Toggaherer’s Weblog

WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO SABTI AH 27 JUNE 2009

Posted on: June 27, 2009

WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO SABTI AH 27 JUNE 2009

Wararkii Wargeyska Ogaal, Sabti June 27, 2009.

Geedi-socodka dacwadeed iyo xaalada nololeed ee Maxamed Saleebaan Barre

Guantanamo Bay: Garnaqsiga Aabe Somalilander ah oo wiilkiisuXabsiga ku jiro iyo codsi uu u diray Madaxweyne Barack Obama

“Maxamed waa inankii ugu cad-cadaa uguna caawimada badnaa tobankayga caruur ah, waana curad-xigeenkayga, mana jiraan wax uu dembile ku noqday oo aan ka ahayn inuu….” Qoraalka loo diray M/weynaha USA

“Ficilladaada (Obama) ayaa Aniga iyo qoyskaygaba rejo balaaadhan naga geliyay in inankayagu uu si dhakhso ah dib noola soo midoobi doono, balse….”

Washington DC (Ogaal/WashingtonPost)- Aabaha dhalay nin u dhashay Somaliland oo ku xidhan Xabsiga Ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Jasiiradda Cuba ee Guantanamo Bay, ayaa waraaq uu kaga dalbanayo sii-daynta wiilkiisa u diray Madaxweynaha Maraykanka Barack Xuseen Obama.

Sida uu faafiyay Wargeyska Washington Post oo shalay faafiyay waraaqdaas iyo qoraalada waraaqo kale oo lagu kala socodsiiyay Madaxweyne Obama iyo Qareenka difaacayay maxbuuska Maxamed Saleebaan Barre oo tan iyo 2002 ku xidhnaa Guantanamo Bay, iyadoo xilligii laga qabtay Pakistan la sheegay inuu ahaa nin u shaqaynayay xawaaladdaha lacagaha mid ka mid ah, ayaa qoraalada waraaqahan oo Wargeyska Ogaal soo tarjumay, waxaana ugu soo horaysa waraaqda uu Madaxweyne Obama u diray Aabo Saleebaan Barre Cali, taasoo uu ku bilaabay sidan; “Magacaygu waa Saleebaan Barre Cali. Waxaanan ahay aabaha dhalay Maxamed Saleebaan Barre. Inankaygu wuxuu ku xidhnaa Guantanamo Bay inka badan toddoba sannadood, weligiina laguma eedayn wax dembiyo ah. Ma jiraan wax uu dembiile ku noqday oo aan ka ahayn inuu dalkiisii hooyo ka qaxay iyadoo ay socdeen dagaalo sokeeye. Waxaan aaminsanahay inuu weli maanta jeelka ugu jiro keliya, sababta oo ah dalkayga ayaa awood xadidan u leh inay dib dalka ugu soo celiyaan: Mr Maxamed waa qaxoonti hoos-jooga daryeelka Hay’adda Qaxoontiga Qaramada Midoobay u qaabilsan UNHCR, waxaanu u dhashay Jamhuuriyada Madaxabanaan ee Somaliland, taasoo aan xidhiidh rasmiya la lahayn Maraykanka. Laakiin immika waxaan rajaynayaa inuu dalka ku soo noqon doono, mar hadii aad adigu tahay (Obama) Madaxweynaha Maraykanka. Dhamaanba, hadii aanu nahay qoyskiisa waxaanu sugaynaa inaanu dib ugu soo dhawayno dalkiisa, taageerana siino, isla markaana dawladda Somaliland waxay noo sheegtay inay dib ugu soo dhawayn doonaan dalkiisa sidoo kale. Inankaygu dembi ma laha, waxaanu qoyskiisa ka caawin lahaa beeraha, balse maaha xabsiga. Waxaan qoraalkan kuugu soo dirayaa inaan kaaga dalbado inaad inankayga u ogolaatid xorriyadiisa oo aad sida ugu dhakhsaha badan dib ugu soo celiso dalkiisa iyo qoyskiisa. Waxaan ku kalsoonahay inaad caawimo ka geysanayso. Waxaan ka warhayaa talaabooyinka aad ku talaabsatay ilaa intii aad Madaxweynaha ahayd si aad u saxdo khaladaadkii Madaxweynihii hore ee Maraykanka, isla markaana aad ku hubinayso inaanay cidina ku sii jirin Jeelka Guantanamo Bay iyada oo aan dembi loo haysan ama aan loo xukumin. Ficilladaada ayaa aniga iyo qoyskaygaba rajo balaaadhan naga geliyay in inankayagu uu si dhakhso ah dib noola soo midoobi doono, balse maalintani si dhakhso ku filan umay timaadeen. Waxaan doonayaa inaan kaaga waramo arrimaha la xidhiidha inankayga iyo sidii uu ku tegay Guantanamo Bay. Waxba kama ogi dhamaanba sheekada la xidhiidha sidii loogu wareejiyay xabsiga Maraykanka ee Guantanamo Bay, sababta oo ah waxaan ku warhelay xadhigiisa keliya bilo ka dib markii laga qaatay gurigiisa dhexdiisa xilli saq-dhexe ahayd. Laakiin waxaan doonayaa inaan kuu sheego waxaan ogahay si ay caawimo uga geysato dedaalkaaga aad dib ugu eegayso kiiskiisa ee aad dalka (Somaliland) ugu soo wareejinayso. Sheekadiisu waa mid murugo leh.

Maxamed waa inankii ugu cad-cadaa uguna caawimada badnaa tobankayga caruur ah, waana curad-xigeenkayga. Wuxuu ahaa ilme had iyo jeer u taagnaa inuu ku caawiyo, isla markaana ahaa kii ugu wanaagsanaa isguulka. Maxamed iyo mid ka mid ah walaaladii ayaa ahaa kuwa keliya ee dhamaystay dugsiga sare, balse isagu waxbarashadiisii ayuu sii watay. Waxaana uu digrii Jaamacadeed ku soo qaatay Cilmiga Beeraha si uu qoyskiisa uga caawiyo wax-beerista. Xaaladaha dhaqaale iyo dagaalladii jiray ayaa xadiday awoodii ay kuwa kale u lahaayeen dhamaystirka waxbarashadooda. Dhamaanba qoysku way taageerayeen waxbarashadii Maxamed, sababta oo ah, waxaanu aqonsanayn inay dhamaantayo naga caawin doonto dhinaca dhaqaalaha. Maxamed wuxuu ku gudbay imtixaankii si uu awood ugu helo waxbarashadiisa oo uu ka sii wato Muqdisho, caasimadii Soomaaliya. Tacliintiisu waxay ahayd bilaash ka dib imtixaankaa uu ku gudbay. Waxaan ku taageerayay Maxamed intii uu Muqdisho joogay wax kasta oo aan u awoodayay xilligii aan lacagta hayay. Sida guud ahaaneed weligii kamuu caban jirin noloshii halkaa taalay, waxaanan aaminsanahay inuu si balaadhan ugu raaxaysanayay waxbarashadiisa. Laakiin isu-dheelitirkii noloshiisa iyo taaydiiba isla markiiba wax baa iska bedelay. Horaantii sagaashanaadkii ayuu dagaal ka qarxay Soomaaliya, waana dagaalka ilaa maanta socda. Waqtigaas waxa socday dagaalo ay iskala soo horjeedeen waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya, Qabaa’illadu midba ka kale ayuu dagaal kula jiray, rabshadaha ayaa baahay, Soomaali badan ayaanay noqotay inay ka qaxaan dhulalka magaalooyinka ah ama meelaha miyiyada ah guud ahaanba si ay u badbaadaan. Dadka qaar waxay tageen Kenya, qaar waxay tageen dibadaha ee ay ku noolaan karayeen, hadana qaar kale ayaa aad uga fogaaday caasimadaha oo baadiyeyaasha tegay. Qaar badan oo qoyskayaga ka mid ahaa ayaa ku fogaaday miyiga iyagiyo xoolahoodii, iyagoo isku deyay inay ka hortagaan dagaal iyo rabashado. Sidaa aawadeed, Maxamed wuxuu horaantii sagaashanaadkii tegay Pakistan si uu ugu badbaado iyo inuu halkaa nolol ka samaysto, isla markaana uu caawimo uga geysto sidii uu qoyskiisu uga soo bixi lahaa dhulalkii dagaaladu ka taagnaayeen. Noloshii Maxamed ee Pakistan waxay u muuqatay mid degen. Wuxuu ahaa qaxoonti hoos-jooga Hay’adda Qaxoontiga Adduunka ee halkaas, waxaanan ogahay intii uu halkaa joogay inuu qayb ahaan u shaqaynayay xawaalad lacagaha xawisha oo la yidhaahdo Dahabshiil. Dahabshiil waa shirkad wayn oo caan ah oo qoysaska ka caawisa sidii ay isugu xidhi lahayd si ay lacaaha isugu diraan. Somaliland-na waxay la mid tahay Baanka…..

Markii Maxamed loo qaaday Guantanamo Bay, anaga nalama soo siinin wax wargelin ah ka hor iyo ka diba. Balse, waxa keliya ee aanu ogaanay waxay ahayd markii halkaa la geeyay, ka db markii la waayay, waxaananu dabadeed u baqanay noloshiisii iyo amaankiisa. Markii muuqiisa la waayay, waxaanu bilawnay inaanu raadino warkiisa la xidhiidhay waxa isaga ku dhacay. Sababta oo ah, wuxuu noola soo hadli jiray si joogto ah, markaa aad ayaanu u werwernay markii aanu hadalba ka waynay laba bilood. Werwerkayagii wuxuu horseeday inaanu la xidhiidhno Soomaali kale oo Pakistan ku noolaa si aanu uga raadino in hadii ay wax ka ogyihiin wax kasta oo ku saabsan waxa ku dhacay Maxamed. Aad bay u adkayd in wax sidaa u badan laga ogaado wixii ku dhacay Maxamed, welina wax yar ayaanu ka ognahay. Waxaanu Soomaali ku noolayd Pakistan ka ogaanay in dawladda Pakistan ay gurigiisa ka qaaday oo dabadeedna si uun, inkasta oo aanaan weligayo waxba ka ogayn sidii iyo sababtii loogu diray xabsiga millatariga Maraykanka ee Guantanamo Bay. Soomaalidii aanu markii ugu horaysay la hadalay waxay sheegeen inay u malaynayeen in Maxamed la soo deynayo. Balse ugu dambayntii markii ay sannado ka soo wareegtay ayaanu ogaanay inuu Maxamed waqti dheer xabsigaa ku jirayo. Welina ma kala garanayno xilliga uu xabsigaa ka soo baxayo, laakiin waxaanu rajaynaynaa inay immika dhakhso noqonayso, maadaama siyaasadii Maraykanku isbedelayso. Weli ma jirto cid noo cadaysay sababta uu Maxamed u xidhan yahay. Waxaanse aaminsanahay in inankaygu intii uu joogay Pakistan aanu wax xun samaynin. Waa inan wanaagsan, waa qaxoonti ka cararay wadan dagaal ka taagnaa, waana nin had iyo jeer ka fekera qoyskiisa marka ugu horaysa. Waxaan sidioo kale ogahay inaanu jirin wadan kale oo uu Maxamed ku noolaa, marka laga yimaado Soomaaliya iyo Pakistan, mana aminsani inuu ku noolaa dalal kale, xataa hadii uu socdaalo ku maray dalal kale intii uu ka gaadhayay Pakistan. Ilaa immika ma kala ogin sababta loogu qaaday Guantanamo Bay, mana kala garaayo hadii aanu weligayo kala ogaan doono.

Ilaa intii ku jiray xabsiga Guantanamo Bay, waxaanu ka helay laba waraaqood oo uu noo soo mariyay Laanqayrta Cas. Waxaanu waraaqihiisaa noogu sheegay inuu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, waxaanu na waydiistay inaanu u ducayno. Waxaanu isku daynay inaanu waraaqo jawaab ah u dirno sidoo kale, laakiin ma kala ogin inuu waraaqahayaggaas helay iyo inkale, mana kala ogin inuu isku deyay inuu waraaqo kale noo soo dirayay oo aanay noo iman iyo inkale. Waxaanu si adag u aaminsanahay inuu Maxamed ku soo noqon doono dalkiisa oo hada ah Jamhuuriyadda Somaliland. Way ka amaan badan tahay, marka loo eego xilligii uu Maxamed tegay, waxaananu dareemaynaa in xataa hadii aanay amaan ahayn inuu Maxamed ku soo noqon karayo halkan. Somaliland waxay shaaca ka qaaday madaxbanaanideeda iyadoo xataa aanay jirin wax aqoonsiya oo ay caalamka ka heshay. Waxaana badanaaba la aaminsan yahay inay si la yaab leh amaan buuxa u haysato, iyada oo rabshaduhu ay ilaa maanta ka sii socdaan dalka jaarkeeda ah ee Soomaaliya. Caasimadayadu waa Hargeysa, qaar badan oo ka mid ah qoysayaguna waxay ku nool yihiin magaalada labaad ee ugu wayn dalka ee Burco. Burco waa caasimad qurux badan, waana mid haysata nabadgelyo. Dhamaanba qoyskayagu – khaasatan aniga iyo Maxamed hooyadii waxaanu u buknaa qulub iyo murugo aanu ka qaadnay maqnaanshaha mudada dheer ee uu dalka ka maqan yahay iyo xabsiga aadka u fog ee uu ku xidhan yahay. Waxaanu aad isugu taxalujinaynay sidii aanu Maxamed uga caawin lahayn inuu xrriyadiisa helo ee uu dib ugu soo noqon lahaa qoyskiisa iyo dalkiisa. Waxaanu xukuumadda Somaliland ugu tagnay dhawr jeer sidii aanu ula socodsiin lahayn sheekada inankayaga. Waxaanay dawladda Somaliland noo sheegtay inay waraaqo u diri doonaan dawladda Maraykanka oo ay wax uga waydiin lahaayeen arrimaha Maxamed. Waxaanu la hadalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Madaxweynaha-ba. Ilaa immika saddex jeer ayaanu kala hadalay dawladda Somaliland arrinta Maxamed, waxaanay noo sheegeen inay aqbali doonaan in Maxamed dalka dib ugu soo noqdo hadii ay dawladda Maraykanku dalka u soo dirayso. Ma kala garanayo sababta uu ugu sii jiro xabsiga, laakiinse aanay jirin cid ka hadli doonta inuu dembiile ku yahay dembinaba. Waa maxay sababta ay dawladda Maraykanku xabsiga ugu sii hayso Maxamed ka dib sannado badan? Waxaanu doonaynaa inuu dalka iyo qoyskiisa dib ugu soo noqdo. Illaahay idamkii, Maxamed maalin dhaw ayuu mar kale nala joogi doonaa. Marka uu noo yimaado, wuxuu nagula noolaan doonaa Burco. Immika wax dagaal ahi kama taagna waqooyiga, waxaanu xirfaddihiisii u isticmaali karaa caawimo uu ka geysto xoolaha nool mar kale. Hadii uu u baahdo inuu ka soo kabto mudadii dheerayd ee uu jeelka ku jiray, waanu ka caawin doonaa wax kasta oo aanu awoodno. Qoyskiisu wuu balaadhan yahay, waxn away haystaan, ma haysano wax fara badan, laakiin waxaanu diyaar u nahay inaanu ka caawino sidii uu nolol noogala bilaabi lahaa mar kale magaalada Burco. Markuu soo noqdo dad fara badan ayaa isaga sugaya oo ku faraxsanaan doona soo noqoshadiisa. Wuxuu heli doonaa taageradayada iyo wax kastoo uu u baahdo, maadaama oo uu ka soo kabanayo mudadii dheeray ee uu ku soo jiray Xabsiga Guantanamo Bay. Hadii Illaahay idmo, aniga iyo Maxamed hooyadii waxaanu jeclaan lahayn inaanu inankayagii aragno sida ugu dhakhsaha badan ee ugu suuragalsan. Fadlan si dhakhso ah uga soo dir dalkiisa. Fadlan u ogolow Maxamed xorriyadiisa, uguna soo celi qoyskiisa iyo dalkiisa.”

La soco qoraal muwaadin Maxamed Saleebaan Barre kaga waramayo xaaladiisa xabsiga Guantanamo Bay oo uu u diray qareenkiisa iyo qoraal kale oo qareenka difaacayaa u qoray Madaxweyne Barack Obama.

Maraykanka oo jawaabay diidmada S/land

kaga baaqsatay martiqaadkii Washington

“Codsigoodu (Somaliland) wuxuu ka soo horjeedaa ujeedada laga lahaa dhegaysiga kulanka” Senator Donald Payne

“Si nabad loogu soo dabaali karo Soomaaliya waxay ku iman kartaa in la soo dhiso dawlad-gobolleedyo kale, si ay isugu yimaadaan talo guud, Dastuur ay ku heshiiyaana samaysta, dabadeedna…” M/weynaha Puntland

Washington (Ogaal)- Dawladda Maraykanka ayaa si kulul uga jawaabtay diidmada Somaliland kaga baaqsatay ka qaybgalka martiqaadka kulan saddex-geesood ah oo Guddiga Arrimaha dibadda ee Golaha Senate-ku ugu yeedheen Somaliland, dawladda Shariif-ka ee TFG iyo Maamul-gobolleedka Puntland.

Wasiirka Khaarajiga Xukuumadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo lagu casuumay kulankaas oo doraad shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha ka baajiyay martiqaadka guddi-hoosaadka Arrimaha dibadda Congress-ka Maraykanku ugu talogaleen in lagu wada hadalsiiyo, su’aalana lagu waydiiyo dhinacyadaa Soomaalida ah ee lagu casuumay. Hase yeeshee, Guddoomiyaha guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Maraykanka Senator Donald Payne oo ka hadlayay kulan ay Khamiistii guddigoodu ku qabteen xaruntooda Washington oo lagaga hadlay arrimaha Soomaalia, ayaa cudur-daar aan la aqbali karin ku tilmaamay diidmada Somaliland kaga baaqatay kulankaas.

Siday faafisay Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, kulankaas oo uu guddoominayay Donald Payne waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ahmed Weld Cabdalla, Wasiirka Difaaca Uganda Dr. Crispus Kiyonga iyo Ciid Bedel oo ah Danjire Ku-xigeenka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, kuwaasoo dhamaantoodba ka waramay xaalada dalka Soomaaliya. Ka hor inta aanay masuuliyiintaasi warbixintooda soo bandhigin, waxa golaha markhaati ahaan uga horhadlay Dr. Ted Dagne oo ku takhasusay arrimaha Afrika kana tirsan Xarunta Cilmi-baadhista ee Congress-ka iyo Dr. Peter Pham oo ah Professor Cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacadda James Madison, kuwaasoo faahfaahin ka bixiyay xaaladda Soomaaliya ku sugan tahay,waxayna si gaar ah diirada u saareen dhibaatooyinka ka taagan kooxaha xag-jirka ah iyo tuhunka laga qabo in kooxda Al-Qaacida falal Argagixiso ka qorshaynayso gudaha dalka Soomaaliya. Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Congress-ka Maraykanka Mr. Donald Payne, waxa uu mid aan la aqbali karin ku tilmaamay in Somaliland guddigaas si gaar ah ula hadasho, maadaama aanay rabin inay meel wada fadhiistaan dawladda Kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedka Puntland. Hase ahaatee, Donald Payne waxa sheegay in codsigaasi yahay mid ka soo horjeeda ujeedada laga leeyahay dhegaysiga kulankaas oo dhan. Waxa uu sheegay in ujeedada ugu weyn ee laga lahaa kulankaasi tahay sidii masuuliyiinta Maraykanka looga wargelin lahaa xaalada Soomaaliya iyo sida loola tacaali karo mushkiladdaha ka taagan dalkaas. Isla markaana waxa uu masuuliyiinta kulankaa Washington ka qaybgalay uga mahadnaqay sida ay u ajiibeen martiqaadka uu guddigiisu u fidiyay.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmed Weld Cabdalla oo isna kulankaas ka hadlay, waxa uu ka waramay dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya oo labaatankii sannadood ee u dambeeyay colaado daba dheeraaday ka taagnaayeen. Isla markaana waxa uu bulshada Caalamka ugu baaqay inay shacabka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan dhibaatooyinka deriska la ah. “Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin Nabad. Waxay La-hayste ku dhex noqdeen dalkooda, waana in laga saaraa,” ayuu yidhi Ahmed Ould Abdallah.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo kulankaa ka dib waraysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, waxa faahfaahin ka bixiyay sida uu Maamulkiisu u arko in lagaga bixi karo dhibaatooyinka Soomaaliya ka taagan.

“Waxa weeye; sida laga warhayo Puntland waxa lagu dhisay rabitaanka dadka deegaanka degeni inay dawlad gobolleed dhistaan, laakiin Soomaaliya ka mid noqonaya. Annagu waxaanu weligayo dabada ka riixaynay in dalka Soomaaliya uu isku raaci karo, si Nabad loogu soo dabaali karo inay qaabka nidaamka Federaalka ah isku raacaan, taasina waxay ku iman kartaa in la soo dhiso dawlad-gobolleedyo kale oo markaa dawlad-gobolleedyadaas kale isugu yimaadaan talo guud, Dastuur ay ku heshiiyaan samaystaan, dabadeedna dawladda Soomaaliyeed ee Qaran sidaa ku dhisanto. Markaa taas weeye annaga fikradayadu, si aanu jaangooyo ugu noqon karo Soomaaliya inteeda kale oo dhan.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Faroole oo la waydiiyay waxyaabaha uu Maraykanka u bandhigay, si wax looga qabto dhibaatada Soomaaliya ka taagan. Mar la waydiiyay sida uu u arko farogelinta ay Soomaaliya ku hayaan dalalka deriska la ah, gaar ahaan Itoobiya oo uu khudbaddiisana si guud-mar ah ugaga hadlay, waxa uu ku jawaabay; “Farogelinta qofba si buu u yaqaanaaye, Anigu hadda wax farogelin ah oo Itoobiya siday uga baxday dalka waxka dambeeyay ma arko. Midda kale, siday hadda xaaladu tahay ee Xamar laga sheegayo, iyagaaba (dawladda Shariif) codsaday in cidi u timaado oo soo farogeliso, laakiin annaga dhinacayaga waxba maanu codsan, mana arko wax fara-gelin ah oo hadda muuqda oo dhinacaa (Itoobiya) ka yimi.”

Danjire Ku-xigeenka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Mr. Ciid Bedel, kana mid ahaa ka qaybgalayaasha shirkaas oo la waydiiyay Hubka la sheegay in dhowaan dawladda Maraykanku siisay dawladda Sh. Shariif Sh. Axmed, waxa uu yidhi, “Walaahi, siday Idaacadduhu sheegeen iyagay u taalaa. Laakiin, waxaan idiin sheegayaa in Aniga iyo Wasiirkayga Arrimaha Dibaddu aanu muddo badan halkan (Washington) ku soo noqnoqonaynay intii hadda ay dagaaladu Xamar ka bilaabmeen, dawladda Maraykankuna si fiican noo soo dhawaysay, taageero hiil iyo hooba ahna ay siisay dawladda. Taageeradu siday tahay iyo siday u dhacdayna waa mid annaga iyo dawladda Maraykanka naga dhexaysa, laakiin waxaan idiin sheegaynaa in taageeradii Maraykanku inay Soomaaliya soo gaadhay, mid kale oo ku xigtana aanu rejaynayno. Maraykanku wuxuu si cad noogu sheegay in aanu ogolaan doonin in dawladda Sharciga ah ee Soomaaliya la inqilaabo, iyadoo la isticmaalayo mabda aanay dadka Soomaaliyeed shaqo ku lahayn.” Sidoo kale, mar la sii waydiiyay waxyaabaha ay dawladdiisa TFG ka rejaynayso inay ka soo baxaan dhegaysiga waxyaabihii kulankaas lagaga hadlay, waxa uu ku jawaabay; “Annagu dawlad ahaan natiijada ugu muhiimsan ee aanu ka rabnay waxa weeye; in aanu bulshada Caalamka hordhigno qorshaha siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiineed ee dawladda iyo go’aankii dawladda Soomaaliyeed qaadatay oo ah in lagu xaliyo khilaafka Soomaaliya si ay Nabaddi ku jirto oo aan la isku dayin in lagu xaliyo dagaal iyo in la keeno dalka Ciidamo Shisheeye oo ajanabi ah.”

Xuska 26 June: Halkii laga taagay iyo halkii lala tegay sidee loogu kala xusay?

Hargeysa (Ogaal)- Xaflado iyo isu-soo-bax loogu dabaaldegayay xuska 26 Juun oo ah maalintii ugu horaysay ee calan Soomaaliyeed la taago, ayaa ka kala dhacay Garoowe, Dhuuso-marreeb, Guri-ceel iyo meelo kale oo ka tirsan koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale si kooban maalintan looga xusay goobo tiro yar oo Somaliland ah.

Somaliland:

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa munaasibada xuska 26 Juun darteed, waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray shacabka Somaliland. Isla markaana munaasibad lagu xusayo 49 guurada ka soo wareegtay markii ugu horaysay ee la taago calan Soomaaliyeed, ka dib markii saqdii dhexe ee 26 Juun 1960-kii dawladda Ingiriisku Xorriyadda siisay Somaliland, ayaa xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada. Xaflada xalay lagu qabtay Madaxtooyada waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne Ku-xigeenka, Marwada Madaxweynaha, xubno ka tirsan saddexda Gole Qaran iyo masuuliyiin kale, iyadoo ay halkaas koox fanaaniin ahi ku soo bandhigeen heeso ka waramay dedaalkii Xornimo-doorka ee loo soo galay Madaxbanaanida dalka.

Sidoo kale, munaasibado la xidhiidha xuska 26 Juun, ayaa habeen hore iyo shalay lagu kala qabtay magaalooyinka Ceerigaabo iyo Berbera ee gobollada Sanaag iyo Saaxil.

Garoowe:

Sida uu baahiyay Telefishanka ETN, Madaxweyne ku-xigeenka maamul-goboleedka Puntland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Cabdisamad Cali Shire oo shalay ka hadlayay xaflad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Garoowe, laguna xusayay 26 Juun, ayaa ka waramay muhiimada taariikh ahaan ay maalintaas ugu fadhido dadka Soomaaliyeed, isla markaana waxa Somaliland u soo jeediyay inay ka shaqeeyaan sidii loo suurtogelin lahaa wax uu ugu yeedhay midnimo Soomaaliyeed. “Wax waa la kala tirsan, waana laga wadahadli karaa, laakiin wax lagu kala tegi karo (Midnimadu) maaha. Walaalahayaga Maamulka Galbeedka Soomaaliya ee Hargeysa (Somaliland), waxaanu ugu baaqaynaa inay Soomaalinimadii ay hormoodka u ahaayeen, indhaha u ahaayeen ee ay amaanta iyo bogaadinta ku mudan yihiin – haddayba tirsadeen in wax dhibaato ahi ay si gaar ah u soo gaadhay, Anigoo aan aaminsanayn in wax dhibaato ahi ay iyaga (shacabka Somaliland) gaar u gaadhay, laakiin lagaba yaabo in gobollo kale ama dad kale dhibaatadaa uga horeeyeen, in aanay marba Soomaalinimadii ay hormoodka ka ahaayeen ka tegin.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire. Wuxuuna intaa ku daray oo uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha isqabsadaan, taasoo uu ku doodday inay fure u tahay soo celinta xasiloonida iyo sidii ay dhibaatooyinka uga bixi lahaayeen. Waxa uu sheegay in Maamulkiisa ay saldhig u tahay baadi-goobka midnimada Soomaaliyeed. Hase yeeshee, marka laga tago hadalka Madaxweyne Ku-xigeenka iyo xuskaa Garoowe, waxa jiray munaasibado xuska 26 Juun la xidhiidha oo lagu qabtay deegaamo kale oo ka tirsan Maamul-gobolleedka Puntland ee Waqooyi/bari Soomaaliya.

Koonfurta/badhtamaha Soomaaliya:

Dibad-baxyo lagu muujinayo xuska 26 Juun, ayaa shalay ka dhacay deegaamo ka tirsan gobolka Galguduud ee badhtamaha Soomaaliya.

Boqolaal qof ayaa salaadii Jimcaha ka dib, waxa ay isugu soo baxeen magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud, degmooyinka Guri-ceel, Balanbale iyo deegaamo kale oo ka tirsan goobaha ay gacanta ku hayaan kooxda Ahlusuna Waljamaaca ee gobolkaas. Iyadoo ay dadweynahaasi isu-soo baxooda ku muujinayeen xuska iyo weynaynta markii ugu horeysay ee Calan Soomaaliyeed la taago oo ay 49 sannadood ka soo wareegtay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dawladda Kumeel-gaadhka ah ee TFG Shariif Sh. Axmed iyo Raysal-wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si gaar gaar ah waxay shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen xuska 26 Juun.

Gebogebo:

Guud ahaan marka la eego xusaska loo sameeyay 26 Juun, waxa muuqata in si weyn looga xusay Koonfurta iyo gobollada Waqooyi/bari Soomaaliya. Iyadoo xusaska lagu muujiyay 49-guurada ka soo wareegtay markii u horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago Beerta Xorriyada ee magaalada Hargeysa, 26 June 1960-kii, xusaska loogu sameeyay magaalooyinka Somaliland qaarkood ay yihiin kuwo miisaan ahaan iyo taariikhiyanba marka muhiimada maalintaas la eego aan sidii ku haoobanayd loogu dabaal-degin.
“Nin Askari ah baa Xabad igu dhuftay, welina Dawladda wixii aan ka filayay kamaan helin”
Mustafe Cabdiraxmaan
Hargeysa (Ogaal)- ““Anigoo ah dhibbane markay taariikhdu ahayd 14/6/09 uu Rasaas ku dhuftay Nin Boolis ahi, inkasta oo aan hadda Ilaahay mahaddii taaganahay, haddana marnaba tii aan Dawladdayda ka filanayay ee aan lahaa waa lagaa caawinayaa kamaan helin.” Sidaa waxa yidhi Mustafe Cabdiraxmaan Sh. Maxamed oo hadda Cusbatalka weyn ee Hargeysa u jiifa dhaawac ka soo gaadhay Rasaas kaga dhacday Laabta, taas oo la sheegay in uu riday Askari Boolis ahi.
Mustafe Cabdiraxmaan oo ka hadlayay sida dhibtu u gaadhay iyo waxa uu filayay, ayaa wuxuu yidhi, “Dhawr ballamood ayay noo qabteen (Dawladdu), oo waxay yidhaahdeen Askartii waanu soo qabanaynaa. Hase ahaatee, ilaa hadda cid loo hayaa ma jirto. Waxa ii yimi niman baadhayaal ah oo wax iga qor-qoray. Ninka Rasaasta igu dhuftay wuxuu ahaa nin Askari ah oo dad Shicib ahi baacsanayaan, Rasaasta igu dhacdayna waxay ahayd mid uu is-lahaa dadka iskaga dhici. Markii Xabbaddu igu dhacday, Nimanka (Booliska) shan nin ayay ahaayeen oo saddex nin dhinac bay u carareen, laba kalena dhinac bay u carareen. Kuwaas oo mid ka mid ahi yahay ka Rasaasta igu dhuftay.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Laakiinse, Xukuumadda waxaan leeyahay dadkeeda inay ilaashato ayaa habboon, Booliska hadda la qorayna in la baro maamulka iyo dadka sida loola dhaqmo. Waayo, Ninka Booliska ahi in uu xabbadd ku deg-dego maaha, sababtoo ah, xabadda waa la ridaa, laakiin qaabka loo riday Rasaastu qaab qaldan ayay ahayd oo dadka hoos loogu dhigayay.” Waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in ay dhawrto xaqa ay Muwaadiniintu leeyihiin, “Dawladdeena sharafta leh waxaan u soo jeedinayaa in iyada oo amniga ilaalinaysa, haddana la ilaaliyo umadda. Waxaanan leeyahay, anigu Dawladdayda wixii aan ka filanayay weli kama hayo.” Ayuu yidhi Mustafe Cabdiraxmaan.
Dhinaca kale, Aabbaha dhalay Wiilkan Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Cismaan oo isna ka hadlay arrintan, ayaa wuxuu yidhi, “Anigu Burco ayaan joogay markii Wiilkayga Rasaastu ku dhacday..Nimanka C.I.D-du wax baanu baadhaynaa bay yidhaahdeen, wax alla wax ay soo saareen ma jirto. Jannanka Ciidanka Booliska iyo ka hawlgelinta waan u tagnay oo iyana waxay yidhaahdeen waanu baadhaynaa oo haddii wax Askarta ku caddaadaan waanu xidhaynaa Askartii geysatay. Wax laga qabtay ma jirto, mana filayo in si xalaal ah loo danaynayo in loo baadho arrintan. Sababtoo ah, ilaa maanta wax laga qabtay ma jirto muddada intaa le’eg.”

Sheekh Aadan-Siiro oo baaq u jeediyay Dawladda & Shacabka“Raganimo ayay noqotay in Hantida umadda la boobo oo waxay maraysaa Garoomadii Dugsiyada”Sh. Aadan-Siiro
Hargeysa (Ogaal)- “Waad ogtihiin Garoon yar oo Kubadda Cagta ah oo ah 120-Mitir (Garoonka Dugsiga Ex-Xuseen Giire)..Dawladda maanta jirtaa waxay ku dhiiratay, nidaam baa jira ah dad baa la abuurayaa, la maalgelinayaa, loo magac-bixinayaa, taariikh cusub ayaa dadka loo samaynayaa. Waxay ku dhiiradeen dhulkii uu Afweyne oo ahaa ninkii aynu la dagaallamaynay uu ka xishooday in uu bixiyo Dugsiyadii Caruurta. Waa wax laga xishoodo, waxaa maanta Caruurtu isku dilayaan waxa weeye, meel allaala meel ay istaagaan bay la’ yihiin, halka ay ahayd maanta in Guryaha waawayn ee ay ku jireen ee ay leeyihiin umaddu in intay burburiyaan ay Garoomo uga dhigaan, ayaa afartii Garoon ee bannaan ee yaryaraa ee Caruurtu waqtiga ku lumin lahaayeen ayay u soo dhigteen. Laakiin, waxaan kaga ciil la’ahay, lama odhanayo kamaanu hadal, balse waxba idiin tari mayso Masaajidkan oo aynu isugu nimaadnaa. Quwaddu waa Umadda iyo bani’aadamka, waar Caruurta Garoomadooda difaaca, Waddooyinka difaaca. Waad ogtihiin Goljanno (Hargeysa) Maydka meel la geliyaa ma jirto oo Waddooyinkii baa la xidhayaa oo inta aynu hadba Guryo dhaadheer intaynu dhisano ay koox gaar ahi Waddooyinka xidhaan adiga oo soo taagan..Nin cararaya ayaa imanaya oo ku odhanaya, Sheekh maxaa ku kallifay miyaad danahaaga iska qabsatid. Waar halkee dano lagu qabsanayaa, halkee lagu noolaanayaa haddii lagu kala tago, halkee ayaynu umad ku noqonaynaa haddii lagu kala tago..Waar wixiina ilaashada, waar waxay Caruurtu leeyihiin ilaaliya, waar waxa inaga dhaxeeya ilaaliya, waar taas ayaynu dal, dawladnimo iyo dadnimo ku yeelanaynaa.” Sidaa waxa yidhi Sh. Aadan Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan-Siiro) oo ka hadlay arrimo uu ka mid yahay muran ka taagan mid ka mid ah Garoomada Kubadda Cagta ee Degmooyinka Hargeysa.
Sh. Aadan Maxamuud Xiirey (Siiro) oo ka hadlayay Khudbaddii Salaadda Jimcaha shalay ee Masaajidka Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu ka hadlay Diinta Islaamku waxay ka qabto Dhulka loo qaato sifo xaq-darro ah iyo sidoo kale masiirka maalinta Qiyaamaha, isla markaana wuxuu tilmaamay in waqtigan la joogo Hantida umadda la boobo. Waxaanu sheegay in arrimaha noocan ahi aanay ahayn wax la aqbali karo, gaar ahaan Dhisme laga bineeyay Garoonka Kubadda Cagta ee Dugsiga Sheekh Madar (Ex-Xuseen Giire) ee Degmada 26 June ee Hargeysa. “…Raganimo ayay noqotay in Hantida umadda la boobo oo waxay maraysaa Garoomadii Dugsiyada. Waxaanu yeeli karayno oo aynu cidna ka yeeli karayno maaha.” Ayuu yidhi Sheekhu, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Go’aankayaguna waxa weeye Masaajidkan ayaynu ka bilaabaynaaye, Nin walowba 5 midh oo Laban (Jaajuur) ah gee si aynu u dhisno, Masaajidkeena oo kaliya ayaa dhisi karaya ee aynu Dayr ku wareejino inta Ilaahay u keenayo Dawladdii xaqa iyo Caruurta waxooda ilaalinaysay.”
Sheekh Aadan-Siiro wuxuu baaq u jeediyay Dawladda oo uu sheegay in uu qabo inay dalka ku abuurayaan dhaqamo iyo nidaam cusub. “Hantida umadda iyo shareecada ha la ilaaliyo. Waar dhaqankaa aad umadda ku abuuraysaan ka daaya kuwa dawladda iyo Maamulka hayoow, waar dhaqan cusub umadda ha u samaynina. Waar dadkii Umaddu dhaqankooda, Cilmigooda iyo Diintooda ku faanaysay ha daboolina, dad kale oo aynaan garanayna umadda ha ku samaynina..Nidaamka maanta dalka haysta waxaanu anagu u arkaynaa oo aragtidayadu tahay in aad samaynaysaan nidaam cusub oo taariikheed. Xaramka adiga oo maraya oo haya taariikhdii aad 34-ka sanadood soo akhriyaysay, markaad istaagto ayaad diidaysaa oo taariikhdii Asxaabadu sameeyeen ayay Aalu Sucuud (Qoyska Boqortooyada Sucuudiga) bedeleen oo waxay ku dhigeen, halkaa waxa sameeyay Al-Maalik Sucuud, halkaa waxa sameeyay..taariikhdii Muslimiinta oo dhan bay isku soo ururiyeen, waxaanay baabi’iyeen tii saxaabada ee soo taxnayd 1429 sanadood. Maamulada Muslimiinta ee dariiq qaldan u shaqaynaya ayay ka mid tahay in taariikhda umadda inta la baabi’iyo, in taariikh kale oo cusub loo sameeyo.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan.
Sidoo kale, Sh. Aadan-Siiro waxa uu mahad-naq u jeediyay Maxamed Muuse (Makhtal) oo ah Muwaadin qaddiyadda Somaliland gaadhi ugu soo maray ilaa 18 Dal oo shalay ka mid ahaa dadkii Salaadda Jimcaha Masjidkaa ku tukaday. “Maanta waxa inala jooga Maxamed Muuse (Makhtal) oo in badan qurbaha ku maqnaa, islamarkaana Baabuur yar ku soo maray 18 Dal, si uu Dunida uga dhaadhiciyo Xaqa aynu leenahay. Waa arrin ay garan waayeen qaar in badan umaddu ay maamuustay oo lacag badan ku bixisay, magacyadooda ay dhiig badan u hureen. Waa arrin ay ka xishoodaan markay meelo badan marayaan umadda ay ka yimaadeen waxay doonayso.. Yaa soo dhaweeyey, Nimanka Wasiirada ah iyo dadka la soo doortay halkay joogeen markuu Hargeysa soo galayay?..Waxaanu leenahay Ilaahay ha kaa abaal-mariyo, waxaanaynu ku soo dhawaynaynaa Masaajidka Xawaadle (Hargeysa)” ayuu yidhi Sh. Aadan. Dhanka kale, arrimihii khudbaddiisii shalay uu kaga hadlay Sheekh Aadan waxa ka mid ahayd xaaladda Soomaaliya oo uu Ilaahay uga baryay in ay degto.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: