Toggaherer’s Weblog

XUKUUMADA OO MAANTA SOO SAARTAY BAAQ QAYLO DHAAN ABAAREED UNA DIRTAYNA CAALAMKA ROOBDOONA AMARTAY…

Posted on: June 30, 2009

XUKUUMADA OO MAANTA SOO SAARTAY BAAQ QAYLO DHAAN ABAAREED UNA DIRTAYNA CAALAMKA ROOBDOONA AMARTAY…

Hargaysa28 june 2009 (THN)
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Axmed Yusuf Yaasin ayaa shaaciyey in xukuumadu beesha caalamka la soo gaado gurmad dadweynaha reer Somaliland ee abaaraha laxaaska lihi ku habsaden kuna jira xaalad aad u adag .
Image and video hosting by TinyPic
Madaxweyne ku xigenku sidaas waxa uu maanta ka sheegay shir jaraid oo uu ku qabtay xurunta ka hor taga aafada dabiiciga ah taas oo sidoo kale uu ku baaqay in masaajida laga bilaabo ducooyin roob doon ah dhamaan dalka Somaliland oo dhan .

Xafladan waxaa goob ka ahaa Wasiiradda Qorshaynta Cali Ibrahim, wasiirka Caafimaadka Cabdi Haybe , Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sh. Maxamuud Suufi ,Wasiirka Beeraha Aadan dhoolayare , wasiiirka Macdanta iyo Biyaha Qasim Qodox , Wasiirul dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Xasan Axmed Ducaale, Maayar Ku xigeenka Hargaysa Maxamed Uurcade iyo masuuliyiin ka tirsan Haayada ka hortaga abaaraha iyo aafooyinka dabiiciga ah.

Image and video hosting by TUURIYA
Waxaan maanta halkan isugu nimid arimo dhawr ah oo ay mid tahay abaartaa xun ee soo waajahday dalkii oo gugii iyo dayrtii la sugayay 2007 ilaa sanadkan oo ah 2009-ka oo yaraaday, ayaa waxa ay keentay biyo iyo baad yaraan la soo gudboonaada dadka. Waxaana Abaartan loo bixiyey {SIMA}, oo gobolada Somaliland oo dhan ayay sintay, Sidaa awgeed ayaanu baaqan u soo saarnay. Waxaana aanu samaynay qiimayn aanu ku ogaano heerka abaartu gaadhsiisan tahay, waxaana iska kaashaday Guddida Abaaraha iyo Hay’adaha caalamiga ah, oo wadanka oodhan ayaa la soo maray. Dabadeedna qiimayntii la sameeyey waxaa soo baxday in heerka abaartu tahay 40%. Waxaana Abaartu aad ugu sii darantahay Gobolada Bariga.” ‘
Image and video hosting by TUURIYA
“Mujtamaca reer Somaliland waxa lagu qiyaasa 3,500,000, ilaa 1 400,000 ay u baahan yihiin quudin iyo wax-siin, arrintaasina waxa uu wada saameeyey Gobolada dhamaantood markaa ka dawlad ahaan waxaanu diyaarinayna wixii laga ga hor tagi lahaa hadii aan laga hor tagina waxaa dhici karta in arimo ka khatar badani ina soo waajahaan”
Madaxweynuhu isaga oo yidhi waxan maanta halka ka diraya laba baaq oo kala ah mid aanu ilaahu u dirayo iyo mid aan caalamka u diraayo waxaan uu yidhi “Baaqayagani waa labada qaybood, midi waa Alle barri oo ilaahay ayaanu u baaqaynaa, midka kale waxaanu ugu baaqaynaa caalamka.
Image and video hosting by TUURIYA
Markaa hadaan ku horeeyo ta ugu muhiimsani waa taa alle barriga ah ee ilaahay la baryayo. Waxaanu doonaynaa in Somaliland dhamaanteed wixii berito oo Isniin ah oo taarikhdu tahay 29-ka June in laga bilaabo ducadii Qunuudda ahayd ee ilaahay roobka lagu waydiisanayey oo socon doonta sagaal cisho, taas oo ku eeg 7 Julay ee bisha fooda inagu soo haysa, marka ay sagaalkaa cisho dhamaadaan waxaa la geli doonaa saddex cisho oo soon ah, oo ilaahay loo toobad-celinayo lagana dembi-dhaaf dalbayo
.Marka ay bishu tahay 11 Julay Gobolada oo dhan waxaa la isugu soo bixi doonaa Goobaha waa weyn ee dadku isugu yimaadaan, si Istiqfaar ilaahay loo waydiisto oo sallaadii Roob-doonta ahaydna loo tukado, sidaasina waa sida ugu muhiimsan oo dabcan dee gacanta ilaahay ayaa ka wayb wax kasta, oo dhibaatadanina waxa ay ku timi dembi innagau aynu samaynay. Baaqa labaad ee aanu soo jeedinayna waxa ay weeye mid aanu caalamka u gudbinayo, si dadkan abaaruhu halakeeyeen wax loola soo gaadho.” Sidaasi waxaan yidhi Ahmed Yusuf yaasiin madaxweyne kuxigeenka Somalinad.

Warqabadka togaherer
Haragaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: