Toggaherer’s Weblog

ARGAGAXISADA AL-SHABAAB OO LUG IYO GACAN TALANTAALI AH JARAY AFAR DHALINYARO AH XAMAR

Posted on: June 27, 2009

ARGAGAXISADA AL-SHABAAB OO LUG IYO GACAN TALANTAALI AH JARAY AFAR DHALINYARO AH XAMAR

Waxaa maanta xerada maslax ee waqooyiga magaalada Muqdisho xukun gacmo iyo lugo goyn ah loogu geystay 4 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in sameeyeen fal burcadnimo ah.

Waxaa fiirsanayey xilligii gacmaha iyo lugaha laga goynayey dhalinyaradan dadweyne farabadan oo kala yimid meelo kamid ah magaalada Muqdisho iyadoo laga gooyey dhalinyaradan mid walba Gacanta Midiga iyo Lugta Bidix.

Wakiilka Al Shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo goobta kula hadlay Saxafiyiinta ayaa waxaa uu sheegay in ay qaateen masuuliyadda Daryeelidda iyo Nafaqeynta dhalinyaradaani isaga oo aan sheegin sida aan ku fulin karaa arrintaasi xilli eysan dowlad ka ahayn somalia dagaalka ey ku jiraan dowladda.

Dhinaka kale wakiilka Al Shabaab ayaa waxaa uu digniin u diray dad uu sheegay in ay dadka dhacaan iyo kuwa dadka booba isagoo sheegay in lagu fulin doono hadii la qabto xukunka ay ka qabto shareecada Islaamka hadii aysan ka towbad keenin.

Maxkamad ey leedahay Alshabaab ayaa dhowr maalmood ka hor ku xakuntay dhalinyaradan in mid kasta laga jaro Lug iyo gacan is dhaaf ah, waana markii ugu horeeysay ee laga fuliyo Caasimadda Muqdisho Xukun lug iyo gacan goysmo ah.

AXMED KULAN
XAMAR

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: