Toggaherer’s Weblog

SWITZERLAND OO MAGANGALYO SIISAY MAXAMED CUMARA XABEEN (M.DHEERE)

Posted on: June 23, 2009

SWITZERLAND OO MAGANGALYO SIISAY MAXAMED CUMARA XABEEN (M.DHEERE)
Switzreland 22 June 2009 (THN)

Dowladda Wadanka Switzerland ayaa megengelyo siyaasadeed siisayt Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere), waxaana Maxamed Dheere la sheegayaa inuu haatan ku sugan yahay dalkaasi.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) uu sii joogi doono labada sano ee soo socota dalka Switzerland, hase yeeshee lama sheegin inuu wadankaasi ka tegayo iyo in kale, waxaana la sheegayaa in Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Maxamed Dheere ay la socdaan in ka badan shan xubnood oo ka tirsan eheladiisa, kuwaasi oo iyana qeyb ka ah wafdiga M/Dheere la socda ee iyana megengelyada siyaasadeed la siiyay.

Dhinaca kale dadweyne aad u fara badan ayaa saakay isugu soo baxay degaanka ceelasha biyaha, kuwaasi oo dowladda wadanka Switzerland ka dalbaday inay ka noqoto go’aankeeda ay megengelyada siyaasadeed ugu fidisay Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere), iyagoona sheegay inuu ahaa mas’uulkii u horseeday dhibaatada iyo barakaca la soo gudboonaaday .

Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaayay sidoo kale muddo sagaal bilood ah oo aan la siinin wax raashin ah, tan iyo markii ciidamada Itoobiyaanka ah ay ka soo saareen degaanadooda, waxayna sheegeen in arrinaasi barakacooda la xiriirta uu sabab u ahaa maamulkii hore ee G/Banaadir oo madaxda uu ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere).

Kaamamka Baar Magoog iyo Hab Wanaag oo ay ku jiraan barakacayaal fara badan ayaa madaxdoodii ka hadashay isu soo baxaasi, iyadoo Guddoomiyaha kaamka Baar Magoog C/llaahi Daahir Diini uu shaaca ka qaaday inaysan weli wax gargaar ah soo gaarin kaamka uu maamulo.

Sidoo kale Guddoomiyaha 105-Kaam Sheekh C/Nuur Axmed Cali (Sheekh Macruuf) waxa uu isna shaaca ka qaaday in kaamamka uu mas’uulka ka yahay dadka ku jira ay la liitaan caafimaad xumo iyo nafaq darri, isla markaana aysan jirin waxbarasho laga saacido caruurta halkaasi ku jirta.

Tallaabada Dowladda Switzerland ayaa noqoneysa tallaabadii ugu horeysay oo megengelyo siyaasadeed siisa shaqsiyaadka iyo hormuudka siyaasadda dalka hoggaamiya, inkastoo la filayo in dalal kalena ay iyana megengelyo siyaasadeed u fidiyaan hoggaamiyayaal siyaasadeed.

Axmed Kulan (Jokar)
Moqdhiso


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: