Toggaherer’s Weblog

QARANIMADA S/LAND WAX GO LAGU QAADO KA WEYN SHIR AY ISUGU YIMAADEEN LAAMAHA KULMIYE UK IYO G FULINTA

Posted on: February 10, 2009

QARANIMADA S/LAND WAX GO LAGU QAADO KA WEYN SHIR AY ISUGU YIMAADEEN LAAMAHA KULMIYE UK IYO G FULINTA

Monday, February 09, 2009
Shir ay isugu yimadeen Lamaha Kulmiye, Uk ee West London, East London, North London, South east, North west, Birmingham, Sheffield, Liverpool, Manchester, Cardiff, Bristol

Waxaan u soo jedinaynaa inuu Caddeeyo Madaxweyne Ku-xigeenku arrinta, raali galina ka siiyo Shacabka Somaliland

Qaranimada Somaliland Wax-go’ lagu qaado ka weyn Madaxweyne ku xigeen, Shir’ay isugu yimadeen Laamaha Kulmiye, Uk iyo Guddida Fulinta.

Shir ay isugu yimadeen Lamaha Kulmiye, Uk ee West London, East London, North London, South east, North west, Birmingham, Sheffield, Liverpool, Manchester, Cardiff, Bristol, Dhamaan lamahaas iyo Guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye ayay ka soo saareen baaq ka hadlaya dhawaaq ka soo yeedhay Madaxweyne ku xigeenka, Somaliland Mudane Axmed yuusuf yaasiin Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa qadiyada Somaliland galiyay humaag iyo Mugdi balaadhan Haddaba wuxuu u dhacay bayaanki Shirkasi sidan.

Waddanka Jamhuuriyada Somaliland waxaa loo huray Dhiig fara badan waxaa ku maqan Kumanaan Shuhada oo naftooda iyo Malkoodiba u hibeeyay qaddiyada Somaliland, Waxaa ku bur-buray Wixii maal la dhaqanayay boqolaal sano, nabada maanta la haysto illaahay ka sokow waxaa keenay, intii u shihiidey dalkan, iyo shacbi weynaha Somaliland haddaba iyadoo la’ogaa dulmigii iyo Xaqdaradii ku dhacdey Shacabka Somaliland iyadoo la xasuusan yahay, Dhibtii iyo burburkii loo geystey hantidooda iyo naftoodaba waxay ku noqoneysa Cay garaad kooda in maanta Mas-uul kii u sareeyay Xukuumada Dalka ka talisa, yiraahdo dalku xuduud maleh iyo Somali kala maarmi meyso Waxaa yaab ah Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Inuu si aan gabasho lahayn mugdi u galiyo qadiyada Somaliland, Waxaa yaabka yaabkiis-ah in Madaxweyne Ku-xigeenku yiraahdo dadka ayaa been loo shegay oo la yidhi xuduud ayaa jirta, Waxaan leenahay Mudane Madaxweyne ku-xigeen Jamhuuriyada Somaliland waxay leedahay Xuduud lama taab taana, Mudane Madaxweyne Ku-xigeen Somaliya iyo Somaliland, Waa laba dal oo kala dawlad ah kala calan ah, Maanta Somaliland waxay mareysa meel ay ka dhex muuqato Geeska Africa, iyadoon beesha Caalamka kae ahhelin Wax dhaqaala ayay Si buuxda, U dooneysa iney Cagta u saarto wadada dimuquradiyada, tijaabadi u dambeysayna waxay noqon doonta Doorashada inagu soo fool leh, adigoo ahaa dadkii aaney dhibta badan ka soo gaadhiin waddanka hadana ku fadhiya kursiga , ummudan runtii magayaan in habayaraate wax Mugdiya aad galiso qaranimadoda somaliland, Qurbajooga Kulmiye waxay Tageerayaan Jaar wadaaga Dhamaan Dawladaha la jaarka Somaliland Sida Ethiopi, jibouti, Somalia, Iyo dhamaan Mandaqada Waxay soo dhaweynayaan Xidhiidhka jaarnimo iyo Wada noolansho, Laakiin Waxay ka soo horjeedaan Wax kastoo lagu wiiqayo qaranimada Somaliland Waxay u soo jedinayaan Shirgudoonka Guurtida iyo Golaha Wakiilada iney Xukuumada iyo Madaxweyne Ku-xigeenkaba, Arrinta Su-aal ka weydiiyan, Waxaan kaloo u soo jedinayna inuu Caddeeyo Madaxweyne Ku-xigeenku arrinta, raali galina ka siiyo Shacabka Somaliland Waxa kaloo Qurbajoga Kulmiye u rajay nayaan Dalka Somaliya in, Alle nabad siiyo khilaafkana ka daweeyo waxayna uga digayaan iney isku dayaan iney arrimaha Somaliland faraha la soo galaan cidkasto timada, Waxay hanbalyeey-nayaan ciidanka Qaranka,Somaliland ee heeganka ugu jira difaaca waddankooda.

Ugu dambayntii waxay tani Daaha ka rogeysa Shakiga Xukuumada Maanta hogaamisa Waddanka iyo sida anay u kala miirneyn, halkay ka taagan yahiin qadiyada Somaliland Waxanu U’sheegayna in aan Cid kasta oo isku deyda iney hog ku tuurto, Dawladnimada iyo xornimada Shacabka Somaliland iney faraha lagali doonto jidka halaga, Qurbajooga Kulmiye wuxuu u soo jedinayaa Dhamaan Muwadiniinta Somaliland iney meel ugaso wada jeestan Qaranimada Somaliland, Wuxuu kaloo sojedinaya in An malin qudha dib udhicin Doorashada Somaliland tasoo hedey dhacdo Waddanka uhor seedi doonta Burbur aan laga soo waaqsan,

Guul iyo Gubanimo Somaliland

Gudoomiyaha Uk Kulmiye

Ibrahim Hussein

Leave a comment