Toggaherer’s Weblog

ENG FAYSAL CALI WARAABE OO DADWEYNAHA S/LAND EE RIYADH KALA QAYB QAATAY XUSKA 26 JUNE

Posted on: June 28, 2009

ENG FAYSAL CALI WARAABE OO DADWEYNAHA S/LAND EE RIYADH KALA QAYB QAATAY XUSKA 26 JUNE

Eng. Faysal Cali Waraabe oo dadweynaha Somaliland ee Riyadh kala qaybgalay xuska 26 June.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasiyay oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Dhallinyarada Somaliland ee Saudi Arabia ( SSYO) ayaa habeenkii 26 June lagu qabtay qaacad weyn oo ku taalla magaalada Riyadh.

Xafladdan oo lagu soo sharfay kana soo qaybgaleen madaxda Urur Siyaasadeedka UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, iyo ku-xigeenkiisa Dr.Maxamed-Rashiid Sh.Xassan, oo booqasho ku jooga dalka Saudi Arabia, ayaa waxa isugu yimid dadweyne boqolaal kor u dhaafay oo rag, dumar iyo carruur isugu jira, oo dhammaantood lulayay calanka Somaliland. Bilowgi furitaanka waxa kelmed isugu jirta ahamiyadda ay leedahay maalinta 26 June, iyo
dareenkii habeenkaa jiray ka jeediyay Axmed Xussein Ismaciil, waxaanu si qota dheer uga sheekeeyay taariikhdii gumaysiga ee Afrika guud ahaan iyo quruumihii Somaliyeed gaar ahaan, waxaanu soo qaatay tuducyo ka mid ah suugaanihii kala gaddisnaa ee ay abwaanadii xilligaa noolaa habeenkii ka tiriyeen madashii calnka lagu saarayay beerta xorriyadda ee magaalada Hargeisa.

Mud,Suleyman Yousuf oo ka mid ah odayaasha Riyadh ayaa issaguna si qoto dheer uga sheekeeyay, halgankii dorraad ( 1960kii iyo ka hor), kii shalay ( SNM iyo halgankii dib-u-xoraynta) iyo ka manta, issaga oo hubaal geliyay
sida aanay reer Somaliland uga goa’ntahay inay ku fara adaygaan qarannimadooda, mar danbena aanay dhayal ugu lumin doonin gobannimadooda ay dhiigga badan u soo daadiyeen.

Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarad Somaliland ee Saudi Arabia (SSYO), Liibaan Barre Awgaab ayaa isaguna munaasibadda ka jeediyay ereyo kooban oo uu ku soo dhaweynayo marti sharafta kagana sheekeeynayo taariikhdii asaaskii
ururka SSYO.

Axmed Cali Mahdi, oo ku hadlaya magaca jaalliyadaha Somaliland ee Saudi Arabia ayaa isna munaasabadda ka hadlay, issaga oo tilmaamay sida ay dadweynaha reer Riyadh ugu faraxsanyihiin ka soo qabygalka ay munaasabadda kala soo qayb galeen madax ka socota dalkii hooyo, waxaanu uga mahadceliyay madaxda ururka UCID sida farxadda le ee ay ugula ciideen munaasabadda sannad
guurada 49aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimada ka qaadatay gumaystihii ingriiska. Axmed Cali Mahdi waxa uu ku guubaabiyay dhammaan dadkii munaasabadda ka soo qaybgalay inay isku duubnaadaan oo ay
iska illaawaan xisbinimada oo ay meel uga soo wada jeestaan hawlaha qaranka noocay doonaan ha noqdaane.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna munaasabadda ka jeediyay ereyo uu ugu mahadnaqayo dadweynaha Riyadh sida ay ugu soo dhaweeyeen munaasabaddan qaaliga ah, waxaanu ku dardaaray dhammaan dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay dalkooda ka war hayaan, oo ay caqli iyo cilmi wixii karaankooda aana waxba kala hadhin.

Waxaa kale oo uu Gudoomiyuhu uga ka warramay xaaladda dalku ku suganyahay,
waxaanu tilmaamay in khilaafadka yaryar ee ka jira arrimaha doorashada lagu dhammayn doono wada hadal sidii looga bartay Somaliland, doorashaduna ay xilliga loo qorsheeyay dhici doonto in sha’allah.

Dr.Maxamed Rashid Sheikh Xassan ayaa isaguna ku guubaabiyay dadweynaha munaasabadda isugu yimid inay dalkooda ka warhayaan, oo ay ogaadaan in qof
kasta oo u dhashay Somaliland mas’uuliyadi ka saarantahay horumarinta
Somaliland.

Waxa halkaa ku soo bandhigay ciyaar dhaqameed aad looga helay ku soo bandhigay gabdho iyo wiilal ku labbisan dhar lagu soo naqsahadeeyay midabbada calanka Somaliland, oo dadweynaha horkeenay ciyaar aad looga
helay.

Ugu danbayntii Mudane Ahmed Awliyo oo ku hadlayay magaca qabanqaabiyayaasha xafladda ayaa isaguna ka hadlay munaasabadda issaga oo madaxda ururka UCID iyo dhammaan ka soo qaybgalayaasha uga mahadceliyay sida fiican ee ay ugala
soo qaybgaleen xafladdan lagu xusayo munaasabadda 26 June.

Xafladaas oo u dhacday si heer qaran ah dadweenaha kasoo qeeb galayna ee ka muuqataay wadanimo iyo qiiro xad dhaaf ah ayaanu sawiradeeda idiinsoo gudbin doonaa si dhakhso ah ee la socda.

By;
Mustafe Cali Xasan
Gudida Qabanqaabada

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: