Toggaherer’s Weblog

SHIRKADA ABU YASSER INTERNATIONAL OO XOOLO BADAN KA DHOOFINAYSA S/L, PL, IYO SOMALIA.

Posted on: June 22, 2009

SHIRKADA ABU YASSER INTERNATIONAL OO XOOLO BADAN KA DHOOFINAYSA S/L, PL, IYO SOMALIA.

Shirkada caanka ah ee Abu Yasser International Establishment waa shirkada ugu balaaran ee dhanka ganacsiga xoolaha Geeska Afrika, waxaana shirkadan ay xoolaha nool geysaa dalka Sacuudiga, halkaasi oo sanad kasta 24 milyan oo xoolo nool la geeyo.

Abu Yasser International Establishment waxaa aasaasay oo madax u ah Mohammed Qaid Sa’eed, (Abu Yasser), oo si weyn looga yaqaan wadamada Sacuudiga, Yemen iyo dalalka Geeska Afrika.

Abu Yasser International Establishment waxay maalgalin xoogan ku sameysay ganacsiga xoolaha, waxaana ay ka hirgalisay goobo lagu xanaaneeyo xoolaha nool dalka Jibuuti, halkaasi oo uu ku maalgaliyey aduun lacageed oo gaaraya 75 milyan oo doolarka Mareykanka sida uu Abuu Yaasir u sheegay wargeyska Yemen Times ee ka soo baxa magaalada Sanca.

Shirkada ganacsiga ee Abu Yasser International Establishment waxay sanadkan xiliga Xajka ugu jirtaa diyaar garow xoogan oo ay ku doonayso inay ku geyso xoolo fara badan, iyadoo xoolahaasi laga kala geeni doono wadamada Geeska Afrika.

Shirkada Abu Yasser International Establishment waxay sanadkii 2006-dii gaar ahaan xiligii Carafada geysay wadanka Sacuudiga 300 kun oo xoolaha nool gaar ahaan Ari ah.

Maamulka shirkada Abu Yasser International Establishment ayaa waxay shaaciyeen in sanadkan gudashada waajibadka Xajka ee Carafo ay u diyaar garoobayso, isla markaana ay rajeynayso inay xoolo nool ka daabusho Beriga Afrika.

Shirkada Abu Yasser International Establishment waxay bishan June 2009 heshiis buuxa la gashey dawlada KMG ah ee Soomaaliya, waxaana heshiiskaasi oo ka dhacay magaalada Nairobi uu dhigayaa in shirkada Abu Yasser International Establishment ay xoolaha nool ka dhoofiso dalka Soomaaliya, iyadoo heshiiskaasi shirkadu la gashey wasaaradaha Xanaahada Xoolaha iyo Ganacsiga.

Abu Yasser International Establishment waxay xoolaha nool ka qaadaa oo ama ka dhoofisaa deegaano kala duwan oo ka mid ah dhulalka Soomaalida, sida Puntland, Somaliland iyo Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, sidaasi si la mid ah dalalka Geeska Afrika, iyadoo shirku ku leedahay wadanka Jibuuti maxjar xoolaha naaxinta oo aad u balaaran.

Shirkada Abu Yasser International Establishment oo ah shirkada ugu balaaran ee ganacsiga xoolaha Geeska Afrika, waxaa si weyn u amaanay Ganacsatada xoolaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku amaanay shirkada kaalinta ay ka geysatey dhoofinta xoolaha nool ee Soomaaliya, gaar ahaan wadanka Sacuudiga oo ay shirkadu ku guuleystey in la furo xoolaha nool ee Soomaaliya.

Muxuyadiin Xasan Saalax
Togaherer Cadan
Yemen

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: