Toggaherer’s Weblog

BANAANBAD AAD U BALAADHAN OO KA DHACAY MAGALO MADAXDA IRAN EE DAHRAAN

Posted on: June 22, 2009

BANAANBAD AAD U BALAADHAN OO KA DHACAY MAGALO MADAXDA IRAN EE DAHRAAN
Tehran 22 June 2009 (THN)
click to comment

Magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran ayaa waxaa dib looga dareemayaa mudaharaadyada ay wadaan shacabka taageera dhaq dhaqaaqa mucaaridka ee dalkaasi.

Waqooyiga magaalada Tehran ayaa waxaa laga maqlayey dhawaaqa rasaasta kadib markii ay isku dhaceen shacabka mudaharaadka wada iyo ciidamada amniga.

Dadka kasoo horjeeda xukuumada Maxamuud Ahmedinajaad ayaa sii wada mudaharaadka ay doonayaan inay dib loogu noqdo doorashadii Madaxweynaha oo ay sheegeen in lagu shubtay.

“….Allahu Akbar……ha dhaco kalitaliska Ahmedinajad….” Iyo erayo kale ayey ku dhawaaqayeen dadka mudaharaadka wada.

Maalinimadii Sabtidii ayey magaalada Tehraan mudaharaadyadii ka dhacay ay ku dhinteen 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof.

Ciidamada Amniga ee dawlada Dahran ayaa ayagu xabsiga u taxaabay dad gaadhaya 452 oo lagu tuhunsan yahay inay kamid yihiin taageerayaasha hogaamiyaha mucaaridka ee Hoessein Mousavi, waxana sidoo kale la sheegay in dadkaasi ay ku jireen suxufiyiin.

Si kasta ha ahaatee dadka taageera ninkaa mucaaradka ah ayaa xitaa aan ku qancin hadlakii ka soo baxay hogaamiyaha sare ee diinta ee dalkaasi Iran kaas oo uu ku sheegay in ay joojiyaan mudaaharadka kuna qancaan doorashada iyo qaabkay u dhacday, waxaan wararku sheegayaan in arinta ay lug wayn ku leeyihiin wadama reer galbeedka oo uu hogaminaayo dawlda Obama taas oo mudooyinkan dambe uu ka dhex aloosnaa khilaaf siyaasadeed oo aad u xoogan gaadhayna heer hanjabaad ay tagto oo la isla gaadho in dagaal lagu qaado, cabsida ugu wayn ee laga qabaana waxay tahay madaxweyne Ahmedinajaad ma hali doonaa taageeradii oo waagii hore haystay ?

Cabdi Wahaab M. Ibrahim
Togaherer Oslo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: