Toggaherer’s Weblog

SHIRKADA ISGAADGHSIINTA TELESOM OO SOO BANDHIGTAY MAANTA ADEEG CASRI AH OO LA YIDHAA ZAAD SERVICE

Posted on: June 16, 2009

Shirkada Isgaadhsiinta Ugu weyn Somaliland ee Telesom ayaa maanta soo bandhigtay adeeg casriga ah oo loogu wanqalay ZAAD SERVICE adeegan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee dalka Somaliland laga hirgaliyo Munaasibadan loo sameeyey furitaanka Tiknoolajiyadan Casriga ah ayaa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

click to comment

Xafladaasi waxaa kasoo qaybgalay Madaxaweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,Gudoomiye Ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Muse Biixi Cabdi , Musharax M/weyne Ku xigeenka Xisbiga Ucid Pro Maxamed Rashiid Sheekh Xasan qaar ka mida Culimada Hargeysa,Madaxada sare ee Shirkada Telesom,shaqaalaha shirkadaasi, ,Saraakiisha Ururada aan Dawliga ahayn ee NGO yada iyo marti sharafkale.

waxaana furitaankii xafladaasi ugu horeyn Ku furay Sheekh Maxamed Cali Gadhle oo ka mid ah Culimada Waaweyn ee Reer Somaliland Sheekh ayaa aayadaha Quraanka Kariimka ah Ka dib mar uu ka hadlaayay nabada iyo horumarka dalka Yidhi “Anagu hadaanu nahay Culimada waxaanu taageeraynaa markasta nabada, nabada haddaynu haynaa Colaadana waynu soo aragnay” ayuu yidhi sheekhu.
Mar uu sheekhu ka hadlaayay Tuugada baadhata habeenkii dadka ee ka qaata Mobileda waxa uu yidhi “Xukuumada waxaan usoo jeedinayaa inaanay Tuugta ku dayn inay xidh xidho kaliya balse ay tababaro u furto islamarkaana ay ku darto Ciidamada qalabka sida ee Milatariga” ayuu yidhi sheekhu .

Waxaa isna Xaflada ka hadaly ku xigeenka Gudoomiyaha shirkada Telesom Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed) waxaanu sharaxaad ka bixiyey qaabka loo adeegsanayo Nidaamka Cusub ee adeegsiga ZAAD SERVICE Markii ugu horeysay ee la maqlo magaca Mobile Money wuxuu ahaa ATM machine yar oo la qaadi karo oo la geyn karo meesha ay dadku ku badan yihiin oo ay dadku si fudud lacagtooda ugala bixi karaan.Farsamada Technolajiyadan waxa markii ugu horeysay bilowday 1996-kii Shirkad Mareykan ah,laakin in telefoonka Mobile-ka loo adeegsado adeega noocan oo kale ah waxa markii ugu horeysay bilowday sanadkii 2000 shirkad magaceeda la yidhaahdo Smart oo laga leeyahay dalka Filibiin,oo ay wadashaqeyni ka dhaxeyso Shirkadaha waaweyn ee Master Card-ka ah,Shirkadii 2aad ee hawshan bilowdaana waxay ahayd Shirkad magaceeda la yidhaahdo Voda phone oo ka bilowday Shirkad ay ku leedahay dalka Kenya oo magaceeda la yidhaahdo Safari Phone waxaanay hawshoodi bilaabeen sanadkii 2007-kii.”.

Mar uu ka hadlaayay heerarka ay soo maraty adeegani wuxu yidhi “Nasiib wanaag sanadkii 2009-kii waxa adeegyadan bilaabay laba Shirkadood oo kale oo aanu annagu [Telesom] sadex ku nahay oo magacooda la yidhaahdo NTN oo Koonfur Africa ah iyo Kuwait Sidaa daraadeed waxaynu noqonay dalkii afraad ee laga hirgaliyo farsamada Tiknoolajiyadan casriga ah ee noocan oo kale ah,waxa kale oo aanu ku guulaysanay in aanu noqono shirkadii shanaad ee is-gaadhsiineed ee caalamka ka jirta ee suurtagelisa Technolajiyadan,runtii waxa wax si weyn loogu farxo ah in cida suurtagelisay ay tahay Shaqaalihii Somaliland-derka ahaa ee Shirkada Telesom”.

“Waxa kale oo Xusid mudan marka laga yimaado tiknoolajiyada Computer-ada mooyaane in inta kale oo dhami ay tahay mid dalka gudahiisa lagu sameeyey (Local Made), waxaanan amaan u soo jeedinayaa Engineeradii suurageliyey”.Ayuu yidhi.

Habka Loo isticmaalyo Adeegan ayuu sheegay Mr Xadeed “Habkan cusub ee zaad Servica waxa uu qabanayaa inaad ku xawlitid lacagtaada,waxna ku iibsato bilashaadana ku bixiso Air Time-kaagana aad ku iibsan karto,marka aad rabto inaad lacag dirto waxaanad ku xawilan kartaa kuna diri kartaa lacagta wakhtiga aad doonto meelkasta oo aad joogto. Marka u horeysa ee aad doonaysid inaad lacag dirto waxa Mobile-kaaga ka soo baxaya Option ku kala dooransiinaya oo kuna tusaya Zaad Service ah,kadibna gudihiisa ayaad sii galaysaa waxaanad markaasba dalbanaysa Option-ka lacag dirista ah ee Money Transfer, kadibna waxaad gelinaysaa qofka aad lacagta u dirayso, kadibna lacagta ayaad gelinaysaa,kadibna waxa uu ku weydiinayaa si xafidaada ama amaanka lacagta loo ilaaliyo wuxuu ku weydiinayaa Password-kaga marka aad sheegtana waxa uu ku odhanayaa waan aqbalay [Confirm,sidaa awgeed daqiiqad gudaheed ayuu qofkii aad lacagta u direysay uu ku helayaa],taasina waxay kaa baajinaysa inaad Kuyuu dheer gashid ama aad Banki aad gashid, Sidoo kale waxaad adeegan ku bixin kartaa biilasha Telefoonada, I.W.M, Waxa kale oo aad wax kaga iibsan kartaa Dukaamada, Hudheelada, iyo Sumper market-yada ”.

Dhinaca faa’idooyinka uu leeyahay adeegan ay soo bandhigtay Shirkada Telesom ayuu ku sheegay Maareeye Ku xigeenka Shirkadu “Faa’iidooyinka adeega Zaad waxa ka mid ah:
-Inaad u isticmaashid lacagta kuugu kaydsan Mobile-kaaga inaad u diri karto qofkasta,
-Inaad ka kaaftoonto lacag aad jeebkaaga ku qaadatid: Ku dukaameyso lacagta kuugu kaydsan Mobile-kaaga.
– Uma baahnid inaad timaadid Telesom, Biilkaaga Telefoonkaaga ku taagan u tebi Telesom meelkasta oo aad joogtid.”

“Adeega Zaad Waa lacag jeebkaaga kugu jirta oo marka aad doonto aad sarifan kartid, wax ku iibsan kartid una kala diri kartid ehelkaaga iyo Asaxaabtaada”.

Waxaa iyana halkaa ka hadashay Aamina Maxamuud Diiriye oo ku hadlaysay magaca Dallada Indheer garad waxaanu kawarantay siday ula dhacsantahay kalainta fiican ee ay kaga jirto shirkada Telesom xaga hormarka bulshada Somaliland waxaanay tusaale u soo qaadatay markii ay jireen Ololayaashii Doorashooyinka iyo arimo kale oo ay wadeen ururada NGO yada ahi inay u adeegsadeen isticmaalka Mobile-ka Telesom halkii ay ka adeegsan lahaayeen gaadiid,kharash iyo wakhti dheeraada.

Dhanka kalana waxay sheegtay in loo baahanyahay inay shirkadaha Isgaadhsiintu shaqada wax ka siiyaan Dumarka baahan ee aqoonta leh gaar ahaan kuwa ay suura galka tahay inay u dhaqaaqaan dhinaca xumaanta maadaama aanay hayn wax shaqo ah oo ku filan “Shirkada Telesom waxaan ka codsanayaa inay ilaaga ku eegto inay shaqaalayso Duamrka gaar ahaan Hablaha aqoonta leh eek u dayacan suuqyada islamarkaana ay suurogalka tahay inay u dhaqaaqaan xaga xumaanta markay waxkale waayaan”ayey tidhi Aamino.

Waxaa sina halkaa ka hadlay Suldaan Maxamed Xasan Axmed oo kamida madaxda sare ee Shirkada Telesom waxaanu ka waramay taariikhdii hore ee xiligii la aas aasay Shirkada Telesom oo ku aadanayd Bishii May ee aan soo dhaafnay waxaanu sheegay inay ahayd shirkadii ugu hoeysay ee dalka ka hirgalisay Adeegyada casriga ah sida Internetka,GSMka iyo Peripaidka lagu shubnanayo Mobile-ka lacagaha.

Waxaa isna dadkii xafladaasi ka hadlay ka mid ahaa Xoghaya guud ee Xisbiga talada haya ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax waxaanu ka waramay qiimaha ay dalka iyo dadkana u leedahay shirkada Telesom iyo sida loogu baahanyahay inay shirkadaha kalana sidaasi oo kale sameeyaan.

Dhanka kalana waxa uu ka hadlay hadalkii cabashada ahaa ee Aamina kaga dalbanaysay Telesom inay shaqaalaysiiso Dumarka aqoonta leh.isaga oo arimahaa ka waramayana waxa uu yidhi “hadii ay jiraan wali cabashu dumarka xagooda ah oo laga garaabi karo waa inay Shirkaduhu wax ka qabtaan arintaasi”

Waxaa isna halkaa ka hadlay Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo ah ku xigeenka musharaxa Maxaweyaha ee Xisbiga UCID waxaanu hadal kooban ku sheegay hambalyo iyo bogaadin uu marka hore u soo jeediyey Shirkada Telesom waxaanu intaa kudaray inay aad u dadaaleen islamarkaana ku guulaysteen dadaalkoodii iyaga oo waliba tababaro fiican u sameeya shaqaalahooda si ay dhawaan u gaadhaan hogaamin fiican oo mustaqbalka ah.

Waxaaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaanu ka waramay sida ay Telesom ku gaadhay halkay maanta marayso waxaanu ku sababeeyey inay ku gaadheen hogaamin fiican iyo aqoon laysku daray.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay shirkadaha isgaadhsiintu hayaan masuuliyadii Xukuumada maadaama ay hayaan shaqadii ay qaban lahayd Wasaaradda Isgaadhsiintu islamarkaana ay ka qaybqaataan sidii lagu gaadhi lahaaa maamul wanaaga iyo shaqo fiican.

Dhanka kalana waxa uu hadal waano ah ujeediyey Muuse Biixi wadaadada yaryar ee Culimada ah “waxaan wadaadada leeyahay waar culimooy idinkaa sanadkan Awrkiinu dhaamiyaaye Xisbiyadii,Xukuumadii iyo Siyaasiyiintii kalaba way isdhiibeene dee dadka iyo dalkaba Nabad galiyadiisa ilaaliya”

Waxaa isna hadal kooban halkaa ka soojeediyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Sheekh Maxamed Cali waxaanu sheegay inaanay shirkaduhu tartankooda ku salayn xaga wax kharibaada iyo waxa aanay dadka dani ugu jirin.

Waxaanu ku soo dhaweeyey hadalka Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin waxaanu ka waramay marka hore qiimaha waxa Dawlada la yidhaado
“dadka waxaan doonayaa inaan fahansiiyo waxay Dawladnimadu tahay waayo waxay u yaqaanaan inay Xukuumadu tahay 4 Wasiir iyo wax lamida waxaanan leeyahay sidaa maahee waa idinka oo isu tagay”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: