Toggaherer’s Weblog

VITAMIN D-GA OO HOOS U DHIGA KHATARTA QAYBO KA MID AH CANCER-KA AH

Posted on: May 4, 2009

VITAMIN D-GA OO HOOS U DHIGA KHATARTA QAYBO KA MID AH CANCER-KA AH

Vitimin D-ga oo Hoos u Dhiga Khatarta Qaybo ka mid ah Cancer-ka

Khubar ku xeeldheer cilmiga Science-ka oo u dhashay dalka Maraykanka, ayaa sheegay in Vitamin D-gu uu yarayn karo khataraha qaar ka mid ah noocyada uu ka kooban yahay cudurka Cancer-ku.

Khubaradaasi waxa ay dib u eegis ku sameeyeen 63 cilmi-baadhiyeed oo hore loo sameeyey, kadibna waxay ogaadeen in Vitamin-diigu yareeyo fursadaha uu ku faafi karo ama uu horumar u samayn karo noocyada Cancer-ka, kuwooda ugu khatarsan sida Cancer-ka naasaha dumarka ku dhaca “breast cancer” iyo cancer-ka nooca dhaxalka ku yimaada ee loo yaqaan Colon cancer.

Cilmi-baadhistan ayaa laga soo dhoweeyey jaamacadda California, laakiin waxay haddana ka digayaan khubaradu in qaadashada Vitamin D xad-dhaaf ah ay dhibaato ballaadhan gaadhsiin karto kelyaha iyo beerka, iyaga oo intaa raaciyey in loo baahan yahay in la sameeyo baadhis intaa ka dheer.

Vitamin D-ga dabiicaga ah ee loo yaqaano D3, ayaa caadiyan waxaa soo saara jidhka ka dib marka qofka jidhkiisu loo Qorax ku filan helo, waxa kale oo laga heli karaa Cutooyinka qaar sida Kaluunka saliida leh, margarine-ka, cabbitaanada tayadooda la kordhiyey iyo hilibka.

Cilmi-baadhistan oo lagu sameeyey Jaamacadda California ee ku taal Sandiego ayaa waxa ay eegeysaa xidhiidhka ka dhexayn kara vitamin-D-ga ku jira dhiigga iyo khatarta cancer-ka.

Waxa ay sheegayaan Khubaradu qaadashada 1000 unit oo caalami ah (IU) ama 25 microgram oo vitamin-D ah maalin walba waxa 50% yaraan karaya khatarta noocyada cudurka sida breast cancer-ka, ovarian-ka iyo colonka.

Sida ay sheegeen culimadu qaadashada 2000 oo unit ama 50 micrograms oo vitamin D ah waxay keeni karaysaa in jidhku qaato calcium fara badan, taas oo suurtogal ka dhigaysa in uu burbur ku yimaaddo beerka iyo kelyaha.

Professor Cedric Garland oo isagu hoggaaminaya hawsha dib-u-eegista ah, ayaa sheegay in laga heli karo Vitamin D tayo sare leh iyada oo aan jidhka loo dhigin qorraxda, kaas oo uu sheegay in laga helo cuntooyinka caadiga ah iyo kuwa tayadooda la kordhiyey. Professor Garland waxa dadka aan jidhkoodu qorraxda u adkaysan karayn uu uga digay inay isu dhigaan qorraxda, maxaa yeelay ayuu yidhi, “taas qudheeda ayaa dhibaatadeeda leh.”

Source: Medical Journal

Waxa soo Tarjumay: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: