Toggaherer’s Weblog

KOOXDA ALASHABAAB OO XUKUN IN LUG IYO GACAN LA JARO TALAN TAALI AH AFAR DHALINYARO AH

Posted on: June 22, 2009

KOOXDA ALASHABAAB OO XUKUN IN LUG IYO GACAN LA JARO TALAN TAALI AH AFAR DHALINYARO AH

Maxkamad ay leeyihiin Kooxda Al shabaab ayaa maanta waxaa ay xakun ku riday afar Dhalinyaro ah in lug iyo gacan laga gooyo iyada oo dhalintan lagu eedeeyey Fal budhcadnimo ah.

Xukunkan Kooxda Alshabaab laguna Riday Afarta Dhalinyarada ah ayaa lagu eedeeyay in ay falal dhac ah ka geysan jireen xaafadaha Magaalada Muqdisho islamarkaana dadka ay ka qaadan jireen waxyaabaha ay wataan sida taleefanada gacanta lagu qaato iyo alaabo kale.

Sheekh Cabdi Xaq oo ah Qaadiga maxkamada xukunkani ku riday dhalinyaradaani ayaa waxaa uu sheegay in gacan iyo lug is dhaaf ah ay ku xakuntay maxkamadu in laga jaro dhalinyaradani iyo sidoo kale in lagala wareego hubkii ay dadka ku dhici jireen iyo waxyaabihii ay dhaceen in dadka loo celiyo.

Dhalinyaradan maanta la xakumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa
1-Cali Max’uud Cali Geedi
2-Ismaaciil Qaliif Cabdule
3-Jeylaani Max’ed Xaaji
4-Cabdi Qaadir Cadoow Hiiraale.

Axmed Kulan
Muqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: