Toggaherer’s Weblog

BANKIGA MAGAALDA LAASCAANOOD OO SAAKA SI RASMI AH ALBAABDA LOOGU FURAY(SAWIRO)

Posted on: June 27, 2009

BANKIGA MAGAALDA LAASCAANOOD OO SAAKA SI RASMI AH ALBAABDA LOOGU FURAY(SAWIRO)

Bankiga magaalada Laascaanood oo saaka si rasmi ah albaabada loogu furay muddo labo sano ah kadib.

Waxaa saaka lagu qabtay Banki-ga magaalada Laascaanood xaflad balaadhan oo lagu furayay Bankiga magaalada kaas oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socda Banka dhexe ee Somaliland,heer Gobol iyo waliba shacab wayne aad u fara badan kuwaas oo si wayn ugu faraxsanaa furitaanka Bankiga magaalada.

Xafladan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay Bankiga magaalada iyadoo ay halkaasi ka hadleen masuuliyiin iyo waliba qayb kamid ah cuqaasha magaalada kuwaas oo halkaasi kasoo jeediyay hadalo muujinaya cabirkooda ay fikir ahaan ka qabaan furitaanka kaas oo ay ku xuseen inay si wayn ugu faraxsan yihiin ayna doonayeen muddo.

Ugu horayn waxaa halkaasi furay oo ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Laascaanood Canbaashe Aw Daahir X. Xasan isagoo xusay inuu si wayn ugu faraxsan yahay furitaanka Bankiga ayna tahay arin muhiim u ah shacabka Gobolka Sool inuu Bankigoodu shaqeeyo oo aysan meelo kale oo ka baxsan Gobolka wax udoonan.

Sidoo kale Caaqil Aadan Cali Ducaale ayaa sidoo kale waxa uu xusay sida ay ugu faraxsan yihiin una soo dhawaynayaan haddii ay yihiin cuqaasha iyagoo ku hadlaya afka qabaa’ilada ay masuulka u yihiin iyadoo sidoo kalana Caaqil Muuse Faarax Dhiil uu si wayn u taageeray furitaanka Bankiga kana codsaday in lacagta Dawlada ay ka badasho ayna ugu badasho lacagta Land-ta.

Gudoomiyaha Bankiyada Somaliland C/raxmaan Maxamed Ducaale ayaa sidoo kale halkaasi waxa uu kasoo jeediyay inay magaalada Laascaanood u yimaadeen inay furaan Bankiga magaalada ayna dhaqaajiyaan hawlihii shaqo ee Bankiga magaaladu uu lahaa isagoo xusay inuu hadda u dhan tahay shaqaalihii ka shaqayn lahaa ayna taal lacagtii Somaliland ee Bank ku hawl geli lahaa oo iyaga la socotay.

Ugu danbantii Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) ayaa waxa uu soo xidhay xafladii halkaasi ka socotay isagoo mahadnaq ujeediyay masuuliyiinta ka timi caasimada Hargeisa ee u timi furitaanka Bankiga isagoo shacabka Gobolka u sheegay inuu hadda wixii ka danbeeyay albaabadu u furan yihiin iyadoo intaasi kadib markii ay soo xidhantay xafladii uu xadhiga ka jaray furitaanka Bankiga magaalada Gudoomiyaha Bankiyada Somaliland C/raxmaan Maxamed Ducaale.

Ahmed Abdulahi Binow
Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland ee Gobolka Sool.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: