Toggaherer’s Weblog

DAWLADU WAXAY KA SHAQAYSAA INAY BEELAHU KALA FOGADAAN REERKAYAGA H/YOONIS CUQDAD WEYN AYAY KA QABAAN

Posted on: May 4, 2009

DAWLADU WAXAY KA SHAQAYSAA INAY BEELAHU KALA FOGADAAN REERKAYAGA H/YOONIS CUQDAD WEYN AYAY KA QABAAN

Hargeisa 03 May THN
Xisbiga siyaasiga ah ee kulmiye ayaa shaaca ka qaaday inay labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Kulmiye si wada-jir ah u Go’aansadeen in lakala diro Komishanka Doorashooyinka ee soomaaliland

Sidaana waxa maanta cadeeyay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye C/raxmaan C/qaadir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye waxaanu kaga waramay aragtida xisbigooda eek u wajahan qodobada shanta ah ee ay soo saareen Guddidii dhexdhexaadinta ee isku xilsaartay xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalka la soo gudboonaaday iyo war shalay wargeyska maalmaha ee ka soo baxa magaalada hargeysa uu ka qoray kulan dhawaan ay yeesheen siyaasiyiin iyo madax-dhaqameedyo kasoo kala jeeday labada beelood ee habar-yoonis iyo habar-awal xubnaha kaga jira kulmiye

Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax waxa uu sheegay in warkaasi yahay been abuur iyo borobogaande ay xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ee Daahir Riyaale iyo xisbigeeda UDUB bulshada ku kala qaybinayaan.

“Waxaan filayaa waad aragteene War ku soo baxay Wargeyska Maalmaha, oo aan maqlay waxa laga soo saaraa Madaxtooyada ayaa qortay wax lagu tilmaamay shir ay laba beelood oo reer Somaliland ahi ay maalin dhawayd Xaafada New Hargeysa ku galeen uu ahaa shirqool loo waday in madaxda KULMIYE lagu bedelo sidaasi ayay sheegtay, labadaas beeloodna waxay ahaayeen ee wargeyskaasi sheegay beelaha Habar Awal iyo Habar Yoonis, horta shirkaasi ma uu ahayn mid beelo lagu galay waxa uu ahaa madax KULMIYE ah iyo madax dhaqameed weheliyay shirkaasi waxa loo qabtayna wuxuu ahaa sidii KULMIYE loo taageeri lahaa madaxdiisa iyo murashixiintiisa, si wanaagsana wuu u dhacay si wanaagsana waa la iskugu fahmay.” Ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Md C/raxmaan C/qaadir isagoo arrintaas sii sharaxayay waxa uu yidhi “Halkan waxaan doonayaa inaan ka caddeeyo dawlada mushkilad baa haysata, dawladu waxay ka shaqaysaa inay beelahu kala fogaadaan. Waliba reerkayaga Habar yoonis cuqdad weyn ayay ka qabaanoo, haddii ay mar maqlaan reer kale oo reer Somaliland ah ayay la shireen xaalku wuu ku xumaadaaa, sababtuna waxa weeye reerkaasi waxay codka kaga doonaan ma aha wax baanu qabanaynaa oo wax baanu idiin keenaynaa waxay codka kaga doonaan waa la idinla col, waa la idin dilay, Habar-awal ayaa idin neceb, Habar jeclo ayaa idin baa biinaysa. Markaa haddii ay maqlaan beeshaasi ayaa beel kale shir nabadeed la gashay waxaad moodaa in qorshahoodii oo dhammi uu isku yaacay, waxaan doonayaa inaan u sheego dawlada nimanyohow Habar-yoonis halkaasi way soo dhaaftay sidii uu horeba dhawr jeer u sheegay Suldaankayagu.”

Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee KULMIYE oo ka hadlayay go’aankii guddidii xeer beegtida ahayd ay ka soo saartay khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee ka dhashay dib u dhacii ku yimid doorashadii madaxtooyada waxa uu yidhi “Muran siyaasadeed oo aad u weyn ayaa ka taagnaa Somaliland murankaasna waxa keenay wakhtigii la doortay Madaxweynaha ee shanta sanadood ahaa oo ka dhammaaday 2008-kii, hase ahaatee Madaxweynaha iyo dawladii jirtay way ku guul-darraysteen inay doorasho Madaxweyne ay qabtaan, waa tii sadexdii xisbi kal hore ay shireen ee ay qabteen in 29 March 2009 ay doorashadu dhacdo tiina way qabsoomi weyday. KULMIYE wuxuu taagnaa markaa markii ay dhammaatay wahtigii la doortay iyo muddadii sanadka ahaa ee hore loogu kordhiyayba. Waxaad moodaa inay dawladu wada hadaladii ay markii hore diiday ay imika khasab ku qaadatay markii ay ogaadeen haddii aanu shacbiga Somaliland aqoonsanayn Ina Rayaale in ay mushkilad tahay, taas ayaa caqligii ku soo celisay.”

“Horta heshiiskan waxa keenay dhex dhexaadin Anagu waxaanu taagan nahay lixdii bilood ee dhawaan Guurtidu kordhisay Madaxweynaha qayrul dastuuri ayuu ahaa, dastuurkeenu wuu caddeeyay sababta kaliya ee lagu kordhin karaa iyadoo nabad gelyo darro loo qaban kari waayo doorashada, dhexdhexaadintii Guddidii anaga wax bay nagu xukumeen dawladana wax bay ku xukumeen. Wixii ay nagu xukumeen waxay ahayd lixdaas bilood aqbala, waxase damaanad nalaga siiyay oo la mamnuucay in aan muddo kordhin dambe la samayn, haddii ay dhici weydo xiligan loo cayimay doorashada. Anagu heshiiskaasi waanu soo dhawaynay dawladuna sidaas si leeg , laakiin waxaanu filaynaa in sida ugu dhakhsaha badan ay u saxeexaan sidii Guddoomiye ee sadexda xisbi qaran ee heshiiskan gaadhay ay saxeexaan. Heshiiskaasi sidii loo saxeexi lahaa loona hirgelin lahaa waxay u taalaa Guddidii dhexdhexaadinta oo laga doonayo inay ka soo ansixiyaan labadii gole,”ayuu yidhi Md C/raxmaan C/Qaadir.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu taageereyaasha xisbigiisa ee Gobolada Somaliland oo dhan uga mahad celiyay sidii ay dhawaan banaan baxyada salmiga ah dareenkooda ugu muujiyeen, taasi oo uu ku adkaystay inay Madaxweyne Rayaale ku khasabto inuu aqbalo wada hadaladii uu hore u diidanaa.

C/raxmaan C/qaadir wuxuu daboolka ka qaaday in labada xisbi mucaarid ay isku raaceen inaanay kalsooni ku qabin xubnaha Komishinka doorashooyinka Somaliland, oo ay ku baaqeen in la bedelo marka laga reebo Xasan Cumar Hoori, oo ahaa xubintii cusbayd ee dhawaan la magacaabay. Waxaanu yidhi “Labada xisbi ee mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID waxay soo jeediyeen in dhammaan xubnaha Komishinka doorashooyinka Somaliland la bedelo marka laga reebo xubintii cusbayd ee maalintii dhawayd la ansixiyay, oo la bedelo lixda xubnood ee kale oo muddo laba todobaad ka badnayna bedelkoodii lagu keeno, inta la soo buuxinayana ay xilkoodii sii wataan nimankan imika meesha sii joogaa.waxaanu rajaynaynaa in Mr Rayaale dawladiisa iyo xisbigiisu nala qaataan.”

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu intaasi ku daray in labada xisbi ee mucaaridku ay soo jeedinayaan in la balaadhiyo Guddidii anshaxa iyo dabo galka oo lagu biiriyo 14 xubnood ee hore sagaal xubnood oo kale oo laga keenayo sadexda xisbi qaran.

C/raxmaan C/Qaadir, wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Suldaan Saleebaan Boqor Xasan oo ku xidhan laanta baadhista dambiyada ee Hargeysa iyo nin kale oo ay walaalo yihiin Boqor Buur Madow oo ku xidhan xabsiga Mandheera, oo labadaba uu carabka ku dhuftay in loo xidhxidhay arrimo la xidhiidha xisbiga KULMIYE.

Intaas ka dib waxa suxufiyiintii shirkaasi sharaa’id ka qeyb galay ay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE iyo Cali Guuleed {Cali Maarshaal] ay weydiiyeen su’aalo ay ka mid ahaayeen kuwani.

S: Hadalkiinan aad leedihiin ha la bedelo Komishinka doorashooyinka, miyaanay ahayn caqabad hor leh iyo wakhtigii oo sii jiitamaya, waxaad ku cel celisay habr Yoonis, illaa imikana waxa la hayaa uun in xisbigiina KULMIYE la shiray beesha habar Yoonis?

J:C/raxmaan: Waxa shiray niman xisbiga KULMIYE ah niman xisbiga KULMIYE ka tirsan xisbi ahaan ayay ku shireen ee beelo kuma ay shirin, UDUB baa u dhigtay in laba beelood shireen.

Komishinka waxa soo qaaday Qodobada Guddida dhexdhexaadinta oo yidhi arrinta Komishinka sadexda xisbi qaran ha ka wada hadleen. Markaa ra’yigayagii labada xisbi ee mucaaridku keeneen uun baanu sheegnay cidna ma aan maagin xaqna waanu u leenahay.

S: Wakiilka Xisbiga UDUB ee Maraykanka ayaa dhawaan la kulmay Wasiirka Maaliyada ee Dawlada Somalia, xisbiga UDUB-na wey iska riixeen noo waxay yidhaahdeen ninkaasi beryahanba wuxuu la saaxiib ahaa wakiilada Maraykanka ee KULMIYE, sidaad u aragtaan kulankaasi iyo eedaha uu Xoghayaha Guud idiin soo jeediyayba.

J:C/raxmaan: Ninka la kulmay anagu ma naqaano waase ni UDUB ah, waxaanu qabnaa inaanu kaligii iska socon ee laga dambeeyay warar badana oo aanu haynaana waxay sheegayaan in wada hadalo hoosaad u socdaan dawlada Somaliland iyo dawlada ka dhisan Xamar.

Waxa kale oo aanu qabnaa sababaha loo doonayo inay doorashadu dib u dhacdo ay ku xidhiidhsan tahay sheekooyin ka dhex socda xisbiga UDUB iyo dawladaas Xamar.

Ninkaas Xoghayuhu waxyaabo badan buu iska yidhaahdaa, hadalkiisana waxba kama soo qaado oo waxaan u arkaa nin dalka ku cusub, Xoghayaha UDUB-na waxaan leeyahay waad qaboobiye’e qunyar soo soco.

J: Cali Maarshaal: waxaan doonayaa inaan hadalkaasi ku kabo ninkani waa nin xisbiga UDUB ka haya xil weyn oo waa wakiilka dhan ee Maraykanka iyo Canada u jooga xisbigaasi, waxa hadalkiisu daba socdaa hadalkii hore ee Madaxweyne Ku xigeenku u sheegay.
Ummadana waxa loo dabrayaa inta Xamar meel gaadhayso.

XAFIISKA WARQABDKA TOGAHERER
HARGEISA SOMALILAND

Leave a comment