Toggaherer’s Weblog

A.Y.YAASIN OO SHAAHAADO GUDOONSIIYEY MUWADINKII GADHIGA KU SOO MARAY 18 DAL ICTIRAAF RADIN AWGEED.

Posted on: June 30, 2009

A.Y.YAASIN OO SHAAHAADO GUDOONSIIYEY MUWADINKII GADHIGA KU SOO MARAY 18 DAL ICTIRAAF RADIN AWGEED.

Hargaysa 28 june 2009 (THN)

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland mudane Axmed Yusuf Yaasiin ayaan maanta shahaado gudoonsiiyey mudane Maxamed Muuse Yuusuf (Maqtal) oo ahaa ninkii Somalilanderka ahaa ee 18 ka dal ku soo maray baabuur uu lahaa kaas oo markii hore ka soo kicitimay dalkaasi UK ugu dambayntina soo gaadhay jamhuuriyada Somaliland.
Image and video hosting by TinyPic
Waxa xafladan goob ka ahaa Wasiiradda Qorshaynta Cali Ibrahim, wasiirka Caafimaadka Cabdi Haybe , Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sh. Maxamuud Suufi ,Wasiirka Beeraha Aadan dhoolayare , wasiiirka Macdanta iyo Biyaha Qasim Qodox , Wasiirul dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Xasan Axmed Ducaale, Maayar Ku xigeenka Hargaysa Maxamed Uurcade iyo masuuliyiin ka tirsan Haayada ka hortaga abaaraha iyo aafooyinka dabiiciga ah..

Image and video hosting by TUURIYA
Goobtan oo lagu gudoonsiinayey shahaadu sharaftaas ayaa uu makhtal kaga cawday soo dhayntii hore markii uu yimid dalka Somali land taas oo uu sheegay sidii uu filaayey in aan loo soo dhawayn , Makhtal waxa uu aad u weeraray madax ka tirsan dawlada oo marka mashaasi ku xaadir ahaa waxaanuu sheegay balan qaadyo ay u sameeyeen ay kaga baxeen sidoo kale qaar ka mid ahina ay dheheen waxaan kuu gaynaynaa madaxweynaha walina aan sidii u sugayo , waxaanuu sidaasi ka sheegay xafladan oo isug jirtay qaylo dhaan uu madaxweyne ku xigenku u dirayey caalamka iyo mudane Makhtal oo lagu gudoonsiinayey shahaado sharaf , taas oo uu saluug badan ka muujiyey siday ula dhaqmeen iyo hadeerto goonbta ay ku siiyeen shahaada oo aan ahayn xaflad isaga u khaas ah ee ay tahay xaflad qaylo dhaan abaareed loogu diraayo aduunka.

Image and video hosting by TUURIYA

Makhata ayaa waxa uu sii raacsaday hadaladiisa in mudo badan ay niman wasiiro ahi iiga balan qaadeen in ay adiga iyo madaxweynaha ii keenayaan waanay igu balan fureen, Maryan Mursal oo hees UK ka qaadayna amar madaxweyne ayaa lagu soo dhaweeyey xaflad heer sare ahna waa loo qabtay aniga oo mudo ka badan 6 bilood u socday hawl qaran oo intaas oo dhal marayna waxaa shahaado gudoonsiintayda la raaciyey aafada abaaraha taa waxaa ka sii daran TV gan ay xukuumadu maamushana laba cajaladood oo ay iga qaadeen wali alaanka ala iima soo dayn waxaan ku talin laha tan maantana ha ka sii daynina muuqayga.

Mudane Ahmed Yusuf Yasiin ayaan sheegay in dalka ay dad badani u soo dhinteen u soo naafoobeen agoon badanina jirto markaa mar hadii adiga shahaado lagu gudoonsiiyo waa sad waxa kale oo aan kuu sheegaya wixi aad qalad tisanayso wadakaaga u tirso waxaanaan maanta kaga balan qaadan mar hadii aan hawshaa faraha la soo galay in aan TV ga lagaa sii dayn doono oo la aanu odhan doono waa mujaahidkii 18 dalka soo maray ictiraaf raadi awgeed .

Ugu dambayntii Mudane Maqtal oo aan ku qanacsanayn hawshaas ayaan xafladii sidii ku dhamatay laguna soo gabagabeeyey .

Warqabadka Togaherer
Hargaysa

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: