Toggaherer’s Weblog

DAWLADA FARANSIISKA OO QAADANAYSA TIRO KA MID AH TAHRIIBAYAASHA KU SUGAN MALTA

Posted on: June 28, 2009

DAWLADA FARANSIISKA OO QAADANAYSA TIRO KA MID AH TAHRIIBAYAASHA KU SUGAN MALTA

Paris 27 June 2009 (THN)
Erik Beeson oo Wasiirka Socdaalka ee Faransiiska ayaa sheegay u inay Dowladda Faransiiska ka codsaday dowladda Malta sidii taageero looga siin lahaa in 100 qaxooti shisheeye ah loo dejin lahaa dalka Faransiiska.

Wasiirka waxa uu Qaxootiga u sheegay inay Dowladda Faransiiska siinayso fursad si ay uga fekeraan inay mustaqbalkooda ku qaataan Qaaradda Europe, wuxuuna ku booriyey Qaxootiga loo qaadayo dalka Faransiiska inay xushmeeyaan Dhaqanka dalkaasi.

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo waxa uu Qaxootiga u sheegay inaan carruurta yaryar loo oggolaan doonin inay madaxa hagoog ahaan Niqaab u xidhaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jesiiradda Malta, Karam Mifsuud Boniiki, ayaa sheegay in go’aanka ay Dowladda Faransiiska ugu oggolaatay inay 100-Qaxooti Afrikaan ah magangeliyo siiyo tahay Tallaabo Aadminimo, wuxuuna ugu baaqay Dowladaha kale ee ka tirsan Ururka Midowga Europe inay ku daydaan Tallaabaddaasi Qaxootiga lagu siiyey magangeliyadda.

Xabiiba Amiir Muusa oo ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee magangeliyadda ka helay dalka Faransiiska, ayaa sheegtay inay Dowladda Malta uga mahad celinayaan sida ay iyada iyo Tahriibayaasha kale uga soo badbaadiyeen Badda iyo Dowladda Faransiiska oo oggolaatay inay Qaxootigaasi qaabilaan.

Xabiibo Amiir Muusa, waxay intaasi ku dartay inay doonayso inay shaqo ka hesho dalka Faransiiska, oo ay noqoto Maareeye Hoteel.

Boqolka Qaxootiga Afrikaanka ee ay Dowladda Faransiiska siisay oggolaanshaha Deganaanshaha , oo u kala dhashay dalalka Somalia, Iver Coast , Siralank iyo Ciraaq, waxaa ku jirta 20-carruur ah ayaa la sheegay in la kala dejin doono saddex goobood oo ku taalla gudaha dalkaasi.

Qaxootigaasi ayaa waxay ka mid yihiin Tahriibayaasha doonyaha kaga soo gudbay Badda Medetereeniyanka, ee laga soo badbaadiyey Badda ka baxsan Jesiiradda Malta .

Tallabadda Qaxootiga shisheeyaha, siiba kuwa Afrikaanka looga qaadayo Jesiiradda Malta ayaa sii kordhayso, iyadoo ay Dowladda Maraykanka bilowgii bishan ay magangeliyo siisay Qaxooti u kala dhalatay dalalka Somalia iyo Eritrea oo ku dhibaataysnaa Jesiiradda Malta.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: