Toggaherer’s Weblog

MADAXEYNE RIYAALE OO KA WARA BIXIYEY SAFARKIISII KUWEIT INTII AANU IMAN MAGALADA HARGAYSA

Posted on: June 23, 2009

MADAXEYNE RIYAALE OO KA WARA BIXIYEY SAFARKIISII KUWEIT INTII AANU IMAN MAGALADA HARGAYSA
Bebera 22 June 2009 (THN)

Maxweynaha Somaliland Mudane Dahir Riyaale kaahin oo ilaa xalay ku nagaa magaalada Berbera ayaa maanta ka waran safakisii uu ku tagay dalka Kuwaid taas oo uu ku sheegay in uu guulo la taaban karo ka soo gaadhay safarkiisaa waxanuu sheegay in uu la kulmay masuuliyinta wadankaas waxaanuu sheegay in ay ugu so balan qaadeen in wax kala qaban doonaa meelo badan oo ah baahiyada bilawga ah ee dalku u baahan yahay taas oo uu sheegay in uu rajo wanagsan kala so noqday uuna yidhi waan ka sugaynaa inshaalaaahn.

Mudane Riyaale intii aanuu u soo amaba bixin dhinaca Hargaysa ayuu saxaafad ugu waramay magaalada Berbera taas oo uu ku sheegay ama kaga war bixiyey safarkiisa iyo wixii u kala kulmay wuxuuna hadalkii madaxweynuhu u dhignaa sida tan

“intii aan ku sognaa dalka Kuwait waxaan la kulmay qaar ka mid ah Madaxda ugu saraysa ee waddankaas, waxaanaan la kulmay Amiirkii, amiirkii yaraa ee dhaxalka lahaa iyo Wasiirka Arrimaha dibabada. Waxa ugu muhiimsan ee aan kala hadlay-na waxa ay ahayd waxa danta u ah Ummadana wax u tari kara taas oo aan kala hadlay in ay inaga caawiyaan dhismaha arrimaha asaasiga ah ee ay ka mid yihiin dhisada waddooyinka, geedta caafimaad, xaga waxbarashada iyo wax yalaahaas oo kale , oo aan u arkaayey waxa ugu muhiimsan xaga mujramaca waxna ka tari kari baahiyaha bulshadeena .Waxaana ay ballan-qaadeen in ay waxyaabahaas oo dhan waxa inagala qabanayaan, hadii eebe idmona waxaan rajaynayaa in ay iman doonaan Hay’adooda deeqaha qaabilsan. Markaa isha’alaahu waxaan rajaynayaa in ay inoo yimaadaan.”

“Safarkaygan oo aan odhan karo waxa uu aha mid taariikhi ah oo aan baryahaa rag waxaan idiin sheegayaa in iminka aad waad aragtaan in ay maal gashadeen sheekh oo ay dhisme wayn ka wadaan sidoo kale waxaan aan ku dhiiri-geliyey in ay wadanka yimaadaan, oo haddii ay doonayaan in ay maal-gashadaan in ay maal-gashadaan mustaqbalka, maadaama oo Kuwait tahay wadanka carabka ugu il-baxsan ee adduunka oo dhan maal-gashada.” Sida waxa ku tiraabay Mudane Dahir Riyaale Kaahin.

Khaalid Ismaaciil
Hargaysa


Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: