Toggaherer’s Weblog

Hargeysi waa Xarunta Qaadka iyo Qiiqa Sigaarka, horena waxay u ahayd

Hargeysi waa Xarunta Qaadka iyo Qiiqa Sigaarka, horena waxay u ahayd

“Qurba-joogoow, Caruurtiiina waxaad u soo dirtaan inay dhaqanka iyo diinta soo bartaan, waxayna idiinku soo noqdaan iyaga oo soo bartay Qaad iyo Qiiq…….”

Waraysi khaas ah. Gud. Ururka SOCSA

“Caruurtiinu waxay u baahan yihiin dad ay dhinaca wanaagsan kaga daydaan”

“Caruurta Qurba joogu waxay noo yimaadan iyaga oo xidhan Shaadh iyo Surwaal Shan qof qaadaya, waa in la baraa……”

Hargeysa: Akhristeyaal, waxaanu jecelahay in aanu halkan idiinku soo gudbino, waraysi khaas ah oo aanu la yeelanay Khadra Maxamed Cabdi (Khadra Kaliil) oo ah Gudoomiyaha Urur wadani ah oo la yihaadhdo SOCSA.

Haddaba, inta aynaan gudo-gelin waraysigaas bal aynu wax ka taataabano waxa uu yahay ee u taagan yahay SOCSA.

SOCSA waa Somaliland Culture and Sports Association (Ururka Dhaqanka iyo Ciyaaraha Somaliland.).

Gudoomiyaha Shabakada Somalilandpress, Cabdiqani Xuseen Baynax ayaa waraysi khaas ah kula yeeshay Xarunta Ururka SOCSA ee Magaalada Hargeysa, waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaa waxa uu u dhacay sedan;-

S: Khadra bal ugu horayn nooga waran sababta dhismaha Ururka, waxa uu qabto iyo hawlihiina uu magaca ururku u taagan yahay waxa idiinka hir-galay ilaa hadda?

J: Hadaan ugu horayn kaaga waramo dhismaha Ururka, waxaanu aasaasnay 2000, waxaanan u aas-aasnay sidii arrimaha horumarinta dhalinyarada aanu uga qayb-qaadan lahayn siiba arrimaha gabdhaha da’yarta ah. Ururkani waxa uu ka turjumayaa magac ahaan arrimaha ku lugta dhaqanka iyo ciyaaraha (Sportiga). Sababaha aanu u qaadanay arrimahaas waxa weeye wakhtiyadii dagaaladu dhaceen ama dalka lagu soo noqday waxa aanu aragnay isbedelo badan oo dhacay ama wadankii ka jira, oo ay ka mid yihiin dhinicii sportiga oo dunida awood ku leh iyo Somaliland oo arrimahaasi ay iska noqdeen gaabis dhinaca dhalinyarada. Markaa dhinaca dhaqanka u soo weecano, waxa jirta inuu suulayo oo u muuqdo mid gebi ahaanba baaba’aya. Samaynta ururkani guud ahaan wuxuu ka turjumayaa soo noolaynta arrimaha dhaqanka, ciyaaraha iyo waxbarashada.

S: Marka la barbar-dhigo ururkiinana kuwa tira badan ee wadanka ka jira oo laga aaminsan yahay in badankoodu la mid yihiin bareefada gaarka loo leeyahay ee Hay’adaha lagaga maxaabsado maxaad odhan kartaa waanu kaga duwanahay?

J: Horta, way jiraan Ururo u shaqeeya si bareefad ah oo aan dadka waxba u qaban oo shakhsiyaad ku shaqaystaan, isla-markaana sidii wax loogu soo dhiibay aan dadka u gaadhsiin adeegyada baahiyaha loo qabo. Markaa, annagu anaga oo aan gacan badan helin, hawsha aanu qaadanay way ka duwan tahay hawlaha ay Ururadaa kale qabtaan ururkayaga SOCSA, sababtoo ah wuxuu u shaqeeyaa dhalinyarada gaar ahaan gabdhaha. Taasoo waxyaalaha aanu siinaa ay ka mid tahay dhinacyada waxbarashada, ciyaaraha iyo dhaqanka oo dhamaantood bilaash ah oo aanay waliba jirin cid naga caawisaa. qaybahan aanu qaadanayna sida dhaqanka iyo Sportiga Hay’adaha UN-ka ma jirto wax gacan ah oo aanu ka helay, marka laga reebo Hay’ada UNICEF oo naga caawisay dhismaha Xaruntan, Tababaro ay noo siisay dhalinta iyo waliba qalabaynta xafiiska.

S: Ururka SOCSA sida aad carrabka ku dhufatay wuxuu Sideed jirsaday sanadkan, isla-markaana waxa muuqata adeegyo wax ku ool ah oo aad ku guulaysateen inaad u gudbisaan dhalinyarada sida inaad soo saartaan hablo kubada cagmaha ciyaara, koox hiddo iyo dhaqanka ku lebista soona bandhigta iyo kooxo kale oo badan. Waxa lays waydiin karaa, maadaama aad horumarkaa ku talaabsateen maxaa adeegiina ku koobay Caasimada oo aad gobollada dalka uga hawl-geli waydeen?

J: Waa su’aal fiican, qorshaha way noogu jireen in aanu gobollada dalka tagno. Laakiin, bulshadeena waa bulsho si gurrucan wax u turjunta oo hadal wax isugu gudbisa, iyaga oo aan xaqiiqda meesha ka jirta wanaag iyo xumaan aan u gun-degin ama soo taabaan ayaa dhaqankeena waxay dadkeenu aaminsan yihiin sida ciyaaraha oo ay fikrad xun ka aaminsan yihiin, in inantu haday sportiga gasho ay inan dhaqan u arkaan oo su’aalo badan layska waydiiyo. Caasimadii in aanu ka dhaadhicino way nagu qaadatay Sideedaa Sanadood, dhaqaale fiicana umanaan helin iyo caawimo toona.

S: Laakiin, Khadra dhabbo dheer ayaad u soo marteen hawshan markii aad caasimada ka bilowdeen. Sidaa daraadeed, miyaydaan bulshada gobollada ee iyagu jecel dhaqanka marka hore dhaqanka iyo hidda qaybtiinaa ku soo jiidan Karin oo talaab-talaabo hawlaha kalena ku hir-gelin Karin idiinka oo kaashanaya waayo aragnimadii hawshan ee caasimada aad ka hesheen hirgelinteeda?

J: iminka waanu wadnaa, waxaanaan ku talo jirnaa sanadka dambe Insha Alaah waxa noo qorshaysan in aanu gobollada qaar tagno si Xaruntayadan oo kale uga hawl-geli lahayn ama xafiisyo uga furan lahayn.

S: Bal akhristeyaasha mowduucan wax uga taataabo caqabadihii kaa soo maray dhinaca hablaha kubada gacmaha ciyaara intii aad tababaraysay?

J: Waxyaalaha nagaga yimaada dadka waxa ka mid ah inay mala-awaal sheegaan oo yidhaahdaan hablaha waxa loo xidhaa keeshali iyo kalsoonaa loo xidhaayoo gaaladaa la tusaa, taasoo ah dacaayado iyo qabado loo samaynayay xaruntan, kuwaasoo ay ku andacoonayeen dadka jaahiliinta ah. Waxaasay shubaan.
Dhalinyarada oo kale hawlaha aanu ku qabano waa hablaha 95% inta badan hawlahayaga waxa ka faa’iidaysta waa gabdhaha. Markaa Inamada oo kale eerayada xarunta ku taalaa way na shiidaan iyaga oo leh hablaha oo qudha maxaa meesha wax loogu qabanayaa, hadanaay wax kale meesha ku jirin. Dad muslim ah baynu nahay in hablaha oo gooni loo ciyaarsiiyo oo aan wiilal lagu dhex-darin diinta iyo dhaqanka ayaa ina faraaya. Taas ayaa sababtay in aanu hablaha u samayno meeshan oo kale. Dad waawayn baa si kale wax ugu sheega. Iyaga oo diidaya awoodda ay habluhu wax ku gudbin karaan.

S: Hablaha aad tababartaan laftoodu ma la kulmaan tacadiyo dhinaca bulshada ah oo la xidhiidha kubadan ay ku foogan yihiin?

J: Haa. Dabcan way la kulmaan tacadiyada ay kala kulmaan in qaarkood ay waalidiintoodu u diidaan inay yimaadaan xarunta, iyaga oo ka doorbidaya Inantu inay guriga joogto oo diirka iska saarto dawana ismarsato is-dhalaaliso waana tacadi wayn inay Inantu is-qaribto oo Bitanoofaat iyo Sheerli iska buuxiso.
Taasoo ay ka wanaagsanaan lahayd inay jidhkeeda iyo maskaxdeeda iyo aqoonteeda dhisto. Su’aalaha aan maamul ahaan iswaydiino ayaa waxay tahay in sababta hooyadii ay Inanteeda ugu ogolaanayso inay baco tolato inay jidhkeeda dawo ku marsato, isla-markaana ay ugu diidayaan waalidiintu hablaha inay jidhkooda dhisaan oo ay odhanayaan meesha dhaqan-xumadu taalo ha noo tegin.
Waxay u haysataan markay inantu kubad ciyaarto inay dhaqan xumo ka soo baranayso. Uma muuqato dhibaatada caafimaad daro ee guriga taala, iyo kharashka ay waalidka ku dhibayso ee dawada ku iibsanayso. Innaga adeegayagan dhismaha hablaha ee dhinaca maskaxiyin aqoonta iyo waliba awoodda jidh ahaaneed wax lacag ah kama qaadno. Inantii noo timaada iyada oo dawo isticmaali jirtay waanu kala talinaa oo ka joojinaa, kana wacyi-gelinaa.

S: Dhinaca waxbarashada oo kale maxaad hablaha bartaan?

J: waxaanu siinaa waxbarashada dadban, gabdhaha oo keliya, tusaale ahaan luqadaha Soomaaliga, Ingiriisiga iyo xisaabta ayaanu siinaa oo gaalyo ayaanu leenahay.

Waxa kale oo aanu siinaa wax la yidhaahdaa “Girls leadership” sidii habluhu hogaaminta uga qayb-qaadan lahaayeen. Tababaro ku saabsan HIV Education-ka oo kale. Waxa kale oo aanu hablaha u fidinaa aqoonta waxbarashaa isticmaalka aalada computerka. Gudniinta fircooniga ah oo aanu barno saamaynta uu ku leeyahay hablaha oo aanu ka siino tababaro.

S: Tiro ahaan hablaha aad aqoon iyo xirfadba u faa’iidayseen ma noo sheegi karta tiro ahaan intay dhan yihiin?

J: Inta xarunta soo martay ee wax ka baratay way gaadhayaan ilaa 3000 oo gabdhood oo qaarkood ku shaqo-tageen.

S; Bal ka waran isku xidhnaanta ka dhaxaysa guud ahaan ardayda aad xirfadaha tababarada iyo waliba aqoonta u fidisaan?

J: Waxa ka dhexeeya xidhiidh wada-shaqayneed iyo iyaga oo had iyo jeer wiilashu ka tirsan SOCSA ama wax ka barta waxa aad loogu dhiiri-geliyaa inay hablaha dhaqaaleeyaan oo dhiiri-geliyaa, isla-markaana waxay Inamadaasi ixtiraamaan hablaha meesha wax ka barta iyo kuwa dibada ka ahba, iyada oo taasi ah aqoon ay halkan ku barteen, isla-markaana ogsoon inay habluhu yihiin hooyooyin, iyo xaasaskooda barri, waxayna u ogol yihiin inay habluhu fursado shaqo ka helaan meel kasta. Tababarada laftooda wiilashu wixii shaqo ah ee ka soo baxa waxay fursad siiyaan Hablaha in loo diro.

S: Bal ka waran dhinaca dhaqanka?

J: Dhinaca dhaqanka, waxa la ogyahay in miyigii iyo magaaladii berigii hore wuu kala duwanaa qolona reer miyi qolona reer Magaal. Markaa, iminka waxaad moodaa in waxyaabihii aynu dhaqanka u lahayn dhinaca miyiga uu guuray iyada oo dadkii ay noqdeen wada reer Magaal. Dabadeedna, aad miyigii aad ugu tagaysid dhaqankii magaalada wixii ka jiray. Markaa, waxaanu isku daynay in aanu wax ka qabano arrimihii dhaqanka, in aanu soo ururino agabkii hore aan u isticmaali jirnay qaarkood, heesihii iyo ciyaarihii aynu hiddo iyo dhaqanka u lahayn, xidhashada dharka hiddo iyo dhaqanka aynu lahayn rag iyo dumarba. Iyo in aanu waliba dhalinyaro rag iyo dumar ahba tababaru ku siino xarunta. Ururkayaguna uu yahay ka keliya ee ka shaqeeya dhaqanka ee dhalinyarada

S: Khadra waxaad ahayd ciyaartoy kubada gacmaha wakhtigii dawladii Soomaaliya laysku odhan jiray ma la odhan karaa hawshan waxa kugu kalifay xirfadaadaas iyo waayo aragimada aad u leedahay?

J: Markii wadanka lagu soo noqday qof waliba wuxuu xirfad lahaa ayuu la soo baxay, markaa (Ninba Cesaantii ceel gee) nin walba wuxuu garanayay ayuu bilaabay inuu ku hawl-galo.

S: Ugu dambayntii, adiga oo fursadaada uga faa’iidaysanaya waraysigan Somalilandpress, maxaad u soo jeedin lahayd qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland?

J: Waxaan uga faa’iidaysanayaa dadka Qurba-jooga ah ee Somaliland inay fursado shaqo iyo goobo dhalinyaradu leeyihiin ay wadankooda u soo sameeyaan. Taasi waxay ka caawinalysaa dhalinyarada inay ka helaan shaqooyin, taasoo markaa ay kaga baxsanayaan dhibaaatooyinka iminka jira sida Tahriiba oo ilmihii markuu Iskuulkii dhamaysto ama Jaamacadii dhamaysto aanu haysan goobo dhalinayradu ay ku kulanto oo wixii macluumaad ah iyo wixii aqoon ah ka qaataan ama ay u shaqo tagaan.
Arrintaasi waxay ka joojinaysaa ama wax ka qabanaysaa mustaqbalka dhalinyarada hadday helaan. Markaa dadka qurba-jooga ah waxaan leeyahay dadkani waxay ku soo yaacayaan halkaad idinku joogtaan. Laakiin, qof kastaaba wuxuu nolol iyo sharaf ku leeyahay marka uu wadankiisa joogo.

Dhalinyartii waxay idinka baahan yihiin inaad badbaadisaan oo aad xidhiidho la soo samaysaan, si aad Xarunta SOCSA oo kale si gobollada iyo degmooyinka dalka aad uga samaysaan Xaruntan oo kale. Wixii caawimo iyo taakulayn ah oo kale waad noo soo marin kartaan oo waanu gaadhsiin karnaa dhalinyarada. Marka gobollada laga yimaado Hargeysa dhulkeedii wuxuu noqday degsiimo oo ma jirto meel caruurtu ku ciyaarto sida garoomo oo kale oo waa la wada dagay. Markaa si loo helo waa in aad idinku dhul aad u soo iibisaan Caruurta.

Danta gaarka ah iska daaya oo danta guud soo eega ayaan leeyahay Qurba jooga. Caruurtiina markay wadanka timaado waxaad u keentaan dhaqan-celis iyo inay dhaqankoodii soo bartaan. Laakiin, waxay idinku soo noqdaan iyaga oo qaad iyo sigaar soo bartay. Goob kasta iyo dariiq kastana jaad ayaa lagu iibinayaa. Ilmihiina wuxuu ka dhigtaa camal qaad iyo qiiq. Markaa Bal qurba-joogoow isku soo tashada oo ka soo tala bixiya.

Surwaal wayn oo Shan qof qaadaya iyo Shaadh Shan qof qaadaya ayay la yimaadaan, waa in dharkeenii dhaqanka la helaa meelo uu ka helo oo la tusaa si Xarumaha SOCSA oo kale us oo dira Caruurtiina si aanu tusaale fiican u soo tusno. Hargeysu waa Xarunta Qaadka iyo Qiiqa Sigaarka, Horena waxay u ahaan jirtay Xarunta Suugaanta iyo Cilmiga dadka Soomaalida.

Xigasho: SomalilandPress


Gudoomiyaha Ururka SOCSA.jpg

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

September 2017
S S M T W T F
« Jul    
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
%d bloggers like this: