba la noola dhaqmiin ,sida loola dhaqmo muwadiniinta reer somaliland,sababtoo ah ,haddii qaarkamida beelaha dagan soamliland ay ka cawdan maamulka dowlada ,markiiba dowladu waxbey uga qabata ,anagase ,waxbaba lagama soo qaado cabashooyinkayaga ,
sababtoo ah ,tan & intii ay dowlad jsld ,ay ku dhawaaqdey iney la soo noqotey xornimadeedi lixdankii ay heshey ,sanadkii 1991,kii laaga soo bilaabo ilaa maanta oo laga joogo intey jirto jsld ,waa ,19, sanadood , intasba anaguna waxaanu tirsanayna cabashooyin kayaga oo 19- jirsadey ,,wax lanooga qabteyana ma jirto ,& cid isku xilqaantey oo tiri wali warbal beeshan muwaadiniinta ahi ee cabanayaa ,maxey ku cabanayan , taasina waxey na tustey ama na dareen siineysaa inaan waxaaanu ka nahey jiriin jsld ama nalooga ogolyaheyba ,

waxaanu tirsaneyna waa xaqa & xaquuuqdaanu ku laheyn maamulka dowlada jsld ,oo kala ah ,hadey tahey hayadaha dowlada sida wasaradaha inanu waxaanu xaqa ugu laheyn marnaba nalaga siinin, inkastoo aanu kuleehnahey ,hal wasiirku xigeen ,mudane , mahdi cabdilaahi cismaan buuri , uu noogu jiro ,hadana waxaanu qabnaa inanan xaq u laheyn wasiir ku xigeeen ,eee aanu xaq u laheyn ,wasiir buuxa & ku xigeenba , taasna waxaanu u aragna inan marnaba ,mudnanta & tixgaliintaanu ku laheyn dowladayada jsld ,aaney marnaba noo tixgaliin ,

tankale , jsld ,waxey leehdahey saddex gole ,sida golaha guurtiga ,golaha deegaanka ,golaha barlamaanka ,oo xubnaha kujiraa xildhibaanadasi ay ka badan yihiin ilaa ,500-xildhibaan ,waxaa noogu jira anagan waa ,hal xildhibaan oo kujira golaha guurtiga oo ah ,,xildhibaan,jirde siciid maxamuud, waxaanu qabna inaanan xaq u yeelen ,inaanu sadexdaas gole ku yeelano ,hal xildhibaan kaliya ,sababtoo ah waxaanu nahey beelaha gabooye ,afar belood oo kala ah ,(1)beesha reer sheekh muse dhariye (,2)beesha madhibaan,(3)beesha tumaalada ,(4)beesha anaasiinta ,ama yibraha ,oo dagan dhamaan lixda gobal ee jsld,inaan xiita la noo qiimeyn in beeshiba ,hal xildhibaan loogu daro golayashaas,

waxaa kale oo jirtey sanadkii hore iney dowladu sameysey komiishan lagau magacabey in loo qoondeeyo ,kootooyin cayiiman oo oo loo qoondeeeyey ,beelaha laga tirao badanyahey ee beelaha gabooye & dumarka reer somaliland ,ayana ansixiyan sadexda gole ,lana soo hordhigey ,golayasha ,sida golaha barlamanka & golaha deeganka labadas goolana ay u ansaxiyeen ,iney xaq uyeeshaan kootooyinkaas ,balse markii loo soo gudbiyey ,golaha guurtiga inuu gudoomiyaha guurtiga ,saleeban gaal, uu kootadii hor istaagey cirkana uu kulaaley ,mardanbana aaney cidi kaba hadal ,xaataa madaxweynaha oo awood u lahaa marka inuu isagu awoodiisa u adeegsado kuna fuliyo si xaqa wuu ka gaabsadey ,taasina waxey na tustey iney ariintasi aheyd ,waxna ha u qaban qowdana maqashiis nala tusayey uun ,

waxaa kale oo aanu tirsaneynaa , xaga waxbarashada inaan aanu laheyn xafadaha aanu daganahey schoolo ,noogu yaala ,oo ay caruurtayadu bilaash wax ku bartan ,madaamaaanu nahey beelaha ugu liita manta jsld ee ay la hadhey ,aqoonta oo ad ugu yar & dhaqalo xumaan,

dhanka dhaqalaha ,waxanu tirsaneyna ,dhaqaaloxumi ku habsadey dhamaan beesha oo dhan ,meelkasta oo ay daganyihiina ay ku heysto dhaqaalo darni ku habsatey beesha ,dowladuna wax ay uga qabatey aaney jiriin ,xaataa mashariic umeysameyn dadkan danyarta wada ah ee hadana ah xirfadlayaasha xooga maalayasha ah ,waxaanu nahey beesha kaliya ee aan laheyn dad bilaa camala, ee wada shaqeysta ahna dadka ugu soo wax soo saarka badan ,aan marnaba loo sameyn warshado ama ilo dhaqaale kobciin ah ,oo kaba nolalmal moodkooda ,si ay ula jaan qaadan bulshada ,
dhanka kale waxaanu xisbi, ahaan udub ka tirsaneynaa ,xaquuqdanu xisbigaas ugu laheyn inaan marnaba nalaga siin ,sababtoo ah xisbiga udub wuxuu lehyahey , golayaal fara badan ,sida goolaha joogtada ah & golaha dhaxe ee xisbiga & masuuliyiin & madax u gaara , hal xubin beela ahan nooguma jiran oo matala beelaha gabooye , waliba anagoo ah tan & intii la sameeyey xisbiyada jsld ,xisbiga udub ,codka ugu badan wakhtiga doorashada waxey ka helaan waa codbixiyaasha beelaha gabooye ee dagan ,lowya cado ilaa gabolada bariga somaliland , waxaa soo xaqdaro & xaquuqdayada naga maqan ,waxaey nooga maqantahey ama naloogu tix galiin wayyey ,ilaa hada garan meyno ,

tankale waxaaa jira ,ardey badan oo u baahan iney waxbarrashadooda ka garaan ila heer jaamacadeed , taasina u samixi weydey ,qarashka waxbarashad ajaamacadaha hargeys aku yala ,dowladuna waxey uga qabatey ama xisbi ahaan xisbiga udub ,waxey ka gargaaraan ma jiraan ardeydaas ,halka ay ka gargaraan ,ardeydaas oo hada ay qaarkood nasib u heleen iney ka bixiyaan qarashka kana gargaaraan sida ,jaamacada hargeysa ,dowlada hoose ee hargeysa ,hayada undp, shirkada dahabshiil oo iayan hada laba ardey kamida aan anigu u bandhigey markey wayeen ardeydaasi qarashkii ,simistarka ixtixaanka sanadka naga caawisey qarashkas labada ardey ,& ururka mucaaradka ee ,ucid ,oo isagana qeybka mida ka faalo qaatey ,balse sida ley shegey uu ka faa iideystey hal ardey oo sanadkii hore ka qaliin jabiyey jamacada , hadaba safiir waxaa soo dhibaato & xaq daro aayu tirsaneynaa hadaanu nahey muwaadiniinta beelaha gabooye ee rer soamliland ,cid ilaa hada wax ka qabantey oo dowladuna aaney jiriin ,

safiirka ,mudane, maxamed osmaan ismaaciil,waxuu ku bilabey hadalkiisa ,marka ugu horeysa waxan aad & ugu faraxsanahey sida geesinimada & codkarnimada ee aad isku xilqaantey inaad safar dheer ii soo gasho si aad iigu soo gudbiso cabashooyinkan & dhibaatadan aad tirsaneysan ,waa midaan kuugu mahad naqayoo adiga ,barkhad xaaji ,ahaan ,wana midaan kugu taageersanhey inuu qofku u hadlo beeshiisa ,wixii jirana uu sheegto ,isagoo iska ilaalinaya wixi meel ka dhac ah ,marlabaad waan kugu hambalyeynaya ,

inaas ka diib hadaan ka hadlo cabashooyinkiinan & dhibka aad tirsaneysan , walal waa mid u baahan marka ugu horeysa ,huubin & xaqiijiin , oo ah in lawada ogaado sidey wax u jiraan , waanan ka daba tagayaa si aan u ogado ariintan , waxaanan tagaya anigu safiir ahan jsld ,bisha danbe ee may, insha alah , waxaanan balan qaadayaa inaan ariintaas cabashooyinka & dhibka aad tirsaneysaan ,inaanan dhayalsanin ee aan si buuxda u gu sameeyo baadhis & hubiin , kadiibna u gudbiyo madaxda & masuuliyiinta dowlada jsld,

waxan kaloon kuu balan qaadayaa ,markan tago hargeysa ,insha alah, inan marti qaad u fidiyo hormoodka beesha gabooye hogaamiye dhaqameedka & saladiinta , aqoonyahankooda & wax garadkooda ,si aan iyagana u xogogal wareysto wixii jirana kala kulmo & waxey tirsanayan ,kadiibna aan ugu gudbiyo madaxda dowlada ila madaxweynaha aan u geeyo hogaanka beelaha & salaadinta beeshaba ,

tankale ,waxaan raba inan kuu iftiimiyo xaga maamulka ,ama dowlada jsld inaney marnaba u kala eexan umada ,oo ay umada ay masuulka ka tahey ee muwadiniinta reer soamliland xil ka wada saaranyahey ,balse walal waxaa jira inaney wali dowladeenu ay wali curdiin tahey kuna mashquulsantahey sidii loo hannan laha qaran xor ah oo madax banan ,& sidii ay dowladu u sameynlahey wax soosar laga wada faa iideysto ,loona abuuri laha ilo dhaqaaale & wax wada qabsi ay bulshadu wada wadaagaan ,sida warshado & haydo shaqo sameeya ,
tankale xaga dhaqaalaha waxeynu wada ogsooney ineynaan wali na yeeelaan dhaqaale wanaagsan oo wali ay inaheyso dhaqaalo xumaan ,lana siman nahey dowlado badan oo aduunka ka jira xaga dhaaqalo xumanta ,

tan kale ee ,xaga waxbarashada ,waxaan kuu cadeynaya in la diwaan galiyey ugu yaraan ila ,3000, school, oo loo qoondeeyey in sida ugu dhakhsaha badan loo hirgaliyo loona sameeyo magalo kasta & dagma kastaba miyi & magaalaba intey garaan schooladaasi ,waxanan filaya isla sanadkan hadey suura gasho in la bilabo hawshas ,waxana ugu horeeya waa beelahaas ,dhaqaalo xumanta & aqoon yarantu ku habsatey in looga dhiso xaafadkasta oo ay ka daganyihiin gobalada ila miyiga , waxaanan balan qaadaya iney ugu horeyaan beelaha gabooye schoolas iyagana loogu hordhisayaa , ,

waxaanan idiin shegaya dowlad jsld kaligeed dalka wax uma qabato ee waxaa inta badan kaaliin weyn ka qaatey horumariinta dalka ,hadey tahey xaga waxbarashada & xaga wax soosarka dhaqaalaha wa muwadiniinta reer soamliland ee qurba joogta ah ,waxaan ku buurinaya oo an ugu baaqaya beelaha gabooye ee qurba jogta iney iyaguuna kaaliintooda ka qaataan horumariinta umada gaar ahan waliba kuwa liita ee dhaqale xumanta heystaan laguna deydo kuwa kale ,

tankale ee xisbi ahaan ,xisbiga udub ,aaney xubin kaliya beeshu kulaheyn anigu u maleynmaayo iney ariintasi jirto oo ay beeshu ka maqantahey , lakiin waa mid mudan hadaney jiriin inlaga qeybgaliiyo xubnahooda xisbi ahaan waana midaan anigu ka daba tagaayo ,oo aan mudnaanteeda siinayo ,

waxaan hadalkeyga ku soo gunanadaya , insha alah inaan sida ugu dhakhsaha badan cabashooyinkan & dhiibka ay tirsanayan muwadiniinta beelaha gabooye ,wixii jiraba markan hubiyo ee aanu xaqiijino si degdeg ah wax looga qabto , insha alahna waxaan rajeynaya inaney beesha gabooye xaq & xaquuqda ay dowladeda ku leehdahey aaney yooyootan galiin ,,

waxaanan marlabad kuugu mahad naqayaa sida wanagsan ee aad uugu soo gudbisey cabashooyiinkan ,waanad kumahadsantahey,barkhad ahan ,itas ayaaan ku soo gunaanadaya hadalkeyga,
safiirka jsomalland,& gudoomiyaha xisbiga udub ee canada ,ottawa,,
,,safiirka ,mudane, maxamed omar ismaaciil,,u fadhiya jsomaliland otowa dalka canada,

qore,soona diyaariyey,Tafatiraha (gabooyenews)
barkhad xaaaji cabdi mr gaboye,
Ontario Canada,

WAANU TAGEERSANAHAY GOAMADII GUDIDA DHEXDHEXADINTA” FAYSAL & SIILANYO & XUKUUMADA

“WAANU TAGEERSANAHAY GOAMADII GUDIDA DHEXDHEXADINTA” FAYSAL & SIILANYO & XUKUUMADA

Hargaysa 29 April 2009 (THN)
Labada Gudoomiye ee xisbiyada mucaaradka ee uUcid iyo Kulmiye Faysal Ali waraabe iyo Axmed Maxamed Siiraanyo ayaa shaaca ka qaday in ay taageersan yihiin goaankii ka yeedhay gudidii dhex dhexaadinta khilaafka u dhexeeya xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka , taas oo ay kaga warameen mawqifka ay ka taagan yihiin ka mucaarad ahaan goaamadii ay soo saareen gudidaasi arimihii khilaafka siyaasadeed ahaa ee baryahanba dhex socda dalka.

Sidaa waxa ay ka sheegeen shir jaraaid oo ay maanta ku qabteen huteel Maansoor ee magaalda Hargaysa.

Eng Fasal Cali Warabe oo ka hadlay madashaasi ay ku qabteen shirka Jaraaid ayaa waxa uu sheega in ay u mahad naqayaan ugu horayn gudidaa iskood isku abaabushay iyo intii gacan siisayba waxaanuu sheegay in ay soo dhawaynayaan goaamadooda taasn o uu sheegay in aanay ahay wixii aanu dalbay se hadan aanu taageerayno
“Mar haddaanu nahay labada xisbi ee mucaaridka ah, waanu u u mahadnaqaynaa guddiga dhex-dhexaadinta iyo inta gacanta siisay-ba, waanaanu soo dhawaynaynaa, waanu qaadanayna go’aamadaas, inkastoo aanay ahayn wixii aanu dalbanay boqolkiba boqol , hadana anaga oo ixtiraamayna guddida, Anagoo ixtiraamayna danta dalkeena,dalkeena iyo nabadgalyadaba, oo wax kasta ka hor marinayna danta qaranka waanu aqbalay, waananu qaadanay go’aamadaasi.”
“Waxaanu jecelahay qodobada u baahan dhamaystirka, inay si deg-deg ah saddexda xisbi isaga yimaadaan kana tashadaan sidii loo dhamaystiri lahaa, kuwaasoo ay ka mid yihiin, arrinta commissionka , guddiga dabagalka hantida qaranka,waa inay xisbiyadu isaga yimaadaan si arimahaasi loo dhamaystiri lahaa.” Sidaa waxaa yidhi gudoomiyahaa Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

Ahmed Maxamed Siilaanyo, oo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in ay aqbaleen go’aankaas ay soo saaren guddida xallinta khilaafaadku,
“Arrintani waxay ahayd arrin saamayn wayn ku leh dalka iyo dadkaba, sidaa daraadeed, go’aankaa maanta ka soo baxay guddiga dhexdhexaadinta waanu aqbalay oo waanu qaadanay. Ilaa maalintii ugu horeysay ee uu taagnaa murankaasi waxaanu cadaynay ka xisbiyo mucaarad ahaan inaanu diyaar u nahay wixii danta umada iyo maslaxada dalka ka shaqaynaya, ciddii dhexdhexaadin ah ee loo saaranaa aanu aqbalayno.” . “Waxaanu guddida iyo ciddii kale ee ay khusaysaba ka codsanaynaa in imika loo tafo xayto sidii qodobadan loo sharciyayn lahaa, ee golayaasha sharciga loo gayn lahaa, wax rasmiya u noqon lahayd, oo xaflad rasmi ah oo ummaddu isku wada ogtahay oo aan hadhawto laga murmin in hawshaa lagu fuliyo ayaanu rajaynaynaa, waxaan ku rejo waynayhay hawlaha go’aamadaa ciddii fulin lahayd in iyagana la dhamaystiro markaa hadalkii oo kooban waanu soo dhawaynaynaa go’aamadan, guddigana aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa, hawsha ay qabteena waanu ku hambalyaynaynaa.” Ahmed Siilaanyo

Sidoo kale dhinaca xukuumada uu u hadlay Af-hayeenka Madaxtooyada Siciid cadaani ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Go,aankaa gudiga oo ay Xukuumadu aqbashay “Anagoo ka eegayna sidii ay u qabsoomi lahayd doorsho Xor oo xalaala ayaanu u aqbalnay Go,aanka gudiga”

Maxamed Muse
Hargaysa

HOGAANKA JIBUUTI WAA CADAWGA S/LAND WASIIRKA KHAARAJIGUNA WAA NIMAN IKHTIYAAR LAHAYN

HOGAANKA JIBUUTI WAA CADAWGA S/LAND WASIIRKA KHAARAJIGUNA WAA NIMAN IKHTIYAAR LAHAYN

Md: Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayasha guddida joogtada golaha wakiilada Somaliland isla markaana laga soo doortay gobolka Saaxil ayaa Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey in shuruucdii iyo qawaaniintii dalka u taalay uu ku tuntay isla markaana aanu ogolayn in shuruucda dalka uu ku dhaqmo, isagoo intaas ku daray in heshiisyo qarsoodiya ay xukuumadiisu la yeelatay maamulka Sheekh Shariifka Somalia, tilmaamayna in hoggaanka dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle uu yahay cadowga Somaliland, waxaanu sidoo kale xildhibaanku sheegay in guddida dhexdhexaadinta eek u guddo jirta khilaafka siyaasiga ah ee ka dhex taagan xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka aanay wax natiijo oo midho dhal ahi ka soo baxaynin isagoo daliil uga dhigay ku dhaqan la’aanta shuruucda dalka.

Md:Maxamed Faarax Qabile waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaasa oo uu wargeyska Haatuf shalay kula yeeshay xarunta golaha wakiilada, taas oo uu sidoo kale kaga hadlay qoraalkii guddoomiyaha maxkamada sare uu dhawaan shirgudoonka golaha Wakiilada kaga codsaday in xisaanada laga qaado xildhibaan Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiilada iyo arrimo kale oo la xidhiidha xaalada guud ee dalka iyo siyaasada khaarajiga ee Xukuumada Rayaale.

Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S:maadaama oo guddida joogtada golaha wakiilada aad ka tirsan tahay golihiina wakhtigan xaadirka uu u maqan yahay fasax, sideed u aragtaa qoraalkii uu guddoomiyaha maxkamada sare dhowaan shirgudoonkiina kaga codsaday in xisaanada laga qaado Xildhibaan Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale ?

J:Horta arrintan oo guddoomiyaha maxkamada sare u soo qoray shirgudoonka maaha arrin ugub ah ee waa arrin curad ah oo hadda ka horba xeer ilaaliyaha guud uu waaran u soo qoray guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada, taas oo dastoorka iyo xeerhoosaadka golahayaguna ay dhigayaan in xildhibaanadu ay u madax banaan yihiin afkaarahooda, mudan yihiina dhawr sanaantooda xildhibaanimo, haseyeeshee qoraalkaa guddoomiyaha maxkamada sare waa mid indho la’aana oo qayral sharci ah, guddi joogto ahaana maanta ayaanu kulan gaar ah ka yeelan doonaa arrinkaasi foosha xun.

Sida sharciyadii dalka loogu tuntay talaabadii golaha Deegaanka lughaya ee gobolka Awdal ay wasaarada arrimaha Gudduhu u kala dirtay taas oo guddoomiye ay soo magacaabeen ay dusha kaga keeneen, iyadoo 13 xubnoodna la kala diray, sidaa darteed arrintan maxkamada Sare ka soo baxday waxan u arkaa baroortu orgiga ka weyn.

S:Waxa jira in dhexdhexaadin ay guddida anshaxa iyo kormeerka doorashooyinka ay ka dhexwadaan khilaafka cakiran ee u dhexeeya asxaabta mucaaradka iyo xukuumadda, taas oo ka dhashay go’aankii muddo kordhinta ee ka soo baxay golaha Guurtida, arrinkaasi sideed u aragtaa?

J:Horta maaha markii u horeysay ee khilaaf sharci oo dalka ka dhacay laga galay dhexdhexaadin, balse waxa hore u jiray in hore dhexdhexaadin looga galay khilaafkii saddexda gole Qaran, xadhigii siyaasiyiinta ururka Qaran,taas oo qaynuunkii lagu xalin lahaa khilaafyada sharci ee taagan uu maamulkani iskaba laabay, sidaa darteed, maadaama oo aanay kuwaa horaba wax natiijo ahi ka soo bixin oo hal bacaad lagu lisay noqday ma qabo in guddidan maanta dhexdhexaadinta wadaa ay wax midho dhal ah keeni karto.

S:sideed u aragtaa Komishanka Doorashooyinka oo lagu dhaliilo in aanay dalka doorasho ka saari karin?

J:waxaan u arkaa komishankan doorashooyinka Qaranka oo aan qabaa in komishankani yahay macawis uu ina Rayaale guntan yahay.

S:Waxa lagu eedeeyaa xukuumadda Rayaale sida asxaabta mucaaradku ay ku doodayso in aanu Madaxweyne Rayaale diyaar u ahayn in doorasho dalka ka dhacdo, arrinkaasi sideed u aragtaa adigu?

J:Marka la eego habdhaqamada Madaxweyne Rayaale iyo facaa’ilada uu ku dhaqmaayo ee ay ka mid yihiin xisaabtan la’aanta, ku dhaqan la’aanta dastoorka iyo heshiisyada qarsoodiga ahaa, ee ay la soo galayaan maamulka Somalia ee sheikh Shariif ee aanu Madaxweyne ku xigeena qarin, wasiirka khaarajiga ee Somaliland uu difaaci kari waayey hadaladii ka soo yeedhay wasiirka Khaarajiga ee Somalia waxa xaquuq ah in dalkan sharciyadiisii la afduubay oo si badheedh ah loogu xadgudbay, doorashaad sheegaysaaye dalkani wuu afduuban yahay, waxaanu dalku ku jiraa xaalad qaynuun la’aana oo ka xun digtaytarship, runtaana laga warwareegayaaye oo dalkaan wali waxba fahmine Rayaale wuu iscadeeyey waanu cadaystay in dalkan uu sharci daro iskaga haysto,

S;Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland, Cabdilaahi maxamed Ducaale shirjaraa’id oo uu qabtay shalay (Doraad) wuu ku beeniyey hadalada laga soo sheegay wasiirka arrimaha dibada Somalia, oo sheegayey inuu xidhiidh dhexmaray maamulka Somaliland, arrimahaasi sideed u aragtaa ?

J: Horta wasiirka arrimaha dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale waa kii ku margaday inuu bayaamiyo heshiisyadaa xaaraanta ah ee la galay, waa nimaan ikhtiyar lahayn oo dooni dabadii saaran meel ay kula socoto iyo jiho ay kula xidhan doono doonida uu saaran yahayna waa nimaan ogayn.

Waxaan kuu sheegayaa Djibouti hogaankeeda Ismaaciil Cumar Geelle waa cadowga Somaliland, waana meel laga soo maleego dibindaabyada iyo mijo xaabinta Somalia.

s:maxaad xal u aragtaa in lagaga gudbi karo xaalada uu dalku ku jiro?

J: waxaan anigu soo jeedin lahaa, in labada gole ee Baarlamaanku ay dalka samata bixiyaan oo ay ka badbaadiyaan burbur ku yimaada, isla markaana ay kulan wada jira ka yeeshaan, xaalada halista ah ee uu dalku ku sugan yahay, waxaanan odhan lahaa goleyaashu waxaanay horayn hore ha u yeelaan.

HAATUF

GUDDIGA DHEXDHEXAADINTA KHILAAFAADKA SIYAASADEED OO SOO SAARAY GOAANKOODA XALINTA KHILAAFKA

GUDDIGA DHEXDHEXAADINTA KHILAAFAADKA SIYAASADEED OO SOO SAARAY GOAANKOODA XALINTA KHILAAFKA

GUDDIGA DHEXDHEXAADINTA KHILAAFAADKA SIYAASADEED

29 April 2009

Ku: Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin

Ku: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo

Ku: Guddoomiyaha xisbiga UCID Mudane Faysal Cali-waraabe

GO’AAMADA KHILAAFKII SIYAASADEED EE DALKA

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Guddiga Dhexdhexaadintu iyadoo ka duulaysa kalsoonida uu siiyey Madaxweynaha JSL, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID, isla markaana dhegaysteen doodahoodii iyo qoraalladii ay noo soo gudbiyeen, kana hormarinay wixii kaleba danta dalka iyo ta ummadda, talooyin badanna ka heshay bulshada qaybaheeda kala duwan sid; culimada, salaadiinta, ganacsatada iyo waxgaradka kale, himiladeeduna tahay sidii doorasho xor oo xalaal ah loo gaadhi lahaa, jecelna inay soo afjaranto muruggan siyaasadeed ee taagan waxay go’aamiyeen:

1- Muddo-kordhinta:

1.1- In muddo-kordhinta Golaha Guurtidu siiyey Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee ku eg 29/10/2009 ay tahay mid lagu dhaqmayo.

1.2- In doorashadu haddii ay ku qabsoomi waydo 27/9/2009 in aan Golaha Guurtidu u kordhin Karin Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa; waana in arrinkaas laga ansixiyo golaha sharci-dejinta (Baarlamanka).

2- Muddada Doorashooyinka:

2.1- Doorashadu waa inay ku qabsoonto xilligii Komishanku u qabtay ee 27/9/2009, ololaha doorashaduna ka horreeyo bisha Ramadaan ee barakaysan ee qaddarinteeda leh.

2.2- Waa in Guddiga Doorashooyinku sida ugu dhakhsaha badan u soo saaraan waqti-hawleedka doorashada (Time-line).

2.3- In Server-ku natiijadii kama dambaysta ahayd ku soo saaro 27/7/2009 si waqti ku filan loogu helo hawlaha doorashada.

2.4- Qaddiyadda Komishanka waxay guddigani adkaynaysaa in Madaxweynaha, labada hoggaamiye ee axsaabta mucaaradka iyo Golaha Guurtida [oo ah cidda soo wada xusha] ay go’aan ka gaadhaan in la daayo, in la kordhiyo iyo in la beddelo.

3- Warbaahinta iyo Hantida Qaranka:

3.1- Warbaahinta Qaranka:

In saddexda xisbi qaran ee ka qaybgalaya doorashada Madaxtooyada laga siiyo warbaahinta qaranka xilli isku mid ah (air time) iyo waqti ku filan sida Radio Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo wargeysyada qaranka.

3.2- Hantida Qaranka:

Hantida qaranka sida maaliyadda, gaadiidka iwm waa in aan xisbi gaar ah loogu adeegin.

3.3- Waa in dabagal iyo la socodka qodobkan warbaahinta iyo hantida qaranka ku xusan loo sameeyo guddi adag oo dhex ah awoodna la siiyo.

4- Xorriyadda Axsaabta iyo Hawlahooda:

4.1- Xisbiyada waa in aan loo diidin awoodaha iyo xuquuqaha dastuurka iyo shuruucda qaranku siinayo sida hawl-maalmeedkooda, dhaqdhaqaaqooda, madaxbannaanida qabashada shirarka iyo bannaanbaxyada.

4.2- In Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeen iyo ciddii u sharraxan jagooyinkaas ay leeyihiin xasaanad, karaamo iyo qaddarin.

4.3- In la sii daayo dhammaanba dadkii loo xidhay xiisadda siyaasadeed intii ay ka aloosnayd dalka.

5- Xeerka Hab-dhaqanka (Code of Conduct):

Waa in la diyaariyaa Hab-dhaqanka (Code of Conduct) ee xisbiyada xilliga doorashooyinka ka hor intaan ololaha la bilaabin.

Wa Billaahi tawfiiq

Magacyada Guddiga:

1. Aadan Baxnaan Xirsi, Guddoomiye——————
2. Jaamac Axmed Maxamed, Afhayeen———————-
3. Xuseen Cali Nuur, Xoghaye———————–
4. Cabdulqaadir Cali Xasan Xubin—————————
5. Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre Xubin————————–
6. Dr. Aadan Yuusuf Abokor Xubin—————————
7. Aadan Xirsi Suge Xubin—————————

TALIYIHII CIIDANKA ARGAGAXISO LA DAGAALANKA GAALKACAYO OO QARAX LAGU DILAY

TALIYIHII CIIDANKA ARGAGAXISO LA DAGAALANKA GAALKACAYO OO QARAX LAGU DILAY


GAADHIGA LA QARXIYAY

Gaalkacayo 28 April 2009 THN
Waxaa goor dhaweyd, qarax xoogan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Hotelka Ala-Magan ee Waqooyiga Gaalkacyo Qaraxan ayaa waxaa lala Beegsaday Gaari Market II ah oo ay wateen Ciidamada PIS-ta Qaybta Gaalkacyo.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in lala beegsadey Gaari ay iska leeyihiin hay’adda sirdoonka Puntland ee magaceeda loo soo gaabiyo PIS, Waxaa qaraxaas ku dhintey Sarkaalkii u sareeyay Ciidanka PIS qaybta Mudug oo lagu magacaabo Col.Yaasiin Tolwaaye, sidoo kale goobaha caafimaadka ayaa nalooka sheegay in qof kale oo rayid ah uu ku dhintey qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale.

Col.Yaasiin ayaa markii hore goobta looga qaadey dhaawac ahaan waxaana la dhigey, Isibtaalka Dhegacade halkaas oo la sheegay in uu markii danbe ku geeriyooday

Waqtiga qaraxa lala beegsadey gaariga ayaa ahayd waqti Magaalada Gaalkacyo ay ahayd mashquul goobtuna ay ahayd Bartamaha magaalada.

Booliska Gaalkacyo ayaa durba u qabtey qaraxan shan qof oo goobta qaraxa lagu qabtey, kuwaan oo ay sheegeen in su’aalo la weydiin doono.

Ma ahan markii u horeysey ee weerar lagula beegsado hay’adaha amaanka ee Puntland.

Wariye Baashe M Yusuf
Garoowe


April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930