Toggaherer’s Weblog

War- Muurtiyeed uu soo saaray Eng Maxamed Xaashi Cilmi

War- Muurtiyeed uu soo saaray Eng Maxamed Xaashi Cilmi

Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mida siyaasiyiinta hogaanka sare ee Xisbiga Qaran ayaa dhawaan soo gaadhsiiyay saxaafada qoraal uu kaga dayrinayo xaalada cakiran ee maanta dalku marayo, qoraalkii Maxamed Xaashi soo gaadhsiiyay saxaafadu waxa uu u dhignaa sidatan:
Xaalad Xun oo Halis ah oo aan Hore inoo soo marin ayaa Dalkii Marayaa:

Dhibaatooyinkii hore loo qabay, waxa ka mid ahaa: Shaqa la’aan, Mushahar yarida Ciidamada iyo Shaqaalaha, Maamul xumo, Wax soo saar iyo horumar la’aan, musuq-maasuq, Dhaqaale bur-bur iwm;

Waxa ku soo kordhay- Maceeshaddii oo si xad-dhaaf ah u qaaliyowday. Sannad iyo dhowr bilood gudahood, waxa ascaartii cunada korodhay 300 %. Gadbadda bariisku waxay maraysaa $ 62. Mushaharkii shaqaalaha dawladdu ma gooyo gadbad bariis ah. Shidaalkii cirkuu isku shareeray, Noloshii dan-yartu ama dadkii saboolka ahaa, waxa ay ku sugan tahay xaalad aad u adag. Cid u maqanina ma jirto

Waxa soo kordhay, Xukuumaddii oo wakhtigeedii dhamaaday oo Dalkii aanu maanta lahayn, madaxweyne iyo ku xigeen iyo xukuumad sharci ah.

Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa xilka loo dhaariyay shan sanadood oo qudha, 15 May, 2003 ilaa 14 May, 2008. Aftidaa ama codkaa dadweynahu waa Dastuuri, sharci ka dambeeyay oo lagu bedelayna aanu jiro. Arrin weyn oo dhacay oo muddo-dhaafkaa loo food-saarayna ma JIRO.

Waxa iyana nasiib darro ah, in sidoo kale, Golahii Guurtida iyo kuwii Dawladaha Hoose, iyana wakhti-dhaaf ku dhacay oo ay sharci darro ku fadhiyaan, Saddexdan dhacdo, waxa ay tusaale u yihiin; masuuliyad darrada iyo xilkas darrada, madaxda sare ee Dalka.

Waxa isweydiin leh, : MAXAA ILAA LIXDANKII LOO WAAYAY, XUKUN QUMAN iyo TALO QEEXAN ( Good Governance and Transparency) ?

Jawaabtu Qabiil;

Qabiil iyo Qaran; Waxa aynu dooranay Qabiilkii. Taas oo sababtay, in Dawladda lagu qiimeey, yaa innoogu jira iyo madaxda Sare yeynu ku leenahay?. Waxa meesha ka baxday in Dawladda lagu qiimeeyo; Hufnaan, horumar iyo wax qabad. Qabiilku wuxu xambaarsan yahay; ficiltan reer iyo loolan joogta ah, eex iyo musuq-maasuq. Qabiilku uma adeego danta guud, ee wuxu u adeegaa danaha gaarka ah. Waa aragti gaaban, Haddii danta caamka la waayo, tu gaar ma jiri karto.

Xukuumadda, oo arrintaaas dano gaar ah ku fushata ama uga faa’idaysata, waxa ay dhistay maamul balaadhan oo qabiilka raali geliya. Maanta, waxa innoo dhisan; Xukuumad ka kooban; kontameeyo (50) wassiir, wassiir ku xigeen iyo wassiiru-dawla iyo lix iyo labaatan (26) wassaaradood. Waxa ku baxda, lacag si ka haboon dalka wax loogu qaban lahaa.

Waa maxay, hawsha ay Wassiiradaa badahi Ummadda u qabtaan?

Inta badan, miisaaniyadda loo qoondeeyaa ma aha mid loogu talagalay horumar. Waxay agaasimaan, wixii loo siiyay inay ku hawl galaan oo ah: Miisaaniyadda wassaaradda, shaqaalaha iyo mushahar kooda, shidaalka, qalabka xaffiiska, gaadiidka iyo arrinta loo abuuray oo ah isku-xidhka reerka iyo xukuumadda. Waxa u soo raaca; oday, sulgaan ama qurba-joog madaxweynaha salaan loogu geeyo.

Xaffiiska waxa la joogaa, saacadaha yar, ( 9 a.m ilaa 11 a.m). Hawl lama qabto. Inta badan waa; iswareysi, shah/ koffi iyo telefoon, Madaxweynihii ma soo degey. Muddada toddoba iyo tobanka sannadood iyo lixda bilood ee ilaa 1991, waxa la shaqeeyay, lix sano iyo badh. Waxa lumay kow iyo toban sannadood.

Qiimo darrada wassiiradaa iyo wassaaradahaa badani, waxay ka muuqdaan habka miisaaniyadda loo qaybiyo. Tusaale ahaan, Kow iyo toban wassaaradood iyo laba iyo toban hayadood, waxa mid walba, la siiyaa, miisaaniyad ka yar, sls 855,000,000. oo ah shidaalka wassaaradda maaliyadda.

Sido kale, waxa ay Xukuumaddu taageerada dadweynaha ku raadisaa, shaqaale badan; 7,197 qof ( ciidamadu kuma jiraan ). Kharash aan loo baahnayn baa iyana ku baxa. Hawl ay qabtaan intooda badani ma jirto. Tusaale ahaan haddii aan laba wassaaradood u soo qaadano:

Wassaaradda A. Gudaha, waxa ku qoran 928 qof, Boqol ma gaadho shaqaalaha xaffiisyadu. Inta kale waa; af-miishaar iyo caaqil. Caaqilka waxa samaystay gumeysigii oo maanta looma baahna. Hawsha ay dadkaasi qabtaan, waa dacaayadda mucaaradka.

Wassaaradda Maaliyaddana, waxa ku qoran 435. siddeetan ( 80 ) wax ka badan hawsha looguma baahna. Inta kale iyana waa Af-miishaar, Xukuumadda ammaana, mucaaridkana ceebeeya. Nassiib darro, kuwaas, ayay Xisbiyada mucaaridku u haystaan dadweyne ka soo horjeeda.

Halka shaqaale, kuwaa ka faa’ido badan looga baahan yahay, waa Wassaaradda Waxbarashada. Waxa Wasaaradda ka shaqeeya 3,516 macalim. Waxa mushahar ka qaata, 2,258 Waxa fiiga ardayda mushahar loo siiyaa 1,258 macalim, Haddii lacagta Af-miishaarka iyo caaqilka, macalimiintaa mushahar loo siin lahaa, fiiga dhibay dan-yarta, caruur badani ku wayday waxbarasho ayaa laga dhaafi lahaa. Taasaa dadka uga wax tar badaan lahayd.

Maamul xumi, qalooc ka baxo. Waxa iyana jirta, in Wassaaradda Maaliyadda la siiyay sls 15,957,269,428, sannadkii 2007. oo ka badan miisaaniyadda labada Wassaaradood ee Waxbarashada (sls 10,856,220,973) iyo Caafimaadka (sls 5,989,801,360 ). Xisaab-xidhka miisaaniyadaha dawladda lama hor keeno, G/wakiilada, Hanti-dhawrkuna ma baadho. Ujeedadu, waa si aan loo ogaan; inta la leexsado, siyaadada soo baday iyo hadhaagii aan la isticmaalini. Kuwaas oo aan lagu darin miisaaniyadda sannadka dambe

Bal iyana u fiirso, musuqa-maasuqa, wassaradaha laf-dhabarka dhaqaalaha ahaan lahaa, dakhli iyo kharashka. Tusaale 2007; ( $ 1.00 = sls 5,800)

W. macdanta iyo biyaha: Dakhli (sls 10,682,033) = $ 1,800 – kharash $145,000

W. Boos. Iyo Isgaadh. Dakhli (sls1,669,990,078 ) = $ 280,000- Khgarash $116,000

W. Kaluumeysiga Dakhli (sls1,109,507,000 ) = $ 190,000- Kharash $160,000

Dekedda Berbera Dakhli (sls2,000,000,000 ) = $ 340,000 ————————-

Xukuumaddu, khayraadkii dalka, ma bilaash bay u bixisaa, mise wax baa ku laaban ?

Wassaaradda macdanta iyo biyaha ee liisamada batroolka iyo madanta bixisa, ayaa dhiiqday $ 1,800 ma caqlibaa ?

Tobanka markab ee laga leeyahay dalka Massar, ee baddii xaalufiyay, deegaankiina baabi’iyay, waxa ka soo hoyda $ 52 maalintii / markabkii, iyana ma caqli baa ? Miyay gaa-gaxeen Dekeddii Berbera iyo isgaadhsiitii ?

Waxa intaa dheer, Dakhli badan oo aan miisaaniyadda gelin, oo ku hoyda madaxwtooyada sida; Dakhliga dekedda Berbera, Haamaha shidaalka, Lacagta adagg ee xoolaha dhoofa, Shirkadda kaluumeysiga, Fiiga shirkadaha batroolka iyo macdanta baadha .

Madaxweynuhu, wuxu Qaranka ku leeyahay mushahar iyo xuquuq marka uu hawlgabo. Hantida ummaddu waa ammaano. Deeq uma bixin karo, maalka ummadda. Sida ku qeexan, Dastuurka qodobka 55. (1-7). Golaha Wakiilada ayaa ogolaanaya, gelidda kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin.

Dhaqaale bur-burka, siyaasad xumada iyo cadaalad darrada, waxa sal u ah, Dastuurka iyo sharciga Rayaale sida badheedh ah u baalmaro.. Haddaba waxaas oo dhan yaa ansixiya ? Waxa ansixiya wassiirada iyo mudanayaasha ay beeluhu isugu faanaan,

DHAAWAC WEYN, BAY XUKUUMADDU U GEYSATAY AQOONSIGII iyo SIYAASADDA A. DIBADDA: ee JDL

Bilihii dambe, waxa ay xukumaddu ku tumtay : Xorriyaddii Banaanbaxa, Ra’yi-dhiibashada, Saxaafadda, Xuquuqda Qofka iyo Xorriyadda Assaasiga. Waxa maanta xabsiga ugu jira Abshir Saxardiid Xaashi.iyo boqolaal lagu xidhay xukunka Deg-dega ee Baarlamaankii hore laalay.Waxa aan iyana ugub ahayn, dad isu soo baxay oo aan hubeysnayn oo rasaas lagu laayo, cid aan loo xidhin, sharcigana aan la marin, ciddii falalka geystay iwm.

Waa aragti gaaban. Xisbiga UDUB ee xukunka haya, taageera yaashiisa, golihiisa dhexe, xoghaya guud, mudanayaashiisa labada gole, wassiirada ilaa madaxweyne ku xigeenku, way ka warqabaa ama qayb ayay ka yihiin xumaha dalka ka socda. Xil iyo waajib miyaanu iyaga ka saarayn Dalka ? Waza ay u dhaqmaan, shaqaale madaxweyne.

Xisbiga UDUB, muddadii uu xilka hayay, kama soo bixin hawshii loo igmaday. Wuxu muujiyay; karti darro iyo daacad darro. Hore ayaa loo eeday dhaqankan oo kale. Taaeiikhdii Ina Siyaad Barre, ma dheera. Amar-ku-taaglayn, kibir jab iyo qomamaa ka dambeeyay.

Jiritaankii Dalku, wuxu u baahan yahay. ISBEDEL DAB AH, OO DAKHSO AHI; Ma dhici karaa? Doorasho XOR ah, oo XALAAL ihi ma qabsoomi kartaa? Carqaladaha badan ee ku gadaaman ma laga gudbi karaa ? Talo midaysan ma laga yeelan karaa? Sidee looga gudbi karaa arrimaha ay ka mid yihiin:

Komishanka Doorashooyinka oo aan ahayn dhex-dhexaad, bal-se ka tirsan xisbiyo.

Komishanka oo aan isu-dheeli tirrayn. Xisbiga UDUB lee yahay shan xubnood. KULMIYE iyo UCIDna leeyihiin laba xubnood.

Komishanka oo aan karti iyo madax-banaani ay hawsha ku fuliyaan aan lahayn.

Awoodda dhaqaale, ee hadda loo isticmaalo DHAAMEELka oo aan shaki ku jirin, in doorashadana loo isticmaali doono.

Xisbiyada mucaaridka oo gaffay inay ku adkaystaan xukuumad loo dhan yahay, oo doorashooyinka dalka qabata, markii shantii sannadood ee xukuumaddii dhamaatay.

MAXAA XAL AH ? SIDEE- SE DALKA LOO BAD-BAADIYAA ?

Mucaaradka oo dhan, oo u midooba sidii maamulkan musuq-maasuqa ah ee cimrigiisii ku dhamaystay aayo la’aanta, xilka looga wareejin lahaa. Khilaafka busta qoyan la saaro, oo meel la iska dhigo.

Hebel- Hebel ku beddel, iyana murtiyi kuma jirto. Waa in da’yartu, (gudo iyo qurba-joog) is-abaabulaan, shuruudo ku xidhaan xisbiyada mucaaradka, ciddii u tar-tamaysa xilka Madaxtooyada..Waa in ay ka qayb galaan loolanka doorashooyinka. Waa inay mustaqbal kooda iyo Dalkooda dhistaan, oo ay ka waantoobaan TAHRIIB iyo DAL dadkoodii dhistay. Dalku wuu innagu filan yahay. Intii tahriibka inagaga geeriyootay Eebbe janada ha ka waraabiyo. Eheladiina samir iyo iimaan.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Xaashi Cilmi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

July 2017
S S M T W T F
« Jul    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
%d bloggers like this: