Toggaherer’s Weblog

FARAH PANDITH OO LOO MAGACAABAY ERGEY MARYKANKA XIDHIIDHIYA ADUUNKA MUSLIMKA

Posted on: June 28, 2009

FARAH PANDITH OO LOO MAGACAABAY ERGEY MARYKANKA XIDHIIDHIYA ADUUNKA MUSLIMKA
Image and video hosting by TinyPic

Dowlada Maraykanka ayaa ergay gaar ah markii ugu horeysay u magacowday dadka Muslimka ah ee Caalamka ku dhaqan, ergaygan ayaa lagu sheegay inay noqon doonto Haweenayda lagu magacaabo Farah Pandith.

Farah Pandith oo ah haweenay Muslimad ah, ayaa ayadu horey u ahaan jirtay sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalkaasi Maraykanka, waxayna ku dhalatay oo asal ahaan kasoo jeedaa gobalka Kashmiir ee Hindiya gacanta ku heyso.

Farah ayaa horey u ahaan jirtay diblamaasi Maraykan ah oo kasoo shaqeeyey qaaradaha Yurub iyo Aasiya.

Qoraal loo gudbiyey shaqaalaha Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayey Mrs. Hillary Clinton, Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka ku sheegtay Ms.Farah inay tahay qof mutacalimad ah oo wax badan kusoo kordhin doonta xiriirka ka dhaxeeyey Maraykanka iyo Muslimiinta.

“……Farah Pandith waxay ka qeyb qaadan doontaa sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeeyey Muslimiinta iyo Maraykanka, ayadoo meesha laga saarayo wixii dhaawici kara xiriirka labada dhinac…..”ayey tiri Hillary Clinton oo markii ugu horey sheegtay in Xukuumada Maraykanka xooga saareyso sidii wax looga qaban xasaasiyada dhextaal Muslimka iyo Maraykanka.

Magacaabida Ergaygan ayaa kusoo beegmaysa bil kadib markii uu Madaxweyne Obama khudbad uu ka jeediyey dalka Masar ku sheegay in xukuumadiisa ay hagaajin doonto xiriirka ay laleeyihiin dunnida Islaamka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: