Toggaherer’s Weblog

XAFALDA GARAADKA BEESHA JAAMAC SIYAAD OO MAANTA KA DHACAY LAASCANOOD

Posted on: June 22, 2009

XAFALDA GARAADKA BEESHA JAAMAC SIYAAD OO MAANTA KA DHACAY LAASCANOOD

Xaflada caleemo saarka garaad jaamac garaad ismaaciil ducaale oo noqday garaadkii labaad ee ay yeelato beesha jaamac siyaad ee dhulbahante iyadoo uu booskaasi ka geeriyooday garaad ismaaciil ducaale sanadkii 2008 oo ay ka qayb galeen ergooyin badan oo ka kala yimi deegaamada gobolada sool,snaag, iyo waliba buuhoodle iyadoona aynan suurta gelin inay madasha soo gaadhaan inta badan isimadii goboladan sababo jira awgood balse intooda badan ayaa waxaa ay kaga qayb galeen khadka telefoonka iyagoo adeegsanaya nidaamka loo yaqaano (teleconfrence) Garaadka ayaa lagu caano shubay iaydoo caanaha garaadka ay ku butaaciyeen 8da caaqil ee beesha jaamac Siyaad,oo uu ugu horeeyo jiif caaqil axmed hoolif .
click to comment
click to comment

Caaqil axmed hoolif oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay u garteen garaad jaamac garaad ismaaciil inuu noqdo garaadka beesha,isagoo kasoo bixi kara masuuliyada xilka la saaray,sidoo kale cuqaasha beesha ee Siciid Cashuur Abyan,Xasan Warsame Aadan,Salaad,Yuusuf Sulub Garbiye,iyo wakiil caaqil cabdirashiid nuur jabdhurwaa oo madasha ka hadlay ayaa dhamaantood guul la gaadhay ku tilmaamay caleema saarka Garaadka oo maanta dhacday.
click to comment
click to comment

Sidoo kale marti sharaf ka kala yimi qurbaha oo madasha ku sugnaa kana hadlay ayaa garaadka ugu hanbalyeey uguna duceeyay inuu ilaahay la garab galo xilkaas loo caleemasaaray Faarax ciise cabdi oo madasha ka hadlay ayaa garaadka u jeediyay dardaaran iyo hadalo dhaxal gal ah halkan ka Gabagabadii madashii lagu caleemasaaray Garaad Jaamac Garaad ISmaaciil Ducaale ayaa garaadka loo galbiyay si magaalada loo dhexmariyo,iyadoo shacabka ku dhaqan magaaladu ay iskugu soo baxeen fagaarayaasha magaalada si ay usoo dhaweeyaan garaadka iyagoo caleemo qoyan ruxayay.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay caaqil darwiish oo ah caaqilka mid ka mida cuqaasha beelaha dhulbahante oo ahaa caaqilka kaliya ee soo gaadhay daraawiishta waqtigeedii oo ugu baaqay beesha deegaankan degta inay ku dadaalan sidii ay u midoobi lahaayeen.

Run ahaantii halkan ama warbixin kaliya laguma soo koobi karo jawigii ay u dhacaday xafladaasi lagu caanu shubayey garaad jaamac garaad ismaaciil ducaale oo maanta dhaxlay jagadii uu ka geeriyooday aabihii garaad ismaaciil sanad 2008.

Gaadiidka ayaa maanta ay ku adkayd inay dhexmaraan g udaha magalada laascaanood dadwaynaha iskugu soo baxay wadooyinka aawadood kuaasi oo ikugu soo baxay inay soo dhaweeyaan garaadka beesha jaamac siyaad ee dhulbahante ee maanta la doortay.

Wariye axmedsaakin faarax
laascaanod/sool
axmedsaakin@yahoo.com
tell:025224494202

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: