Toggaherer’s Weblog

MA DHABAA IN AY WASAARADA MALIYADU CASHUUR KU SOO ROGTAY AASIDA MAYDKA

Posted on: June 21, 2009

MA DHABAA IN AY WASAARADA MALIYADU CASHUUR KU SOO ROGTAY AASIDA MAYDKA .

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Somaliland, Axmed Daauud ayaa la sheegeyaa inuu soo saaray wareegto cashuur lagaga doonayo qof kastoo ku geeriyooda magaalada Hargeysa, iyadoo meydka qofkaas la aasi karo uun marka la bixiyo lacagtaasi cusub.

Warar aan la xaqiijin oo ku saabsan cashuurta meydka la saaray, ayaa sheegaya inay la xidhiidho shirar xidhiidh ahaa oo ay iskugu yimaadeen wasaaradda Maaliyadda iyo maayarka Hargeysa, kuwaas oo sida la sheegyo guddi u samaystay qaadista lacagtaasi oo gaadhaysa baa la yidhi 100, 000 oo Sh. Sl.

Inkastoo aanay wasaaradda Maaliyaddu arrintan si toos ah shaaca uga qaadin, haddana waxay wararku sheegeyaan in maamulayaasha golaha degaanka Hargeysa iyo wasaaradda Maaliyaddu ay xidhiidh la sameeyeen dadka xabaalaha qodda ee degaanka Hargeysa, kadibna ay ku wargeliyeen in xabaal kastoo laga iibsado ku daraan boqol kun oo Shillin Somaliland ah, haddii kale aanay shaqada xafaariintaasi soconayn qofna aan lagu aasayn xabaasha ay qodaan.

Sida ay sheegeyaan warar ku saabsan cashuurtaasi, oo aan la ogeyn magaca loo bixiyey, ayaa waxay soo shaacbaxday bishan June, kadib markii lacagtaas cashuurta lagu sheegay laga qaaday ehelada dad lagu aasay Hargeysa, iyadoo lacagtaasi sida la sheegeyo lagu fulin doono hawlo lagu qorsheynayo xabaalaha, isla markaana lagu samaynayo nidaam lagu garto marxuumka geeriyooda, iyadoo loo samaynayo lambarro ehelka marxuumka geeriyoodaa ku gartaan xataa haddii ay ka soo wareegto tobannaan sannadood.

Waa markii ugu horreysay ee dalka Somaliland gaar ahaanna degaanka Hargeysa lagu soo rogo cashuur la saaro meydka qofka geeriyooda taas oo u eg wax damiir ahaan aan ku wanaagsanayn dawladnimada, isla markaana caqabad ku noqon karta ehelada waaya lacagtaasi sidii ay u aasan lahaayeen meydkooda.

HAATUF

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: