Toggaherer’s Weblog

Aabo Somali ah oo ku dilay ilmo uu dhalay dalka Sweden.

Aabo Somali ah oo ku dilay ilmo uu dhalay dalka Sweden.

Waxaa habayn hore goor saqdhexe ah soo gaadhay telefonka gargaarka deg dega ah in jaarku maqlay qaylo fara badan. In yarn kadib wax la arkay hooyo ilmaheedii oo dhintay gacanta ku sida, waa sida uu qoray jaraaidka ka soo baxa magaalaada Jonkoping ee Dalka Sweden ee la yidhaahdo JONKOINGS-POSTEN. Isla markiiba waxaa yimi Abulancekii oo isku dayey in aay badbaadiyaan balse may u suurto galin in uu badbaadiyo ilmahaas yar ee Aabihii dilay.

Mudo yar kadlib waxaa yimi afar gaadhi oo polis ah.
Isla halkaana waxay xidheen abihii dhalay ilmaha yar. Waxa ilaa shalay ilaa maanta la hayaa aabihii oo polisku wax waydiinayey. Wali lama xaqiijin balse dadka qaar waxaa la sheegay in ninka lagu tuhunsan yahay xanuunka dhimirka.

Sida uu sheegay lawyarka difaacaya ninka loo haysto in uu dilay wiilkiisa 2 jirka ah, ayaa sheegay in aanu wax faahfaahin ah ka bixin doonin arintan. Ilaa maanta waxaa baadhitaan ka socday gurigii reerku deganaa oo qolada danbi baadhista u xidhnaa.

Maanta ayaa kiiskan loo gudbiyey xeerilaaliyaha gobolkaas, iyaga iyo booliska ayaa isla eegi doona arintan naxdinta leh ee ku soo korodhay jaaliyada somalida iyo wixii islaam ah ee degen magaaladan Jonkoping. Waxa kaloo aan wali aasay maydhka wiilkii yara oo isna baadhitaan u yaala cisibtalka guud ee Ryhov.

Dhammaan somalilada iyo jaarka reerkan masiibadu ku habsatay waxay aad uga xun yihiin arintan fajaca iyo tiiraanyada leh ee ku habsatay reerkan. Dhammaan jaaliyada somalida ee degan Magaladan Jokoping waxay tacsi u dirayaa qoyskii uu ka geeriyooday wiilkaa yar.

Xafiska wararka ee
Oslo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

July 2017
S S M T W T F
« Jul    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
%d bloggers like this: