Toggaherer’s Weblog

GUDIDA JOOGTADA AH EE GOLAHA ODAYAASHA S/L OO KA WAR BIXIYEY KULAMO AY LA YEESHEEN XUKUUMADA.

Posted on: June 21, 2009

GUDIDA JOOGTADA AH EE GOLAHA ODAYAASHA S/L OO KA WAR BIXIYEY KULAMO AY LA YEESHEEN XUKUUMADA.

Kulankii mudeneyaasha golaha guurtida Somaliland ee maanta, ayaa warbixin lagaga dhegaystay guddi joogtada ee golaha guurtida oo ka xog-waramay kulamo gooni gooni ah oo ay la yeesheen masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland.

Kalfadhigii maanta oo uu gudooshuhu ahaa guddoomiyaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaana mudanayaasha golaha lagu war galiyey in warbixn laga dhagaysan doono gudida joogtada ah .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Guddida joogtada ah ee golaha odayaasha Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Xirsi
(Dhugad) waxaanuu yidhi sida tan
“Waxaanu kulan Xog-waraysi ah aanu la yeelanay Wasiirka Kalluumaysiga iyo illaalinta xeebaha dalka, Wasiirkaasi si wanaagsan oo aad iyo aad u fiican ayuu noogu waramay guddi ahaan waxaanu naga saaray waxyaabo badan oo hore oo naloo sheegi jiray. Wuxuu noo sheegay tirada Maraakiibta ku jirta ee ka kalluumaysanaysa xeebaha Somaliland oo uu tilmaamay inay yihiin maraakiib yar yar, waxaanu tilmaamay Wasiirku in Wasaaradiisu ay eegto oo loo keeno nooca shabaagta ay Maraakiibtu ku kalluumaysanayso.”

Gudoomiyaha oo wax ka sheegay kulan ay la yeesheen gudida qandaraasyada Somalilandna waxa uu yidhi “Guddidaasi waanu u yeedhnay waxaanay nooga warameen masuuliyadii qaranku u igmaday, Guddidaasi waxay noo sheegeen in shaqadii ay qaban jireen muddo sanado ah aan waxba la soo marin, oo wax ay dawladu soo iibsato oo la ogaysiiyaana aanay jirin.,” Ayuu yidhi Md. Dhugad, waxaanu intaasi ku daray, “Guddidaasi qandaraasyadu waxay noo sheegeen in shaqadooddii ay meeshaba ka baxday, waxay caddeeyeen inay gaadiidka dawladu iibsanayso aan waxba lagala socodsiin oo ay ogaadaan uun marka suuqa lagu kala qaato. Guddidu waxay sheegeen guryaha dawlada ee la iibiyay iyo hanti kasta oo la iibiyo inaan la soo marin.”

Gudoomiyaha gudida joogtada ah Mr Dhugad wuxuu tilmaamay in dib u dhiskii biriijka labaad ee Caasimada Hargeysa uu u xaniban yahay dhaqaale la’aan, waxaanu golaha ka dalbaday in Guddidii Biriijka Hargeysa loo yeedho, si wax looga weydiiyo halka uu dhaqaalihii maray, waxaanuu yidhi isaga oo tilmaamaya shirkadahaas “Waxaan idiin sheegayaa in shirkadahan madaxa banaan ee Hargeysa jooga shirkad la yidhaahdo Gamuur oo naloo ammaanay oo samaysa laashashka kalluumaysiga, waxaanu u tagnay Warshad weyn Somalilandba u raran, oo waxay samaysaa Laashash aad u fiican. Kalluunka Somaliland lagu cuno shirkadaasi inta ugu badan laashashkii ay samaysay ayaa lagula soo baxaa. Laashashkeedu waa qaar dheereeya haddii Somaliland ay shirkadaasi caawisana waxaabay samayn kari lahayd baan is leeyahay maraakiib dheeraysa oo aan wax iskaga celino,”Kuwaasi waxay ahaayeen hadaladii Dhugad

Sidoo kale waxa uu sheegay xusay in aanay jirin cid taageertay xukuumad iyo Haayadba, marka laga reebo alaab mar ay la soo degtay oo loo sameeyay cashuur dhaaf, waxaanu soo jeediyay in
shirkadaasi aad loola shaqeeyo si looga hor-tago budh-cad badeedda.

Waxaa halkaas mudaneyaasha Golaha looga akhriyey warbixintii Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida, taas oo ay ku wada dhan yihiin waxyaabahaas uu Guddoomiyaha Joogtadu ka hadlay.

Waxbintaas oo dhamaystirani waxa ay u dhignayd sidan:-

“Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida oo ka duulaya qodobka 6aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Guurtida, shaqaynaayayna muddada u dhaxaysa labada Kalfadhi ee 37aad iyo 38aad, muddadaas waxay guddi ahaan la kulmeen Masuuliyiinta;

1-Hay’adda Waddooyinka (Road Authority)

2-Wasaaradda Kalluumaysiga

3-Shirkadda Gamuur (GFG)

4-Guddida Qandaraasyada Qaranka

1-Hay’adda Waddooyinka (Road Authority)

Hay’addan Waddooyinka waxa la aasaasay sanadkii 2000, waxaanay awel ka mid ahaan jirtay W/H/Guud, waxaanay ka kooban tahay laba waaxood;

-Waaxda Farsamada

-Waaxda Dhaqaalaha (Road Fund)

Waxay daryeel ku samaysay Berbera – Kala-baydh. Waxaana bixisay EU meelaha qaar ay kab saareen Berbera ilaa Laascaanood.

Hay’ad ahaan meelo badan baanu wax u raadinay, dedaal badana waanu ugu jirnaa sidii aanu baahida la dareemayo ee dib-udhaca Waddooyinka aanu u dabooli lahayn.

-Waddada Berbera 55% Hay’adda Waddooyinka ayaa bixisay

-Hargeysa ilaa Kala-baydh imika ayaanu gacanta ku haynaa oo shaqadii ka socotaa..

-Mustaqbalkana waxa noo qorshaysan saddex waaxood;

B-Hargeisa ilaa Burco ilaa Oodweyne

T-Burco ilaa Af-madoobe

J- Kala-baydh ilaa Lawya-caddo

Dhanka Biriijka lacagtii lagu qiimeeyay oo markii hore dhammayd $1200.000 oo qoondayntii laga qaaday Dawaldda $350.000, Dadweynaha $550.000, lacagtaasna ay dhiman tahay $300.000 welina qaadhaankii lagu jiro, ilaa hadda waxa dhiskiisu marayaa 60 gud 6 Kaabadood, iyada oo ay dhan yihiin 5 Kaabadood salkoodii, ilaa imikana qaybta la dhisay way adag tahay oo Shubkii sare ayaa la wadaa. Farsamadii ayay ku jiraan, hawsha dhammaystirkeeduna wuxuu ku xidhan yahay Dhaqaale, arrintaasna waxa idiin faahfaahin doona guddida dib-u-dhiska Biriijka oo dhaqaalaha gacanta ku haya.

2-Wasaaradda Kalluumaysiga

Wasaaraddan waxa la aas-aasay sanadkii 1993, waxay ka kooban tahay saddex waaxood oo kala ah;

-Waaxda Maamulka iyo shaqaaalaha

-Waaxda Qorshaynta tababarada iyo cilmi-baadhista

-Waaxda Kalluumaysiga

Wasaaraddani waxay ka hawl gashaa Gobollada Xeebuhu ku yaalaan ee dalka, shaqaalaha ka hawl-galaa waa 83 qof oo intooda badan tayadoodu aad u sarrayso, waxaanay u shaqaysaa laba qaab;

-Dakhli-soo-saar

-U-adeegista Bulshada ku nool Xeebaha, si ay uga faa’iidaystaan khayraadka Badda.

Siyaasadda Wasaaradda:

-Ilaalinta Khayraadka Xeebaha

-Horumarinta Adeegyada kaabayaasha Kalluumaysiga

-Ilaalinta Deegaanka Badda

-Samaynta iyo ilaalinta Shuruucda Kalluumaysiga

-Samaynta sahan-badeedyo, si loola socdo Xaaladda Noolaha Badda

-Bixinta iyo Diiwaangelinta Liisamada Kalluumaysiga

-Dhiiri-gelinta maalgashiga Kalluumaysiga

-Samaynta iyo dayac-tirka Maamulka Xarumaha Kalluumaysiga

Wax-qabadka Wasaaradda muddadii ay jirtay

-Diiwaangelinta Kalluumaysiga Xeebaha Somaliland oo dhan 1847 Kalluumayste

-Diiwaangelinta 367 Laash

-Tababaro 1123 Qof.

-Qalab la guddoonsiiyay Kalluumaysatada, 2310 Shabag oo mid waliba wato 4 Xadhiga, afar Booyadood iyo 12 Miis.

Waxa u qorshaysan Wasaaradda in mustaqbalka ay hawsha sii laban-laabaan. .

Waxa sidoo kale Guddigu la kulmeen Shirkadda Ganacsiga Gamuur oo ka ganacsatada Weelka Biyaha lagu kaydsado iyo kuwa Badaha lagaga adeegto, sida Doonyaha iyo Laashashka. Kuwaas oo faa’iido badan u leh;

-Kalluumaysatada

-Dalxiiska

-Ciidamada Badda

Shirkaddan oo soo saartay Doonyo dhererkoodu yahay 6mitir ilaa 9 mitir, ayaan Doonyahaas looga faa’iidaysan baahida jirta, sababtoo ah;

-Aqoon-la’aan dadka ka haysatada dhinaca Badda iyo qiimaha oo aad u qaali ah, dadkuna aanay iibsan karin.

-Tababar-la’aan dhinaca Kalluunka ah

Waxa loo baahan yahay:

1-In la dhiirigeliyo Kalluumaysatada

2- In loo ilaaliyo wax-soo-saarkooda

3-In loo ilaaliyo Models-ka alaabta oo qiimo qaali ah ku jooga.

3-Guddida Qarandaraasyada Qaranka

Guddidan oo lagu magacaabay Sharci Lambar: 79/96 oo uu soo saaray Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal 16 November 1996, guddi ahaanna ka kooban 7 xubnood oo ka tirsan Waxgaradka aqoonta u leh hawlaha maamulka, una madax bannaan hawshooda, waxay hoos yimaadaan Madaxtooyada JSL. Guddi ahaan, “Anaga oo Qaranka u hayna hawl wayn, haddana Wasaaradaha qaar nooma yimaadaan, sharci ahaan-na waxaanu ku magacaabanahay Digreeto Axdi Qarameed oo Golayaashu weli namay ansixin”

Gebo-gebadii Guddidu waxay Shirguddoonka u gudbiyeen Ajandaha Golaha oo ka kooban 7 Qodob.”

Ina Muuse Aadan
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: