Toggaherer’s Weblog

JAMAC SWEDEN OO CADEEYEY IN AY DAWLADU SOO SHUBTAY LACAGTII DOORSHOOYINKA EE KU QAYBTA

Posted on: June 25, 2009

JAMAC SWEDEN OO CADEEYEY IN AY DAWLADU SOO SHUBTAY LACAGTII DOORSHOOYINKA EE KU QAYBTAY
Hargaysa 24 june 2009 (THN)
click to comment

Hargaysa 24 june 2009 (THN)
Waxaa maanta oo ah 24 june si rasmi ah loo shaaciyey in ay dawladu shubtay lacagtii kaga qaybtay dhaqaalaha ku baxaaya doorasha madaxtooyada ee soo socota taas oo uu ahaa xadigii ku qaybay dawlada 25% [boqokiiba labtaan iyo shan] sidoo kale waxaa dheeqbixiyayaashu ay balan qaadeen in inta kale ay iyagu qabaan oo ay ku bixin doonaa doorashada.

Xadiga lacagta ah ee ay dawldu bixisay oo dhamaa 7,200,000,000Sh.sl ah taan oo ayn maanta ku shubeen accountkii logu talagalay in ay ku shubaan sidaana waxaa xaqiijiyey gudoomiyaha commisionka doorashoohinka Somaliland mudane Jamac Maxamud Cumar [Sweden] oo maanta xafiiskiisa ku yaala xaranta commisionka doorashooyinka Somaliland taas oo uu soo ku war bixiyey warsaxaafadeed gaaban oo oo u warbaahinta uu u qaybiyey waxaanu u dhignaa sida tan:-

[Wadahadalladii u bilaabmay axsaabta qaranka ee 16-kii May ee lagu falanqeynayey dhammaystirka hawlaha doorashada madaxtooyada ee Somaliland waxa ka dhashay heshiiskii axsaabta qaranka ee 27-kii May 2009 ee diyaargarowga doorashada madaxtooyada.
Iyadoo heshiiska laga ambo qaadayo Komishanka Qaranku waxay bilaabeen in xisbiyada qaranka ka wada shaqeeyaan dhammaystirka arrimaha soo socoda:

1. Guddida farsamada ee Diiwaangelintu waxay isku raaceen hawlgalka hab-raaca dhammaystirka hawlaha server-ka (parameters).
2. Waxa gebogebo taagan xeerkii hab-dhaqanka axsaabta qaranka ee doorashada madaxtooyada.
3. Waxa la isla qaatay dhammaystirka wixii galdaloolo sharci ah si loo sameeyo lifaaq wax-ka-beddel ee doorashooyinka 20/2001 iyo Xeerka Diiwaangelinta.
4. Waxa dhammaystirmay oo ay dawladdu bixisay saamigii kharashka dawladda ee doorashada madaxtooyada oo lagu shubay xisbaata Komishanka, taasoo dhan SL SH 7,200,000,000/= una dhiganta hal milyan oo dollar.
5. Komishanka Qaranku wuxuu dadweynaha, axsaabta, dawladda ku baraarujinayaa inay hareeraha iska taagaan sidii looga midho-dhalin lahaa qabsoomida doorashada madaxtooyada oo qabanqaabadeedii la gudogalay.” ]

Warqabadka Togaherer
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: