Toggaherer’s Weblog

GOLAHA GOORTIDA OO MAANTA DOOD KA YEESHAY ARIMAHA KA SOCDA MOQDISHO .

Posted on: June 22, 2009

GOLAHA GOORTIDA OO MAANTA DOOD KA YEESHAY ARIMAHA KA SOCDA MOQDISHO .
Hargaysa 21 June 2009 (THN)

Guriga odayaasha Somaliland oo baryanba ku guda jiray dooda ajandaha kalfadhiga 38 aad ayaa maanta kulankoodii kaga dooday xaalada nabad gelyo ee mandaqada geeska afrika gaar ahaan dagaalda ka socda magalda Moqdisho iyo arinta budhcad badeeda, doodan oo ay hal hays u ahayd dagaalada ka socda magaalda Moqdisho ee u dhaxeeya kuxaaha Islaamiyiinta ee ay kala hogaamiyaan Sheekh Shiriif Sheekh Ahmed iyo dawladiisa oo gees ah iyo Xasan Dahir Awayd iyo Ahmed Cabdi Godane oo gees ah iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Somaliland iyo guud ahaan mandaqada geeska taas oo ay odayaashu maanta dood kulul iyo aragtiyo kala duwan ka yeesheen .

Kulankan maanta oo uu furay godoomiyaha golaha odayaasha Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan Saleebaan gaal ayaa ugu horayn sharaxaad iyo faah faahin dheer ka bixiyey mawduuuca uu ku saabsan yaahay kulanka qodobka ajandaha ah ee lagaga doodayaa taas oo uu sheegay kaliya in ay tagay golayaasha iyo axsaabta qaranka in ay isku duuban ay u abaabulaan shacabka sidii laga hor tagi lahaa khatar ka timaada arintaa Somalia ka socota waxaanuu ku taliyey in dhinac la iska dhigo siyaasada gudaha marka laga doodayo mawduuc noocan oo kale ah waxaanuu yidhi “Inaga oo isku duuban golayaashii dastuuriga ahaa iyo axsaabti qaranka iyo shacbiwaynihii sidaynu ugu abaabuli lahayn horata waa intaa weeyaan guntu , talooyin wax ku ool ah inta kale aynu ula tagno baan jeclahay in aynu maanta inagu uu inaga soo baxo,yuu waqti inaga lumin in aynu siyaasada aisku riix riixno yaanuu inaagaga lumin” sidaa waxaa yidhi gudoomiyaha oo hadalka odayaasha furay.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay xildhibaan Yusuf Cabdilaahi Cawaale isaga oo aad u bal balaadhiyey arin khatar ahna ka dhigay arinta Somalia ka socota taas oo uu ku tilmaamay mid aan eegasho lahayn khatartaa ka soo fuul lihina ay Somaliland so gadhayso samayna ku yeelanaysa deganaanshaha Somaliland lona bahan yahay in abaabul xoogan laga galo waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Waxaad arkaysaan in geeskan Afrika lagu soo duulay cidkastaaba ha ku soo duushee isu tilmaami maynu waa wax xaga eebe ka socda wanaynu arkaynaa waxa ka socda in dawladi meesha ka jirtay ay 24 sacadood gudahood ay ku baaqaday taasina waxa ay ku tusaysaa dhiilada ka jirta dhiiladeedaanay leedahay ilaa geeska Afrika meel lagaga baxsan karayaa aanay jirin hadalkiina intaas ayaan ku soo koobayaa ee waxaa loo bahan ayahay dadka reer Somaliland mucarad iyo muxaafad ku yar iyo ku wayn in aynu foojinaanteeda yeelano oo aynu nafteena hanano” kaasina waxa uu ahaa Oday xil Yusuf Cabdilaahi Cawaale .

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay odayaal badan oo uu ka mid ahaa Xil Cabdiraxmaan Cismaan waxaanuu carabka ku dhuftay cadaadiska ay aduunku ku hayaan Somaliland taas oo ay ugu cabiidinayso Somaliland Somalia isaga oo hadalkiisa ku soo kobay xaiyraada ay ku soo rogeen wadamada Carabtu basabookii hore ee Somaliga ahaa iayga oo dadka ku khasbaaya basabookii uu samaystay Cabdilaahi Yuusuf waxaanuu yidhi “ waxaa inaga jooga Khaliijka iyo sucuudiga ilaa 35000 oo qof waxaanaynu ku bixi jirnay basaboorkii Somalia basabookiina waa la badalay oo waa la joojiyey oo mid cusub ayaa lagu badalay in kastoo marki hore la is hor taagay hadan caalamu kan dambe mooyee wax kale oo lagu baxaya ma jiraan mar hadii aan keenii la isctiraafin oo aan la aqoonsanayn kii aynu ku bixi jiray ee aynu ku nabad iyo caano maalnay ee dadkeenu haystay mar hadii la yidhi yaan lagu soo galin dalkii sababta ay u sameeyeen ayaan la kaashanayaa dadka iga aqoonta badan in ay ii sheegaan “

Sidoo kale xildhaabo badan ayaa madashaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa qaar soo jeediyey in madaxweynaha lagu oogo mooshin maamuus ka xayuubin ah arintaas oo markaa aan meeshaba oolin maadaama uuu gudoomiyuhu oo hore u sheegay in laga hadlaayo masiibadaa ku habsatay dalka Somalia iyo sidii looga hor tagi lahaa aritaas oo xildhibaanaasi soo jeediyey oo golihii buuq ku abuurtay ilaa heer la yidhi waar golaha ka bax ay gaadhay .

Sidoo kale waxaa isna ka mid ahaa Cabdi raxmaan Shaad oo isna ka ugu baaqay axsaabta qaranku in ay la shaqayso guurtida iskana dhaafan kursigan ay doonayaan maadan qaranimadeenii ay ku jirto halis oo la inagu soo doolay dagaalna uu inagu soo socdo markaa waxaa ina haboon in aynu kursiga meel iska dhigno oo aynu noqono far kaliya ama ul iyo diirkeed.

Khaalid Ismaaciil Axmed
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: