Toggaherer’s Weblog

MÅDAXWEYNU KU XIGEEKA S/L OO JAWAAB KA BIXIYEY HADALKA AY MUCARADKU KA DABA QATEEN

Posted on: February 10, 2009

 

MÅDAXWEYNU KU XIGEEKA S/L OO JAWAAB KA BIXIYEY HADALKA AY MUCARADKU KA DABA QATEEN

Hargaysa 09 Feb 2009 ToggaHerer

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Ahmed Yusuf Yaasiin oo shir jaraaid ku qabtay xafiikiisa magaalda Hargaysa ayaa beeniyey hadaladiisii uu shalay ka jeediyey xaflada uu u samÆyey qurbajooga Xisbiga Udub oo ka qayb kagay shirwaynihii labad ee ururka.

Isga oo sheegay in saxaafadu ay qalocisay hadalkiisana waxaanuu yidhi

“Shirkan maanta waxaan u qabtay hadalkaygii iyo sidii loo leexiyey w axaanangu u jeeday maamulkii ka horeeyey maamulkan maanta Somalia samaystay maamulkii Cabdilaahi Yusuf waxa uu ahaa maamula Somalilan la jihaadaaya oo ged sare iyo geed hooseba u fulay halkii u umada kala badbaadin lahaa ama uu kala jihayn lahaa, markaan leeyahay maamulkan dambe dabcan sida ay Jabuuri u nahay jiiraanka ee loola hadli karo ee Ethiopia loola hadli karo ayaa maamulka Somaliyana loola hadli karaa ninka leh la wada hadli mayoow waa nin aan habeen jirin”

Jawaabtaa uu ka bixiyey hadlkiisii ay mucaaaradku ka daba qarteen ee uu ku cadeeyey in uu ula jeeda uu u lahaa ay ahayd uun in labada maamul ay kala dabac san yihin oo kii hore hadimooyin inagu waday halka kan aynu ka rajaynayno in ay ka nabad galno ayaa ku soo hagaagaysa xili ay goldoloolo u heleen hogaanka dib isu sharay ee xisbiga Udub kuwaas oo ay markiiba hadkii u tarjumeen ninba meeshii uu la doonayey ama uu jeclaystay.ø

Dhina kale wasiirka arimaha dibada Somaliland Abdi lahai Maxamed Ducaale oo shirkaa jaraid kala qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yusuf Yasiin ayaa isna saxaafada ku dhaliilay in ay ka been abuureen madaxweyne kuxigeenka waxaanu yidhi 

Si kasta ha ahaatee hadalka madaxweynaha ayaa ah mid la odhan karo waa sax madama aanay wax sumad sooca lahayn dadka Somalidu marka laga tago lahjada afka Somaliga taas oo la odhan karo ruuxa dhalasho ahaan ka soo jeeda Somali in uu tagi karo meel kata oo uu door moodo kuna tuhmo in uu ugu noolaan karo nabad gelyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: