Toggaherer’s Weblog

MARKAB HUB SIDAY OO LAGA LEEYAHAY DALKA RUUSHKA OO BURCAD QABSATAY

Posted on: June 21, 2009

MARKAB HUB SIDAY OO LAGA LEEYAHAY DALKA RUUSHKA OO BURCAD QABSATAY

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa shaaciyey in wasaarada difaaca ee dalka Ruushka xaqiijisay in markab ay leedahay uu gacanta ku dhigay dooni ay saarnaayeen 29 qof oo looga shakiyey burcad badeeda Soomaaliya, doonidan gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay inay mareysay meel aan ka fogayn xeebaha dalka Somaliya.

Wakaalada wararka ee dalka Ruushka RIA Novosti ayaa sheegtay in ciidamada bada ee Ruushka ee ilaalada ka ah xeebaha dalka Somaliya ay sheegayaan in ay gacanta ku dhigeen markab ay saaran yihiin hubka daraan dooriga u dhaca, hubka fudud iyo rasaas.

Warbixintu waxa ay intaas ku daraysaa in markabka laga leeyahay dalka Ruushka oo ah nooca saliida qaadaha ay khatar geliyeen burcad badeed weerar ku soo qaaday, balse aysan u suurta galin in ay qabsadaan.

Maraakiib ay leeyihiin wadamada Ruush, Japan, iyo gaashaanbuurta NATO ayaa waxa ay u joogaan xeebaha Soomaaliya howlaha la dagaalanka burcad badeeda iyo ka hortagida weerarada ka dhanka ah maraakiibta maraysa biyaha gacanka cadmeed iyo bad weynta India.

Wixii warar ah ee ka soo kordha markabkaasi gadaal ayaan idiinka soo sheegi doonaa.

Axmed Kulan (Jookar)
Togaherer Muqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: