Toggaherer’s Weblog

Archive for February 2009

WARARKII WARGEYSKA SAXANSAXO CADADKIISII MAANTA OO SABTI AH

WARARKII WARGEYSKA SAXANSAXO CADADKIISII MAANTA OO SABTI AH

1. Kaanbaynka Xanafta Leh Ee Kulmiye Iyo Udub Oo Gaadhay Isxiniinyo taabad, Xildhibaan Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Maayarka Boliiskii Magaaladiisu Ay Waxba Laga Dhegaysan Waayeen
2. Madaxwayne Rayaale Salaadiinta, Cuqaasha Iyo Xubnaha Xukuumada Kaga Jira Beelaha Habar Yoonis Shalay Kulan Fadhi Ah Kula Yeeshay Qasriga Madaxtooyada

3. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ay Weheliyaan Hoggaanka Ucid Oo Lagu Soo Dhaweeyay Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska Oo Ay Booqasho Ku Tageen

Iyo Wararkan Iyo Kuwa kale Halkaan Ka Akhriso

Kaanbaynka Xanafta Leh Ee Kulmiye Iyo Udub Oo Gaadhay Isxiniinyo taabad, Xildhibaan Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Maayarka Boliiskii Magaaladiisu Ay Waxba Laga Dhegaysan Waayeen

Xildhibaanada golaha deegaanka ee berbera ee laga soo doortay xisbiga KULMIYE ayaa shalay cabaaro kowdii duhurnimo ciidanka Booliska ee berbera ay xabisga u taxaabeen ka dib markii uu sarkaal sare oo ka tirsan taliska guud ee Bileyska uu amar ku bixiyay in la xidho, kaas oo xalay cawaysinkii laga sii daayay xabsiga markii uu guux badan uu ka dhashay xadhiga xildhibaanka iyada oo masuuliyiinta iyo xildhibaanda golaha deegaanka, xubno ka tirsan laamaha dawlada oo kale iyo dadwayne cadhaysani ay ku soo xoomeen saldhiga dhexe ee Berbera xalay fiidkii. Maayarka Berbera Cabdale Maxamed oo xildhibaanka la xidhay ugu tegay saldhiga ayaa wararku sheegeen in laga diiday sii daynta xildhibaan Cabdale Jaamac Guuleed. Xildhibaan Cabdle oo aanu xalay fiidkii kula xidhiidhnay khadka tilifoonka ayaa waxa uu sheegay in inan ay walaalo yihiin ay is dileen Aadan Guud oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska isaga oo jooga Suuqa ka dibna uu geeyay saldhiga si loo xidho. Markii aan tegay saldhigana uu ii yimid sarkaalkii Booliska ahaa ee ay is dileen inankii uu saldhiga geeyay isla markaana uu amar ku bixiyay in aniga la i raaciyo” Xildhibaan isaga oo ka hadlaya xadhigiisa waxa uu yidhi “Xadhigaygu waa mid sharci daro ah oo la iila badheedhay isla markaana mid meel ka dhac ku ah sharciga iyo sharafta xildhibaanada ay dadwaynuhu soo doorteen, waana mid u taalga golaha deegaanka ee Berbera oo fadhi ka yeelan doona mana ah mid sidaa lagaga hadhayo” Xildhibaan Cabdle waxa kale oo uu sheegay in sababta sidaa loogu samaynayaa ay tahay mabaadiida iyo xisbiga uu ka soo jeedo awgeed in lagu cadaadinayo isla markaana lagu handadayo. Waxaanu hadalo lala yaabo ku tilmaamay in saraakiisha Boolisku iyaga oo shaqaynaya xisbiga UDUB ay shuruucda dalka meel kaga dhacaan iyagoo ah shaqaale u shaqeeya dawlada, mana wanaagsana ayuu yidhi shaqalaha dawladu inay ku milmaan xisbiyada iyo siyaasada maxaa yeelay maanta UDUB baa talada haysa berina KULMIYE ayaa qabanaya saad dambena UCID” Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiilada oo xalay khadka tilifoonka nalagu soo xidhiidhay ayaa cambeerayay xadhiga lagula kacay xildhibaan Cabdale Jaamac kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid sharci daro ah isla markaana awooadii dawlada si sharciga ka baxsan loo adeegsanayo. Xildhibaan Qabile waxa kale oo uu sheegay in maanta marka la xidho xildhibaanada Goleyaasha deegaanka ay berina sahlan tahay in la xidho xildhibaanada Golaha Wakiilada, taasina waa ku tumashada shuruucda iyo ku tagri falka awooda dawladeed oo ay xukuumada Rayaale caadaysatay Qabile isagoo arrintaa hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan cambaaraynayaa xadhiga lagula kacay Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Cabdale Jaamac Guuleed, kaas oo ah mid sharci daro ah oo meel ka dhac ku ah xildhibaanadii ay dadwaynuhu soo doorteen waana ku tagri falka awoodii dawladeed oo ay xukuumadu si khaldan u adeegsanayso. Waxaanu sheegay in haddii xisbiyada mucaaradka loo adeegsado awooda dawlada in ay taasi keenayso khilaaf iyo iska hor imaad bulshada dhexdeeda ah waxaanan ugu baaqaynaa xukuumada in ay ka waantowdo arrintan oo awooda Hay’adaha dawlada ee dadka u dhaxaysa ee lawada leeyahay aan loo adeegsanin xisbiyada mucaaridka”. Xadhiga xildhibaan Cabdale waxa uu ka dambeeyay olole cusub oo labadii todobaad ee u dambeeyay si xamaasad leh uga jiray deegaanka Gobolka Saaxil kaas oo ka dhashay ama ka dambeeyay markii uu xisbiga Kulmiye dhawaan taageero miisaan culus lahayd ka helay beelaha Awal Bari oo ka mid ah beelaha cudduda ku leh jiida u dhexaysa Hargeysa iyo Burco kuwaas oo la filayay in ay sidii hore loogu ogaa taageeri doonaan xisbiga talada haya. Halka uu Madaxwayne Rayaale horaantii bishan uu socdaal ku tegay Gobolka Saaxiloo uu ka soo furayay Maxjarka Xoolaha magaalada Abdaal markii u horaysay kala kulmay dad ka soo hor jeeda, dhacdadaas oo maqalkeedu si baahsan u fiday xisbiga UDUB-na nabar ku noqotay. Madaxwayne kuxigeenka ayaa tiraba afar goor ku noqnoqdayaa deegaamada Dacar Budhuq iyo Degmada Sheekh inta u dhaxaysa. Waxaanu mar walba ka qayb galayay shir beeleedyo ay xukuumadu ku abaabushay magaca xisbiga UDUB kuwaas ujeedoodu ahayd in lagu bariijiyo taageerada KULMIYE helay ee beelaha deegaankaas oo uu Madaxwayne Kuxigeenku ka soo jeedo. Muddadan uu socday dhaqdhaqaaqa deegaankaas ee Kaambaynka xukuumadu waxa soo baxay talaabooyin ay qaadeen hawl wadeenada dawlada ee taageerayay qorshahan kuwaas oo aan la jeclaysanin sharcigana meel ka dhac ku ahaa sida xildhibaankan xabsiga loo taxaabay iyo suxugigan gacanta loola tegay. Ololahan xanafta leh ee ay xukuumadu bilowday iyada oo aan la gaadhin muddadii kaambaynta xisbiyada ayaa dadwaynaha ku nool gobolka Saaxil ka dhex abuuray dareen iyo kala dayrin bulshada dhexdeeda ah kaas oo ay u arkaan dadka mucaaradka ahi in talaabooyinkan ay xukuumadu qaaday ay yihiin kuwo lagu cabudhinayo oo la doonayo in khasab ay dadwaynuhu ku taageeraan. Si kastaba ha ahaatee, xukuumada talada haysa ee UDUB oo Gobolka Saaxil ahaa meela ugu badan ee ay ka heli jirtay taageerada ugu badan ayaa haatan u muuqda mid ay lumisay taageeradii dadwaynuhu ay sii yaraanayso ka markii lix sannadood oo ay xukuumada UDUB talada haysay ay ballan qaadyadii shacbigu ay ku doorteen ka soo bixi wayday isla markaana ay marar badan madaxda xukuumadu u sheegeen ballan qaadyo ay dhagaxaan ku dhigeen Wershado ay ka mid tahay saddexdii warshadood ee Madaxwaynuhu sheegay inay ku baxayso 300 oo Milyan oo uu xusay in dadka reer Saaxil wax wayn ka bedali doonto oo ay dhalinyaradu shaqo ka heli doonto ay kaga baaqsadaan Tahriibka, balse ballan qaadadaa xukuumadu iyadoo maanta ay xukuumadu lix sano tallada gacant ku haysay aanay waxba ka qaban taasina ay sababtay in dad badan oo ah dadka ku dhaqan Gobolka Saaxil ay taageeradoodii u leex.

Madaxwayne Rayaale Salaadiinta, Cuqaasha Iyo Xubnaha Xukuumada Kaga Jira Beelaha Habar Yoonis Shalay Kulan Fadhi Ah Kula Yeeshay Qasriga Madaxtooyada.

Hargeysa, February 28, 2009 (Saxannews) – Salaadiinta, madaxdhaqameedyada xubnaha xukuumada kaga jira beelaha Habar Yoonis iyo aqoon yahano iyo cuqaal ay tiradoodu gaadhayso 70 xubnood ayaa shalay kulan wada fadhiya qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Madaxwayne Rayaale. Sida ay ilo xogogaal ahi sheegeen in kulankaasi oo saacado badan qaatay ay madax dhaqameedyada iyo madaxwayne Rayaale ay kaga wada hadleen arrimo ku saabsan dhinaca siyaasada iyo sidii ay beeshu kalsooni iyo taageero laxaad leh ula garab istaagi lahayd madaxwayne Rayaale iyo xisbigiisa UDUB, iyadoo sida la sheegayna ay madaxdhaqameedyada iyo cuqaasha beelahani ay Madaxwayne Rayaale ugu qadimeen tabashooyin iyada oo baryahan dambe la kala dhex galay beesha iyo xukuumada taas oo ay ku doodeen in taageeradii iyo kalsoonidii ay beeshu siisay Madaxweyne Rayaale doorashadii madaxtooyada ee lagu soo doortay aanay sidii la rabay ballan qaadyadii aanay u fulin xukuumadu, balse la sheegay in madaxwayne Rayaale garawshiiyo ka muujiyay kalsoonidii iyo taageeradii ay la garab joogsadeen doorashadii madaxtooyada ee xisbiga UDUB ku guulaystay 2003-dii. Kulankaas oo madaxwayne Rayaale la yeesheen Oday dhaqameedyada beelaha Habar Yoonis ayaa waxa ka mid ahaa Salaadiintaas ka qayb gashay Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi qani, Suldaan Rashiid Cali Ducaale, Suldaan Maxamed Xasan, Suldaan Yuusuf Maxamed Xiirey, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirada Maaaliyada, Duulista Hawada, Hawlaha Guud, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda, Wasiir Kuxigeenada arimaha dibedda iyo Ganacsiga, xoghayaha guud ee UDUB, guddoomiyaha Baanka, guddoomiyaha Maxkamada sare. Waxa kale oo iyaguna goob joog ka ahaa Maayirada magaalada Burco, Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Maayirada degmooyinka Xaaji Saalax iyo Oodwayne, Badhasaabka Sanaag Cali Cabdi Hure, badhasaabka Oodwayne Maxamed Cabdi Liibaan, waxase halkaasi ka maqnaa Salaadiinta beelaha Habar Yoonis Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar iyo xubnaha Golaha Baarlamaanka iyo Guurtida kaga jira Beeshaasi, in kastoo aan si dhab ah loo ogayn nuxurka kulankaas dhex maray madaxwayne Rayaale iyo Oday dhaqameedyada iyo cuqaasha beeshaasi haddana waxay illo xogogaal ahi sheegayaan in ay Madaxwayne Rayaale isku afgarteen in taageero ay la garab joogsadaan xisbiga UDUB, taas oo sida ay tibaaxuhu sheegeen lagu heshiiyay in madax dhaqameedyada iyo cuqaasha ka timid gobolada Maroodi Jeex, Saaxil, Togdheer, Sool, Oodwayne iyo Sanaag la filayo todobaadkan ay dib ugu laabtaan deegaanadaasi kana bilaabaan olole ay taageero ugu doonayaan xisbiga UDUB iyo xukuumada Rayaale waxaanay illo xogogaal ahi sheegayeen in kulankaasi ay soo qaban qaabiyeen Wasiirada xukuumada ugu jira beesha Habar Yoonis oo ay ka mid yihiin Wasiirada Maaliyada, Hawlaha Guud, Duulista Hawada, oo iyaga la sheegay in xubnahaasi ay ka soo abaabuleen Gobolada iyo deegaanada ay degto beeshaasi.

Muddo laga joogo bil wa’xogay ayaa Madaxwayne Rayaale waxa uu kulankan oo kale uu la yeeshay salaadiinta beesha Sacad Muuse kuwaas oo uu ka dalbaday in ay taageero siiyaan xisbigiisa marka la gaadho Doorashada isaga oo ballan qaadyana u sameeyay in uu u fulin doono marka uu doorashada ku guulaysto. Arrimahan uu madaxwayne Rayaale bilaabay inuu shiro beelaha madax dhaqameedyada Somaliland ayaa u muuqda kuwo uu taageero uu kaga doonayo beelaha si uu mar labaad ugu soo noqdo Kursiga Madaxwaynenimo

“Waxaan Ugu Baaqayaaa Labada Dhinac Ee Walaalaha Ah Ee Iska Hor Imaadku Ku Dhex Maray Deegaanada U Dhexeeya Gabiley Iyo Awdal Inay Nabad Gelyada Ay Ilaaliyaan.

Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan

Hargeysa, February 28, 2009 (Saxannews) – Weftigii nabadaynta ee Golaha Guurtidu u saaray shaqaaqadii ka dhacday deegaanada u dhexeeya Gobolada Gabiley iyo Awdal ayaa hor dhocoodii shalay ay gaadheen degmada Gabiley, guddigii nabad raadinta ee Golaha Guurtidu u xil saaray nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha Gobolabada Gabiley iyo Awdal ka soo kala jeeda ee iska hor imaadku todobaadkii hore ku dhex maray deegaanadaasi. Guddiga dhexdhexaadinta ee folaha Guurtida ayaa shalay galab u anba baxay Gobolka Gabiley, gudidaas oo ka kooban shan iyo toban xubnood oo Guddoomiyaha Golaha Guurtidu u magacaabay xalinta iyo nabadaynta dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay dirirtu dhex martay ayaa intii aanay ka anbabixin caasimada waxay Wargeyska Saxansaxo xog waran kooban siiyay Suldaan Ismaciil Suldaan C/raxmaan oo ka mid ah Salaadiinta reer Gebiley , isla markaana ka tirsan xildhibaanada Golaha Guurtida oo guddidaasi nabad raadinta u hogaaminayay ayaa ugu baaqay labada dhinac ee walaalaha ah ee deegaankaasi ee iska hor imaadku ku dhex maray in ay u dhego nuglaadaan xalinta iyo soo afjarida ay guddida Golaha Guurtidu ka bilaabi doonto deegaankaasi isagoo dhinaca kalena Bulshada reer Somaliland ugu baaqay in mushkilada halkaasi ka taagan laga dhigo arrimo kaambayn siyaasadeed ah oo cidna lagu dhiso cidna lagu ridayo balse sheegay in dhiigaa daadanaya la kala badbaadiyo ee beelaha walaalaha ah, waxaanu sidoo kale Suldaan Ismaaciil sheegay in guddida nabad raadinta ee Golaha Guurtida ka socdaa ay todobaadkan gudo geli doonaan xalinta iyo khilaafaadka ka dhashay muranka dhul ee ka taagan dhinaca kala xadaynta ee Gobolada Awdal iyo Gabiley. Dhinaca kale, waxa weli isku hor fadhiya goobaha shaqaaqadu ka dhacday maleeshiyo beelayadii ku dagaalada deegaankaas. Xukuumada Somaliland ayaa weli iyadu ka hadlin shaqaaqadaas. Geesta kalena, Masaajidada Waaweyn ee Magaalada Gabiley,ayaa khudbadii salaada Jimce ee shalay siweyn loogaga Hadlay shaqaaqadii ka dhacay waqooyiga Deegaanka Gabiley iyo Baki u dhexeeya. Sheekh C/laahi Makaawi oo ka mid ah Culimada Waaweyn ee Somaliland ee ka soo jeeda deegaankan Gobolka Gabiley ayaa khudbadii salaada jimce ee maanta oo uu ka jeediyey Masjadka Maka al Mukarama ee Magaalada Gabiley kusoo qaaday dhacdadaa taas oo sheegay in dadka muslimiinta ah ee walaalaha ah ee wada degan looga baahan yahay in ay ku camal falaan sidii ay uga howl gali lahaayeen maslaxada iyo dhexdhexaadinta xurgufta dhexmaray laba beelood.

Usj Oo Xukuumada Ka Codsaday In Xoriyadiisa Loo Soo Celiyo Tafaftiraha Wargeyska Yool

Hargeysa, February 28, 2009 (Saxannews) – Midawga Saxaafada madaxa banaan ee Somaliland USJ waxa uu ugu baaqayaa xukuumada in xoriyadiisa loo soo celiyo Tafadariraha Wargeyska Yool Maxamed Cabdi Guuleed (Curad), ee ka soo baxa Hargeysa, oo maalintii afraad ku xidhan xarunta CID-da ee Hargeysa kaas oo aan la sheegin sababta keliftay xadhigiisa. Mar kale waxa uu midawga saxaafada madaxa banaan ee Somaliland ugu baaqayaa xukuumada in Suxufiiyinta iyo saxaafada lagu ixtiraamo mixnadooda hadii ay dambi galeen loo maro sida sharciga ah. Gudoomiyaha Midawga Saxaafada madaxa banaan ee Somaliland USJ C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ay Weheliyaan Hoggaanka Ucid Oo Lagu Soo Dhaweeyay Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska Oo Ay Booqasho Ku Tageen

London, February 28, 2009 (Saxannews) – Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) iyo masuuliyiin sare sare Xisbiga UCID oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe,Gudoomiye ku xigeenka koowaad Adan Maxamed Mire Waqaf, C/nasir Yusuf Cismaan iyo Xamse Ahmed Salaan, ayaa maalintii khamiistii Booqasho ku tagey Aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo sida la sheegay aad loogu soo dhaweeyay. Masuuliyiintan ayaa la sheegay in aqalka Barlamaanka ee Ingiriiska uu ku soo dhaweeyay Mudane Allen Micheal oo ah mudane ka tirsan aqalka Barlamaanka ee u ololeeya qaddiyada Somaliland iyo Kerry McCarthy oo ka tirsan aqalkaas oo labadooduba u ka shaqeeyaan danaha Somaliland iyo weliba madax sare oo ka tirsan Barlamaanka dalka Ingiriiska. Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu wuxu mudanaayasha warbixin ka siiyay guud xaalada ee ay ku sugan tahay Somaliland iyo sida ay u qabsoontay diiwaangelintii, waxaanu u sheegay mudanayaashii ay la kulmeen in ay si wanaagsan u qabsoontay hawshii diiwaangelinta ee dalka laga qabtay. Waxa kale warbixin dheer ka jeediyey kulankaas Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo aad ugu amaanay sida wanagsan ee loogu soo dhaweyey dalka Aqalka Barlamaanka iyo weliba sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin qadiyada Somaliland mudayaasha dalka Ingiriisku. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu ka codsaday masuuliyiintaa ay la kulmeen in dhaqaalaha lagu caawiyo Somaliland in ay si toos ah loo siiyo oo aan cid kale loo soo marin. Waxa kale oo uu sheegay Gudoomiye Xisbiga UCID Eng: faysal Cali Waraabe in ay filayaan in doorashada soo socota ay si kalsooni ku jirto u dhici dooonto sidii kuwii ka horeyey ay u dhaceen, iminka loo bahan yahay inay caalamku u fidiyaan ictiraaf buuxda Somaliland. Guddoomiye ku xigeenka kowaad Md. Adan Maxamed Mire Waqaf oo hadal kooban ka jeediyay ayaa u mahadnaqay dalka Ingiriiska sida wanagsan ee ay u qaabileen gaar ahaan madaxda u ololeeya qadiyada Somaliland. Mudane Allen Micheal oo isna madashaa ka hadlay ayaa mahadnaqa u masuuliyiinta ka ka socota xisbiga UCID, waxaanu sheegay Xildhibaanku inuu la socdo inay diiwaan gelintii ay si wanaagsan ay ugu dhamaatay uu ka war qabo una rajeynayaan in ay sidaas oo kale ay u dhacdo ta madaxtooyadu. Waxa kale oo Allen Michael uu ka dhawaajiyey in dhawaan la filaayo in Madaxweynaha Somaliland uu socdaal ku iman doono Dalkan Ingiriiska. Allen Michael waxa uu intaas ku daray in Commonwealth ay Somaliland ka tahay xubin.Sidoo kale, waxa uu sheegay in International parlimentry Union ay Somaliland xubin ka noqotay. Ugu dambayntii Allen Michael waxa uu weftigaas gudoonsiiyay buuggaag ku saabsan taariikhda Somaliland iyo horumarka ay ku talaabsatay.

Maqaalka Lagu Soo Qoray Wargayska Maalmaha Iyo Websidada Waa Been Abuur

Hargeysa, February 28, 2009 (Saxannews) – Xubno ka soo jeeda B/Cabdale ee Samaroon ayaa qoraal ay ku beeninayaan War ku soo baxay mid ka mid ah Wargaysyada ka soo baxa Hargeysa soo gaadhsiiyay xafiiska Saxansaxo ee Boorama,qoraalkaas oo dhamaystiranina wuxuuna u qornaa sidan. Anaga oo tixraacayna qoraalka ku soo baxay wargayska Maalmaha ee ka soo baxa Hargaysa cadadkiisii 232 ee soo baxay 23 Feb.09, maqaalkaas oo ku saabsanaa in Beesha B/Cabdale ay taageerayaan xisbiga UDUB, ayaan doonaynaa in aan Jawaab ka bixino. Hadaba waxaan cadaynaynaa in maqaalkaasi uu ahaa mid been abuur ah oo siyaasadaysan, sidaas awgeedna ayna jirin meel beeshu kaga tashatay mawqifkeeda siyaasadeed iyo xisbiga ay taageerayso. Waxaan cadaynaynaa in ayna jirin Salaadiinta iyo cuqaasha meesha lagu qoray, beeshuna malaha madax dhaqameedada loo sameeyay, ee waxa jira laba caaqil oo kala ah Caaqil Cabdi Cige Araye iyo Caaqil Muumin Xuseen Kibaar, kuwaas oo aan iyaguna ka warqabin meesha lagu shiray ee la sheegay oo weliba qoraalka lagu xusay. Sidaas darteed waxay go’aansatay beeshu in shirweyne la iskugu yimaado oo ay cadeeyaan ragaasi qoraalka been abuuray meesha ay mawqifka ku gaadhay beeshu ee shirku ka dhacay. ee loogu dhamaa, Waxa kale oo aan diidanahay in beesha loo kala qaybiyo nidaam siyaasadaysan, waxaanan Ilaalinaynaa midnimada beesha ee ku salaysan dhaqanka soo jireenka ah, Hadii kale waxay noqonaysaa beeshaas ayaa UDUB gashay war ha ka dhigato! Xubnaha Qoraalka Saxeexay

1- Maxamuud Aw Jamac,

2- C/laahi Aaden Iidle,

3- Ibraahim Aaden,

4-Cabdale Sh.Aaden,

5-Xasan Cismaan,

6-Maxamuud Aaden Qaalib,

7-Dayib Cilmi Alamagan,

8-Iidle Qalinle,

9- Mustafe C/raxmaan Muuse,

10- Ibraahim Daahir Kaahin,

11- Maxamuud Cali Ducaale,

12- Axmed Ismaaciil Kaahin.Inta la hubo 9 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay 28 kalena, way ku dhaawacmeen oo saddex ka mid ahi ay qabtaan dhaawac culus, kadib markii gaadhi noocaha rakaabka ahi oo ay saarnaayeen uu kula qalibmay saxaraha u dhaxeeya wadamad Suudaan iyo Liibiya maalintii khamiistii. Muhaajiriitan dhintay oo la sheegay inay ku sii jeedeen dalka Liibiya, ayaa la wararku sheegeen in la keenay maydkoodii iyo dhaawacoodii magaalada Khartuum, halkaas oo lagu aasay dadkii shilkaas ku geeriyooday shilkaas. Aradayda waxa ka barta dalka Suudaan gaar ahaan caasimada Khurtuum ayaa saxaafada u soo gudbiyay liiska magacyada muhaajiriinta ku dhintay, iyo kuwa ku dhaawacmay shilkaa gaadhi ee ka dhacay inta u dhaxaysa Suudaan iyo Liibiya. Magacyada dadka ku nafwaayay shilkan ayaa magacyadoodu kala ahaayeen sidan:

1-C/qaadir Cismaan Muuse,

2-Cabdala Nuur Diiriye

3-C/salaan Maxamed,

4-Xasan Axmed Sheekh Ibraahim,

5-Xasan Aadan 6-Faarax Cali,

7-Cumar ….. (JOON),

8-C/risaaq Sheekh Cismaan,

9-Xasan Aadan Geelle Muhaajiriinta ku dhaawacantay shilka gaadhi oo tiradoodu ahayd 28 qof ayaa la sheegay in saddex ka mid ahi ay xalaadaoodu caafimaad aad u liidato, waxayna mgacyada dhaawacyada liitay ay ahaayeen sidan:

1-C/samad Cismaan Nuur,

2-Cimaadudiin Yuusuf

3-Sufyaan Nuur Cali,

Magacyada dadka tahriibayaasha ah ee dhaawacu soo gaadhay iyo qaar ka mid ah da’doodu waxay ahaayeen sidan:

1-Xusen Cabdi Ahmed 28 jir ah,

2-Ismaaciil Cabdulahi faarax. 27 jir ah,

3-Aadan Xasan Jaamac 22 jir ah,

4- Mustafa Daahir Maxamed 22 jir ah,

5-C/qaadir Maxamed Nuur. 30 jir ah,

6-C/qaadir Maxamed Maxamuud. 24 jir ah,

7-Xasan Cilmi Muudeey 26 jir ah,

8-Maxamad Cilmi Yuusuf. 25 jir ah,

9-Manaas Khaliil Siyaad 25 jir ah,

10-Xasan Cabdala Cabdi 43 jir ah,

11-Maxamad Cumar Aadan. 20 jir ah,

12-C/qaadir Muxudii 22 jir ah, 13-Sidiiq Cabdilaahi Geedi 22 jir ah,

14-Cabdi Samad Nuur,

15-Ahmed Maxamed Cabdala,

16-Cimaadudiin Yuusuf,

17-Cabdi naasir,

18-Cabdala Xussen,

19-C/risaaq Yuusuf Cabdiraxman,

20-Cumar Cabdi Cabdilaahi,

21-C/naasir Maxamed, 22-C/naasir Cismaan faarax,

23-C/risaaq Mirre Ismaaciil.

24-Fu’aad Maxamad Ahmed

25-Nuur Muuse Ismaaciil

Sidoo kale waxay wararku sheegeen inay dadku dhintay shilkaas oo aan la shaacin magacyadood.

Advertisements

DUBAI OO DHAQAALO XUMO LASOO DARISTAY IYO KUMANAAN DAD AH OO ISAGA CARARAYA

Dubai 28 Feb 2009 (THN)
Boqolaal kun oo shaqaalo ah ayaa bilaabay inay isaga baxaan magaalada Caanka ah ee Dubai ee mandaqada Emaaraadka Carabta, kadib markii ay lasoo gudboonaatay dhaqaale xumadii ugu weynayd ee abid lasoo darista Mandaqada caanka ku ah Ganacsiga iyo Dalxiiska.

Kumanaan shaqaale ah ayaa bilaabay inay isaga baxaan Dubai kadib markii ay joogsadeen dhamaan Mashaariicdii waaweynaa ee Dhismaha ee ka socday Dubai, ayadoo arrintan ay salka ku heyso dhaqaale xumada dhinaca Bangiyada Maraykanka saameysay.

Dhaqaale xumada ka jirta Maraykanka oo hada soo gaartay magaalada Dubai ayaa ah mid la xariirta Bangiyada falisay oo ayagu horey u maalgashtay Bangiyada Dubai iyo waliba Mashaariicda ugu waaweyn ee dhismaha ee sanadihii lasoo dhaafay cirka isku sii shareerayey.

Hase yeeshee hadda ayey u muuqataa dhaqaalihii sare u kacayey ee Mandqadda Dubai uu hoos u dhac xoogan ku yimid.

Xaaladu ayaa ah mid aan lasoo koobi karin ayadoo heerka ay mareyso ay tahay mid si weyn u saameysay Dubai, tusaale hadii lasoo qaato Airporka Magaalada Dubai ayaa looga cararay gaadiid gaaraye 3000 oo dhamaantood ay ka wada carareen dadkii baxsadka ahaa ee Dubai isaga cararay kadib markii ay bixin waayeen daymihii lagu lahaa.

Gaadiidka Airporka Dubai looga cararay ee 3000 gaaraya ayaa qaarkood ay furayaashooda ka taagnaayeen markii laga tagay, laakiinse la yaab malahoo gaadiidkaasi waxay ahaayeen kuwii daynmaha ay ku qaateen shaqaalihii ajnabiga ahaa ee ka shaqeyn jiray Dubai, kadib markii ay Daynmaha gaadiidka loogu lahaa ay iska bixin waayeen shaqadiina ka dhamaatay.

Waxaa kaloo saameynta dhaqaale xumada ka dareemaysaa Daaraha dhaadheer ee mashaariicdii ugu waaweynaa ee dhismaha oo dhamaantood la joojiyey

Mashaariicdan ayaa la sheegay inay hakad ku jiri doonaan illaal laga helayo dhaqaale ku filan in lagu dhameystiro. Waxaa taasi u dheer dhamaan shaqaalihii ka shaqeyn jiray dhismaha oo ayaga hada ku khasban inay isaga baxaan dalka mar hadii ay shaqadii ka dhamaatay, ayadoo qofka shaqaalonimada u joogo uu heysto inuu Dubai uga baxo 25 maalmood gudahood.

Dadka isaga baxay Dubai ayaa hada gaaraya Boqolaal kun ayadoo ay banaan yihiin Hoteladii ugu caansanaa magaalada oo horey aan loo heli jirin in si fudud lagu dego, waxaa sidoo kale haawanaya Makhaayadiihii caanka ahaa ee Ganacsatada ka qaxweyn jirtay, xili magaalada ay u muuqato meel lagu kalo tagay.

Heerka dhaqaale ee Dubai ayaa ahaa mid sare usii kacayey 30kii sano ee lasoo dhaafay illaa 60%, waxaasi la yaableh in billo gudahood uu dhaqaalihii Dubai hoos u dhacay 4%, taasi oo tusaale u ah xawaaraha uu ku socdo khasaaraha dhaqaale ee soo gaaray Mandaqada.

Shiikh Maxamed Bin Rashid Al Makhtuum oo ah hogaamiyaha Mandaqada Dubai ayaa ah ninka gacanta ku haya dhamaan hawlaha Mandaqadaasi ayaa hada ku khasbanaaday in 40 Billion oo dollarka Maraykanka ah uu dayn ahaan uga qaato Mandaqada Abu Dhabi ee batroolka caanka ku ah.

Daynta uu qaatay Shiikh Maxamed Al Makhtuum ayaan ahayn mid ku filan sanadaha soo socda in dib loogu kabo illaha dhaqaalaha ee Dubai, oo qeybta ugu weyn ay u jirtay Dalxiiska taasina ay hoos u dhacday.

Waxaa ayaduna caqabad ka taagan tahay Mashaariicda guryaha qaaliga ah ee loo dhisay dadka tujaarta ah kuwaasi oo hada hakad galay, waxaana socda dadaal lagu doonayo in la dhameystiro oo kaliya xaafadaha ay guryaha badan hada ka gadmeen oo kaliya, halka la joojinayo xaafadaha cusub ee aan weli la gadan.

Dhamaan mashaariicdan dhismo ayaa ahaa kuwo sare loogu qaadayey Dalxiiska iyo Ganacsiga Dubai, ayagan hada ay joogsadeen.

Xaafadaha hada la gatay 60% illaa 90% ayaa lagu wadaa in la dhameystiro halka xaafadihii iyo daarihii quruxda badnaa ee kale ee aan weli la gadan la joojin doono. Dadka ayagu gatay xaafadaha kale ayaa lagu wadaa in lagu buuxiyo meelaha hada dhameytirka ku dhaw.

Dhinaca kale waxaa hoos u dhac weyn ku yimid gaadiidkii la gadan jiray, ayadoo qiimaha hada uu marayo heerkii ugu hooseeyey in muddo ah, xarumaha laga gato Gadiidka lagu mushaaxo ayaa gaaray in ay sameeyaan Qiimo dhimis xoogan isla markaana raqiisiyaan gaadiidka qaaliga ahaa 40% illaa 50%.

Balse arrimahan ayaa waxaa ayagu soo dhaweenaya dadka qaarkiis oo sheegaya in magaalada Dubai ay hada usoo ekaatay meel degan, ayadoo ay magaalada horey u ahayd meel ay adag tahay inaad gaari ku dhexmarto samxad darteed, magaalada Dubai ayaa lagu tilmaami jiray Magaalada aan Seexan ee Emaaraadka, waxaana hada arkeysaa jidadkii buuxi jiray oo firaaqoobay.

Macada in Dubai ay kasoo kabsan doonto dhaqaale xumada lasoo daristay iyo waliba khal khalka laga baqayo inuu ku yimaado awoodii Shiikh Maxamed Rashiid Al Makhtuum, ayadoo Mandaqada Abu Dhabi ay ayaduna hada ka shaqeenayso sidii ay uga faa’iideysan lahayd fursadan ayadoo Daynmaha ay siineyso Dubai, ku bedalan doonta Awooda Federaalka oo sare u kacda taasi oo hoos imaaneysa Abu Dhabi.

Ahmed Musse
Dubai, UAE

GOLAHA WAKIILADA OO ANSIXYEY IN UU SII SHAQEEYO FADHI AAN CAADI AHAYN MUDDO 30 CISHO AH.

GOLAHA WAKIILADA OO ANSIXYEY IN UU SII SHAQEEYO FADHI AAN CAADI AHAYN MUDDO 30 CISHO AH.

Hargeysa 28 Feb 2009 (THN)
Fadhi uu gudoominayay Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada ayaa lagu ansixiyay in goluhu sii shaqeeyo fadhi aan caadi ahayn Muddo bil ah .

Shirgudoonka ayaa soo hordhigay Mudanayaasha soo jeedintan, iyaga oo ku sheegay in Wasiirka Maaliyadu horkeenayo Wakiilada Miisnayada sandka 2009 , soo jeedintaa ka dib ayaa Mudanayaasha Wakiilada Cod aqlabiyad ah ku meel mariyay sii shaqaynta fadhigan aan caadiga ahayn .

Gudoomiye Ku xigaanka Wakiilada Mudane C/casiis Maxamed Samaale ayaa Mudanayaasha uga waramay Kulan ay la yeesheen wasiirka Maaliyada Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “sida aad la socotan mudadii Bisha ahayd ee aynu hore u kordhinay waxay dhamaatay 26 kii Bishan dabadeed anagoo ka duulayna arrintaas ayaanu Wasiirka Maaliyada iyo Madaxwaynahaba u qornay Qoraal aanu ku codsanayno in Miisaniyadii Golaha la hor keeno, marka Wasiirka oo ka jawaabaya Qoraalkasi ayaa Shir-gudoon ahaan noo yimid waxaanu balan qaaday Todobaadkan in uu hor keenayo Golaha sidaasi Darteed waa in aynu u codaynaa Fadhi aan caadi ahayn oo aynu hawshaasi ku galno”.

Mudanyaasha ayaa qaarkood soo jeediyeen in anay jirin sabab goluhu uu sii shaqeeyo halka qaarna ay ka sheegeen in ay tahay in goluhu sii shaqeeyo, ka dib markii ay mudanayashu dhiibteen fikradahoodii ayaa waxa la soo jeediyay in loo codeeyeeyo in goluhu sii shaqeeyo fadhi aan caadi ahayn muddo Bil ah ama saddex Week ah madasha oo ay fadhiyeen 47 mudane ayaa 32 Mudane u codeeyeen in goluhu sii shaqeeyo Muddo Bil ah

WARQABADKA TOGAHERER HARGEYSA
M MUSE

C/LAAHI YUUSUF OO BOOQASHO KU TAGAY QABARIGA ISMAACIL JABARTI EE XADRAMOOT YEMEN

Cabdullahi Yusuf Axmed oo dhawaan magangelyo iyo deeganaasho ah ka haley Yemen, ayaa booqasho ku tagay Goobo Qadiimi ah, isla markaana taariikh gaar ah u leh in badan oo kamid ah Soomaalida.

Cabdullahi Yusuf ayaa booqasho ku tagay halka uu ku aasan yahay Ismaaciil Jabarti oo ah Aabihii ay kasoo farcameen beelaha Daarood ee hada ku dhaqan geeska Afrika .

Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa sheegay inay ahmiyad gaar ah u leedahay booqashada goobahaasi taariikhiga ah oo uu in muddo ah doonayey inuu booqdo, wuxuuna sheegay inuu tegi doono dhamaan goobaha Taariikhiga ah ee isku xidha Soomaalida iyo dalka Yemen oo uu hada ku nool yahay.

C/laahi Yusuf ayaa dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay iska casilay xilkii uu hayey, isagoo dib ugu noqday gobalada Puntland, kadibna u dhoofay dalka Yemen oo uu hada degen yahay.

Cabdullahi ayaa hada galay jawi ka gedisan noloshii uu horey ugu noolaa isagoo si weyn uga gaabsaday siyaasada tan iyo intii uu xilka isaga degay, waxaana sidoo kale dib loogu arrag inta badan saxaafada Soomaalida.

SARAAKIIL KA SOCOTA WASARADA ARIMAHA DIBADDA EE TAIWAN OO BOOQASHO KU YIMI HARGEYSA
Wefti ka socda Hay’adda dhinaca Iskaashiga Iyo Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan (International Cooperation and Development Fund) oo loo soo gaabiyo TaiwanICDF, ayaa shalay dalka Somaliland booqasho ku yimid.

Weftigan oo ka koobnaa saddex Sarkaal, ayaa waxaa madaarka Hargeysa kaga hortegay wasiirka Arrimaha Dibdda Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow.

Xukuumadda Somaliland ayaan wax war ah ka soo saarin booqashada weftigan, hase yeeshee weriyeyaal Haatuf ka tirsan oo shalay ku sugnaa Madaarka Hargeysa oo isku dayey inay xubnaha weftigaas kula kulmaan Qolka VIP ee Madaarka Hargeysa, ayaa layska hortaagay, waxaanu askari ka tirsan ciidanka Bileyska Madaarku weriyeyaashaas u sheegay inuu amar ku haysto inaanay suxufiyiintu halkaas u dhaafin.

Weftigan ayaa waxaa Madaarka ka soo qaaday laba ka mid ah gaadiidka Madaxtooyada oo leh taarikada Gaadiid Shacbiga.

Inkasta oo soo dhaweynta weftigan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan uu dhinaca xukuumadda ka socday wasiirka Khaarajigu, haddana waxay dad badan oo Madaarka shalay ku sugnaa isweydiinayeen xilka uu Cismaan Buur-Madow u hayo xukuumadda ee uu ku metelayey soo dhoweyntii weftiga Taiwan.

Dawladda Taiwan oo ah dal iskii u madax banaan ayaa dawladda Shiinuhu ku dooddaa inay tahay gobol ka mid ah dalweynaha Shiinaha, taas oo ay Somaliland iyo Taiwan iskaga duruuf yihiin, waxaanay booqashada Saraakiishani noqonayaa weftigii ugu horeeyay ee Xukuumadda Taiwan ka socda ee dalka Somaliland yimaada inta la ogyahay.

Hay’adda ICDF oo u xilsaaran caawimada dalalka xidhiidhka dhow ay leeyihiin dalka Taiwan ayaa waxay dalal Afrika ku yaal ka caawisaa dhinacyada Kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo gargaarka dhinaca bina aadamka oo ka geysto wadamada ay la soo dersaan masiibooyinka dabiiciga ah. Sidoo kale waxay hay’addani gacan ka geysataa kobcinta iyo horumarinta dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, wershadaha, adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada arrimaha Bulshada.

Haatuf.

HADDII AY WASIIRADDU GUULWADEEYAAN, ANAGUNA WAANU GORIILAYN BEESHANA WAXA MATALA….

Md: Axmed Muuse Obsiiye oo ka mid ah mudanayaasha beelaha Habar yoonis kaga jira golaha Guurtida Somaliland ayaa xubnaha golaha wasiirada kaga jira beeshooda ku eedeeyey in shakhsiyaad ka soo jeeda beelahaasi oo ay ka soo ururiyaan gobolada, Maroodi jeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool ay madaxweyne Rayaale ugu muujinayaan kalsoonidii beelahaasi, taas oo uu ku tilmaamay in xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka wakiilada iyo Guurtida aan wax wada tashi ah lagala yeelan, isagoo intaa ku daray in kalsoonida beelahaasi ay xildhibaanadoodu matalaan, balse aanay xubnaha wasiiradu matalin, isagoo dhinaca kalana shaaca ka qaaday in xildhibaanadooda labada gole ee Baarlamaanku ay shirweyne wada tashiya iskugu iman doonaan maalinta sabtida kuna qabsoomi doona caasimada.

Md: Axmed Muuse Obsiiye waxa uu sidaasi ku shegay mar uu shalay khadka telefoonka ugu waramayey wargeyska Haatuf kaas oo uu sidoo kale madaxweyne Rayaale uga digay shakhsiyaad ay wasiiradaasi la kulansiiyeen aanu u qaadan in kalsoonidi beelahaasi uu haysto .

Md:Obsiiye isago arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi “ anagoo ah xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka guurtida iyo wakiilada ugu jira beelaha Habar yoonis, waxaanu halkan ka cambaaraynaynaa xubnaha golaha wasiirada kaga jira beelahaasi oo intay shakhsiyaad ka soo jeeda beeshaas uga yeedhaan gobolada saaxil, Togdheer, Sanaag, Sool iyo maroodi jeex intay Hargeysa isugu keeneen oo ay xildhibaanadii labada gole ee baarlamaanka ee beelahaasi matalayeyna intay gacan dhaafaan raba inay madaxweynaha ugu muujiyaan kalsoonidii beesha sidaa darteed waxaanu leenahay beesha wasiiro ma matalaan , ee waxaa matela xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka, waxaanan leeyahay haddii ay wasiirada beeshu guul wadeeyaan.

Anaguna xildhibaano ahaan waanu goriilayn doonaa, haddii aanu nahay xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka kaga jira beelaha H/yoonisna waxaanu halkan ku sheegaynaa in shirweyne degdega aanu ka yeelan doono wasiirada magaca beesha tuurta ku qaatay, beeshiina mucaarid iyo muxaafidba way leedahay.

Laakiinse waxa ka dhexaysa danaha iyo talada guud ee masiirkooda”

S: ma la odhan karaa madaxweyne Rayaale ayaa ku amray xubnaha wasiirada beeshiina inay u soo muujiyaan kalsoonida dadweynaha taas darteedna ay u soo ururiyaan madaxweynaha xubno ka tirsan beesha ?

J: madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu ku yidhaahdo wasiiradiisa kalsoonidiisa iyo taageerada beeshiina keena balse marka talada beesha laga hadlayo waxa ummada ka wakiilada xildhibaanada labada gole ugu jira iyo cuqaasha balse koox ay soo ururiyaan wasiiradu oo dhinacooda ay ka keenaan beesha kalsoonideeda ma matali karaan.

Haatuf.

WARARKA CALAMKA IYO WARQABADKA TOGGAHERER

MADAXWEYNAHA DALKA MARAYKANKA OO MAGACABAY SAFIIRKA CUSUB EE DALKA CIRAAQ

Madax weynaha Dalka Maraykanka Mr.Barack Obama ayaa cadeeyay in uu noqonayo Christopher Hill Safiirkiisa cusub ee Dalka Ciraaq.

Christopher Hill waa Diplomacy ka soo shaqeeyay Arimaha Dibada Dalkan Maraykanka kaas oo kal hore ugu soo shaqeeyay maraykanka isga oo u matalayay dhex dhexadiyaha lix wadahadal oo la layeeshay Waqooyiga Kuuriya Arimaha la xiriray Niyuklaryka oo uu aad xligaas ilaa iminka Maraykanku uu ilgaar ah ku hayo markii uu Dalka Maraykanka ariminayay Madaxweynhii hore ee Bush.

‘‘Waxa kaloo uu ka soo shaqeeyay Nabada dagaladi ka dhacay Kosovo iyo Korea waxaa una natusay safiirku howl karnimadiisa waana taas aan ku doortay’’ ayuu Oabama Sheegay Jimcihii 27-02-09.

Magacaabista Safiirkan ayaan ahayn tii ugu horeysay ee uu u magacaabo Obama Eragay Arimihiisa dibada waxay ahayd bilowgii bishaan markuu ansixiyay Hillary Clinton oo uu u magaacabay Xog-ahaya Arimaha Dibada Maraykanka iyo George Mitchell.oo uu isna u magacaabay Ergayiisa Arimaha Bariga dhexe.

Magaacibsata xubniihiisa Dowalada ee Obama ayaa ay soo dhaweyeen Dalal aad u farabadan oo uu ugu soo horeeyo dalka JaPan oo uu noqday Ra’iisul wasaarohooda Mr. Taro Aso Siyaasigii ugu horeeyay ee kula kulama Aqlka cad Obama oo u diray casumaad.

MIDAWGA YURUB (EU) OO $ 500 MILLION UGU DEEGAYSA FALASIINYINTA

Ururka Midawga Yurub (EU)ayaa balan qaaday Inay Ugu deeqayaan dadka falastiiniyiinta ah Lacag kor u dhaafaysa 500 oo Mollion taas oo kala bar lacagtaasi Dibu dhis loogu Samaynayo dadkii ku waxyeeloobay Duqaymihii Diyaaradaha Yuhuudu ay ka gaysteen Magalada Gaza Bishii hore ee aynu Soo dhaafnay

Benita Ferrero-Waldner oo ah gudoomiyaha Gudida Xidhidhka Dibada ee Ururka Midawga Yurub ayaa shaaca ka qaaday In Lcagtanay Midawga Yurub ugu deeqayso dadka Falastiiniyiinta ah ay qayb Lixaad leh ka qaadanayso Dibu u dajinta dadka qaxootiga ah ee falastiiniiyiinta ah ee ku barakacay dagaalkii dhex marayay bishi la soo dhaafay Xamas Iyo Israel.

Dhanka kale Xukumada Maraykanka ayaa Todobaadki la soo dhaafay sheegtay inay lacag 900 oo Milion ugu deeqayso Dibu dhiska magaalada Gaza iyo nawaaxigeeda .

Isku soo wada Duuboo waxaa laga warsugayaa sida ay midawga Yurub iyo maraykanku uga dhabneeyaan balan qaadkooda ku wajahan inay lacago Deeq ah Soo gadhsiinayaan dadka falastiiniyinta ah ee ku waxyeeloobay Dhibaatada ay u gaysteen Ciidamada Yuhuudu Intii ay Duqaymaha ka wadeen Deegaanka Gaza

DALKA SPAIN OO QABTAY MARKAB DAROOGO SIDAY OO LAGA LEEYAHAY VENEZUELA

Markab kaluumaysi oo laga leeyahay Dalka Venezuala ayaa lagu qabatay meel u dhaw Jasiirada ku dhaw wadanka Spain iyadoo.

Markabkan ayaa siday shan tan oo Daroogada Cocaine ah sidaa waxaa sheegay saraakiisha illada xeebaha Dalka Spain.

Daroogada ku rarnayd Markabkas ayaa loo malaynayaa in ay qiyaas ahaan ku fadhiday 250 milyan oo Euro waxaana la xidhay shaqalahii ka sheeqanayay markabkas oo dhamatood u dhashay wadanka Venezuela

Saraakiishu waxay Doonidan ka soo qabateen mee u jirta 780 mile biyaha Dakada Dona Fortuna oo Waqooyi Bari ka xigata 1,444 kilmitir Jasiirada Canary.

Saraakiisha Kastanka Dekada ayaa aaminsanaa in ay doonida ay doonaysay in ay ku xidhto Dekada Dona Fortuna balse waxba kuma aysan helin oo waxay ahayd dooni kaluumaysi oo caadi ah.

Qabsasahada doonida Daroogada siday ee Venezuela ayaa ku soo beegmaysa kadib markii ay ilaalada maraykanku siidayeen warbixin ka digaysa bilabasho Tahriibinta Daroogada Latin Amerika oo lageeyo Yurub in ay ka feejignadaan Ciidamada Ilaalada Badaha Maraykanka iyo Yurub.

Warbixintan ayaa sheegaysa in ay ku dhawaad 6,000 oo Qof u dhinteen Qalalaaso ka dhasahay Daroogada sanadii tagtay Maxico isla sanadan gudaheedana 1,000 ay u dhinteen falalkan oo kale.

Waxa kaloo la sheegay cadadka Daroogada kookaynta ah ee suuqa madow ay ku gudbisay qolyaha ka shaqeysta Arintan ee Venezuela ay tahay in kabadan shan jeer intii u dhaxaysay 2002-2007

WARQABADKA TOGAHERER

ISLAMABAD,PAKISTAN


February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28