Toggaherer’s Weblog

WAX KA BARO TAARIIKHDA CAALIMKA WEYN EE ISLAAMKA SHEEKH DR. YUUSUF AL-QARADAAWI

Posted on: June 9, 2009

WAX KA BARO TAARIIKHDA CAALIMKA WEYN EE ISLAAMKA SHEEKH DR. YUUSUF AL-QARADAAWI


SHEEKH DR. YUUSUF AL-QARADAAWI

TAARIIKH NOLOLEEDKIISII OO KOOBAN

DHALASHADIISII IYO WAXBARASHADIISII

Sheekh Dr. Yuusuf Mustafa Al-Qaradaawi wuxuu 9/9/1926kii ku dhashay tuulada Safat Turaab oo ka tirsan degmada Al-Maxalla Al-Kubraa, gobolka Al-Gharbiya ee dalka Masar. Sida Al-Xaafid Ibnul-Xajar iyo qaar kale ay sheegeen tuuladaas waxaa ku dhintay asxaabtii Nabiga (SCW) ninkii ugu dambeeyay ee dalka Masar ku geeriyooday Cabdullaahi ibnul-Xaarith Al-Zubaydi.

Qaradaawi tuuladaas Safat Turaab ayuu Qur’aanka kariimka ah ku xifdiyay, tajwiidkiisana dusha uga qaybay, isagoo aan weli toban jir gaarin.

Machadka Al-Azhar Ash-Shariif ayuu markaas keddib galay, wuxuna ku qaatay ilaa dugsiga sare, mar walibana wuxuu kamid ahaa ardayda safka hore kaga jirta waxbarashada. Kaalinta labaadayuu ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee boqortooyadii Masar, in kasta oo waqtigaas dhawr jeer xabsiga loo taxaabay.

Intaas keddib, wuxuu galay kulliyadda Usuulud-Diinka, Jaamacadda Al-Azhar, wuxuuna sanadkii 1952-53 ka qaatay Diblooma sare, wuxuuna kaalinta koowaad ka galay ardaydii sanadkaas waxbarashada dhammaysatay oo tiradoodu boqol iyo siddeetan (180) arday ahayd.

Sanadkii 1954kii Qaradaawi wuxuu Dibloomada sare iyo shahaaddada macallinnimada ka qaatay kulliyadda Luqada Carabiga, wuxuuna kaalinta koowaad ka galay dhammaan ardaydii saddexda kulliyadood ee Jaamacadda Al-Azhar sanadkaas ka qalin jebisay oo tiradoodu ahayd shan boqol (500) arday.

Sanadkii 1958kii wuxuu Diblooma sare oo luqada Carabiga iyo Adabka ka qaatay machadka Daraasaadka Carabta, 1960kiina wuxuu darajada Maajisteer ka qaatay qaybta Culuunta Qur’aanka, kulliyadda Culuumud-Diin ee Jaamacadda Al-Azhar.

Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi wuxuu isla kulliyaddaas sanadkii 1973kii ka qaatay shahaaddada Doktooraa (Ph.D.), wuxuuna keenay Imtiyaaz maca Martabat ASharaf (A+ with honor). Mashruuca Risaaladiisu waxa uu ahaa: Az-Zakaat wa Atharuhaa fii Xallil-Mashaakilil-Ijtimaaciya (Sakada iyo raadka ay xallinta Mashaakilka Bulshada ku leedahay).

SHAQOOYINKII RASMIGA AHAA EE UU SOO QABTAY

Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi, in muddo ah ayuu macallin kazoo ahaa Wasaaradda Waxbarashada, Masaajiddana ka khudbaynayay. Keddib wuxuu horjooge ka noqday Machad soo saari jiray kaadir imaamyo ka noqda masaajidda Masar, machadkaas oo hoos tegayay Wasaaradda Awqaafta dalka Masar.

Keddib, wuxuu ku wareegay golaha guud ee Hiddaha Islaamka oo hoos tegayay Jaamacadda Al-Azhar, isaga oo agaasime ka noqday qaybta madbuucaadka iyo maktabbadda oo iyagu hoos taga Idaaradda Dacwada iyo Diin faafinta.

Sanadkii 1961 waxaa Datoorka Icaaro (Amaah) ahaan loogu qaatay dalka Qadar, halkaas oo uu maamule ka noqday Machadud-Diinka dalkaas oo waagaas ahaa dugsi sare. Si aad iyo aad ah buu Dr. Qaradaawi gacan uga geystay horumarinta Machadkaas. Sanadkii 1973kii waxaa la aasaasay Jaamacadda Qadar, waxaana lagu billaabay laba kulliyadood oo kala ahaa;Kulliyadda Barbaarinta Wiilasha iyo Kulliyadda Barbaarinta Gabdhaha. Halkaas baa datoorka loo beddelay, isaga oo ka aasaasay qaybta Daraasaadka Islaamka, maamulena ka noqday.

Sanadkii 1977kii wuxuu aasaasay harmuudna ka noqday Kulliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka, Jaamacadda Qadar, wuxuuna hormuud ka ahaa ilaa iyo dhammaadkii sanad dugsiyeedkii 1989-1990kii.

Waxaa kaloo uu ahaa hormuudkii iyo aasaasihii Rungta Baarista Sunnada iyo Siirada Nabiga (SCW), Jaamacadda Qadar, ilaa iyo maalinka manta ahna isaga ayaa hormuud ka ah.

Dalka Aljeeriya ayaa sanadkii 1990-1991kii icaaro ahaan u qaatay, si uu madax uga noqdo golayaasha cilmi ee jaamacaddeeda iyo macaahiddeeda Islaamiga ah ee sare, dabadeedna Qadar ayuu kusoo laabtay si uu usii wato shaqadiisii ahayd Hormuudka Rungta Baarista Sunnada iyo Siirada Nabiga (SCW), Jaamacadda Qadar.

Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi wuxuu helay abaalmarinta Baanka Horumarinta Islaamka, sanadkii 1990kii, kuna helay cilmiga Dhaqaalaha Islaamka.

Sanadkii 1992kii wuxuu helay abaalmarinta caalamiga ah ee Boqor Faysal, kuna helay kaalintiii uu ka qaatay Daraasaadka Islaamka.

Wuxuu sanadkii 1996kii helay abaalmarin la siiyo qofka cilmigiisa wax badan dadku ka faa’ideystay, wuxuuna ka helay guddoomiyaha Jaamacadda Islaamiga Caalamiga ah ee dalka Maleesiya.

Sanadkii 1997kii wuxu helay abaalmarinta Suldaan Xasan Al-Bulqiya (Suldaanka Burunaay), kuna helay Fiq-higa Islaamka.

DADAALLADIISII KU SAABSANAA U KHIDMAYNTA ISLAAMKA

Callaama, Sheykh, Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi wuxu kamid yahay casrigan maanta la joogo culumada ugu caansan caalamka Islaamka min mashriq ilaa maghrib, xagga; culuunta, fikirka, dacwada iyo jihaadka, mana jiro qof muslin ah oo casrigan jira oo aan isaga la kulmin ama maqaal ama kitaab uu qoray ama fatwa uu soo saaray akhrin ama aan dhegaysan muxaadaro ama khudbo ama dersi ama war amaba jawaab uu ka bixiyay jaamac ama jaamacad ama idaacad ama telefishan amaba uu cajalad ku duubay.

Dadaalladiisa uu sheekhu diinta Islaamka ugu khidmaynayaa kuma ay koobna hal meel ama hal qayb amaba hal nooc oo khidmo ah, balse waxay koobayaan dhammaan qaybaha kala duwan, qayb walba oo diinta Islaamka ka tirsanna wuxuu kaga tegay wax la taaban karo oo muqda, tusinayana raadkii sheekha.

Qaybaha ama majaalaadka uu sheekhu raadka ku reebay waxaa kamid ah:

– Allifaadda Kutubta.

– Dacwada iyo Baraarujinta.

– Fiq-higa iyo Fatwada.

– Mu’tamaraadka iyo Nadwooyinka.

– Booqashooyinka iyo Muxaadarooyinka.

– Xubinnimada mu’assasaadka iyo majaalista.

– Dhaqaalaha Islaamka.

– Arrimaha Bulshada.

– Dhaqdhaqaaqyada iyo Jihaadka.

Kutubta uu sheekhu allifay waxay dhaafayaan siddeetan (80) kitaab, halka muxaadarooyinkiisa, khudbooyinkiisa iyo duruurtii uu jeediyay ay adagtahay in la tira-koobo. Kutubta sheekha waxaa ugu caansan:

1- kitaabka (Al-Xalaal wal Xaraam fil-Islaam). Kitaabka waxaa loo tarjumay luqado fara badan oo ay kamid yihiin: English, Deutsch, Farsi, Urdu, Spanish, Kiswahili, iwm. Kitaabkan cilmi baaris fara badan ayaa lagu sameeyay, arday jaamacado kala duwan oo caalamka Islaamka dhigataana risaalooyin M.A. iyo Ph.D. ayay ka diyaariyeen.

2- Waxaa isna kamid ah kutubta sheekha kitaabka kale ee (Fiqhu Zakaat) oo laba jus ka kooban. Kitaabkan waxaa lagu tilmaamay mid kamid ah kutubta ugu caansan uguna anfici og ee la qoray casrigaan. Al-Callaama Abul-Aclaa Al-Mawduudi wuxuu kitaabkaan ka yiri: Waa kitaabkii Qarniga (Qarnigii 14aad ee Hijrada) oo ka hadlaya Fiq-higa Islaamka.

Qaradaawi wuxuu ahaa daaci, marka laga soo billaabo dhallinyara-nimadiisii, wuxuuna ka qaybgalay xarakooyinkii Islaamka, dhibaatooyin waaweyn baana arrintaas darteed kusoo gaaray. Tiro aan yarayn baa xabsiga loo taxaabay xilligii boqortooyada iyo xilligii kacaanka intaba.

Qaradaawi waa nin Eebbe siiyay hibooyin dhawr ah; waxa weeye aftahan khudbooyinkiisa quluubta ku ruxa, cuquushana ku qanciya. Waxa weeye qoraa waxa uu qoro aan ku celcelin, qoreyaasha kalena aan ka min-guurin. Waxa weeye faqiih, diintii asalka ahayd haysta, dhexdhexaadnimana u dheertahay oo fiqhigiisa bari iyo galbeed laga yaqaan.

Dadka sheekha wax ka qoraa, waxay ku tilmaamaan inuu kamid yahay mufakiriinta tirada yar ee kulansatay lama dhaafaanka shareecada iyo lama huraanka casriga, qoraalladiisuna waxa ay ku can bexeen hufnaanta fiqhigiisa, aftahannimadiisa, aragtiyadiisa cusub ee dhexdhexaadka ah. Waxa weeye salafi casriga la saan qaada. Wuxuu arkaa in wax kasta oo hore oo faa’iido leh lagu dhegganaado, wax kasta oo cusub oo toosanna la qaato. Wuxuu ka dab qaataa dadyawgii hore ee suubbanaa, lana saanqaadaa waqtiga xaadirka ah, wuxuuna soo dhaweeyaa mustaqbalka.

Sheekhu wuxuu booqday dalal Islaam ah oo aad u fara badan kuna kala yaal Afrika iyo Aasiya. Waxa kaluu booqday ururrada iyo aqalliyaadka Islaamka ahe ku nool dalalka looga tirada badan yahay. Waxaa looga yeeray muxaadarooyin inuu ka jeediyo Jaamacado Islaam ah iyo kuwa caalami ah oo fara badan.

Sheekhu wuxuu xubin ka yahay tiro aan yarayn oo ah majaamic iyo mu’assasaad cilmiyeed iyo qaar diin fidin oo ku kala yaal caalamka carabta, dalalka islaamka iyo dunida kale, waxaana kamid ah; Majmaca Fiqhiga Raabidada Caalamka Islaamka (Makka/Sacuudiga), Majmaca Boqoqrtooyada ee daraasadaha Islaamka (Urdun), Rugta Daraasaadka Islaamka (Oxford), golaha xoghayeyaasha Jaamacadda Islaamiga Caalamiga (Islam Abaad), Munaddamada Dacwada Islaamka (Khartuum) iyo qaar kale. Waxaa kale oo uu dhawr bangi oo islaamiya ka yahay madaxa hey’ada dabagalka iyo la socodka fulinta shareecada.

ARAGTIDAYDA

Waan khaldanaan karaa, waana la igu diidi karaa, hase yeeshee anigu aragti ahaan waxan qabaa in Dr. Qaradaawi uu kamid yahay afarta caalin ee caalamka Islaamka ugu qiimaha badan marka laga hadlayo boqolkii sano ee lasoo dhaafay.

1- Sheekh Maxamed Mutawalli A-Shacraawi (1911-1998). Eebbe ha u naxariisto.

2- Sheekh C/Casiis bin Cabdalla bin Baaz (1912-1999). Eebbe ha u naxariisto.

3- Sheekh Maxamed Naasirud-Diin Al-Albaani (1914-1999). Eebbe ha u naxariisto.

4- Sheekh Yuusuf Mustafa Al-Qaradaawi (1926- cumrigiisa Eebbe ha dheereeyo).

click to comment
Sabriye Macallin Muuse

sabkaxaaji@hotmail.com

Minnesota – United States

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: