Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA KHARAJIGA S/L OO SHIR JARAAID KU SHEEGAY SABABTA BAQASHADOODA MARAYKANKA.

Posted on: June 27, 2009

WASIIRKA KHARAJIGA S/L OO SHIR JARAAID KU SHEEGAY SABABTA BAQASHADOODA MARAYKANKA.

Wasirka arimaha gudaha Somalilan Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa maanta shaacaka qaaday in aanay ka qayb galayn shirka washinton ee la sheegaaayo taas oo uu sabab uga dhigay in aanay ka somaliland ahaan u qalmin in ay shirkaas galaan. Sidaa wasaiirku waxa uu ka sheegay maanta shir jaraaid oo uu qabtay xafiiska kaas oo uu ku balbalaadhiyey sababaha keenay in maanta oo 25 june ah oo la doonayey in aanu ku kulano dalkasai maraykanka sadex qaybood oo kala ah Somaliland iyo puntland iyo dawlada kumeelka Somalia . Mudane Ducaale waxa kale oo uu sheegay inay soo gadhay waraaq ay ku qornayd casuumada taas oo ay soo direen congresska gudida u qaabilsan arimaha africa ,lakiin se ay ku gacan saydheen ka qaybgalkasi taas oo uu sheegay wasiirku in aanay munaasabay dawalda Somaliland maadaama waxa lagaga hadlayaa ay tahay wax khuseeya kooxaha Somalia. Waxa uu wasiirku sheegay in madaxa gudida conresska dalkaasi Maraykanka u qabilsan arimaha africa mr donel Brayck ninkaas oo ah mid runtii saxiibtinimo fiican la leh Somaliland oo dhawr jeer yimid dalka ayaa nagu casuumay shirkaasi warqad ay ku qorontahay casuumad rasmiyana noo soo diray warqadana si rasmi ah noogu soo qoray aniga ka Wasiir khaaraji ahaa oo uu leeyahay waxaanu jeclnahay inaad noo timaado oo aad ka soo qayb geshida shirka oo aad hadalna ka jeedisida. Su’aalona lagaa waydiiyo. Waxa kale oo aanu soo casuunay ayuu yidhi maamulka Puntland iyo dawladda ku meelgaadhka ah. Markaa waxaan ku yidhi mabdi’iyan waanu qaadanay,laakiin waxaanu ku idhi qaabka meesha loo tegayo waanu isla eegaynaa. Anagga Somaliland ahaan anagoo ogalaanay mab’diyan haddana waxa ayaa si bedelay, waxa si bedelayna waxaa weeye qaabkii iyo farsamadii ayay wax iska bedeleen, Dabadeed, waxaanu u xil saaranay Wakiilka Somaliland ee Washington Dr. Sacad Sh. Nuur, Mr. Donald-na wuxuu u xil saaray guddi, waana la si arkay ogaalkayga iyada oo qaban-qaabinta ama farsamadii arrintaasi lagu jiro, ayaa waxa na soo gaadhay war odhanaya u jeedada ugu weyn ee shirku waxaa weeye in wada hadal in saddex qaybood ee ay magacaabeen inay ku wada hadalaan Markaykanka iyo in lagaga hadalo arrimaha dan wadaaga u noqon karaan saddexdaa qaybood ee ay casuumeeen.” Sidaa waxaa yidhi mudane wasiir Dhoolayare. Isaga oo ka waramaaya sida uu ay yeeleen markii uu arinku isu badalay wada hadalna waxa uu yidhi ” Markaa arrintaa runtii waanu liqi kari waynay markii aanu ka tashanay xukuumada ahaan ee aan kula noqday Madaxweynaha iyo Xukuumadda, waxaanu isla garanay in ay sharaf-darro iyo sharaf-dhac ku tahay Somaliland ka qayb galka shirkaasi. Maadaama oo sidii aanu ugu talo galnay aanu ahayn shirkaas.” Sidaasi waxaa yidhi Cabdilaahi Maxamed Ducaale wasiirka khaarajiga Sl Wasiirka khaarajiga ayaa ka dalbaday Maraykanku in uu u aqoonsado dal gaar ah oo buuxiyey shuruudihii ay lahaan jirtay dawladi taas oo uu cadeeyey in aanyay la mid ahayn labadan dhinac ee kale waxanuu yidhi “ Anaggu haddii aanu Somaliland waxaanu jeclnahay in gudida Arrimaha afrika ay Somaliland u arkaan dal gaar ah, waayo waxaanu nahay dal xor ah oo hawlihiisii dhamaystay distuur leh, dimuqraadiya, wixii dan ah ee xidhiidhka markaykan ahna diyaar ayaanu u nahay ee ha la arko. Qoladan kale ee isku Federalka ah (Somaliya iyo puntland) waxay doonaanba ah kala sheegtaane gaar ha ula macaamilaan. Ma hubo inay ka socoton arrinta shirkani xagga gudoomiyaha gudida hoosaadkan, kolayba waxaana filayaa in warku meel dhexe nagga yimida. Qoraal baanu u dirnay oo waxaanu u sheegnay in aanu ka cudur-daaranay oo aananu ka qayb-galayn Kulankaas, balse waxaanu qorshaynay in aanu socdaal kale ku tagno Maraykanka, isla markaana waxaanu dalbanay in si gaar ah naloogu ballamiyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalkaas.” Guntii iyo gunaanadkii waxa uu wasiirku ku soo dhameeyey in ay Somaliland u tahay diyaar booqashada dalka Maraykanka se aanay diyaar u ahayn in ay kooxo wada ahdal la galaan anay waxba ka dhaxayn. Warqabadka Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: