Toggaherer’s Weblog

WARIYAYASHII IDAACADA BBC DA E MUQDISHO OO ISAGA HULEEYEY XAMAR UNA DUULAY HARGEYSA

Posted on: June 25, 2009

WARIYAYASHII IDAACADA BBC DA E MUQDISHO OO ISAGA HULEEYEY XAMAR UNA DUULAY HARGEYSA

WARIYAYASHII IDAACADA BBC DA E MUQDISHO OO ISAGA HULEEYEY XAMAR UNA DUULAY HARGEYSA

Wariyeyaasha Idaacada BBC-da uga soo warama Magaalada Muqdisho oo dagaalo ay ka soconayaan ayaa isaga huleelay maalin ka hor, iyadoona ka hor ka bixitaankooda Caasimada howlahooda warar tabinta si KMG kadib markii Xarunta Dhexe ee BBC-da Magaalada London ay kula talisay arrintaas.

Saddexda Wariye ee ay Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ku laheyd Caasimada ayaa isaga tagay Magaalada mushaakilka iyo colaadaha leh, iyagoona u kicitimay Magaalada Hargeysa ee dhulka Somaliland.

Wariyeyaasha kala ah Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ahaa Wariyaha sida joogtada Idaacada BBC-da ugu tabinayay macluumaadka xasaasiga iyo Wariyeyaasha kala ah Maxamed Maxamuud Dhoore iyo Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa u wada duulay Magaalada Hargeysa, kadib markii la sheegay in xaaladoda looga baqay Magaalada Muqdisho.

Ka sokow dilalka iyo ugaarsiga lagu haayay Wariyeyaasha ayaa hadana waxay Wariyeyaashan ahaayeen kuwo xaaladahaas isaga howl galayay, waxaase horay isaga jiray digniino kala duwan oo siyaabo kala duwan loogu gaarsiinayay Wariyeyaashaas.

Idaacada BBC-da ayaa ah sharci u degan inay wariyeyaasheeda kala baxdo goobaha qatarta ah marka ay dhacaan xaalado ammaan daro, waxaana wariyeyaashan ka bixitaankooda Muqdisho ku soo beegmayaa xilli inta badan ay Magaalada la wareegayaan Kooxaha Mucaaradka

AXMED KULAN
MUQDISHO
TOGAHERER

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: