Toggaherer’s Weblog

DAWLADA MARAYKANKA OO KA CODSATAY DAWLADA KENYA IN AY HEEGAN GALAAN SI AY UGA HORTAGAA….

Posted on: July 3, 2009

DAWLADA MARAYKANKA OO KA CODSATAY DAWLADA KENYA IN AY HEEGAN GALAAN SI AY UGA HORTAGAA….

Image and video hosting by TinyPic

Dowladda Wadanka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay Dowladda Wadanka Kenya ay taageero u fidin doonto Sidii ay isaga difaacdo khatarta Kooxaha Islaamiyinta ee Ka Dagaalamaaya Wadanka Soomaliya.

Safiirka Wadanka Maraykanka ee u fadhiya Wadanka Kenya Michael Rannerberger ayaa ka dhawaajiyey in ay Kenya siin doonaan Hub iyo Qalab kale oo milateri sii ay uga hortagaan Kooxaha Islaamiyiinta ee ku hanjabay in ay Weeraro ka geysan doonaan Gudaha Wadanka Kenya.

Safiirka waxaa u sidoo kale Xaqiijiyey in Dowladda Wadanka Maraykanka ay DKM u dirtay Markab Hub sida. Waxuuna arintaas ku micneeyey in ay u direen Hubkaas ka dib marki Khatarta Kooxaha Islaamiyinta uu sii batay.

Waxaana u sidoo kale sheegay in Hubkaas ay DKMG ku caawin doonto sii ay isaga difaacan Kooxahaasi kuwa oo Weerar culus ku hayay Ciidamada Dowladda una Dagaal ku dhex maraayay Magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Wuxuuna sheegay in Dowladda Wadanka Maraykanka ay diyaar u tahay in Tababar u fidiso Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Ugu Dambaynti Mr.Rannerberger ayaa Dowladda Wadanka Kenya ugu baaqay in ay galaan Heegan aad u sareeya ayna sidoo kale sii weyn u ilaaliyaan Xuduuda ay Kenya la wadaagto Wadanka Soomaaliya sii aysan halkaas uga soo gudbin Kooxaha Islaamiyinta.

Aden Wiish
Nairobi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: