Toggaherer’s Weblog

IMAANSHAHA MARYAN MURSAL IYO SOO DHOWEYNTII DADWEYNAHA REER BURCO.

Posted on: June 24, 2009

IMAANSHAHA MARYAN MURSAL IYO SOO DHOWEYNTII DADWEYNAHA REER BURCO.

Dadweyne iyo Gaadiid tiro badan oo ay ku xidhan yihiin codbaahiyayaal ay ka baxayaan Heesaha fanaanadaasi, oo uu horkacayo Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame(Hadraawi), Dadkan iyo gawaadhida wada socday ayaa kaga hortagay Fannaanada Magaalada Sheekh, iyagoo u soo galbiyay dhinaca magaalada Burco kuna soo wareejiyay jidadka magaalada ka dibna waxa lagu dajiyay Hotel ka mid ah Hotelada waaweyn ee Burco.
click to comment
Fnaanada weyn ee Maryan Mursal ayaa si weyn ugu mahad celisay dadweynihii Reer Burco ee soo dhaweeyay iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Burco
click to comment
“Waan filayay in sidan balaadhan laygu soo dhaweeynayo, waanan ku faraxsanahay”: Ayay Tidhi maryan mursal.

Maryan mursal oo saxaafadda qaar ka qaybgalay soo dhowweynteeda waydiiyeen Dareenkeeda iyo wakhtigii Burco ugu damabysay ayaa waxay tidhi “Waxa Burco iigu dambaysay Todobaatanadii oo aniga oo ka mida Hobaladii waaberi oo Laba riwaayadood ka dhigay Burco.
click to comment
kuwaasoo kala ahaa Hablayahow hadmaad guursan doontaan iyo Doob qalanjadii gabay, Waxay intaas ku dartay “Magaaladu way balaadhatay oo horumar weyn ayay samaysay”.

Fanaanadan waxa safarkeedan ku wehelinayay Safiirka somaliland ee Ire-land Cabdi Fataax Siciid Axmed, Suxufiga Abwaanka ah ee Cali Seenyo, Ninka ugu gaaban somaliland Mr.Shucayb, wiilal ay dhashay iyo Xubno kale.

Waxaa aad loo saadaalinayaa inay Burco joogi doonto maal maha soo socda halkaas oo loogu sameyn doono xaflado soo dhoweyn iyo martiqaadyo isugu jira.

Fanaanadan oo si weyn loogu soo dhaweeyay ayaa heesihii iyo ciyaarihii loo qaadayay ay is hayn kari weyday oo iyaduna dhinaceeda kaga dhufatay baydad ka mid ah heesaheeda kuwaas oo aad u soo jiitay dadweynihii soo dhaweeyay.

Fannaanada aya la filayaa inay habeen danbe bandhig faneed ama show ka dhigto HOTEL EGAL ee magaalada Burco.

Fannaanada ayaa dhowaan soo gaadhay dalka, kadib markii sida la sheegay marti qaad balladhan ay ka heshay madaxweynaha somaliland, iyado markii ay so gadhay hargaysa ka bilowday dhis iskuul lagu magacaabo HADRAWI
Maryan ayaa waxay sheegtay inay Burco-na u timi sidii ay iskuul kale uga hirgelin lahayd.

Mustafe Osman A/rahman
Burco S/land


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: