Toggaherer’s Weblog

Advertisements

SHEEKH SIIRO OO KHUDBADII MAALINTII JIMCIHII WAXYAABO BADAN KA HADLAY SIDA BOOBKA HANTIDA UMADA

Image and video hosting by TinyPic

“Waad ogtihiin Garoon yar oo Kubadda Cagta ah oo ah 120-Mitir (Garoonka Dugsiga Ex-Xuseen Giire)..Dawladda maanta jirtaa waxay ku dhiiratay, nidaam baa jira ah dad baa la abuurayaa, la maalgelinayaa, loo magac-bixinayaa, taariikh cusub ayaa dadka loo samaynayaa. Waxay ku dhiiradeen dhulkii uu Afweyne oo ahaa ninkii aynu la dagaallamaynay uu ka xishooday in uu bixiyo Dugsiyadii Caruurta. Waa wax laga xishoodo, waxaa maanta Caruurtu isku dilayaan waxa weeye, meel allaala meel ay istaagaan bay la’ yihiin, halka ay ahayd maanta in Guryaha waawayn ee ay ku jireen ee ay leeyihiin umaddu in intay burburiyaan ay Garoomo uga dhigaan, ayaa afartii Garoon ee bannaan ee yaryaraa ee Caruurtu waqtiga ku lumin lahaayeen ayay u soo dhigteen. Laakiin, waxaan kaga ciil la’ahay, lama odhanayo kamaanu hadal, balse waxba idiin tari mayso Masaajidkan oo aynu isugu nimaadnaa. Quwaddu waa Umadda iyo bani’aadamka, waar Caruurta Garoomadooda difaaca, Waddooyinka difaaca. Waad ogtihiin Goljanno (Hargeysa) Maydka meel la geliyaa ma jirto oo Waddooyinkii baa la xidhayaa oo inta aynu hadba Guryo dhaadheer intaynu dhisano ay koox gaar ahi Waddooyinka xidhaan adiga oo soo taagan..Nin cararaya ayaa imanaya oo ku odhanaya, Sheekh maxaa ku kallifay miyaad danahaaga iska qabsatid. Waar halkee dano lagu qabsanayaa, halkee lagu noolaanayaa haddii lagu kala tago, halkee ayaynu umad ku noqonaynaa haddii lagu kala tago..Waar wixiina ilaashada, waar waxay Caruurtu leeyihiin ilaaliya, waar waxa inaga dhaxeeya ilaaliya, waar taas ayaynu dal, dawladnimo iyo dadnimo ku yeelanaynaa.” Sidaa waxa yidhi Sh. Aadan Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan-Siiro) oo ka hadlay arrimo uu ka mid yahay muran ka taagan mid ka mid ah Garoomada Kubadda Cagta ee Degmooyinka Hargeysa.

Sh. Aadan Maxamuud Xiirey (Siiro) oo ka hadlayay Masaajidka Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu ka hadlay Diinta Islaamku waxay ka qabto Dhulka loo qaato sifo xaq-darro ah iyo sidoo kale masiirka maalinta Qiyaamaha, isla markaana wuxuu tilmaamay in waqtigan la joogo Hantida umadda la boobo. Waxaanu sheegay in arrimaha noocan ahi aanay ahayn wax la aqbali karo, gaar ahaan Dhisme laga bineeyay Garoonka Kubadda Cagta ee Dugsiga Sheekh Madar (Ex-Xuseen Giire) ee Degmada 26 June ee Hargeysa. “Rasuulku (CSW) wuxuu Xadiis saxiix ah ku yidhi, ‘Qofka walaalkii oo la jaar ah ku durka taako, toddobada dhul ee Alle abuuray ayaa qoorta loogu xidhayaa maalinta Qiyaamaha.’ Bal Hargeysa waxay leedahay ka waran? Kuwa maanta moodaya in waxa dadka ka dhaxeeya in cid u ashkatoota iyo cid ilaalinaysaa aanay jirin, qofka kacay (Faqiirka ahi) waa qofka maalinta qiyaamaha la soo saaro iyada oo ay dadku wada haystaan. Ilaahay baynu ka magan-galnay in Somaliland oo dhami ku soo wada hor istaagto Qiyaamaha oo ay tidhaahdo, Ilaahayow waxayagii isagaa haya oo nin waliba yidhaahdo, intaydii ha la iga siiyo…Raganimo ayay noqotay in Hantida umadda la boobo oo waxay maraysaa Garoomadii Dugsiyada. Waxaanu yeeli karayno oo aynu cidna ka yeeli karayno maaha.” Ayuu yidhi Sheekhu, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Go’aankayaguna waxa weeye Masaajidkan ayaynu ka bilaabaynaaye, Nin walowba 5 midh oo Laban (Jaajuur) ah gee si aynu u dhisno, Masaajidkeena oo kaliya ayaa dhisi karaya ee aynu Dayr ku wareejino inta Ilaahay u keenayo Dawladdii xaqa iyo Caruurta waxooda ilaalinaysay. Caruurtii aanu islahayn Guryo ma u dumisaa, haddii intii yarayd ee jirtay laysugu yimaaddo..Maxamed Xaashi Cilmi oo isaga oo Injineer ah looga yeedhay Sacuudiga, kana mid ah maanta dadka aydaan karaamayn, ayaa ku dagaallamay Garoonkaa. Maantase waxa laga jecel yahay kuwaa dhulka boobaya ee Waddooyinkii xidhaya, ee dadka markay intooda iibiyaan in yar uun qaybinaya ee u daadinaya. Miisaankii oo dhan baa dhinaca kale noqday, wa’ayo cidda awoodda haysa ee waxaa samaynaysa, waa Inaga weeye. Halkay ka yimaadeen kuwan meesha joogaa, miyaanay ahayn kuwii aad saacadaha u taagnaydeen.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu baaq u jeediyay Dawladda oo uu sheegay in uu qabo inay dalka ku abuurayaan dhaqamo iyo nidaam cusub. “Hantida umadda iyo shareecada ha la ilaaliyo. Waar dhaqankaa aad umadda ku abuuraysaan ka daaya kuwa dawladda iyo Maamulka hayoow, waar dhaqan cusub umadda ha u samaynina. Waar dadkii Umaddu dhaqankooda, Cilmigooda iyo Diintooda ku faanaysay ha daboolina, dad kale oo aynaan garanayna umadda ha ku samaynina..Nidaamka maanta dalka haysta waxaanu anagu u arkaynaa oo aragtidayadu tahay in aad samaynaysaan nidaam cusub oo taariikheed. Xaramka adiga oo maraya oo haya taariikhdii aad 34-ka sanadood soo akhriyaysay, markaad istaagto ayaad diidaysaa oo taariikhdii Asxaabadu sameeyeen ayay Aalu Sucuud (Qoyska Boqortooyada Sucuudiga) bedeleen oo waxay ku dhigeen, halkaa waxa sameeyay Al-Maalik Sucuud, halkaa waxa sameeyay..taariikhdii Muslimiinta oo dhan bay isku soo ururiyeen, waxaanay baabi’iyeen tii saxaabada ee soo taxnayd 1429 sanadood. Maamulada Muslimiinta ee dariiq qaldan u shaqaynaya ayay ka mid tahay in taariikhda umadda inta la baabi’iyo, in taariikh kale oo cusub loo sameeyo.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Sheekhu wuxuu soo daliiliyay laba Xadiis oo uu sheegay in guud ahaan u u jeedinayo Umadda, gaar ahaan inta Xilka umadda haysa, kuwaas oo nuxurkoodu yahay hantida umadda iyo waxa u dambeeya mustaqbalka aakhiro cidda si qaldan ugu tagri-fasha. “Waxaan ku soo ururinayaa laba Xadiis oo idinka, naftayda iyo inta Xilka dalka haysa aan kula dardaarmayo. Rasuulku (CSW) Xadiiska Muslim weriyay, wuxuu ku leeyahay, ‘Ninkaanu shaqaale ka dhigno ee shaqo u dhiibno ee Irbad naga qariya oo hantida Muslimiinta ka mid ah ee isagu farsamaysta, taasi waxa weeye waa xoolo-lunsi. Iyadoo ay ku duuban tahay oo uu ka qaylinayo ayuu imanayaa maalinta Qiyaamaha.’ Maxaad u malaynaysaa ka dilaalka ka ah, ka sahanka u ah, umadda dhan ee musuq-maasuqa ah ee isugu baxday waxaynu ognahay. Bal ka waran kuwa ka adeegaya, marka la fasaxayo dhulka Agoontu leedahay iyo Garoomada Caruurtu leeyihin.” Ayuu yidhi Sh. Aadan, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Xadiiska kale, Iimaam Muslim uu weriyay ayaa ah, Dagaalkii Kheybar oo dagaal aad u adag ahaa, ayaa Nebigii markii dambe Warbixinihii la kala dhegaystay oo la yidhi,Rasuulkii iLaahayow hebel shahiid buu ahaa, hebel kalena halkaas ayuu xorreeyay. Dabadeed, Nebigii (CSW) raggii buu mid ka qabsaday oo uu yidhi, Ninkaa aad leedahay wuu dagaallamay shahiid ma ahayn, markii la waydiiyay sababtana wuxuu yidhi, ninkaasi Go’ buu qaatay oo uu si gaar ah u dhigtay oo uu is-yidhi marka Dagaalku dhammaado aad si gaar ah u qaadatid. Kaas ayuu Naarta ku galay.’ Waar Garoonkaasi Masaajidka si gaar ah ayuu u khuseeya ee waynu dhisno, markaa maxay u iman doonaan kuwa qaybsanayaa haddaynu hortood dhisno? Nimanka dee magacyada leh ee awoodda leh ee awooddaa sheeganaya ee markay meel walba soo dhaafeen Garoomada maraya, bal intaanay Masaajiddada inoogu iman aynu halkan isugu nimaadno. Waynu Deyraynaa Garoonkaa, intaynu Deyrayno cidda uu hunguri ka hayo waxaanu uga digaynaa oo aanu leenahay, waar iska daa ha ku ceeboobine, ka sharciyaynayana waxaanu leenahay, awoodda aad leedahay soo kaxee.”

Sidoo kale, Sh. Aadan-Siiro waxa uu mahad-naq u jeediyay Maxamed Muuse (Makhtal) oo ah Muwaadin qaddiyadda Somaliland gaadhi ugu soo maray ilaa 18 Dal oo shalay ka mid ahaa dadkii Masjidkaa ku tukaday. “Maanta waxa inala jooga Maxamed Muuse (Makhtal) oo in badan qurbaha ku maqnaa, islamarkaana Baabuur yar ku soo maray 18 Dal, si uu Dunida uga dhaadhiciyo Xaqa aynu leenahay. Waa arrin ay garan waayeen qaar in badan umaddu ay maamuustay oo lacag badan ku bixisay, magacyadooda ay dhiig badan u hureen. Waa arrin ay ka xishoodaan markay meelo badan marayaan umadda ay ka yimaadeen waxay doonayso.. Yaa soo dhaweeyey, Nimanka Wasiirada ah iyo dadka la soo doortay halkay joogeen markuu Hargeysa soo galayay?..Waxaanu leenahay Ilaahay ha kaa abaal-mariyo, waxaanaynu ku soo dhawaynaynaa Masaajidka Xawaadle (Hargeysa)” ayuu yidhi Sh. Aadan.

Sheekhu wuxuu naqdiyay habkii loo soo dhaweeyay Maryan Mursal oo uu sheegay in Diiniyan laga wanaagsan yahay. “Waar Dumarka halka uu Islaamku dhigo ha loo daayo” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, arrimihii khudbaddiisii shalay uu kaga hadlay Sheekh Aadan waxa ka mid ahayd xaaladda Soomaaliya oo uu Ilaahay uga baryay in ay degto. “Kuwa maanta Koonfur isku dilaya waxaynu Ilaahay u baryaynaa in uu nabad, midnimo iyo Cadaalad siiyo, Islaam caqli iyo xikmad ku shaqaynaya uu siiyo. Waxaynu u ducaynaynaa kuwa kale ee magaca Soomaalinimo aynu wadaagno, intooda dawladnimada haysta iyo intoo kale uu nabadda iyo midnimada waafajiyo.” Ayuu yidhi Sh. Aadan Muxume Xiirey (Siiro).

WAFTI KA TIRSAN MADAXDA UCID OO SHALAY KA AMABABAXAY UK

Waxa shalayto gudoomiyaha xisbiga UCID uk Ibrahim Rashiid sii sagootiyey laba masuul oo ka tirsan xisbiga Ucid oo ay ka mid ahayeen Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Ucid Abdinaasir oo mudooyinkii ugu danbeeysay ku sugnaa dalka uk iyo gudoomiyaha yurub ee xisbiga Ucid md,Siciid Cumar Axmed oo u ambabaxay Somaliland.
Image and video hosting by TinyPic
Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Ucid Abdinaasir oo beryahanba hawlo shaqo ah ku joogay dalka Egriiska ayaa ku laabtay dalkii isaga oo ay waheliyaan Gudoomiyaha yurub ee xisbiga Ucid Saeed Omar Ahmed.

UCID MEDIA
Image and video hosting by TinyPic

DAAWO XAFLADII LAGU LAGU XUSAYAY 26 JUUN EE KA DHACDAY QASRIGA MADAXTOOYADA

Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic

Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sawirada Xafladii lagu xusayay maalintii aynu Xornimada ka qaadanay Maxmiyadii Ingiriiska, xafladaasi oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada.

Image and video hosting by TinyPic

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro, Xildhibaano Wakiilada iyo Guurtida ah, Safiirka Itoobiya ee Somaliland , Masuuliyiinta sare ee Xisbiga UDUB iyo marti sharaf kale.

Image and video hosting by TinyPic
Xafladan oo lagu soo bandhigay Riwaayad si heer sare ah loo soo diyaariyay, waxa xaflada heeso Macaan oo Somaliland ah ka qaaday Fanaanada weyn ee Maryan Mursal oo iyadu heesta Somaliland ka qaaday iyo Fanaaniinta kale ee Cabdi Nuur Alaale, Nimco Yaasiin iyo Fanaaniin kale.

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic

XUKUUMADA OO MAANTA SOO SAARTAY BAAQ QAYLO DHAAN ABAAREED UNA DIRTAYNA CAALAMKA ROOBDOONA AMARTAY…

Hargaysa28 june 2009 (THN)
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Axmed Yusuf Yaasin ayaa shaaciyey in xukuumadu beesha caalamka la soo gaado gurmad dadweynaha reer Somaliland ee abaaraha laxaaska lihi ku habsaden kuna jira xaalad aad u adag .
Image and video hosting by TinyPic
Madaxweyne ku xigenku sidaas waxa uu maanta ka sheegay shir jaraid oo uu ku qabtay xurunta ka hor taga aafada dabiiciga ah taas oo sidoo kale uu ku baaqay in masaajida laga bilaabo ducooyin roob doon ah dhamaan dalka Somaliland oo dhan .

Xafladan waxaa goob ka ahaa Wasiiradda Qorshaynta Cali Ibrahim, wasiirka Caafimaadka Cabdi Haybe , Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sh. Maxamuud Suufi ,Wasiirka Beeraha Aadan dhoolayare , wasiiirka Macdanta iyo Biyaha Qasim Qodox , Wasiirul dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Xasan Axmed Ducaale, Maayar Ku xigeenka Hargaysa Maxamed Uurcade iyo masuuliyiin ka tirsan Haayada ka hortaga abaaraha iyo aafooyinka dabiiciga ah.

Image and video hosting by TUURIYA
Waxaan maanta halkan isugu nimid arimo dhawr ah oo ay mid tahay abaartaa xun ee soo waajahday dalkii oo gugii iyo dayrtii la sugayay 2007 ilaa sanadkan oo ah 2009-ka oo yaraaday, ayaa waxa ay keentay biyo iyo baad yaraan la soo gudboonaada dadka. Waxaana Abaartan loo bixiyey {SIMA}, oo gobolada Somaliland oo dhan ayay sintay, Sidaa awgeed ayaanu baaqan u soo saarnay. Waxaana aanu samaynay qiimayn aanu ku ogaano heerka abaartu gaadhsiisan tahay, waxaana iska kaashaday Guddida Abaaraha iyo Hay’adaha caalamiga ah, oo wadanka oodhan ayaa la soo maray. Dabadeedna qiimayntii la sameeyey waxaa soo baxday in heerka abaartu tahay 40%. Waxaana Abaartu aad ugu sii darantahay Gobolada Bariga.” ‘
Image and video hosting by TUURIYA
“Mujtamaca reer Somaliland waxa lagu qiyaasa 3,500,000, ilaa 1 400,000 ay u baahan yihiin quudin iyo wax-siin, arrintaasina waxa uu wada saameeyey Gobolada dhamaantood markaa ka dawlad ahaan waxaanu diyaarinayna wixii laga ga hor tagi lahaa hadii aan laga hor tagina waxaa dhici karta in arimo ka khatar badani ina soo waajahaan”
Madaxweynuhu isaga oo yidhi waxan maanta halka ka diraya laba baaq oo kala ah mid aanu ilaahu u dirayo iyo mid aan caalamka u diraayo waxaan uu yidhi “Baaqayagani waa labada qaybood, midi waa Alle barri oo ilaahay ayaanu u baaqaynaa, midka kale waxaanu ugu baaqaynaa caalamka.
Image and video hosting by TUURIYA
Markaa hadaan ku horeeyo ta ugu muhiimsani waa taa alle barriga ah ee ilaahay la baryayo. Waxaanu doonaynaa in Somaliland dhamaanteed wixii berito oo Isniin ah oo taarikhdu tahay 29-ka June in laga bilaabo ducadii Qunuudda ahayd ee ilaahay roobka lagu waydiisanayey oo socon doonta sagaal cisho, taas oo ku eeg 7 Julay ee bisha fooda inagu soo haysa, marka ay sagaalkaa cisho dhamaadaan waxaa la geli doonaa saddex cisho oo soon ah, oo ilaahay loo toobad-celinayo lagana dembi-dhaaf dalbayo
.Marka ay bishu tahay 11 Julay Gobolada oo dhan waxaa la isugu soo bixi doonaa Goobaha waa weyn ee dadku isugu yimaadaan, si Istiqfaar ilaahay loo waydiisto oo sallaadii Roob-doonta ahaydna loo tukado, sidaasina waa sida ugu muhiimsan oo dabcan dee gacanta ilaahay ayaa ka wayb wax kasta, oo dhibaatadanina waxa ay ku timi dembi innagau aynu samaynay. Baaqa labaad ee aanu soo jeedinayna waxa ay weeye mid aanu caalamka u gudbinayo, si dadkan abaaruhu halakeeyeen wax loola soo gaadho.” Sidaasi waxaan yidhi Ahmed Yusuf yaasiin madaxweyne kuxigeenka Somalinad.

Warqabadka togaherer
Haragaysa

GUDOOMIYAHA WAKIILADA S/L OO MAANTA KA SOO GAADHAY MAGALA OSLO LAGUNA SOO DHAWEEYEY.

Oslo 28 june 2009 (THN)

Waxaa maanta magaalada Oslo ee dalka Norway socdaal booqasho ah ku yimid gudomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Ciro) taas oo in dhawaalahanba uu safaro is daba joog ah ku maraayey wadamo ka mid ah qaarada la isku yidhaa Yurub.

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Ugu horayntii waxa uu safarkiisa ka soo bilaabay gudoomiyuhu dalka United Kingdom gaar ahaan magaalo madaxdiisa London taas oo ayaamo uu ku sugnaa kadibna uu uga soo socdaalay dalka Sweden oo iyana uu ku nagaa maalmihii ugu dambeeyey kadibna uu maanta uga soo ambabaxay magalada Oslo ee dalka Norway.
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Gudoomiyaha oo ilaa abaaro 4:30 galabnimo ka soo degay garoonka wayn(Gardermoen Air port) ee Oslo ayaa waxaa ka hor tagay gudoomiyaha jaaliyada Somaliland Mudane Hussen , gudoomiyah xisbiga Ucid ee Norway Egn Cabdi xakiim , xubno kale oo ka mid ah shacabka Somaliland ee dhaqan dalkaasi Norway.
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Mar gudoomiyha suaal aan ka waydiinay safarkiisa iyo waxa uu khuseeyo waxa uu sheegay in safarkisani yahay mid la xidhidha arimaha doorashada taas oo uu ku sheegay in uu wacyi galin u socdo ah sidii dadku doorashada qayb laxaad leh uga qadan lahaayeen waxana hadaladiisii ka mid ahaa
”Waxaad ka war qabtaan in Somalilan hada loo hadhuub qaatay in doorashooyinkii madaxtooyada ee jamhuriyada Somaliland la qabto sidaa darteed waxa uu safarkaygani ka qayb yahay in dadka la wacyi galiyo sida doorashooyinku u dhacayaan, waxa laga rabo muwaadiniinta reer Somaliland iyo in ay ka qayb qaataan doorashooyinkaas siday u dhici lahaayeen si nabad galyo ah iyo si xasilooni ah u dhici lahaayeen” .

Mar uu ka waramaayey in doorashadu ay qabsoomayso waxa uu sheegay gudoomiyuhu mar hadii xukuumadii ay bixisay intii dhaqaalaha kaga soo hagaagay way dhacaysaa oo rajo aad u badan ayaa laga qaybaa, sidoo kale qodobo badan waa lagu heshiiyey oo ay ka mid tahay in doorashadu ay qabsoonto iyo arintii serverka, sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in ruxii dhawr jeer is diiwaan galiyey mar uun laga soo reebo oo inta kalena la masaxo, haa sharciyan in la xidho ayey ahayd xubinta waxaas ku kacda se hadeerto taas diyaar looma aha maadam ay arintaniba inagu cusubtahay, sidoo kale waxa uu sheegay in 98000 oo qof farahoodii uu soo saari waayey Serverku taasna laga wada tashan doono sida la odhanaayo.

Mar suaal kale la waydiiyey oo ahayd safrkiisani in uu ku egyahay Oslo iyo in kale iyo xiliguu noqonaayo waxa uu sheegay in uu iminka dhawr casho ka dib uu ku labanaayo London oo hawli uga qabyo ahayd ayaamo ka dibna u sii dhaafaayo dhinacaas iyo dalkii ”Waxaa iguu dambaysa Ingriiska dabeed wadankii ayaan ku labanayaa ayaamo ka bacdi” Sida waxaa hadalkiisii ku soo gunaanaday gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland mudane Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi.

Warqabadka Togaherer
Oslo
Norway

September 2017
S S M T W T F
« Jul    
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30