Toggaherer’s Weblog

UNHCR OO SHEEGTAY IN TIRO QAXOOTIGA SOMALIDA EE KU SUGAN QABRI BAYAX U QAADAYSO WADANKA MARAYKANKA

Posted on: June 23, 2009

UNHCR OO SHEEGTAY IN TIRO QAXOOTIGA SOMALIDA EE KU SUGAN QABRI BAYAX U QAADAYSO WADANKA MARAYKANKA

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa ku dhawaaqday in ay isku daba riday qaab in ka badan 6,300 oo qaxooti Soomaaliyeed ah ay ugu daabulayso dalka Maraykanka.

Bakele Negash oo ah ninka u qaabilsan UNHCR Kaamka lagu Magacaabo Qebribeyax oo ku yaala Magaalada Jig Jiga ayaa Isagoo ka hadlayay xaflad ku saabsanayd Maalinta Qaxootiga Aduunka waxaa uu sheegay in UNHCR ay go’aansatay in qaxootigaasi oo in ka badan 18-sano halkaasi ku noolaa loo qaado Dalka Maraykanka oo looga samaynayo meelo ay ku noolaadaan.

Ilaa 29-kun oo qaxooti Somaali ah ayaa horay loogu qaaday wadanka Maraykanka taas oo ay fuliyeen wakiilo u xil saaran dhinaca socdaalka oo dowlada Maraykanka ka socday iyo saraakiisha Qaramada midoobay Laanteeda Qaxootiga ee UNHCR.

In ka badan 42-kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa hadda la sheegay in ay ku jiraan Kaabkaasi Kebribeyah ee magaalada Jig Jiga waxaana UNHCR ay sheegtay in go’aankaasi uu ka dambeeyay Markii Barlamanka Maraykanka uu arintaasi ka dooday,wxaana ay sheegeen in marka ogolaashiyo laga helo dowladda Maraykanka Qaxootigaasi la daabuli doono.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: