Toggaherer’s Weblog

XIL IBRAHIM M. BUUBAA OO KA WARAMAY SIDA UU U ARKO LABADA XUBNOOD EE COMMISIONKA IYO ARIMO KALE.

Posted on: June 23, 2009

XIL IBRAHIM M. BUUBAA OO KA WARAMAY SIDA UU U ARKO LABADA XUBNOOD EE COMMISIONKA IYO ARIMO KALE.

Xildhibaan Ibarahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah xildhibaana golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu u soo jeediyey xukuumada in ay wado talaabo kasta oo lagu carqaladay karo doorashada fooda inagu soo haysa waxaanuu yidhi mar uu ka waramayey aragtidiisa kaga aadan xildhibaanku waxa uu sheegay in carqaldaha ay wadu xukuumadu ay ka mid tahay laba xubnood ee ay golaha u soo gudbiyeen si xilka looga qaado iyadoo aanay ka fikirin waqtiga cidhiidhiga ah iyo doorashadii oo kaabiga inagu soo saartay waajibna ahayd in xubnaha commisionka arintooda laga odayeeyo oo la dhameeyo hareeraha xibiyada , xukuumada iyo golayaashu ay ka istaagaan hase ahatee arinta iyo abdalaadoodu ay tahay talabo ay xukuumadu ku carqalad galinayso in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu talo galay.

2runtii labadaa xubnood ee la soo celiyey aragtidaan ka qabaa waxay tahay in aanay ku haboonayn taagnayna xiligii xubnaha commisionka qaar ka mid ah loo soo gudbin lahaa gulaha wakiilada xil ka xayuubintooda la soo qori lahaa sababtaaan u cuskanayaana wax kale maaha waxaad ogtihiin in doorashadii kaabiga ina soo saartay oo aynu jirno dhamandkii June oo Julyna 21 keedan ugu dambayn ay sugayno natiijadii serverka ee kama dambaysta ahayd in uu soo saaro xubnaha comisiona oo maanta arintaa laga sugayey hadii iyaga dhexdoodii la kala dhex dhigo xasaran iyo buuq iyo isku dhufasho waa aragti siyaasadeed ayaa laga leeyahay ayaan anigu qabaa taas oo dib mar sadexaad loogu dhigaayo doorashada , sidaa darteed anigu waxaan u arkaaa in maanta aan xubnahaa midnaba aan la hor keenin golaha oo la dhex galo oo gudiyo loo saaro oo la barbar is taago gole iyo axsaab iyo xukuuumadba loona heeliyo si ay u gutaan hawshaa loo igmaday” sidaa waxaa yidhi xildhiban Buubaa.

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in arimaha uu ku dhaleecaynayo xukuumada ay caqabada kaga dhigayaan doorashada ay ka mid tahay in xisbiga Udub ee xukumadu ay ka baxeen wada hadaladii u dhaxeeyey xisbiyada diideena goaamadii ka soo baxay gudidii dhex dhexaadinta, isaga oo ka jawaabaya suaal ahayn in sida uu arko wadahalkii xisbiyada u socday ee ay ku goansadeen in madaxda xisbiyadu arinaas ay wax kaqabtaan in uu madaxweyne Riyaale laba xubnood kaga dhuftay markaa arintaasi miyaanay kalsooni daro keenayn waxaa uu kaga jawabaay xildhibaanku

” Waad ogtahayoo laba xisbi mucaarad waakuwii hore ugu dhawaaqay in xisbul xaakimku uu kga baxay heshiiskii dhex dhexaadinta ahaa ama taladii midaysnayd ee ay doonayee in sadexda xisbi heshiis midaysan ka wada gaadhaan xubnaha commisionka waanaad ogtahay sida xubnahaas loo kala keenay heshiiskii malintii dhawayd ay sameeyeen gudidi dhexdhexaadinu waxaa ka mid ahayd in 3 xisbig qaran heshiis midaysan ka gaadhaan xubnaha commisionka iyo shaqadooda taasi iyaga oo ka duulaya xisbiyada mucaradku way soo dhigee taas oo ay ku raaceen hayadihii inga caawinayay doorashada markii ay soo dhigeen xubiga Udub wuu ku diiday hadan iyaga ayuu ku eedeeyey in ay shir jaraaid iska qabteen sida uu sii dayey xoghayaha guud ee xibigaasi waxaanaan taageersanahay in kuwan lagu dayo maadama aanaynan joogin xili wax la bada badalo”.

Sidoo kalena ilaa hada aanay bixin oo ay mudo dhaaftay lacagtii loogu tala galay in doorashada lagu qabto oo ahayd 25% (boqolkiiba shan iyo labaatan).
Isag oo ka hadlaayey arintan maalmahan la sheegayey ee la lahaa wasiiro ka tirsan xukuumada ayaan deeqbixiyayaash ula tagay in ay kaga daraan 25% kii dawlda oo aanay iminka lacag haynin taas oo la sheegay in ay ku soo diideena waxa uu yidhi xildhibaanku
”Anigu carqald ayaan u arkaaa mara horeba ay xukuumadu ugu talagashay in ay ku carqalayso doorashada lacagtii ahayd boqoliiba shan iyo labatan ka ee ahayd in Accountka lagu shuba waad aragtaan maanta taariikhdu halkay marayso ilaa hadana wax ay bixsay ma jirto commisionkan hawl culus ayaa u taala ” Xildhiban Ibrahim Mahdi Buubaa.

Xildhibaan Buubaa waxuu hadalkiisa gundhig uga dhigay dhibaato kasta oo ka dhacda dib u dhigista mar sadexaad oo loo kordhiyo xukuumada iyocaqabadaha ka dhalan kara wixii ka yimaada in ay masuuliyadeeda qaadan doonaan oo ay umaduna aanay saamaxayn isaga oo arintaas ka hadlayanw axa uu yidhi “Waana ogtihiin in deeq bixiyayaashi ay yidhaahdeen maadama aaanay lacagtii ku qaybtay aanay bixin dawlda waad aragtaan warqada dhiilada ah ee ay soo qoreen cawaaqibka ka yimadan xukuumda ayaa dhabarka u ridan doonta ” Xildhiban Ibrahim Mahdi Buubaa.

Khaalid Ismaciil Axmed
Hargaysa


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: