Toggaherer’s Weblog

KHILAAF LA SHEEGAYO IN UU SOO KALA DHEX GALAY URURKA XISBUL ISLAAM EE DAAHIR AWEYS

Posted on: June 27, 2009

KHILAAF LA SHEEGAYO IN UU SOO KALA DHEX GALAY URURKA XISBUL ISLAAM EE DAAHIR AWEYS

Ururka Xisbul Islaam ee ka mid ah kooxaha la dagaalamaya Dowladda KMG ayaa qarka u saaran inay labo garab u kala jabaan, kadib markii uu soo kala dhex galay ismaandhaafkii ugu xooganaa ee abid soo dhex gala Mas’uuliyiinta.

Sida ay baahisay Tv-ga Afka dheer ee Al-Jazeera qeybteeda afka Carabiga Saraakiisha sar sare ee Xisbul Islaam ayaa ah kuwo ku kala qeybsan qaababka kala duwan ee lala dagaalamayo Dowladda KMG.

Wararka ayaa sheegaya in Ururkan oo uu hogaamiyo Sheekh Xasan Dahir ay qaarkood dhaliilsan yihiin weerarada ismiidaaminta ee ay adeegsadaan Ururka Alshabaab, kaasoo Xubno uu ugu horeeyo Xasan Dahir ay aad uga soo horjeedaan, waxaana tani ay ka dambeysay markii uu wadaadkaas todobaadkii hore uu cod hoose uga hadlay qarixii ismiidaaminta ee lala eegtay Wasiirkii Amniga.

Ururka Xisbul Islaam oo ay haatan heysato labo daran mid dooro ayay waxay wararka intaa ku darayaan in qaar ka mid ah saraakiishooda ay ku dhawaaqeen inay la bahoobayaan Ururka Alshabaab oo ay haatan dagaalada isku dhinac ka yihiin.

Saraakiisha qaar oo aan magacooda la sheegin ayaa ku taageersan fikirka qaraxyada ismiidaaminta, waxaana la sheegayaa inay ku doodaan inay qeyb ka tahay la dagaalankooda.

Hadal uu dhowaan jeediyay Afhayeenka Baarlamaanka ayaa waxaa uu ku sheegay in Ururka Xisbul Islaam uu ka yara dabacsan yahay Alshabaab, waxaana uu sheegay in iyaga wada hadal lala gelo karo oo ay joogaan meel dhow, hase ahaatee Xarakada Alshabaab ayuu ku tilmaamay kuwo mowqifkooda fogaaday.

AXMED KULAN(JOKER)
MUQDISHO

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: