Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA DAAKHILIGA S/L MR CIRO OO SAFAR KADISO AH UGU BAXAY XEEBAHA GALBEED

Posted on: June 25, 2009

WASIIRKA DAAKHILIGA S/L MR CIRO OO SAFAR KADISO AH UGU BAXAY XEEBAHA GALBEED

Hargaysa 24 June 2009 (THN)
Wararka ka imanaya deegaanada xeebaha galbeedka ee Somaliland ayaa sheegaya in shalay dhulkaasi uu gaadhay wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland C/llaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo hawlwadeeno dhinaca amniga ah, kuwaas oo gaadhay magaalada Saylac iyo degaanno la xidhiidha, isaga oo degaankaasi kaga yimid dhinaca dalka deriska ah ee Djibouti oo uu diyaarad u sii raacay. halkaasi oo sida la sheegayo u tagey arrimo xasaasi ah oo la xidhiidha hub iyo badeecado kale oo la sheegay in laga soo dejiyey degaanada xeebta Bullo-Caddo.

Socdaalka wasiirka daakhiliga oo lagu sheegay mid qarsoodi ah ayaa lala xidhiidhinayaa dhinaca amniga gobolka, gaar ahaana sidii uu xogogaal ugu noqon lahaa dareenno xasaasi ah oo waayadanba lagu sheegayay in degaanada xeebaha Awdal uu ka soo degay hub iyo badeecado kale oo aan la ogeyn cidda ka dambaysay, isla markaana ay jiraan dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha dhinaca tahriibta

Sida wararku sheegayaan wasiirka daakhiliga ayaa shalay magaaladaasi Saylac kula shiray masuulyiinta laamaha dawladda ,iyo xildhibaanada Golaha deegaanka kuwaas oo uu wasiirku uga warramay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dedaalka lagu doonayo in xoogga la saaro feejignaanta amniga dalka wakhtigan xaaladda amniga Somalia ay faraha kasii baxayso dabkeeduna soo gaadhi karayo Somaliland, waxana sida la sheegeyo shalay ay u ekayad magaalo ka tirsan somaliland, iyadoo bilihii inna soo dhaafay magaaladaasi loo qaatay inay hoos timaado maamulka dalka deriska ah ee Djibouti, wasiirka dakahiliguna maanta ogaaday in ku dhawaad sannad ka badan aanay wasiirada xukuumadda somaliland dhulkaasi cago soo dhigin, marka laga reebo Wasiirka dalxiiska C/risaaq Waaberi oo magaaladaasi u yimaadda xaflado loogu dabbaaldegayo Ismaaciil Cumar iyo dawladdiisa.

Maanta gelinkii dambe ayaa sidoo kale wararku sheegeyaan inuu wasiirku u ambabaxay dhinaca xeebaha galbeedka, gaar ahaan dhulka go’doonka ee ku teedsan xeebaha gobolka Awdal una dhexeeya Lughaya iyo Saylac, iyadoo wasiirka ay socdaalkiisa ku weheliyeen taliyayaasha ciidamada amniga ee Gobolkaasi gaar ahaanna taliyaha ciidanka badda ee degaanada Saylac iyo Lughaya, oo lagu magacaabo Arraweelo iyo taliyaha ciidanka Bileyska ee dhulka uu dhowaan Madaxweyne Rayaale u magacaabay Gobolka Selel C/raxmaan Colhaye, Taliyayaashaasi oo dhammaantood ka soo jeeda degaanada Selel, ayaa wasiirka tusi doona dhul aanu weligii tegin oo ka baxsan caasimada Hargeysa ee uu guri-guriga u yaqaanno, jidkaasi aan naxariista lahayn ee reer Awdal iyo reer Selel u barteen, ayaa wasiirka daakhiliga iyo istaafkiisuba dhawr jeer oo hore ka ambadeen, balse looga soo gurmaday.

Inkastoo aanay dawladdu wax war ah ka soo saarin socdaalka wasiirka Daakhiliga haddana sida ay sheegeen warar laga helay ilo ku dhawdhaw Saraakiisha amniga Somaliland qaabilsan waxay ujeedada socdaalkiisu la xidhiidhaa xaqiiqo raadin la xidhiidha warar soo noqnoqnayey oo ku saabsan badeecado shaki xambaarsan oo ilaa maantana aanay sheekadooda dhammaanin, wasiirkuna ka fadhiyi waayey kursigiisa Hargeysa oo la sheegay inay ka soo degeen degaanada xeebaha galbeedka gobolka Awdal.

Socdaalka wasiirku ku tegey dhulkaasi, ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid jawaab u ah socdaal dhawaan wasiirku ku tegay Itoobiya, kaas oo sida la sheegay ay dawladda Itoobiya u soo bandhigtay wasiirka Daakhiliga Somaliland inuu ka qanciyo warar dhawaan la baahiyey oo sheegayay in hub kootarobaan uu ka soo degay xeebaha galbeedka Somaliland, sidaas darteedna uu wasiirku daba socdo xaqiiqada warkaas.
Haatuf


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: