Toggaherer’s Weblog

XAFLADA LAGU XUSAAYEY MUNASABADA 26 JUNE OO CAAWA KA DHACDAY MADAXTOOYADA S/L

Posted on: June 27, 2009

XAFLADA LAGU XUSAAYEY MUNASABADA 26 JUNE OO CAAWA KA DHACDAY MADAXTOOYADA S/L

Xaflad Balaadhan oo Lagu Xusayay Munaasibadda 26 ka Juun ayaa Caawa Lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyadda ee JSL .

Xafladaasi oo ay kasoo qaybgaleen Wasiiro Tirobadan oo ka mid ah Xukuumadda Somaliland Madax ka Socotay Labada aqal ee Guurtida iyo wakiiladda iyadoo uu Xafladaasi Goob Joog ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadda Koowaad Marwo Hudda Barkhad Aaden iyo Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Mudane Axmed yuusuf Yaasiin .

Xafladaasi lagu Xusayay Caawa 26 ka Juun Maalintii ay Somaliland Xoriyadeedii ka qaadatay Mucamaradii Ingriiska waxa Xafladaasi si weyn uga Muuqatay Fanaanada Caanka ah ee Maryan Mursal Ciise iyo Nimco Yaasiin Caraale oo Labadduba Heeso si weyn loo Jeclaystay ku soo bandhigay .

Sidoo kale Fanaaniinta Qaranka ee Somaliland ayaa iyana Ruwaayaddo iyo Heeso ku saabsan Maalintaasi 26 ka Juun ku soo bandhigay Goobtaasi .
Maanta oo ay ahayd 26 ka Juun waxa ay Sanadkan ku soo hagaagtay Maalin Jimce ah iyadoo maalinta berito ahna ay Fasax ahaan Doonaan Shaqaaluhu si Loo Xuso qiimaha maalintaasi leedahay .

Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland
Email: mahamad95@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: