Toggaherer’s Weblog

“AL-SHABAAB WAXAA NAGA DHEXEEYA XIRIIR ADAG “SH. MUTAFA ABU-ZAYD

Posted on: June 22, 2009

“AL-SHABAAB WAXAA NAGA DHEXEEYA XIRIIR ADAG “SH. MUTAFA ABU-ZAYD
click to comment

Hogaamiyaha Shabakada Al-qaacida ee dalka Afqaanistaan Sheekh Mustafa Abu al-Yazid ayaa sheegay in Iyaga iyo Al-shabaab Al-mujaahidiin uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer, ay yihiina dad walaalo ah isla markaasna uu mideeyo camalka Islaamiga ah ee Jihaadka, Mustafa Abu al-Yazid ayaa sidaan ka yiri maanta Telefishanka Al-jazeera oo kulan khaas ah kula yeelatay meel kamid ah Afqaanistaan.

Amiirka Al-qaacida ee Afqaanistaan Sheekh Mustafa Abu al-Yazid ayaa sheegay in ay u direen Al-Shabaab Al-mujaahidiin xubno iyaga ka socdey kuwaan oo wax badan ku saacidey tababar wanaagsana siiyey, ragaas waxaa ka mid ahaa ayuu yiri Abuu-Dalxa Al-suudaani oo ku dhintey dagaaladii ka dhacay Soomaaliya muddo sanad ka hor ah.

Mustafa Abu al-Yazid ayaa sheegay in aysan weli suurta gelin in Shabaabka maamulkooda si toos ah loola mideeyo Al-qaacida laakiin waan taageernaa dhankasta, waana iska warqabnaa.

Mar la weydiiyey Shiikh Mustafa Abu al-Yazid sababta ay dilka ugu xukumaan xubnaha isaga baxa Al-qaacida ayuu yiri taasi waa been laakiin qofka naga baxa waa denbiile, sababta oo ah cahdigii uu nala galay ayuu ka baxay.

Mustafa Abu-Al Yasid ayaa hoosta ka xariiqay in xubno badan ay u direen dalka Soomaliya muddooyinkii la soo dhaafey kuwaas oo weli ku sugan gudaha Soomaaliya.

Mustafa Abu al-Yazid waa ninka u sareeya Shabakada Al-qaacida ee Afqaanistaan, waxa uu ku dhashey dalka Masar sanadkii 1955-tii, waxaa muddo sadex sano ah uu ku xirnaa dalka Masar sanadihii sideedamaadkii waxaana lagu eedeeyay in uu lug ku lahaa dilkii Madaxweynihii Masar Anwar Al-sadaat 1981-kii, sanadkii 1988-kii ayuu tegay dalka Afqaanistaan halkaas oo uu ka mid noqdey Mujaahidiintii Carbeed ee dagaalka kula galay dalkii Midowga Soofiyeyti.

Warqabka togaherer
Kenya


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: